Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q.131-135aad. W/Q. Ahmed Hayow

received_10204784410466642

 

Raage wuxuu soo kacay goor dambe oo ku dhow 10 subaxnimo, Yaasmiin ayaa waydiisay sababta uu telefoonka uga saaray fiilada, wuxuu u sheegay inuu diidaayay in hurdada laga qashqashaado, Yaasmiin way garatay dadka uu Raage diidan yahay inay soo wacaan, wax yar kadib ayuu Kamaal soo garaacay albaabka guriga, ileyn waa guriga kali ah ee uu ku ogaa inay degan yihiin Raage iyo Deeqa, markay Yaasmiin soo dhaweysay oo uu fadhiga fadhiistay ayuu Raage ka soo baxay musqusha, waxay Yaasmiin u sheegtay inuu u yimid nin la yiraahdo Kamaal, asagana wuu gartay in loo soo diray, laakiin wuxuu garan waayay sababta uu ergada uga yahay Deeqadi uu jeclaa, markay wada kulmeen intii laysi salaamay ayaa lays fiiriyay, mid walba wuxuu niyadda iska yiri: (caadi maaha waa nin jira) kadib Kamaal ayaa yiri: “Raage waxaan filaa inaan wax badan hawada iska naqiinay, laakiin aanan weligeen is arkin, hadda ayaa isugu kaaya horeeysa, waxaana kuugu imid arin ku saabsan Shirkada ay Deeqa u shaqeyso oo ah inay shaqo ku siiso, taas oo ah inaad Deeqa ku kaalmeyso tababarada xayaysiinta oo aad safarada u raacdo, waxaa laguugu tala galay laba milyan iyo laba sano” wuxuu soo hordhigay warqadi hishiiska iyo jeegi ay lacagtu ku qorneyd, markaa ayuu Kamaal u sii raaciyay: “maalinta isniinta oo ah 15 May waxaa jira laba munaasabadood oo kala ah, maalinta dhalashada Deeqa Daahir iyo Shirkadda oo u dabbaal degeysa 24 guuradi ka soo wareegtay maalinta la aasaasay, sidaa daraadeed waxaa lagaa rabaa inaad ka soo qeyb gasho munaasabadahaas isla kulmay” Raage ayaa yiri: “maalinti aan qoraayay warqadi lotteryga ayaan Deeqa u qoray inay dhalatay 15 May 1971 oo hadda ku beegan 24 sano, laakiin maaha taariikh dhalasho oo run run ah, midda kale Shirkadda ma aheyn inay ayadu go’aan iska gaarto oo warqad aan saxiixo ay agta iga soo dhigto, waxay aheyd inay marka hore ogolaansho i waydiiso, kadibna igala heshiiso qiimaha aan ugu shaqeeynaayo iyo muddada aan u shaqeeynaayo” markaa ayay Yaasmiin u keentay shaah, ayadoo rabta inay laabato ayuu Raage ku yiri: “Yaasmiin agteeyda soo fadhiiso” waxay kula fadhiisatay kursigi laba qof ahaa, markaa ayuu Raage yiri: “Yaasmiin akhri warqadan waxa ku qoran, kadibna go’aan ka gaar inaan saxiixo iyo in kale” Yaasmiin intay warqadi fiirisay ayay tiri: “Raage aniga waxba igama khuseeyo heshiiska warqadan ku qoran, waa mid adiga ku khuseeya ee sida aad rabto go’aan uga gaar” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin haddii ay ku khuseeynin, anigana ima khuseeyso” markaa ayuu Kamaal yiri: “Shirkadu waxay rabtaa inay Deeqa ugu shaqeeyso niyad sami iyo walwal la’aan, taasna adiga ayay kugu xiran tahay, balse haddii aad diido waxaa dhici karta inaad dhib kala kulanto” Raage intuu warqaddi soo qaaday ayuu jeexjeexay, wuxuuna Kamaal ku yiri: “Shirkada waxaad u sheegtaa inay aniga i iibsan karin, midda kale u sheeg waxay iga qaadi karaan inay jirin” xaalada jirta Kamaal wuu ku farxay marka laga fiiriyo dhanka xiriirka Raage iyo Deeqa oo uu arkay inuu sii xumaaday iyo inuu ku bedeshay Yaasmiinta uu hadda la joogo, marna wuu ka naxay marka laga fiiriyo dhanka qandaraaska uu ka baqaayo inuu fashilmo, Deeqa haddii ay uga baxdo Raage daraadiis, wuxuuna Kamaal isla jecel yahay inuu isku helo Deeqa iyo Lacag labadaba, mana haayo wadadi uu labadaas ku wada heli lahaa, inkastuu hadda isleedahay haddii aad Deeqa u geeyso akhbaarka Yaasmiin, waxaa dhici karta inay Raage kugu beddelato, kadibna ay qandaraaska isla dhammeeyaan.

