Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Qeybta 1aad p 5-7aad. W/Q Ahmed Hayow

Raage markuu Deeqa ku hubsaday gaariga, ayuu ka soo dhaqaaqay asagoo dib uga fekeraaya sheekooyinkeedi ku saabsanaa wiilasha u soo qortay Araajida, si uu uga qiyaas qaato haddii uu jiro mid kaga rajo roon inuu ku guuleysto Deeqa iyo sida uu ka yeeli lahaa haddii ay ka dhabeeyso inay go’aanka mustaqbalka midka ay la wadaagi doonto inay Deeqa gaarto markay Jaamicad ka baxdo, waayoo Jaamicad sida lagu helaa way adag tahay, sidaa daraadeed haddii ay Dd Jaamicad hesho uu asaga waayo, waxa dhici kara iyo rajadiisu waxay ku dambeeyneeyso.

Raage habeenkaas markuu sariirtiisi tegay, wuxuu ka seexan waayay feker iyo walaac ay ku abuurtay Deeqa iyo cabsi badan oo ay uga tagtay, mabdi’iisi ahaa {Halgan, Adkeysi iyo Guul} waxaa dhexda u maraayo Halganki, kaasoo aan weli u dhammaan ilaa ay Deeqa ka geeyso gurigeeda ama ay ugu yaraan soo tusto, middaas oo ah mid uu ugu sii dhawaanaayo, waxaa kale oo ayadana muhiim ah haddii ay Deeqa ka codsato inuu gurigiisa soo tuso oo ah midda ugu sii rajada fiican, hadda Raage waxay bil iyo ka badan ku qaadatay shaneemada caawa ay u raacday iyo inay agtiisa ka laafyooto.

Deeqa weli ma’aanay arag wiil ka dhursugaaya oo ka degan Raage, haddana way ogtahay inay saameyn ku leedahay, laakiin weli si fiican inaanu u tallaalneyn ayay qabtaa, waayoo uma calaacalaayo sida wiilasha kale, kuwaas oo qaarkood ay ilmo ka soo daadato, wiilashaas sida ay u tuugtamaayaana Raage uma tuugtamaayo, hal mar ka badana ma waydiinaayo waxa ay ka damacsan tahay xiriirkooda, laakiin wiilasha intooda badan waxaaba salaan u ah (maxaad ii haaysaa) iyo (arrinteeydi ka waran) xataa haddii ay wakhtiga ku fogeeysay Raage weli wuu soo taagan yahay.

Deeqa waxay is tiri (kalsooni ayuu isku qabaa inuu guuleeysanaayo, haddii uu guuleeysana wuu qanacsan yahay) waxay aamintay inuu yahay wiil adag oo hal adag, waxayna ka baqday xasuusta ay Raage xasuusaneeyso inay tahay dareen ku soo biiray nafteeda.

Maalinti ugu dambeeysay xiritaanka Xalane, ayay Yaasmiin waydiisay “Deeqa adiga iyo Rr waxaa laydinku wada qoray Gurmadka Guulwadayaasha, sidaa daraadeed, ma laga yaabaa inuu saaxiibkaa Rr ku faraxsan yahay?” Deeqa oo la yaabtay hadalka Yaasmiin ayaa waydiisay: “saaxiib maxaay ah! ayaan nahay aniga iyo Rr?” gabdhihi intay wada qosleen ayay Yaasmiin tiri: “ma ogid miyaa inaad habeenki ku qarowdid wiilkaas?” Deeqa intay xanaaqday ayay tiri: “walaal Yaasmiin, haddii aad dan ka leedahay Rr wuu kuu fasaxan yahay” Yaasmiin ayaa tiri: “Dd, walaal ma iga xanaaqday?” waxaa wada qosleen Shamso iyo Cibaado oo markaa tiri: “Dd, walee magic fiican ayuu kuula baxay wiilkaas” Deeqa ayaa tiri: “Deeqa Degan oo ka fiican ayay reerkeeygu iila baxeen” waxaa Deeqa hadalki ka hakiyay qosol ay gabdhihi wada qosleen, markaa ayay Shamso tiri: “Deeqa Degana, waa Dd kale” Yaasmiin ayaa tiri: “Deeqa haddii aadan ku jirin Rr, goor hore ayaan isku tuuri lahaa” Deeqa ayaa tiri: “ileyn maanaan garan, waxa aad iigu amaani jirtay waa sidaas” Yaasmiin ayaa isku difaacday: “maya, sida aad maaday maaha, waxaan rabay inaanu midkeen ka fakan Mr.Rrka” Deeqa ayaa tiri: “Abaayo yuu kaa fakan hadda”.

