Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Qeybta 1aad P 8-10aad. W/Q Ahmed Hayow

Jamaal Dooli isma arki laheyn Raage, haddii aanu gaariga ka haleysnaan lahyn oo aanu garaash kaga jirin, wuxuu Raage geeyay gurigiisa, marki ay reerka isi salaameen kadib oo ay casiriyo wada cabeen, ayuu Dooli yiri: “Raage haddii aad rabto waa israaceeynaa, haddii kalana guriga igu sug, anigaa shan daqiiqo Deeqa ku keenaayo” Raage ayaa yiri: “waxaan ka xishoonaa hooyadeed oo aan wada hadalnay” Raage oo wuxuu ku sii cudurdaarto haaynin ayuu Dooli yiri: “saaxiib iska istareex, anigaa Ina Daahir dhegta soo qabanaayo, mana u sheegaayo inaad ila joogto” waxaa la yiraahdaa {Libaax Nin aan aqoon ayaa Lax ka rita} Jamaal Dooli wax dan ah kama laha Deeqa, wuxuu ogyahay rafaadka haaysta Cabdinaasir, Deeqana way ogtahay inuu Dooli candhuuftiisa gadaal u liqay, diyaarna u aheyn inuu shukaansado iyo inuu afhayeen u yahay Cabdinaasir, sidaa daraadeed ayay u tixgelisaa Jamaal uguna kalsoon tahay xataa inay gurigiisa u raacdo, inkastoo ay diidmo ka horkeentay, markuu la kulmay ayadoo gurigooda sii geleysa, laakiin marki ay gudaha wada galeen, asagoo raba inuu soo wado iyo ayadoo diidan, ayay hooyadeed ku salaantay inay baaqatay Xafladi ay aadi laheyd, Deeqa ayaa tiri: “hooyo yaa kuu sheegay? mise inaad guriga igu celiso ayaad rabtaa?” hooyo Aamina oo magaca Raage ka qarineeysa Dooli ayaa ku tiri: “Rr midki aad laheyd ayaa ii yimid, wuxuu ii sheegay in waalidiintu ay diideen cabsi aawgeed” Dooli wuu ka warqabaa inay Islaanta iyo Raage is arkeen, laakiin wuxuu u qaatay magacaan Rr in laga wado Raage Rooraaye oo laga dhigay Rr, ileyn marki ay dugsiga wada dhiganaayeen Raage Rr looma aqoon, Deeqana intay iska dhigtay dharki cusbaa ay ku maqneyd soo tolistiisa, ayay Dooli soo raacay ayadoo u qaadatay inuu u wado Cabdinaasir, waxay ku tiri: “Jamaal kuma qancin miyaa waxaan kugu iri?” wuxuu ku yiri “sheekadaas kuuma wado” Deeqa intay istaagtay ayay tiri: “oo maxaad iga rabtaa marka?” Dooli intuu ka daba istaagay ayuu ku yiri: “nakeen adigaa la yaabidoonee” waxaa soo wada dhaqaaqay Deeqa oo la yaaban wuxuu u wado iyo Dooli oo ka fekeraaya fariinta uu Raage u soo dhaafay Deeqa hooyadeed iyo baahida uu u qabo inuu arko una sheego baaqashada xafladda.