Markuu Kamaal tegay ayuu Raage uga sheekeeyay qisadi Kamaal iyo Yaman, markaa ayay ku tiri: “wuxuu indhaha taagay marki aad igu tiri agteeyda soo fadhiiso, waxaan moodaayay inuu iga maseyray, laakiin ma moodeyn inuu ku farxay waxa ay indhihiisu arkaan, waxaana laga yaabaa inuu Deeqa ku yiraahdo booskaagi waxaa gashay Yaasmiin” Raage intuu qoslay ayuu ku yiri: “shaki miyaa kaaga jira inaad gashay booski Dd?” Yaasmiin intay ilmo ka soo daadatay ayay tiri: “maanta waa maalinti nolosheeyda ugu farxadda badneyd, marki aad i siisay go’aanka hishiiska Shirkada ayaan dareemay inaad dhankeeyga soo martay, haddana hubsiino ayaan kuugu soo celiyay, kadibna waxaad tiri eray laabteeyda baraf ka dhigay, waxaan Alle ka rajeeynaa inuu shar iyo sheeydaan naga xijaabo, ileyn waxaa nagu soo socda dagaal ay soo qaadi doonaan shirkada” Raage ayaa yiri: “waad ku mahadsan tahay inta aad ii sabreysay, laakiin maanta wixii ka dambeeya dhinacaaga iga fiiri, midda kale shirkada waxba igama qaadaayaan, waayoo wax ay igu leeyihiin ma jiro, maalinta isniinta ah waxaan diyaarinaa warqadaha furiinka Deeqa, si aan fursad ugu helno inaan labadeenu isguursano” wuxuu sii raaciyay: “hal milyan ay Deeqa leedahay ayaan accountigeeda ugu wareejinaa, dharkeeyga waan ka soo qaadanaa, gabadha guriga joogtana waxaan u sheegaa inaan guriga ka guuray, furaha gaarigana ayada ayaan ugu dhiibaa, walow ay ka fiican tahay inaan asagana magaceeda ugu wareejiyo, laakiin marki ay timaado ayaan ka wada hadleynaa”.

Ayadoo markaa laysu diyaarinaayo in la aado San Francisco oo habeenka caawa ah laga dhigaayo bandhiga, ayuu Kamaal yimid wuxuuna akhbaarki xumaa gaarsiiyay Tom oo ka xanaaqay natiija xumada, waayoo wuxuu Deeqa u sheegay inuu Raage u diray Kamaal iyo qandaraaska lala soo gelaayo, waxaa kale uu u sheegay inuu ka soo qeyb gelaayo xaflada labada munaasabadood ee Shirkada iyo dhalashadeeda oo isku beegan, Deeqa ayaa Tom u sheegtay inay ayadaduna jirto 24 sanadood, Tom arrintaas aad ayuu ugu farxay, wuxuuna ku darsaday khudbadiisa furitaanka, Deeqana way ku faraxday in Raage loo shaqaaleeysiiyo iyo inuu habeenkaas ka soo qeyb geli doono.

Maxaa xiga oo la sameyn karaa? Tom wuxuu Kamaal ku yiri: “yaanay Deeqa ku arkin inta aan arrintaan ka dhammeeyno, waayoo haddii ay ku argto waxaa laga yaabaa inay ku waydiiso Raage” arrinti waxay noqotay inuu Kamaal is qariyo oo caawa sidaan lagu moodo, balse maxaa xigi doona habeenka kale ee la aadaayo Los Vegas, habeenkaas sidee Deeqa looga dhigaa caadi? inta aan la gaarin habeenka xaflaada Shirkada.

 

132.