Deeqa sababta ay Raage ugu dhihi jirtay Yaasmiin ayaa ku jecel, waxay aheyd inay u amaani jirtay asaga, laakiin maanta ayay heshay beenti ay saadaalin jirtay runteeda, markaa Yaasmiin ayaa tiri: “waa u fasaxanahay Rr soow maaha?” Deeqa intay wejiga Yaasmiin fiirisay ayay ku tiri: “aniga wax dan ah oo iiga xiran wiilkaas majirto” Shamso ayaa tiri: “walaal Deeqa, saaxiibteen Yaasmiin way kugu dhajisay wiilkaas, laakiin haddii uu fasax kaa yahay oo aadan xiriir wada yeelan, waxna aadan ka qabin, Yaasmiin way geli kartaa soow maaha?” Deeqa ayaa tiri: “weliba Rr wuu ogyahay inay Yaasmiin jeceshahay” Yaasmiin oo hadalkaa la yaabtay ayaa tiri: “muxuu ogyahay? inaan hee!” Deeqa intay xishootay ayay tiri: “inaad taageersan tahay oo aad ii ammaanto ayaan u sheegay” Cibaado ayaa tiri: “taas waa caadi, laakiin aniga iyo Shamsana maxaad ugu sheegi wayday Mr.Rr inaan kuu ammaano?” Deeqa ayaa tiri: “waayoo idinka waad meeleeysan tihiin” Yaasmiin waxaa gashay baqdin ah inay Deeqa run ka aheyn fasaxa, markaas ayay tiri: “Raage haddii uu dumaashigeey yahay oo aad mustaqbal ka wada sheekeeysataan, ma damcaayi dugaashigeey, waxayna u badan tahay inuu Raage ku jecel yahay, adigana aad u tixgelisid middaas oo aad siisid mudnaan gaar ah, marka aniga boos iigama bannaana wiilkaas”.

Sheekadaas Deeqa way ka seexan wayday habeenkaas, waxayna ku walaacday inay Yaasmiin ku eryato Raage iyo in kale, taas waxaa uga darnaa in aanay weli meel dheer wax geysan iyo dagaalka ku soo fool leh, waa marki ugu horeeysay ay Deeqa ka shakiso in laga guuleysto, ugu dambeyn waxay go’aansatay inay cagta cagta u saarto damaca Yaasmiin ilaa ay ka dhabeeyso qiimaha ay leedahay quruxdeeda.

 

6.

Marki ay wada kulmeen Dd iyo Rr ayay Deeqa ku tiri: “Raage walaal Boondheere xagee ka degan tihiin?” intuu Raage niyada ka farxay ayuu yiri: “Shanta Geed” wixii ka dambeeyayna wuxuu ka sugaayay maahine wax kale ayay u gashay,waxayna ku tiri: “fasaxaan reerkeenu waxaan aadeeynaa Leego, inta laga gaaraayo Gurmadka in loo soo xaadiro” Raage ayaa waydiiyay: “Leego ma tii Walaweyn u dhaweyd?” Deeqa ayaa tiri: “haa, waan u caano doonaneeynaa” wuxuu ku yiri: “waa ok, laakiin waxaan rabay inaan dhigano xaflad, marki aan Xalane ka baxno” Deeqa ayaa waydiisay: “adiga iyo yaa kale?” wuxuu ugu jawaabay: “asaxaabta oo dhan” waxay ku tiri: “oo oo ma saaxiibadaa” wuxuu ka codsaday: “soow nagala soo qeyb geli maysid?” waxay ku tiri: “waan kuu sheegay inaan Leego aadeeyno” wuxuu waydiiyay: “Jimcaha kadib soow ma baxeeysaan?” Deeqa oo aan dhihin haa iyo maya ayuu u raaciyay: “habeenka Jimcaha ayaan qorsheeynay xafladda” kadib ayay Deeqa ka ogolaatay inay ka soo qeyb gasho, waxayna ku ballameen Shabeele inay habeenkaas ugu tagto.