Rr oo kaligiis ku fekeraaya qolki Dooli deganaa, asagoo marna sawiranaaya Cabdinaasir oo raama leh oo warwareegaaya Deeqa xaafadooda, sidiisa oo kale inuu noqdana ka baqaaya, ayuu ku naxay marki ay u soo galeen Deeqa Degan iyo Jamaal Dooli, markaas intay Deeqa fiirisay Raage ayay tiri: “Alla waa Rr, miyaad taqaanaa Jamaal?” kadibna intay salaantay ayay agtiisa fadhiisatay, Raage ayaa yiri: “Jamaal yaraanteeni ayaan isku dugsi Qoraan aheyn” Deeqa ayaa tiri: “Jamaal waa saaxiibkeeyga koowaad aan leeyahay, waana jeclahay oo sidi walaalo ayaan nahay” Jamaal oo meesha taagnaa ayaa wuxuu qiyaastay inuu Rooraayana ku jiro shabaqa Deeqa, markaas ayuu isku dayay inuu u firaaqeeyo xoogaa si ay isku wareystaan, laakiin Raage ayaa ku yiri: “saaxiib intaan Deeqa u sheegi lahaa waa loo soo sheegay, laakiin inaan uga cudurdaarto arrinta dhacday ayaan rabay maahine wax kale majiraan” Deeqa ayaa tiri: “waa runtiis Rr, laakiin haddii ay baaqatay xafladi soow shaneemo iskama aadi karno?” Raage oo ay taabatay halkuu u bukay ayaa yiri: “bun haddii lawaayo, beddelkiisa lama waayo, waxaan xaflad ka dhiganeeynaa Filin” Deeqa ayaa tiri: “Jamaal soow nama raaceeysid?” Jamaal ayaa yiri: “maya, indhaha ayaan kala celin la’ahay oo filin ma fiirsan karo” ilfuurkina sidaa ayuu uga haray.

Waxay Deeqa aaday gurigooda si ay isu soo diyaariso, waxaana la yaabtay hooyadeed marki ay aragtay dharki ay meel ku tuurtay inay dib uga soo qaaday oo ku labisaneeyso, markaa ayay ku tiri: “haddana xafladan loo labisanaayo xageey ka timid?” Deeqa ayaa tiri: “hooyo xaflad maaha, waa shaneemo” hooyo Aamina ayaa ku tiri: “naa hooy cabsi baa jirtee soo dhakhso”.

Dooli waxba kama waydiin saaxiibkiis arrinta Deeqa, waxay ka wada sheekeysteen waayo waayo iyo inuu ugu yimaado guriga.

 

9.

Waxaa leysla gartay in la aado shaneemo Somalia, Raage wax go’aan ah malaha aan ka aheyn inuu fuliyo amarka ka soo yeera Dd, waxaad moodaa inay caawa ka furfuran tahay intuu arki jiray, marka laga reebo habeenki iskugu horeeysay ay isbarteen, intay shaneemada u sii socdeen ayay Deeqa ka baartay Raage inuu Jamaal u sheegay Cabdinaasir iyo in kale, waxay tiri: “Jamaal sirteeyda oo dhan ayuu la socdaahe wax ma kuu sheegyay?” wuxuu yiri: “oo maxay ah!” waxay tiri: “saaxiibkaa wax ma iiga kaa sheegay? yacni aniga xageeyga maka sheekeeysateen” wuxuu yiri: “Jamaal uma sheegin inaad arji ii haayso” waxay tiri: “been baad sheegeeysaa, waayoo indhihiisa ayaan ka akhristay, markuu igu lahaa waan hurdeeysanahay, sababtoo ah maba shaqeyn shalay iyo maanta oo gaariga ayaa ka jabnaa, asagoo shaqa ka yimid ayuu meesha aan rabo ii raaci jiray” wuxuu ku yiri: “haddii aad iga beensatay inaan waxba u sheegin, maxaad ku aamineeysaa inay run tahay?” waxay tiri: “ma garanaayo, laakiin muxuu nooga haray, haddii aadan wax isu sheegin?” Raage oo aan hadlin ayay waydiisay: “mataqaan wiil la yiraahdo Cabdinaasir?” Raage ayaa yiri: “muddo badan ismaan arkin, haddii uu yahay Cabdinaasirka aan isku dugsiga aheyn” Deeqa waxay tiri: “waan gartay inaad iga sheekeeysateen adiga iyo Jamaal” Raage intuu qoslay ayuu uga sheekeeyay, galabta markuu gurigooda yimid ilaa ay Jamaal iska arkeen, kadib ayuu yiri: “markuu Jamaal ii sheegay xaalada Cabdinaasir, ayuu kadib iiga soo tegay gurigiisa anigoo sugaaya inuu ku keeno” wuxuu sii raaciyay: “marki aad soo gasheen, waxay niyadeeydu ku maqneyd sida ay ugu baahi qabtay aragtidaada inay la mid tahay Cabdinaasir, kaasoo aan sidiisa oo kale kaaga sugaayo haa ama maya, anigoo sidiisa oo kale ugu meereeysanaayay gurigaaga, haddana waa naxay markaan ku arkay, waana garan waayay sababta aan uga naxay weji aan u baahnaa inaan arko” waxay galeen Filinki, kadib markay fadhiisteen ayay Deeqa tiri: “ma kuu sheegay Jamaal sababta aan Cabdinaasir ugu meer meeray” Raage ayaa ka dhexgalay hadalka oo yiri: “hore ayaan kuugu sheegay in aanay macquul aheyn inaad sugto wax aadan hubin, lagana yaabo inay shuruudo wataan” waxay tiri: “Rr, yaa shuruud kale kugu xiray?” wuxuu yiri: “qofka haddii maya la dhoho, dhibaataba haku ahaatee wuu iska baxaa , haddii waa yahay lagu yiraahdana wuxuu kugula joogaa kalsooni iyo inuu mar walba kula sheekeysto” Deeqa ayaa waydiisay: “soow hadda shaneemo kuuma soo raacin oo kulama sheekeeysanaayo?” Raage intuu dhafoorada qabsaday ayuu hoos u jeestay, Deeqa ayaa tiri: “Rr madaxa miyaa ku xanuunaaya?” intuu qoslay ayuu yiri: “Deeqa weligaa wax ma jeclaatay?” waxay ku tiri: “haa, waan jeclaaday” Raage intuu yaabay ayuu xageeda u soo jeestay, markaa ayuu ku yiri: “ii waran, yaad jeclaatay?” waxay tiri: “oo aan waalidkeey iyo walaalaheey ka aheynaa?” Raage intuu yaabkiisi dib ula noqday ayuu yiri: “waxaad ii sheegeeyso inaad jeclaatay qoyskaaga miyaa!” Deeqa oo rabta inay si fiican uga sii yaabsato ayaa tiri: “mid qoyskeeyga ka baxsan ayaan jeclaaday” markale ayuu Raage dib u soo hinqaday, wuxuuna ka dalbaday: “midkaas aad jeclaatay iiga sheekee” Deeqa ayaa tiri: “maxaan kaaga sheekeeyaa, ileyn maba u sheegin inaan jecelahaye” Raage ayaa yiri: “maxaad ugu sheegi waysay?” waxay tiri: “ma rabo inaan u sheego” wuxuu ku yiri: “sabab” waxay tiri: “lama gaarin xiligi aan u sheegi lahaa” Raage oo raba inuu ogaado midka ay jeceshahay ayaa yiri: “midkaasi waa kee?” waxay tiri: “ma kuu sheegi karo” Raage oo ka xumaaday ayaa yiri: “bilaash ayaan wakhtiga iskaga lumineeynaa, marba haddii uu jiro mid aad jeceshahay” Deeqa oo ka baqday inuu Raage ka tago ayaa tiri: “barashada aan ku bartay waan ku faraxsanaa, laakiin caawa waxaad iigu timid inaad igala laabato” Raage oo dareenkiisa muujinaaya ayaa ku calaacalay: “haddii ay naftu ii saamexeeyso inaan la laabto, way ii fiicnaan laheyd” waxay ku tiri: “sida aad naftaada ugu khasbi karin oo kale, ayaan taydana ugu khasbi karin inay gaarto go’aan aan wakhtigiisa la gaarin” kadib waxay aragtay inuu Raage fiirsanaynin filinka oo uu hoos u fekeraayo, markaa ayay niyada ugu dhistay: “majiro wiil i shukaansaday oo weli shaneemo ii soo raacay oo aan adiga aheyn” Raage oo madaxa kor u soo qaaday ayaa yiri: “xataa midka aad jeceshahay kuuma soo raacin miyaa?” Deeqa oo aan su’aashaa ka jawaabin, ayaa tiri: “mana jiro mid i shukaansanaaya oo aan gurigeena geeyay oo aan adiga aheyn” Raage oo aamusan ayay la soo booday: “laakiin maxaad gurigiina ii soo tusi wayday?” Raage oo wuxuu sheego garan la’ ayaa yiri: “Wallahi yaab ayaad leedahay, ma garanaayo waxaad iga damacsan tahay,marki aad diyaar u tahay ayaan ku soo baraa gurigeeyga” waxay ku tiri: “markaan Leego ka soo laabano soow ima geeyneeysid?” Raage oo islahaa berri ayay ku dhihi doontaa ayaa yiri: “ma marki aad Leego ka soo laabataan, goormeed soo laabaneeysaan?” waxay tiri: “ma aqaan, laakiin soow ima soo bareeysid gurigaaga?” wuxuu ku yiri: “waa khasab, laakiin berri ayaan ka jeclaa marki aad Leego ka soo laabataan” waxay tiri: “ma berridaan ayaad i soo bareeysaa?” Raage ayaa yiri: “sida aan jecelahay ayaan kuu sheegay” Deeqa ayaa tiri: “adiga oo aan iga dalban inaad gurigaaga i soo barto, ayaan anigu ku waydiistay, haddii aan jecleyna kuma waydiisteen” Raage oo garwaaqsaday warkeeda ayaa yiri: “waa runtaa, laakiin waxaan ka hadlaayay xilliga aad rabto inaan ku soo baro iyo midka aan aniga jecelahay” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “xilliga aad jeceshahay ayaan ka dhiganeynaa, laakiin waxay noqobeysaa wakhti yar oo barasho uun ah, waayoo safar ayaan isku diyaarineynaa maalintaas”.