Waxaa shir qarsoodi ah iskugu yimid madaxdi shirkadda si loo xaliyo arrinta Deeqa oo ah qofka ay Shirkadu ka sameeyso lacagta faraha badan, kadib waxaa la dejiyay qorsha ah in laga takhaluso Raage si Deeqa loo helo ayadoo jecelkiisa xur ka ah, waxaana New York loo diray nin dilaa ah (hitman) si uu u soo gabagabeeyo dhibka Raage, waxaa la siiyay sawirkiisa iyo cinwaanka uu degan yahay, habeenki axada soo geleysay ayuu New York yimid, wuxuuna soo aaday guriga Yaasmiin si uu u ogaado xaalada ninka loo soo diray, wuxuu arkay inuu guriga yaalo gaari Ford Taurus ah, kadibna wuu ka tegay, wuxuuna u soo laabtay asagoo wata gaari pickup truck Silverado ah oo xoog badan, markaa mar u dhow ayay guriga yimaadeen Raage iyo Yaasmiin, ayagoo ka yimid tababarki ugu dambeeyay ee baabuur wadida, waayoo wuxuu damacsan yahay inuu berrito galo imtixaanka wadida baabuurta, goor ay tahay 8di habeenimo ayuu soo wacay Xasan oo markaa gaareen magaalada Nairobi, laakiin lacagta oo ku yareyd ayuu telefoonki uga go’ay, Raage ayaa soo baxay si uu kaar uga soo iibiyo dukaan lagu gado kaararka telefoonada, Yaasmiin oo rabtay inay soo raacdo ayuu ku yiri: “iska joog anigaa kaarka doonaayo, adigana la sii hadal haddii uu Xasan kugu soo celiyo” Raage markuu gaarigi soo watay ayuu ninki ka hor keenay Silverado kacaaya, markaasuu si fiican ugu dhacay, kadib intuu gaarigi ka soo degtay ayuu Raage ku dhuftay shan xabadood oo aan dhawaaqooda la maqleynin, balse jugti ka yeertay labada gaari ee isku dhacay ayaa laga maqlay agagaarka ku dhow guriga Yaasmiin oo ayadana soo oroday, markay soo baxdayna waxay aragtay gaari Silverado ah oo sii ordaaya, Raage wuxuu galay kooma waxaana loola orday cisbitaalka, booliski waxay wareysteen Yaasmiin oo u sheegtay inay aragtay gaari gaduudan oo ah Silverado ah gaarigaasoo sii ordaaya, waxaa laga qoray inta ay shilka kala socotay iyo inay maqashay dhawaaqa xabadda iyo inkale, kadibna waxay dhakhtarki u sheegtay inuu Raage wadnihiisu ku jiro dhanka midig, dhakhtarki ayaa ku yiri: “nasiib ayuu leeyahay, waayoo dhanka bidix ayay xabadaha kaga dhufteen ayagoo raba inay wadnaha kaga dhuftaan” Raage waxaa lagu sameeyay qalliin, waxaana laga soo saaray seddex xabadood oo looga dhuftay dhanka bidixda oo ah halka uu wadnahu ku yaalo, laakiin wadnihiisu wuu caafimaad qabay, habeenkaas Deeqa waxay ku jirtay xayaysiin, Yaasmiina Alle bari iyo toogmo Rabbi inuu u caafiyo odaygeeda mustaqbalka, ninki dilaaga ahaa wuxuu soo wacay Tom, wuxuuna u sheegay inuu dhimasho uga soo tegay ninki loo diray, markaa ayaa accountgiisa loogu shubay 500,000, wuxuuna Tom ku farxay halkuu Raage ka qaadan lahaa laba milyan inay howshiisu ku dhammaato nus milyan oo kali ah, kadib wuxuu Tom wacay Kamaal oo uu ku yiri: “hadda waad imaan kartaa, Deeqana waxaad ku tiraahdaa Raage wuu ogolaaday heshiiski lala galay, wuxuuna imaanaa maalinta Isniinta” Kamaal waxba kama oga qorshaha dilaaga loogu diray Raage, balse wuxuu u qaatay inuu Tom u wakiishay dad kale oo Raage ka soo dhammeeyay heshiiska.