Waxaa si qurux badan loo soo xiray Dugsiga Tababarka Xalane, habeenkaas waxaa ka heesay fanaaniin waaweyn,waxaa ka hadlay madax fara badan oo ka soo qeybgashay, waxaana is macsalaameeyay ardaydi isku baratay oo lagu kala qoray meelo kala duwan, habeenkaas wuxuu ahaa kii ugu mashquulka badnaa ee Deeqa soo mara, waxaa meel kasta uga hor imaanaayay mid jawaab ka raba iyo inuu ogaado natiijada kama dambeysta ah, xataa Raage oo la fadhiya Tiyaatarka xaflada xiritaanka ayay hortiisa ku waydiiyeen wiilal badan, wuxuu Raage fahmi waayay sababta ay Deeqa ugu carab laalaadineeyso mid kasta oo aanay u siineeynin go’aan cad, markaa ayuu ku yiri: “D walaaleey waxaan garan la’ahay sababta aad haa ama maya ugu dhihi la’dahay mid kasta oo jawaab kaa sugaaya!” Deeqa ayaa ku tiri: “waan kuu sheegay haddii aad xasuusato, waxaan kugu iri: (Jaamicad ilaa aan ka boxo, magaari karo go’aan) mid aan ogeyna majiro oo aan sidaa ku dhihin, Raage ma garatay walaal?” kadib waxay ka baqday inaanu weli bislaanin, markaas ayay indhihiisa fiirisay oo ku tiri: “walaal miyaan kugula khaldanahay?” wuxuu ku yiri: “qofku wuxuu sugi karaa waxa uu hubo, haddii uu haaysto damaanadqaad fiican, wuxuu helaa rajo uu ku sugo calafka, calafkaas oo aan laftiisa la hubin in la cunaayo iyo in kale, laakiin waxaa dhib ah inaad sugto wax aadan ogeyn inay kuu soo socdaan iyo in kale, intaanba la gaarin inaad iscalfataan iyo in kale” wuxuu Raage u raaciyay: “waxaa iiga daran sugidaas, haddii aan Jaamicad helin oo aad adiga gasho, waxa uu noqonaayo masiirkeeyga” Deeqa oo jawaab u la’eyd su’aashi hore ayaa intay qososhay waxay ku tiri: “walaal kuma dhihin intaan Jaamicad ka soo wada baxno, laakiin waxaan ku iri, intaan Jaamicada ka soo baxaayo oo aan waxbarashadeeyda ka dhammeeysanaayo” Raage wuxuu hadalki kaga dhex galay: “taas mecneheedu waa kuma xirna inuu Jaamicad helo ama waayo” waxay ku tiri: “meeqa dumar ah oo barafasoorad ah oo aan nimankoodu xataa dugsi sare ka soo bixin” Raage intuu indhaha isku qabtay ayuu Rabbi ka megen galay inuu kuwaas ka midnoqdo, waxaa u sawiran inay Deeqa wadada kaga dhaqaaqeeyso haddii uu helin Jaamicad, markaa ayuu ku yiri: “taas waxaa ka fiican inuu ninku barafasoor yahay” Deeqa ayaa ku dooday: “oo waayo, maxaad ugu diideeysaa dumarka?” wuxuu ku yiri: “uma diidani, laakiin Aabaha ayaa laga rabaa inuu reerka dhaqo” Deeqa oo mowjada bedeshay ayaa tiri: “berrito marka aan ka guureeyno Xerada, waa is raaceeynaa” Raage ayaa si kalsooni ah u yiri: “diyaar” waxay Deeqa u raacisay shardiga is raacida oo ay tiri: “waa haddii aanu Aabe ii imaan oo ii sheegay inay shaqadu ku badan tahay” Raage wuxuu hoosta ka yiri: (shaqada ha kugu badato) markaas ayuu yiri: “haddii aanu kuu imaan, anigaa kuu qaadaayo Alaabta” Dd intay qososhay ayay tiri: “waad ku mahadsan tahay middaas” Raage wuxuu guriga Deeqa inuu tago fursad ugu helay Xamaalinimo, taasoo soo dedejisay baahi ay Deeqa u qabto, inkasta oo uu abaal ugu haayo inay asaga u xulatay inuu Alaabta la qaado.