Raage habeenkaas wuxuu shaneemada ka soo baxay, asagoo marna raja beel ku dhawaada, marna ku farxa inuu u dhammaaday halganki marba haddii ay Deeqa soo baraneeyso gurigiisa.

 

10.

Raage wuxuu isu diyaariyay soo dhaweynta Deeqa Daahir oo ay ku balameen inay 4ta galabnimo ugu timaado Hotel Shabeele hortiisa, halkaas oo ah meeshi ay ku kulmeen habeenki ay shaneemo Musuyooni wada galeen, maalinti oo dhan wuxuu ku jiray nadaafada guriga, hooyadiisna wuxuu u sheegay inay u imaaneeyso gabar ay Xalane iskala soo bexeen, gabadhaasoo gurmadka guulwadayaasha ay iskula qoran yihiin si cashada loogu tala galo martida soo socota, hooyo Khadiijo ayaa intay wiilkeeda ku soo dhawaatay, waxay ka dhunkatay labada daan, ayadoo ku faraxsan inay tahay marki ugu horeysay ay ka maqasho inay gabar u imaaneyso, wiilasha ka waaweyn oo kala ah Maxamed iyo Xasan, weligeed kuma arag gabar ay ka hadlaayaan iyo guur toona, haddii lagu soo hadal qaadana waaba ka xanaaqaan, waxayna ku doodaan inay weli gaarin wakhtigi ku haboonaa guurka.

Qorshaha Raage waa inay ka wada casheeyaan gurigiisa, kadibna ay shineemo wada galaan, marki ay ka baxaana uu gurigeeda geeyo, intaas oo ah dhamaadki Halgankiisi dheeraa, wixii ka dambeeyana isu diyaariyo inuu Adkeysi u yeesho ilaa uu ka helo ogolaashaha Deeqa inay ugu dhufato Arjigiisa, kaasoo uu aaminsan yahay hadda inuu ugu sareeyo Araajida ku jira gacanta Dd.