Markay Deeqa soo dhammeysay howshi ayuu Kamaal u sheegay inuu Raage soo ogolaaday shaqadi loo rabay inuu ayada la qabto, Deeqa ayaa ku tiri: “muxuu kuu soo raaci waayay?” Kamaal oo raba inuu Deeqa ka maseyrsiiyo ayaa yiri: “Yaasmiin ayaa ku dhegtay, wuuna ka soo tegi waayay” Kamaal waa qofki labaad oo eraygaas ku yiraahda, markaa ayay tiri: “ma maqashay (when the cat is away, the mouse will play) markay bisadu fog tahay, dooligu wuu ciyaaraa?” Kamaal intuu qoslay ayuu yiri: “adigaa ismoodsiiyay, ileyn aniga Yaasmiinta aan arkay ee uu Raage ku lahaa agteyda soo fadhiiso ilama aha inay dooli iyo wax la mid ah tahay” Deeqa ayaa tiri: “waxaan ku faraxsanahay inuu Tom kuu diray ninki aad rabtay inaad igala wareegto, taana waxay muujineysaa inuu kuu arko inaad agteyda waxba ka aheyn oo aad dooli ka tahay, Yaasmiina waa adiga oo kale haddii aad wax weyn u aragtay” Kamaal ayaa yiri: “la arki doonee, laakiin haddii ay Yaasmiin kaala wareegto Raage, soow aniga ma gelaayo booskiisa?” Deeqa ayaa tiri: “haka yaabin inuu nin kale galo meesha uu Raage ku jiro, xataa haddii aan asaga waayo, lagama yaabo inaan nin kale nolol la wadaago” Kamaal wuxuu la yaabay siday Deeqa dhagaxa u tahay, haddana wuxuu isyiri ka war sug inta ay runta ka soo taabaneyso.

Layla oo soo aaday xaafadda Yaasmiin ayaa maqashay dhibka gaaray Raage, markaa ayay cisbitaalka aaday, waxay tagtay Raage oo weli saaran saalada qalliinka, Yaasmiin ayaa u sheegtay siday wax u gaareen, kadibna way aamusin wayday xataa waxay soo gelisay dhabteeda si ay u aamusiso cunugta yartaa oo iska ooyaysa, habeenkaas oo dhan ayay Layla ooyneysay, Yaasmiina ku jirtay aamusin iyo Alle bari, qalliinki wuxuu qaatay lix saacadood, markaa kadib ayuu dhakhtarki soo baxay, wuxuu u sheegay inuu ka soo saaray seddax xabadood, kadibna ay aad ugu mashquuleen siday uga dhaqi lahaayeen sunta xabbadaha, wuxuu yiri: “xabbadahu ma aheyn kuwa caadi ah, waa xabaddaha ay isticmaalaan kuwa dadka dila, waxaana loogu tala galay qofki lagu dhufto inuu dhaawaca xataa u dhinto, laakiin aad ayuu u nasiib badan yahay oo wareega dhiigiisa ayaa ahaa mid dhanka kale u wareega, taasna waxay noo sahashay inaan ka gaarno inta ay suntu wada gaarin wadnihiisa oo aan dhiiga ka beddelno, hadda weli wuu suuxsan yahay inkastoo uu lahaa erayo ay ka mid ahaayeen Xasan iyo Yaasmiin, wuxuu soo naaxaa afar ilaa shan saacadood ka dib”.

 

133.

Raage waxaa la soo dhigay qolki cisbitaalka asagoo ay ku mudan yihiin faleebooyin, ayna ku xiran yihiin mishiino uu ka mid yahay life support, Layla ayadoo ooynaysa oo aan fiiri karin ayay darafta qabsatay Yaasmiin oo ku tiri: “naayaa caadi iska dhig, Raage wuu fiican yahay wuuna soo naaxidoonaa haddii Rabbi idmo” labadooda wuxuu waagi ugu baryay ayagoo fiirinaaya Raage oo aan dhaqdhaqaaq laheyn, waxna ma cunin waxna ma cabin, waxaana la dhaafay shanti saacadood ee uu dhakhtarku sheegay, welina Raage lagama haayo saansaan muujineysa inuu soo miyirsaday oo aan ka aheyn mishiinka tilmaamaaya inuu weli nool yahay, indhaha Yaasmiin waxay ku maqnaayeen saacadda iyo mishiinka ay ka muuqdaan hirarka socda, Deeqa waxba looma sheegin habeenkaas, waxayna seexatay goor hore, Cawilna markuu waayay walaashiis ayuu soo wacay mobilkeeda oo densan, kadibna wuxuu ka raadiyay labada guri ee Yaasmiin iyo Deeqa, laakiin markuu wax dhaqdhaqaaq ah ka waayay labada guri, ayuu wacay reerkiisa oo degan magaalada Minneapolis si uu uga hubsado inay Layla soo aaday, ugu dambeyn markuu quus gaaray ayuu booliska wacay si uu ula socodsiiyo maqnaanta walaashiis, booliska markay wareysteen meelaha uu isleedahay way aadi kartaa, ayuu u sheegay cinwaanada labada guri ee Deeqa iyo Yaasmiin, booliska marki ay sameeyeen baaritaan kooban kadib oo ay ogaadeen mushkilada ka dhacday agagaarka guriga Yaasmiin ayay Cawil soo waceen waxayna waydiiyeen inuu yaqaano Raage iyo inkale, markaana waxay u sheegeen cisbitaalka uu jiifo iyo in laga yaabo inay walaashiis la joogto cisbitaalka, laakiin haddii uu ka soo waayo inuu booliska soo waco.