 

7.

Raage oo boorso weyn kor u sida iyo Deeqa oo laafyooneeysa ayaa ka soo galay Albaabka gurigooda, waxaa Alalaas ku dhufatay ayeeyadeed Muxubo oo deyrka guriga fadhiday, Raage markii uu dejiyay boorsadi ayay ayeeyo Muxubo tiri: “waa marki iigu horeeysay oo aan arko gabadheeyda Deeqa Degan oo wiil gayaankeed ah la laafyooneysa” waxay ku dartay: “Deganeey wiilka isku Iskuul miyaad tihiin?” Deeqa ayaa tiri: “ayeeyo waxaan iskula jirnay Xalane oo alaabta ayuu ila soo qaaday” Deeqa Hooyadeed Aamina ayaa tiri: “maandhoow soo fadhiiso oo biyo cab” Raage ayaa ku yiri: “eedo waa dhawahay, laakiin waan sii baxaa” Raage magiciisa markii la waydiiyay ayay Deeqa tiri: “Raage ayaa la dhahaa” kadib ayay Raage ku tiri: “Rr walaal marka hore wax cab inta aadan bixin” ayeeyo Muxubo ayaa tiri: “Degan halkan ii soo fadhiiso, wiilkana kursi haloo keeno” markay Deeqa ag fadhiisatay ayay ayeeyo Muxubo tiri: “Deeqa muxuu yahay magaca aad wiilka ugu yeertay?” Raage oo ku fadhiistay kursi loo dhigay agtooda ayaa yiri: “ayeeyo, Raage Rooble ayaa layiraahdaa, Rrna waa labadaas oo la soo gaabiyay, waana magac ay Ardadu iila bexeen” Deeqa ayaa sii raacisay: “ayeeyo waa Mmj oo kale, Maxamud Maxamed Jaamaca Raadiyaha ka hadla” wax yar kadib, ayeeyo Muxibo ayaa guriga ka gashay, markaas ayuu Deeqa ku yiri: “waa iga qarisay magaca Deeqa Degan oo Dd kala ah” Deeqa intay qososhay ayay ku tiri: “waa magac ay iila baxday ayeeyadeey oo guriga la iiga yaqaano” kadib ayay waydiisay: “soow majiro magac sidaas oo kale ah oo gurigiina lagaaga yaqaano?” wuxuu ku yiri: “maya, laakiin marki aan yaraa ayay ardada aan wada dhigan jirnay dugsiga Quraanka, waxay iigu yeeri jireen Rooraaye, waayoo waan orod badnaa marka aan ciyaareeyno” Deeqa ayaa tiri: “taasna waa Raage Rooraaye, waana Rr” waxay sii raacisay: “hadda malaga yaabaa inaad ii soo jeesto haddii aan Rooraaye kuugu yeero?” wuxuu ku yiri: “waa laga yaabaa, laakiin waxaan soo xasuusanaa waageeygi dugsi Quraanka” waxaa loo keenay cabitaan iyo buskud lagu soo shubay saxan, markaa kadib ayay Deeqa dhaweeysay ilaa uu wadada gaari ka raaco.