Diyaargaroow kadib wuxuu Raage soo aaday agagaarka Hotel Shabeele, wuxuu yimid 4tii oo rubac dhiman, wuxuuna soo istaagay halka tagaasidu ay dadka ku dejiyaan, halkaas oo ah meeshuu Deeqa kula kulmay marki ay ka soo degtay Tagsigi keenay, laakiin nasiib xumo wuxuu ku gaaray xilli dambe, siduu isu lahaa (soodaahistu maqnaanshaha ayay dhaantaa, ee sug tagsiga ku xiga ayay ka soo deganeeysaahe) Raage markuu daalay oo uu dhowr goor fiiriyay saacadiisa, asagoo aamini waayay inay 6dii ku dhowdahay, ayuu waydiiyay nin wada socday inta saac ay tahay, ninki oo la yaabay ayaa ku yiri: “saacada kuu xiran, ma kaa istaagtay?” wuxuu ugu sii daray: “adeer waa 6dii oo 5 dhiman” balse Raage wuxuu aamini waayay saacadiisa iyo tii ninku watay, markaa ayuu intuu saacadiisi iska furay oo jeebka geliyay, ayuu dad kale waydiiyay, Kadibna Raage wuxuu go’aansaday inuu sugo ilaa 7da, asagoo isku qanciyay inay ballaantu aheyd xiligaas oo ay hadda ka hor bartaan ku kulmeen, laakiin waxba kama faa’iidin sugitaanki dheeraa, aan ka aheyn inuu isku canaanto inay dhici karto inuu asagu soo daahay oo ay Deeqa sugi kari wayday, lagana yaabo inay ballantu ahayd 4ta ka hor.

Ugu dambeynti wuxuu Raage u dhaqaaqay dhanka Deeqa gurigoodu jiro goor ay tahay 8dii habeenimo, balse wuxuu miyirsaday mar uu guriga ku dhow yahay, wuxuuna is yiri: (waa wakhti habeen ahe maxaad ka dooneeysaa reerka gurigooda saacadan!) markaa ayuu iska laabtay oo gurigoodi aaday, wuxuu gurigooda soo galay hooyadiis oo la yaaban maqnaantiisa, balse markuu u tegay ayuu ku qanciyay inay suurageli wayday inay yimaadaan, oo asaxaabo badan intay wada kulmeen inay shaneemo wada galeen, laakiin ay mar kale la imaandoonto.

Maalinti xigtay galabteedi ayuu Raage soo aaday guriga Deeqa, markuu ganjeelkoodi garaacay ayuu waayay cid ka furta, wiil yar oo deris la ah ayaa ku yiri: “reer Daahir saaka ayay bexeen” Raage oo ogaa halka ay aadeen ayaan su’aashaas waydiinin oo iskaga tegay, talo ayaa ku gadooday, wuxuu sameeyana wuu garan waayay, naftiisu waxay ku leedahay: (meel gadaal looga noqdo ma joogtid, sheekadaan adigoo aan ka salgaarin dib ha u laaban) Raage wuxuu ogaaday Deeqa inuu aad u jeclaaday, kuna dhowyahay wadadi Cabdinaasir, kaasoo aanu dariiqaan ku arkin intuu imaanaayay, inay dhab tahayna uu aaminsan yahay marba hadduu u sheegay saaxiibkiis Jamaal Dooli, kaasoo uu ka baqaayo inuu Dooli gurigiisa ugu tago, si uu u soo waydiiyo inay Deeqa fariin ugu reebtay iyo in kale, Raage wuxuu galay socod feker aanu is ogeyn, kaasoo uu marna u dhaqaaqaayo dhanka guriga Jamaal, marka ka soo laabanaayo uuna isleeyahay: (u tag waa intaasoo uu fariin kuu haayee) haddana isleeyahay: (Jamaal wuxuu kuu arkaa inaad tahay sidi Cabdinaasir ee ha u tigin maanta, laakiin maalin kale u imaaw) talada dambe ayuu qaatay, wuxuuna u shiraacday gurigiisi.

 

La soco qeybaha dambe

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.