Waaberigi ayuu Cawil u yimid Layla iyo Yaasmiin, waxay u sheegeen sida wax u gaareen Raage iyo xaaladiisa oo uu arkay inay halis ku jirto, kadib walaashiis ayuu bannanka la soo aaday wuxuuna waydiiyay inay Deeqa wacday iyo in kale iyo sababta ay asaga u soo wici waysay, markay u sheegtay inay illowday ayuu ku yiri: “Deeqa ha wicin hana u sheegin waxa ku dhacay Raage, waayoo waxaan rabaa inay u imaan wayso asagoo marxaladaan ku jira, asagana uu niyadiisa ka saaro” Layla oo waxaas oo dhan ay kala weyn yihiin caafimaadka Raage ayaa ku tiri: “aboowe soo ducee inuu Alle caafiyo Raage, taasoo wax kasta ka muhiimsan, midda kale Deeqa waxay igu demisay telefoonka lagama yaabo inaan dib dambe u woco, haddii ay i soo wacdana waxaa meel ii taal inaan ku demiyo”.

Raage markuu indhaha soo kala qaaday, wuxuu arkay Yaasmiin oo ilmo ka soo daadatay markay aragtay inuu soo naaxay, asagoo hadli raba laakiin aan afka kala furi karin ayay ku tiri: “Raage wax dhaqdhaqaaq ah ha samaynin ilaa aan dhakhtarka kaaga keeno oo lagaa furo mishiinada kugu xiran” Yaasmiin markay dhakhtarki aaday ayay Layla soo gashay qolki, farxad ayay la qaylisay markay aragtay in indhaha Raage furan yihiin, waxay tiri: “waa Alle mahadii haddii aad dib u soo naaxday” kadib waxaa yimaadeen Yaasmiin iyo dhakhtarki oo kalkaalisada ku amray inaan mishiinada laga furin ilaa berri subax, kadibna intuu baaray ayuu ku yiri: “waxaad u baahan tahay baxnaano ilaa hal sitimaan ah iyo inaad deganaan iyo nasiino ku dhammeysato, waxaad joogeysaa cisbitaalka ilaa aan kaa fasaxnana ma bixi kartid” kadib ayay Yaasmiin waydiisay dhakhrarki in raashin la siin karo marka mishiinka laga furo, wuxuu u sheegay inuu cuni karo wax walba, laakiin aanu cabbi karin sigaar iyo cabbitaan kulul, kadib waxaa isku soo haray Raage iyo asaxaabtiisi oo wada daalan, waxaana laysku qabsaday qofka Raage la sii joogaaya iyo qofka baxaaya oo caawa u imaanaaya, dood dheer kadib waxaa la fasaxay Layla oo diidan balse loo sheegay inay aad u daalan tahay iyo inay berri Iskool leedahay, inkastoo ay Yaasmiina shaqa leedahay, balse ay u qorsheysan tahay inay shaqada joojiso ilaa uu Raage ka caafimaado.

Waxaa Cisbitaalka yimaadeen ciidamo dembi baarayaal ah oo raba inay su’aalo waydiiyaan Raage si ay kiiskiisa wax uga ogaadaan, maadaama aanu Raage wax badan xasuusan, waxaa la hadashay Yaasmiin oo tiri: “aniga iyo Raage waxaan rabnay inaan dukaanka wax ka soo gadano, laakiin markaan ka soo baxnay baarkinka guriga ayaan Raage ku iri: (boorsadi ayaan guriga ku soo illoobay ee xoogaa i sug) markaan gaarigi ka degay oo aan guriga galay, ayaan maqlay dhawaaqa gaariga ku dhacay midki uu Raage saarnaa, kadib markaan soo baxayna waxaan arkay gaari guduudan oo ah Chevy Silverado oo sii ordaaya” booliski ayaa Yaasmiin waydiiyay yaa gaariga waday? Yaasmiin ayaa tiri: “waxaa nagu waday Raage, laakiin aniga ayaa hore u saarnaa oo markaa guriga ka aaday” booliski intay qorteen warbixinti ay Yaasmiin siisay, kadibna waxay Yaasmiin u sheegeen in la helay gaari loo maleeynaayo inuu yahay gaarigi ku dhacay gaarigooda, kaas oo looga tegay meel aan ka fogeyn meesha ay degan yihiin iyo inay ku daba jiraan cidda wadatay ama cidda iska leh gaarigaas.