Nasiib xumo ma suurta gelin xafladi lagu waday inay ardaydu ku dhigtaan Boondheere, kadib marki ay ka diideen waalidoontood inay xaflad dhigtaan, waayoo cabsi xoog leh ayaa ka jirtay magaalada oo la dhacaayay gawaarida 4wd ah sidda Land Crouserka iwm, waxaana habeenadi dhacaayay dilal fara badan, sidaa daraadeed ayay Waalidiintu uga baqeen inay dhibaato ka dhacdo Xafladda, waxaa muuqday saansaan aan fiicneyn iyo dhiilo colaadeed, waxaana habeenada intooda badan la maqlaayay xabado dhawaaqooda iyo dhawaaq aad moodid miino qaraxday.

Maadaama uu isbedelay qorshihi xafladda, Raage wuxuu ku khasbanaaday inuu Deeqa u tago galabti Khamiista si uu ugu sheego inay wax iska bedeleen barnaamijki xafladda, markii uu yimid guriga Deeqana waxaa loo sheegay inay raacday gabdho saaxiibadeed ah oo u yimid, markuu waydiiyay goorta ay soo noqoneeysana waxaa lagu yiri nooma sheegin goorta ay imaaneeyso, Hooyo Aamino oo ka dareentay Raage wejigiisa welwel ayaa waydiisay wuxuu ka rabay Deeqa, Raage ayaa ku yiri: “waxaan rabay inaan u sheego xaflad aan caawa u dhigan rabnay xiritaanka Xalane inay baaqatay” Hooyo Aamina ayaa tiri: “ma xafladi ay dharka cusub u soo iibsatay ayaa baaqatay?” Raage ayaa yiri: “dhammaan waalidiinteena ayaa diiday inaan xaflad dhigano cabsi jirta aawgeed, sidaas ayay ku baaqatay” Hooyo Aamina ayaa ku tiri: “anigaa u sheegaayo Deeqa marka ay timaado” Raage wuxuu ka soo tegay asagoo ka xun inaanu arkin Deeqa, waayoo haddii uu arki lahaa waxaa suurtagal ahaan laheyd inay qorshe kale yeelan lahaayeen, xataa shaneemo ha noqoto ay wada aadaan ama wax uun u suurta geliya inuu ka ag dhawaado qofta naftiisa qancisay, wuxuu dhowr jeer gadaal u soo fiiriyay guriga Deeqa, kaasoo aan lagu laaban karin marba haddii ay hooyadeed ku tiri: “anigaa Deeqa u sheegaayo” majirto sabab loogu laabto baahi kasta oo loo qabo in Deeqa la arko, sidaa daraadeed wuxuu go’aansaday inuu wadadooda ka ilaashado, bal inay Deeqa soo marto ayada oo u socota gurigooda, Raage wuxuu billaabay inuu ku dhex gaardiyo agagaarka guriga Deeqa si uu u ilaashado gees kasta oo laga soo geli karo guriga, cabbaar kadib ayuu gadaashiisa ka maqlay qof ugu yeeraayo: “Rooraaye, Rooraaye, Rooraaye soow maahid?” markuu soo jeestay wuxuu arkay wiil ay isku dugsi Quraan ahaayeen oo la yiraahdo Jamaal, kaasoo lagu naaneesi jiray Dooli, Raage markuu gartay ayuu yiri: “saaxiib Dooli ii waran?” wuxuu sii raaciyay: “waa aniga Raage Rooraaye laftiisi”.

Jamaal Dooli wuxuu ku fiicnaa dabaasha, wiilasha asaagiis ah marka ay ku dabaalayaan mool kheyrto ama mool dooro, wuxuu Dooli geli jiray geel-liq, markay geel-liq u soo gudbaana, wuxuu geli jiray fiinta oo ah badweynta, Jamaal Dooli geesi lala yaabo ayuu ahaa dhanka badda, kama baqi jirin inuu biyo cabo ama ku dhinto moolka uu isku tuuri jiray, wuxuu sanad ama labo ka weyn yahay Raage, waxbarashada wuxuu uga tegay fasalka 8aad, kadib markuu darawal ka noqday gaari kostar ah oo ay reerkoodu leeyihiin, gaarigaas oo ka shaqeeya Ceelgaab ilaa Wershedda Sigaarka iyo Taraqa, muddo badan isma arkin Raage iyo Jamaal, sida ay u kala guureen oo wakhti hore ayaa isugu dambeysay, Dooli ayaa yiri: “mar waxaan isdhahay Rooraaye miyaa! marna waxaan isdhahay iska hubso, saaxiib warka i sii, reerkana iiga waran” Raage ayaa ku yiri: “waa la fiican yahay saaxiiboow, halki aad nagu ogeyd ayaan weli deganahay” markay iska wareysteen xaaladaha guud, kadib ayuu Dooli oo dareemay inuu Raage jeejeesanaayo oo dhinacyada fiirinaayo, ayuu ku yiri: “saaxiib maxaa kaa soo lumay?” Raage markuu u sheegay wuxuu meesha u yimid ayuu Dooli ku yiri: “waa laguu yaqaan Deeqa, laakiin adiga maba taqaanid miyaa Deeqa Daahir?” Raage ayaa yiri: “aqoon xagee ah!” Dooli ayaa ku yiri: “ma xasuusataa Cabdinaasir, wiilki dugsiga Quraanka nala dhigan jiray?” Raage ayaa intuu afka qabsaday wuxuu yiri: “haaaaa kaas miyay ladhalatay?” Dooli ayaa yiri: “maya, laakiin jidkaan ayuu sidi qof waalan u marmaraa” Raage oo aan weli hadlin ayuu Dooli yiri: “saaxiiboow haddii aad aragto Cabdinaasir waa ka nexeeysaa, ma aqaan waxa kaa soo galay gabadhaas, laakiin socsocodkaagi badnaa iyo su’aashaadi Deeqa kuma farxin” Raage oo Dooli wuxuu sheegaayo layaabay, isla markaana ay cabsi weyn gashay ayaa yiri: “Deeqa waxaan u sheegi rabay xaflad aan Boondheere ku qabnay inay baaqatay, xafladaas oo aan u dhiganeeynay Xalane oo noo soo dhammaaday, laakiin waxaa la ii sheegay inay maqan tahay, sidaa daraadeed ayaan islahaa armaad aragtaa” Dooli oo farxay ayaa garabka ka qabsaday oo ula dhaqaaqay dhanka gurigooda oo ka durugsan guriga Deeqa, wuxuu ku yiri “wallaahi saaxiiboow ninki Cabdinaasir ahaa gabadhaas dhulka ayay ku jiiday, asagana dhulka ayuu u jiifaa ilaa hadda” Dooli oo weli sii hadlaayo ayaa yiri: “markaan ku arkay waxaan galay dukaanka, waa ku fiiriyay, haddana waa ku fiiriyay, waxaan is iri: (Cabdinaasir kale miyaa kana) misana haddii aan si fiican kuu sii fiiriyay waxaad ila noqotay Rooraaye, laakiin hadda aniga gurigeeyga ayaan tegeenaa, kadibna anigaa kuu soo wacaayo Deeqa, waayoo waa i taqaanaa wax badan ayaan ka tuugay inay Cabdinaasir wax la qabato, ilaa ay hadal gar ah ii sheegtay” Raage ayaa ku yiri: “maxay ku tiri?” Dooli ayaa yiri: “waxay igu tiri: hadda diyaar uma ihi sheekadaas, ilaa aan Jaamicad ka soo boxo, waana gar midaas, laakiin saaxiiboow uma maleeynaayo saaxiibkeen oo waxbarasho ka tegay goor hore sidi aniga oo kale, inuu helaayo gabartaas oo Jaamicad ka soo baxday, balse amar Alle masheegin” Raage wuxuu galay diyaargaroow ah siduu Jaamicad ku heli lahaa, markuu Dooli intaas u sheegay, wuxuu helay digniin ah Deeqa inaysan rabin nin aan Jaamicad ka soo bixin.

 

La soco qeybaha dambe

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.