Waxaa gaariga lagu iibsaday lacag caddaan ah, waxaa laga iibsaday car meel baabuurta lagu iibiyo aan ka fogeyn meesha ay degan yihiin Yaasmiin iyo Raage, ninka iibsaday wuxuu watay dukuminti been ah, magaciisa waxaa lagu sheegay Richard Holmos, waa caddaan lagu qiyaasay 6’2″ lix feet iyo laba inches, wuxuu leeyahay gar loo maleeynaayo inuu soo sameystay iyo shaarbo, wuxuu watay dharka ay qaataan track driverska (dadka tareelayaasha wada), wuxuuna u ekaa inuu yahay “hitman” lagu raad joogay.

 

134.

Ciidamadi baaritaanka kiiska ayaa tegay halki uu shilka ka dhacay, waxay isla garteen inuu gaarigu taagnaa marka lagu dhacaayay, waayoo Raage markuu guriga ka soo dhaqaaqay oo uu wadada cagta soo saaray ayuu arkay gaariga soo ordaaya, markaa ayuu dhinac uga istaagay, gaarigana dhankiisa ayuu soo aaday, sidaa daraadeed waxay boolisku arkeen calaamad muujineysa inuu taagnaa gaariga lagu dhacay, sababta loo baaraayo waxay tahay in la ogaado inuu Raage gaariga ku waday sharcidarro oo aan laga siinin wax magdhow ah iyo in kale, sababtoo ah daawada ku baxday ayaa boqol kun kor u dhaafeysa, waxaana dhici karta in caymiska lagu dallaco lacagtaas iyo lacago kale oo fara badan, inkastoo gaariga ku dhacay aanu laheyn caymis haddana kharashka Raage ku baxaaya waxaa bixinaaya magaalada New York, kadibna ayagaa u raacanaaya ciddi khaladka geysatay, sidaa daraadeed ayay Yaasmiin ugu sharaxday Raage inuu ku adkeysto hadalka ay u sheegtay ciidamada baaraaya kiiskiisa, inkastoo aanu hadli karin haddana wuxuu ugu jawaabay indhahiisa oo ay farxad ka dareentay, maalintaas waxaa cisbitaalka ku soo booqday asaxaab ay wada shaqeeyaan oo soo maqlay dhibka gaaray Raage, galabti markii ay Layla timid ayay Yaasmiin aaday gurigeeda si ay dhowr saacadood u soo seexato oo ay fiidki ugu soo laabato cisbitaalka.

Waa habeenki ugu dambeeyay oo la aadi lahaa bandhiga Los Vegas oo ah meesha ugu weyn oo lagu dhigaayo bandhiga, waayoo waxaa iskugu yimaada dad fara badan oo caalamka ka socda, ha ahaadaano boqoro ama madax sare iyo maalqabeeno badan oo ka kala yimid adduunyada oo dhan, waa habeen aad muhiim ugu ah Shirkadda sidaa daraadeed ayuu Tom uga qaaday Deeqa telefoonkeeda oo aanu u siinin ilaa xalay, waayoo ma rabo in la soo gaarsiiyo akhbaarka dhimashada Raage, mana rabo inay la xiriirto qof kala hadlaaya arrimaha Raage sidaa daraadeed ayuu waardiye uga noqday si uu Deeqa u mashquuliyo, maalintaas oo dhan wuxuu ku wareejinaayay magaalada Los Vegas oo uu soo tusinaayay goobaha khamaarka ay magaaladu caanka ku tahay, Deeqa waxay arkaysay niman khamiisya wata oo dul fadhiya mishiinada khamaarka lagu ciyaaro, waxay inta badan ku indha sarcaaday bilicda magaalada, wuxuu Tom u sheegay in magaalada ay maalinti soo gasho lacag ka badan hal billion oo doolar, dadka degana ay boqolaal jeer ka badan yihiin dadka dalxiiska u yimaada, Deeqa oo la yaaban amaanta magaalada ayuu Tom ku yiri: “haddii aad caawa si fiican u xayaysiiso dharka Mr. Marcus waxaa qasri lagaa siinaa magaalada Los Angeles” Deeqa oo hadda aad u fahmeysa luqada oo aan fasiraad ka sugin Hani ayaa tiri: “New York ayaan rabaa inaan guri ka iibsado” Tom ayaa yiri: “Deeqa wax yar ayaa kuu haray inaad kaga maaranto turjubaan, waxaadna u baahan tahay macalin kula jooga habeen iyo maalin si aad ula qabsato barashada luqada, ileyn dadka kugula hadlaayo luqadaada waxay kaa mashquulinaayaan inaad mida kale barato” Hani ayaa ku tiri: “Deeqa waa runtiis Tom, waa inaad isku khasabtaa barashada luqada oo aad in badan ka taqaano, agsanka (carab jalqinta) waxaa laguugu sameyn karaa muddo yar” Deeqa ayaa tiri: “Tom ma wuxuu rabaa inuu macalin ii noqdo?” Tom intuu qoslay ayuu yiri: “waxaan quruxdaada u arkaa inay tahay lacag, waxaana jecelahay inaad sidaa ahaato weligaa, gaar ahaan inta lacagtu kugu socoto inaad ka fogaato waxyaabaha quruxdaada wax u dhimi kara sida Ragga, Carada, Fekerka iwm, waxaan rabaa inaan goor dhow ku geeyo Yurub oo aad aragto lacagaha UK bound, Scandinavian Kronor, Dutch Guilder iwm, waxaan rabaa inaan kor kuu qaado dhaqaalo ahaan iyo qof ahaan, ubax camalna inaan kuu dhowr dhowro” Hani ayaa tiri: “waaw waxaan maqli jiray ninka wax sawira, wuxuu naagta qurxan u fiiriyaa sawir ahaan, laakiin uma fiiriyo rabitaan ahaan, Tom wuxuu u egtahay sidaa oo kale” Deeqa ayaa tiri: “kaama yeelin dheh inaad qol igu cideysato” kadib ayay Hani ka celisay inay Tom u fasirto markaa ayay tiri: “gabadha qurxan waxay taqaanaa indhaha ragga iyo meesha ay ka fiiriyaan jirkeeda, haddana way kala taqaanaa mid walba meesha uu ka eego iyo farqiga u dhexeeya eegmadooda, sidaa daraadeed waan kala aqaan macalin midka ii noqon kara iyo midka aan ii noqon karin” Tom ayaa yiri: “waa tahay soo raadso macalin aan afsoomaaliga aqoonin” ayuu hadalki ku soo gababgabeeyay Tom, asgoo rabay inuu xiriir la yeesho balse muraadkiisu ahaa ka mashquulinta Raage.

 

135.

Deeqa waxay dib u gocotay hadaladi Tom, waxaana u soo baxday fekrad ah haddii ay ogolaato in guri looga iibiyo Los Angeles, inay heleyso fursad ay Raage kala soo fogaato Yaasmiin iyo labada walaalaha ah ee ku haaya ciriiriga nolosha, markaa ayay Tom ku tiri: “guri nuucee ah ayaad iiga iibineysaan Los Angeles?” Tom wuxuu yiri: “gurigi aad doorato ayaan kuu iibineynaa” wuxuu sii raaciyay: “berrito markaan Los Angeles ku laabano, ayaan kuu soo diraa dallaal ku soo tusa guryaha iibka ah” Deeqa waxay ogeyn inay Shirkadu ka dhiibeyso lacagta hor marinta ah (down payment) laakiin ayada laga rabo inay iska dhiibto lacagta deynta ah hadba inta ay noqoto inay bishii dhiibto, Tom wuxuu isleeyahay haddii ay Deeqa aragto guryaha quruxdooda, waxay ogolaaneysaa inay lacagta kale iska bixiso, laakiin waajibka asaga saaran wuxuu yahay, marka hore inuu farta u geliyo malabka si ay ayadu uga leefleefato.

Habeenkaas waxay Deeqa bandhiga gashay ayadoo niyadda ka ah reer California state, gaar ahaan magaalada Los Angeles oo ay degan yihiin in ka badan 9 milyan oo ruux, waa magaalada ugu dadka badan magaalooyinka Mareykanka, habeenkaas waxaa Raage cisbitaalka la joogay Yaasmiin iyo Layla oo ay Layla soo fasaxeen markuu walaalkeed u yimid, Yaasmiin waxay Raage uga shaqeeysay sidi inay tahay hooyadiis oo kale, waxay ka nadiifisay wasakhdi oo dhan, waxay korka u marisay kareem ayadoo marka hore ugu qubeysay shukumaan qoyan, waxay kasbatay qalbigiisa wuxuu Raage dareemay naxariista ay u hayso, waxay u sheegtay inay Xasan la hadashay iyo inay lacag u dirtay, laakiin aanay u sheegin dhibka dhacay, sababtoo ah inay ka cabsaneysay inuu ka naxo, laakiin inay Maxamed Rooble u sheegtay ayna ku tiri: Xasan ha u sheegin arrinta jirta, markaana uu ku yiri: (cisbitaalka marki aad tagto ayaan ku soo wacaa si aan Raage ula hadlo) Yaasmiin waxay u sheegtay inay ku tiri: Raage ma hadli karo oo mishiin ayaa ku xiran iyo inay u sheegtay in laga furi doono berri subax, inta ay Yaasmiin siinaysay warbixinta reerkiisa, waxay sii geleysay qalbiga Raage oo ay ka fadhiisatay boos aan laga saari karin, waayoo wax Raage uga qarsoon Yaasmiin ma jirin marba haddii ay sidi cunug ay dhashay oo kale ay ugu qubeysay, ileyn waa dani ku baday oo xal kale ma jiro.

Markuu soo dhammaaday bandhigi Los Vegas, Deeqana ay kaalin mug leh ka gashay oo ay Limousine ka la soo raacday Tom, Kamaal iyo Hani ayuu labadi kale Tom ku dejiyay makhaayad ay ka cunteeyaan, asagana wuxuu makhaayad kale la aaday Deeqa oo kaligeed ah, wuxuu u geeyay nin caddaan ah oo la yiraahdo Tracy oo afsomaliga yaqaan, markuu is baray ayuu Deeqa ku yiri: “waa kan macalinki luqadda ku bari lahaa” Deeqa way yaabtay markuu Tracy kula hadlay afsomali, markay cashadi u fadhiisteen ayuu Tom yiri: “waxaa la ii sheegay inaad isqabin adiga iyo ninkaaga oo aad Mareykanka ku timaadeen inaad isqabtaan, waana ogahay inay Dowladda Mareykanka ogoleyn in laga been sheego waxa lagu soo dhaartay ee dalkeeda lagu soo galay” Tom intuu xoogaa aamusay oo wejiga Deeqa fiiriyay iyo walwalka ka muuqda ayuu yiri: “inta aad annaga nala shaqeyneyso majiro dhib ku soo gaaraaya, waayoo waxaan leenahay qareeno kaa daafici kara wax kasta oo kula soo gudboonaada, mana dheceyso inay kaala wareegaan xoolaha aad shaqeeysatay iyo inay dib kuugu celiyaan meeshi aad ka timid” Tom oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “haddii aad raali ka tahay, waxaan ku siin karnaa wado aad kaga badbaadi kartaan adiga iyo ninkaaga” Deeqa ayaa waydiisay xalka looga badbaadi karo, markaa ayuu Tom yiri: “waa sahal oo waxaad kala fogaaneysaan labada sano oo heshiiska, ileyn haddaba waad kala fogeydeen oo nin iyo naag isuma aheyn, balse waxaad ku dareysaan inaad kala tagteen, si aad marka dambe si sax ah iskugu guursataan” Tom oo arkay inay Deeqa la dhacday qorshahaas, ayuu u sii raaciyay: “hadda berrito marka xafladda la dhigaayo in Raage lagugu sawiro oo ay dadku ogaadaan, waxaa ka wanaagsan inuu meeshaba joogin oo aan magaciisaba la xusin, haddii kale wariyayaasha ayaa daba gal ku sameeynaaya” Deeqa ayaa waydiisay: “soow berri ma imaanaayo Raage?” Tom ayaa yiri: “waa sidi aan isku ogeyn oo uu Kamaal igu yiri, laakiin waxaan filaa inaad fahmin meesha aan kaala hadlaayay oo ah Raage haddii uu yimaado iyo haddii kalaba in aanu imaanin xafladda” Deeqa ayaa tiri: “taa waan gartay, laakiin waxaan moodaayay inuu Shirkadda ka shaqeeynaayo” Tom ayaa yiri: “haa wuu nala shaqeeynaa, laakiin shaqadiisu waxay tahay inuu kaa fogaado inta aad qandaraaska ka dhammeyneyso” Deeqa oo hadalkaa ka xanaaqday ayaa tiri: “taa macquul maaha” Tom ayaa ku qaboojiyay: “ka fogaanta sida aad u qaadatay maaha, waa sariirta iyo inaan leysku kiin sawirin” Deeqa ayaa qososhay.

 

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN