Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q. 136-140aad. W/Q. Ahmed Hayow

received_10204784410466642

Salaadi subax ayaa Raage laga furay mishiinki ku xirnaa, hadalki u horeeyay ee uu hadlo wuxuu noqday: “Abaayo cabitaan ii shub” Yaasmiin ayaa caano u shubtay, markuu cabayna waxaa soo celiyay baarkiisa oo xamili waayay, Yaasmiin ayaa mantagi uga qabatay shukumaan, waxayna ku tiri: “mudda badan ayaadan waxba cunin, sidaa daraadeed ayuu boggaagu u xamili waayay caanaha” inkastoo aanu dhaqdhaqaaq fiican laheyn, haddana wuxuu dareemaayay inuu fiican yahay, kadib wuxuu Raage uga mahadceliyay siday Yaasmiin u xariirisay walaalihiis, markaa ayay Yaasmiin soo xasuusatay inuu dhow yahay wakhtigi uu Maxamed Rooble kula ballamay inuu soo wici doono, waxay Raage ku tiri: “Maxamed ayaa goor dhow ku soo wici doono, waxaana siiyay nambarka telefoonki aad jebisay, sidaa daraadeed waxaan ku khasban nahay inaan mar kale kuu soo qaado mid cusub oo nambarkaagi hore leh” taana waxay suuragal noqon kartaa, marka la furo dukaamada lagu iibiyo mobil tefoonada oo ah 8da subaxnimo iyo wixii ka dambeeya.

Yaasmiin shaqa ma aadin, waxay soo iibisay telefoonki, markay cisbitaalka soo gashay ayaa la soo wacay, nambarka soo wacay ayay fiirisay, laakiin intay ku mashquulsaneyd ayuu demay, balse Yaasmiin way garatay inay Deeqa tahay, haddana mar kale ayay Deeqa soo wacday, markaana waxay Yaasmiin soo gashay qolka Raage jiifay, asaga ayay u dhiibtay, waxayna u sheegtay inay Deeqa tahay, markuu ka qabtay ayay Deeqa ku tiri: “waan ogahay inaad ii careysan tahay, sidaa daraadeedna, aad uga soo qeyb geli wayday xafladda labada munaasabadood, laakiin dhib malaha oo Shirkada ayaaba ka laabatay inaad xafladda ka soo qeyb gasho, waayoo ma rabaan in sirteena la ogaado” Deeqa oo weli sii hadleysa ayaa tiri: “qorshahoodana marki aan kuu imaado ayaan kuu sheegi doonaa, soow sidaa maaha?” Raage ayaa yiri: “hadda ii sheeg qorshaha Shirkadda” Deeqa waxay u sheegtay inay Shirkadu rabto inay sameystaan warqad furiin, kadibna ay nikaax sax ah galaan markuu qandaraasku dhammaado, Raage wuxuu soo xasuustay heesti (Barariyaaq) oo uu qaaday Sayid Khaliifa, Deeqana waxay ula muuqatay inay tahay qof been lagu fogeystay, waxay dhegihiisu saamixi waayeen furiinka ay Deeqa dalbatay ayadoo markii horaba diidaneyd inay si run ah isu nikaaxsadaan, markaa ayuu ku yiri: “waa arrin fiican, anigana diyaar ayaan u ahay” Deeqa oo ku faraxday inuu si sahlan ugu raacay ayaa tiri: “midda kale waxaan saaka u socdaa inaan guri nooga iibiyo Los Angeles” markaa ayuu soo wacay walaalkiis Maxamed, Raage ayaa Deeqa ku yiri: “Maxamed Rooble ayaa Ingiriiska iga soo wacaaya” Deeqa ayaa tiri: “igu salaan” markaa ayay telefoonki demisay.

Raage wuxuu walaalkiis u sheegay inuu hadda caafimaad dareemaayo, Maxamedna wuxuu kula taliyay inuu naftiisa u taxadaro iyo inuu gudo abaalka ay ku leedahay Yaasmiin Axmed, markay hadalki dhameysteen ayaa waxaa u yimid ciidanki dembi baarayaasha ahaa, waxay Raage waydiiyeen su’aalihi ay Yaasmiin waydiiyeen, wuxuuna uga jawaabay siday Yaasmiin uga jawaabtay, markaa kadib ayay u sheegeen inuu ninku ahaa nin dilaa ah, Raage iyo Yaasmiin oo naxsan ayay Raage waydiiyeen inuu jiro qof uu u maleyn karo inuu shirqool u soo maleego ama ay maalin is khilaafeen, Raage ayaa yiri: “ma jiro qof aan wada dagaalnay” Sarkaalki baarista ayaa yiri: “maxaa idinka dhexeeyay adiga iyo Richard Holmes?” Raage ayaa yiri: “ninkaas ma aqaan, weligeeyna ma arkin” Raage waxaa la waydiiyay: “xagee ka shaqeeysaa?” wuxuu ku jawaabay inuu hadda shaqeeynin, laakiin uu ka shaqeyn jiray kambeni la yiraahdo Prex, waxaa lagu yiri: “waan ognahay inaad kambanigaa u shaqeyn jirtay iyo inaad ka tagtay marki aad iibsatay gaariga Rolls Royce ka ah oo aad ku iibsatay 72 kun, laakiin waxaan rabtaa meesha kale oo aad ka shaqeyn jirtay oo lacagtaas kaa soo gashay iyo midda accountigaaga ku jirtay” sheekadu marki ay heerkaas gaartay ayuu Raage sheegay inay gaariga u soo iibisay xaaskiisa Deeqa Daahir, asagoo hadalka sii wada ayaa lagu yiri: “waan ognahay arrintaa, balse waxaan aaminsan nahay inuu jiro qof raba inuu adiga ku khaarijiyo, waxa aan kaa rabno ayaa ah inaad wado noo furto si aan qofkaa u soo qabano” Raage oo aamusan ayaa la waydiiyay: “ma ogtahay life insurance inaad ku jirtaan adiga iyo xaaskaaga?” Raage ayaa yiri: “maya” waxaa la waydiiyay: “wax khilaaf ah miyaa idinka dhexeeya adiga iyo xaaskaaga?” wuxuu yiri: “maya” Yaasmiin oo u adkeysan wayday su’aalihi badnaa oo la waydiinaayay Raage ayaa tiri: “waxaa jirta shirkadda xayaysiinta inay rabay inuu qandaraas la galo Raage, laakiin markuu diiday inay u hanjabeen” arrinkaa ay Yaasmiin sheegtay ayay ka hubiyeen afka Raage oo ugu sii daray magaca wakiilka ay u soo dirsadeen, markaa ayay dembi baarayaashi ka tageen.

 

137.

Yaasmiin ayaa Raage waydiisay: “maxaad Deeqa ugu sheegi waysay dhibka ku gaaray?” Raage ayaa yiri: “waxay hadalka ku billowday qandaraas, waxayna ku dhammeysay rabitaanka Shirkadda oo ah inaan kala fogaano iyo guri loo iibinaayo, haddii aanay i waydiin xaaladeeyda, sidee baan ugala hadlaa dhibka i gaaray?” Yaasmiin ayaa waydiisay waxa uu ula jeedo kala fogaanta asaga iyo Deeqa, markaa ayuu u sheegay inay Shirkadu rabto inay isfuraan asaga iyo Deeqa ilaa ay shaqada ka dhammeyso, waxay Yaasmiin ka naxday guriga ay Deeqa ka iibineyso Los Angeles oo ay ka baqeyso inuu Raage ka aado gobalka California, laakiin Raage ma aanay waydiin waxa uu ka damacsan yahay.

Deeqa waxaa u yimid Mr. Tracy iyo nin dallaal ah, waxaa la soo tusay dhowr guri oo beec ah, haddana kala qiima duwan, ugu dambeyn waxay dooratay guri qasri ah oo weyn oo qiimahiisa dhan yahay 2,500,000 waxay hormarin u dhiibeysaa 500,000 kadibna 10 sanadood ayay bil walba bixineysaa 16,700 markay Deeqa ogolaatay ayaa loo sheegay inay Shirkadu bixineyso lacagta hor marinta ah, laakiin midda kale ay ayada iska bixineyso, waxay Deeqa tiri: “lacagta oo dhan miyaanay Shirkadu bixineynin?” markaa ayaa loo sheegay inay Shirkadu intaa ku kaalmeyneyso, sidaa daraadeed ayaa loo soo bandhigay inay guri ka rakhiisisan qaadato, gurigaas oo ay 10,000 bishii bixineyso, markaa Deeqa waxay ku xisaabtantay lacagta siyaadada ah oo ka soo gasha bandhigyada inay bil walba iskaga bixin karto, waxayna jecleysatay bandhigyada inay bataan si ay lacag uga sameyso, kadib ayay tiri: “waxaan qaadanaa guriga ah labada milyan iyo barka, midda kale soow bil walba iskama dhiibi karo lacag ka badan midda layga rabo? waxaa lagu yiri: “haa waad bixin kartaa” sidaa ayay Deeqa ku saxiixday hishiiska guriga.

Habeenki waxaa la dhigay munaasabaddi xafladaha, waxaa ka soo qeyb galay dad fara badan oo maal qabeen ah, waxaa kale oo xafladda joogay laba ka mid ah dembi baarayaashi kiiska Raage, kuwaas oo aan qofna la hadlin, laakiin salaamay Tom, Deeqa, Kamaal iyo dad kale oo ka mid ah Shirkada, waxaa hadal ka jeediyay Tom oo ka sheekeeyay taariikhda Shirkadda iyo goorta la aasaasay, kadibna wuxuu raaciyay taariikhda dhalashada Deeqa oo ay isku da’ yihiin Shirkadda iyo horumarka ay ka gaartay bandhiga, kadib Deeqa ayaa afuuftay shumacyada toortaha xafladda oo ahaa 24 shumac, dadka ayaa yiraahdeen “dhalasho wanaagsan Deeqa” waayoo ayada ayaa ka xoogbadisay munaasabada Shirkadda.

Markay xafladdi dhammaatay ayay dembi baarayaashi gaar ula bexeen Kamaal ayagoo tusay aqoonsigooda FBI, waxay waydiiyeen: “ma taqaanaa Raage Rooble?” Kamaal ayaa yiri: “haa, waan aqaanaa” waxaa la waydiiyay goorta ugu dambeeysay inay is arkaan Raage iyo asaga, Kamaal ayaa yiri: “inaan is aragno waxaa iigu horreeysay, waxaa iiguna dambeeysay laba maalin ka hor” waxaa la waydiiyay sababta uu ugu tegay New York iyo sababta uu ula kulmay, kamaal ayaa sheegay inay shirkadu u dirtay iyo sababta ay ugu dirtay, waxaa kale uu Kamaal sheegay inuu Raage soo diiday qandaraaska lala geli rabay, kadib FBI ayaa Kamaal ka qaaday baasaboorkiisa ingiriiska, waxaana loo sheegay inuu dalka ka bixi karin iyo in loogu imaandoono su’aalo kale, balse waxaa loo diiday in loo sheego waxa lagu haysto.

Kamaal oo ay la socoto Hani ayaa soo aaday hotelka Deeqa degan tahay, waxay sugeen ilaa laga keeno, markay yimaadeen Deeqa iyo Tom asagoo raba inuu hadlo ayuu Tom hadalka ku celiyay, ka dib wuxuu u fasaxay markay Deeqa qolkeeda ku xerootay, Kamaal markuu Tom u sheegay su’aalaha la waydiiyay iyo inuu ogeyn sababta su’aalahaas loo waydiiyay ayuu Tom yiri: “ma aheyn inaad su’aalahaas ka jawaabo adiga oo aan qariin kula joogin, hadda ka dibna haka jawaabin waxay ku waydiiyaan” sidaa ayuu Tom uga dhaqaaqay, Kamaalna wuxuu Hani ku yiri: “intaad Deeqa ugu tagto qolkeeda, waxaad soo waydiisaa xaaladda Raage iyo sababta uu shirkadda u dacweeyay”.

Hani markay Deeqa u tagtay oo ay waydiisay wixi loogu soo diray ayay Deeqa tiri: “saaka ayaan Raage la hadlay wax dhib ahna iima sheegin ee maxaa ku dhacay?” Hani ayaa u sheegtay su’aalaha Kamaal la waydiiyay, Deeqa oo horaba u damacsaneyd inay Raage wacdo markay howlaheeda dhammeysato ayaa Raage wacday, waxaa la joogeen Yaasmiin iyo Layla oo siday Iskoolka uga timid aan gurigooda aadin, Raage markuu ka qabtay ayay Deeqa ku tiri: “Raage ma adigaa Shirkadda dacweeyay?” wuxuu yiri: “maya” Deeqa ayaa tiri: “Kamaal oo ay su’aalo waydiiyeen ciidamo FBI ah, ayaa u qaatay inaad Shirkadda dacweysay, sidaa daraadeed ayaan kuu soo waydiiyay, midda kale waxaan noo iibiyay guri aad u qurux badan oo haddii aad aragto aad ku farxi doonto, laakiin markaan imaado kadib ayaan ka wada hadleynaa xilliga aan u guuri doono” Raage ayaa ku yiri: “waxaan ka wada hadleynaa marki aad timaado” sidaa ayay khadka kaga baxday.

Layla way garatay inay Deeqa meesha ka baxday, inkastoo ay u ogoleyd inay Raage la guursato, haddana aanay ogeyn mowqifka Yaasmiin ay ka taagan tahay inay wadaagaan Raage, waxay furtay arrintaas waxayna tiri: “Yaasmiin markaan kuu sheegaayay inaan Raage jecelahay, ma ogeyn inaad adigana jeceshahay, Deeqa waa ii ogolaatay inaan isla guursano ee adigana ma ii ogoshahay inaan kula wadaago?” Yaasmiin ayaa tiri: “Raage afar ayaa loo banneeyay, go’aankana asaga ayaa iska leh” Layla ayaa tiri: “haddii aan Raage ka dhammeysto, adigu ma ii ogoshahay?” Yaasmiin ayaa tiri: “haddii aan ogolahay iyo haddii aan diidanahay Raage asaga ayaa xur u ah, anigana waxaan xur u ahay inaan go’aankeyga qaato” Layla waxay tiri: “hadalkaagu waa diidmo, waxaana ii muuqata inay nafteydu ku dhibtoon doonto sidi ay Raage ku illoobi laheyd” Layla waxay sii raacisay: “xalay waxaan ku riyooday Raage oo beer falaayo, ma aqaan beerta uu falaayay halka ay ku taalay iyo sababta aan ugu riyooday” markaa Raage waxaa haayay xanuun niyadda ah iyo mid dhaawacyada ah, wuxuuna ka fekeraayay kulanka ay isku arki doonaan Deeqa iyo asaga sida uu noqon doono iyo waxa uu ku dhammaan doono.

 

138.

Deeqa markay ka soo degtay garoonka, waxay toos u aaday gurigeeda, waxay tagtay asagoo xiran, gaarigi Raagana uu baarkinka yaalo, sidaa daraadeed waxay Taxigi ku aaday guriga Yaasmiin oo ay aragtay inuu asagana xiran yahay, waxay wacday Raage, markay waydiisay meesha uu joogo ayuu ku yiri: “waxaan jiifaa cisbitaalka Brooklyn Medical center” Deeqa ayaa tiri: “maxaa ku helay?” Raage ayaa ku yiri: “wax aan ogeyn waxa ay yihiin ayaa i helay oo nin raba inuu idilo ayaa xabado igu dhuftay” Deeqa ayaa tagsiilihi ku tiri: “Brooklyn Medical center i gee” markay cisbitaalka timid, waxay aragtay Yaasmiin oo agta ka fadhida, kadib markuu Raage uga hadlay dhibka gaaray iyo wakhtiga uu gaaray ayay Deeqa ku qabsatay sababta uu ugu sheegi waayay, wuxuu ku yiri: “marka hore ima aadan waydiin xaaladeeyda, marka xigtana waxaa ii yimaadeen ciidan dembi baarayaal ah, wuxuuna kiiska lugta la galay Shirkadda aad u shaqeyso, sidaa daraadeed ma rabin inay ogaadaan baarayaasha ku soo socda iyo inay ogaadaan inaan dilki ka sama baxay iyo cisbitaalka aan jiifo toona” Deeqa indhihiisa ayay fiirisay, kadib ayay waydiisay sida loogu maleeyay inay dilkiisa ka dambeeyaan Shirkadda, wuxuu ku yiri: “Kamaal ayaa ii yimid wuxuu ii keenay inaan saxiixo qandaraas Shirkadda ah, laakiin waan ka diiday, markaa ayuu iigu hanjabay inay Shirkadu tallabo iga qaadi doonto haddii aan diido qandaraaska, wixii ka dambeeyayna qadarkaan ayaa dhacay” Deeqa ayaa u sheegtay intay ku tiri Hani oo ahayd inuu Raage dacweeyay shirkadda iyo in Kamaal su’aalo laga waydiiyay, Yaasmiin oo aad uga naxday cabsida uu Raage ka muujiyay inay Shirkaddu ogaato cisbitaalka uu jiifo ayaa tiri: “cabsi ah in cisbitaalka laguugu imaan karo iguma jirin, laakiin hadda ayaan aad u cabsanaa” Deeqa oo hadalkaas ka carootay ayaa tiri: “naa ma waxaad ka wadaa Deeqa ayaa rufiyaan u ah Shirkadda?” Raage ayaa ugu jawaabay: “Deeqa waad ka gardaran tahay Yaasmiin, waayoo waa runteed cabsida jirta oo ah haddii ay ogaadaan meesha aan joogo Shirkadda ama cidda ka dambeysay inay i disho” Deeqa ayaa tiri: “ma u maleynaayo inay Shirkaddu ka dambeeyso waxa ku gaaray, balse waxaa dhici karta inuu Kamaal ka dambeeyo, waayoo wuxuu ii sheegay inaad qandaraaska ogolaatay iyo inaad imaaneyso maalinta xafladda” Raage ayaa ku yiri: “Kamaal wuxuu ku shaqeeyaa amarka aad ku shaqeeyso mid la mid ah, lagamana yaabo inuu asagu qorsheysto wax aanay Shirkaddu raali ka aheyn, wax kastana adiga ayaa masuul ka ah, sidaa daraadeed waa inaad iga fogaato inta uu kiiska ka soo kala caddaanaayo” Deeqa ayaa tiri: “Raage sidee kaaga fogaadaa! maxayse tahay sababta aan kaaga fogaanaayo?” Raage ayaa yiri: “amarka Shirkaddaadu ay kugu amartay inaan la igu kaa ag sawirin iyo inaan is furno, labadaba waad yeeshay, sideebaad hadda ku diidaysaa inaad iga fogaato inta uu ka soo kala caddaanaayo cidda rabtay inay idisho?” Deeqa oo hadli rabta ayuu ku yiri: “Deeqa markaan caafimaado waxaan u socdaa Soomaaliya, waayoo dalkaan waxaan ka faa’iiday oo aan aheyn inay nafteydu halis ku gasho ma jiraan, xabadaha aan dalkayga uga soo cararay iyo kuwa aan hadda ka badbaaday waxba isma dooriyaan, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday inaan warqadaada fasaxa ku siiyo inta aan dalkaan ka dhoofin” Deeqa ayaa iska ooysay, markaa ayuu ku yiri: “waxba ha ooynin ileyn muraadki aad dalkaan ka laheyd waad gaartay, laakiin aniga nafteedi ayaa halis ku gashay” Deeqa suuragal way la noqon wayday inuu Raage sidaa uga calool gooyo markaa ayay tiri: “waxaan ku laabanaa Los Angeles si aan u soo ogaado xaaladda dhabta ah, haddii ay Shirkaddu lug ku yeelato dilkaaga, waxaan kuu ballan qaadaa inaan heshiiskooda ka boxo, laakiin haddii ay lug ku yeelan waydo waxaan kaa rabaa inaad sidaadi hore ii ahaato, midda kale cid ogaaneysa halka aad joogto ma jireyso oo uma sheegaayo cisbitaalka aad ku jirto” Raage ayaa ku yiri: “inaad soo ogaato waxa jira, waxaa kaaga kheyroon inaad iska dayso, waayoo waxaa dhici karta inaad adiga laftaada baxar ku gasho ama ay ku khaarijiyaan gangistarada aad hishiiska la gashay” Deeqa waxay meesha ka tagtay ayadoo aan haysan natiijo wanaagsan, balse isku qancisay haddii ay Shirkadda ka fogeyso eedaynta uu Raage ku eedeynaayo inay dili rabtay, ka dibna ay wanaajiso xiriirka Shirkadda iyo Raage inay ka baajin karto bixitaanka, waxayna nafteeda is tustay inay Yaasmiin kala wareegin marba haddii uu Raage Soomaaliya u socdo oo aanu ku laheyn waxaa booskaaga ii buuxineyso Yaasmiin.

Tom wuxuu u tegay David Olson oo ah qareenki Shirkadda, wuxuuna u sheegay kiiska laga yaabo inuu Shirkadda ku soo fool leeyahay, markaa waxay isla meel dhigeen in Shirkadda lagu badbaadin karo madaxa Kamaal oo ah ninka laga shakisan yahay, ka dib David Olson ayaa soo aaday Kamaal, markay wada kulmeen ayuu la aaday Coffee shop, wuxuu waydiiyay taariikhda isbarashada asaga iyo Deeqa, markaa ayuu Kamaal u sheegay inta ay isla soo mareen asaga iyo Deeqa, waxaa kale ee uu u sheegay inuu Raage la kulmay halki mar ay Shirkaddu u dirtay, wuxuu Olson waydiiyay: “yaa kuu soo diray dembi baarayaasha?” Kamaal ayaa yiri: “waxaan u maleynaa Raage inuu Shirkadda dacweeyay, sababtoo ah waxaan ku iri haddii aad diido qandaraaska ay Shirkaddu kuu ogolaatay waxaa dhici karta inaad dhib kala kulanto, taana waxaan uga danlahaa ku cabsi geli inay Shirkaddu ogtahay beenta ay Mareykanka ku joogaan asaga iyo Deeqa” Olson ayaa waydiiyay: “wax dhib ah oo kale oo uu Raage ku soo dacwooday miyaa jira?” Kamaal ayaa yiri: “lama socdo wax kale inay jiraan iyo in kale, waayoo Deeqa ayaa ii sheegtay inay Raage la hadashay, balse ciidamadi ayaa igu yiraahdeen su’aalo kale ayaanu kuugu imaan doonaa”.

Olson oo ay u muuqan wayday waxa uu ka walwalaayo Tom ayaa intuu u yimid wuxuu u sheegay inay arrintu tahay wax iska sahlan, Tom ayaa ku yiri: “wax dhib ah ma jiraan miyaad leedahay?” Olson ayaa yiri: “ilaa hadda wax dhib ah iima muuqdaan marba haddii uu Kamaal igu yiri Deeqa ayaa ii sheegtay inay Raage la hadashay iyo inuu fiican yahay, dacwadana ay noqon karto hadal hanjabaad ah uu Kamaal ku yiri” Tom ayaa waydiiyay hadalka hanjabaada ah, markuu Olson u sheegay ayuu Tom yiri: “waxaan ka baqaa inuu kiisku ka wayn yahay hadal hanjabaad ah”.

 

139.

Maxamed Rooble ayaa soo wacay Raage, markay cabbaar wada hadleen kadib, ayay Yaasmiin waydiisay Raage: “hadalki aad galabta ku leheyd Deeqa ee ahaa waxaan ku laabanaa Soomaaliya, waxaan u heystay inaad iska laheyd, laakiin inuu dhab kaa yahay ayaan u qaatay markaad Maxamedna ku tiri ee ma kaa dhabbaa?” Raage ayaa yiri: “go’aankaas ayaan gaaray, dhabna waa iga yahay, waayoo waxaan ogaaday inaan nafta leysu dayneyn meel kasta oo aad adduunka ka joogto” Yaasmiin oo aan hadlin ayuu wejigeeda fiiriyay, wuxuu arkay inay qurux badan tahay, laakiin waxaa quruxdeeda nusqaamiyay dakhar yar ay wejiga ku leedahay iyo ilig gees yar ka jaban, wuxuu Raage arkin timeheeda dheer oo la moodo sayn fardood, haddii la arki lahaana ay ka mid noqon laheyd gabdhaha daawooyinka timaha xayaysiiya, waayoo waxay leedahay timo dhaadheer oo dhabarkeeda gaarsiisan, sidaa ay tahayna Yaasmiin si gaar ah uma xannaaneyso timaheeda Quruxda badan, Raage ayaa yiri: “Yaasmiin inaad Soomaaliya ii raacdo ayaan jeclaan lahaa” Yaasmiin oo soo baraarugtay ayaa tiri: “Rr xageen kaaga haraa” kadib waxaa la qorsheystay in la sugo Xasan iyo Xaaskiisa inta ay ka soo gelaayaan Mareykanka iyo inta ay kala qabsanaayaan, ka dibna dalkii lagu laabto.

Deeqa isla habeenkaas ayay Los Angeles ku laabatay, markay hotel degtay ayay u yeertay Tom, asagana wuxuu hore u soo watay Tracy, markay isu yimaadeen ayay Deeqa u sheegtay waxa qabsaday ninkeeda iyo inuu Kamaal u hanjabay, Tom ayaa yiri: “waan ka xumahay in ninkaaga naftiisa ay khatar gasho, mana aha wax loo dulqaadan karo arrimahaas iyo wax la mid ah, hadda iiga waran xaaladiisa caafimaad iyo cisbitaalka uu ku jiro si aan ugu soo booqdo” Deeqa ayaa tiri: “wuxuu ii sheegay inuu cabsi ka qabo, haddii la ogaado cisbitaalka uu ku jiro inuu ninki dili rabay uu ugu yimaado” Tom intuu qoslay ayuu yiri: “marba haddii ay arrintiisa na soo gaartay, wax uu ka baqaayo ma jiraan, waxaan u sameyneynaa waardiyo maalin iyo habeen ah, midda kale waxaan kaa rabaa inaad ka soo guurtaan New York oo aad gurigaaga soo degtaan, waayoo halkaan ayaa idiinkaga ammaan badan” Deeqa ayaa tiri: “Kamaal ma kala hadashay arrinta dhacday?” Tom ayaa ugu jawaabay: “annaga waxaan leenahay qareen noo qaabilsan arrimahaas, asaga ayaan u xilsaaray inuu arrintaa dabagal ku sameeyo, haddana waxaan u sheegaa isku dayga dilka uu ka badbaaday Mr. Rooble, haddii uu Kamaal raad ku yeesho, waxaa dhici karta inuu adiga daraadaa u rabay inuu Mr. Rooble u qaarijiyo, haddii aanu lug ku yeelan waxay noqoneysaa mid meelo ka baxsan Shirkadda laga soo abuubulay, balse waa la arki doonaa, laakiin inta ka horeeysa afkaaga qabso”.

Dembi baarayaashi oo Deeqa ku sugaayay gurigeeda hortiisa si ay u wareystaan ayaa Deeqa waayay, kadibna waxay soo aadeen cisbitaalka si ay Deeqa uga helaan haddii ay Raage la joogto ama ay akhbaarkeeda uga helaan Raage, markay waydiiyeen Deeqa, ayuu Raage u sheegay inay ka tagtay iyo inay laheyd waxaan ku laabanaa Los Angeles, markaa kadib ayay waydiiyeen haddii uu jiro cid uu ka cabsi qabo iyo in kale, Raage ayaa yiri: “ninka xabadda ii soo qaatay wuxuu rabay inaan dhinto, sidaa daraadeed waxaan ka cabsi qabaa inuu halkan iigu yimaado haddii uu maqlo inaan noolahay, laakiin cabsi kale ma qabo” kadib labadi dembi baare ayaa gooni u shiray George ayaa yiri: “qolka miyaan ka bedelnaa? mise cisbitaalka oo dhan ayaan ka beddelnaa?” Mr. Lee ayaa yiri: “waxaan ka beddeleynaa qolka, waayoo hadda ma haysano fursad aan cisbitaalka uga beddelno, ileyn waxaa laga yaabaa inuu dilaagi dusha nagala socdo oo ilaashanaayo qofkiisa loo soo diray” kadib maamulki cisbitaalka ayay arrinti u sheegeen, Raagana waxaa la seexiyay qol kale asagoo intii hore ka cabsi badan.

Habeenkaas cid u timid ma jirin, walow aanay laba indhood isu geyn Raage iyo Yaasmiin, subaxdi xigtay ayay Deeqa ka soo duushay Los Angeles, markay garoonka ka soo degtay waxaa labada dhinac ka soo galay George iyo Lee oo ka wareystay arrimaha ka dhexeeya ayada iyo Kamaal Kaahin, Deeqa waxay u sheegtay intii ay isla soo mareen ayada iyo labada nin ee kala ah ninkeeda Raage iyo Kamaal, markaa ayay dembi baarayaashi waxay Deeqa u wateen Los Angeles, waxayna soo xireen Kamaal oo ay ku eedeeyeen inuu shirqool u dhigay Raage Rooble, asagoo kaga maseyrsan Deeqa, markaana raba inuu Raage qaarijiyo si uu firaaqo ugu helo Deeqa oo asaga ka raacday, waxay caddeyn uga dhigeen inuu u hanjabay Raage, taasna ay muujineyso inuu damacsanaa falka qaarijinta ah, inkastoo uu Kamaal ku andacooday inuu Raage u hanjabin, haddana gadaal ayuu ka qirtay inuu hadalkaa yiri laakiin ay shirkaddiisu fartay inuu ku cabsi geliyo xiriirka guurka been beenta ah ay Mareykanka ku yimaadeen Raage iyo Deeqa.

 

140.

Waxay Deeqa ku amreen inay Los Angeles ka bixin ilaa uu kiiskaan ka dhammaanaayo, Deeqana waxay soo wacday Raage oo ay u sheegtay in laga soo celiyay garoonka diyaaradaha New York oo ay wateen laba nin oo dembi baarayaal ah iyo inuu kiiski ku caddaaday Kamaal oo damacsanaa inuu asaga khaarijiyo, si uu ayada ugu madax bannaanaado lana raadinaayo dilaagi uu u soo diray inuu asaga dilo, waxaa kale oo ay u sheegtay in lagu amray inay Los Angeles ka bixin ilaa uu kiiska ka dhammaanaayo, kadib ayay waydiisay lambarki accountigiisa si ay ugu soo shubto jeegag ay ka heshay bandhigi ay sameysay oo gaaraya 700,000 oo doolar, markaa ayuu Raage ku yiri: “waxaad ku shubtaa accountigaaga” Deeqa waxay u qaadatay inuu Raage cisbitaalka ku haynin nambarka accountigiisa iyo inuu dusha ka aqaanin, sidaa daraadeed ayay bangiga u aaday si ay lacagtaas ugu shubto accountigeeda, marki ay aragtay lacagta ugu jurta ayay Raage wacday, asagana wuxuu u sheegay inuu malyanki ugu wareejiyay accountigeeda, sababta markii ay waydiisay ayuu ku yiri: “ma rabo inaan shirkaddaas raad ku yeesho” Deeqa ayaa tiri: “soow aniga kuuma ihi raadka aad ku leedahay?” Raage ayaa ku yiri: “raad ku lahaanshahaaga Shirkadda, horaba raali ugama aheyn, haddana xurnimo weyn ayaan kuu siiyay” Deeqa ayaa waydiisay: “xurnimo sidee ah ayaad ii siisay?” Raage ayaa ugu jawaabay: “waxaan go’aansaday inaan Shirkadda kuu madax bannaaneeyo oo aan kuu sameeyo furiin been been ah, si laguugu qabsan nikaaxa been beenta ah ee aan halkan ku joogno” Deeqa ayaa tiri: “ma dhici karto taas” Raage oo hadalki ka dafay ayaa yiri: “soow hore iigama dalban furiinka?” Deeqa ayaa tiri: “mid been been ah ayaan kaa dalbaday, laakiin kaagu wuxuu u eg yahay mid run run ah” Raage ayaa yiri: “been beentaa inay dhammaato ayaan rabaa, waayoo ma rabo inaan daba socdo qof aan ogeyn halista ku soo fool leh” Deeqa ayaa tiri: “naagta xun oo hoosta kaaga jirta oo abeesada ah sidi hooyadeed ayay igu kaa dirtay” Raage ayaa ku yiri: “dib dambe kuulama hadlaayi haddii aad mar dambe wax ka sheegto Yaasmiin” Yaasmiin oo ag fadhiday markaana magaceeda maqashay ayaa tiri: “Deeqa maxay iga sheegtay?” markaas ayay mar kale ku celisay waydiinti hore, Deeqa oo qeyladeeda maqashay ayaa tiri: “ii dhiib naagta aan la hadlee” Raage ayaa yiri: “kuu dhiibi maayo” markaas ayay Yaasmiin telefoonki ka daftay Raage waxay tiri: “Deeqa maxaad iga sheegtay?” Deeqa ayaa tiri: “waad ogtahay in hooyadaa ay Aabaheey kaga guuleysatay hooyadeey, naxdintaasna ay u dhimatay hooyadaa, waan ku ogahay inaad rabto inaad hooyadaa u aargudo oo aad Raage iga qaado, laakiin suuragal kuu noqon meyso abeeso yahay” Yaasmiin ayaa tiri: “Raage intuu cirka kuu jiro ayuu kuu jiraa, midda kale waxaad tahay doqon la caashaqay, waayoo nin ku jecel ayaad hanan wayday, aniga oo hortaa jeclaadayna waad ii quuri wayday, sababta aad isugu dhijineysana waxay aheyd maseyr aad aniga iga qabto ileyn waad u ogoleyd inuu mid kale kula guursado, laakiin aan aniga aheyn oo saaxiib kula ahaa adigoo ifka ii neceb” Deeqa markaa ayay telefoonki demisay, waxay aaday garoonka diyaaradaha si ay New York ugu laabato, laakiin imaagareyshanki ayaa soo celiyay oo ku yiri: “fasax uma haysatid inaad Los Angeles ka baxdid” caro ayay hotelkeedi ugu laabatay.

Baarayaashi waxay u tageen Tom si ay su’aalo uga waydiiyaan kiiska Kamaal, wuxuu ku yiri: “Shirkadda ayaa Kamaal u dirtay inuu hishiis la soo galo Raage, markuu ka soo laabtayna wuxuu noo sheegay inuu Raage ogolaaday hishiiska oo ay nooga baxday laba milyan, wuxuu noo sheegay inuu imaanaayo xafladda Shirkadda iyo xafladda dhalashada xaaskiisa, laakiin Raage nooma imaan” waxay waydiiyeen inuu yaqaano Richard Holmes, wuxuu Tom ugu jawaabay: “Holmes waa dilaa caan ah oo Mareykanka oo dhan laga yaqaano, laakiin aqoon kale uma lihi” waxay waydiiyeen caymiska nolosha cidda gashatay Deeqa iyo ninkeeda, Tom ayaa yiri: “waa sharci ay shirkadu leedahay inay life insurance gashato shaqaalaheeda” waxay waydiiyeen inay shaqaaluhu ogyihiin caymiska ay ugu jiraan, Tom ayaa yiri: “inay ogaadaan khasab maaha, xaqna uma laha in loo sheego caymiska ay shirkada ugu jiraan” kadib ayay ka soo tageen, markaa ayuu Tom wacay Holmes wuxuuna u sheegay inuu dhammeystirin howshi loo xil saartay, kadibna wuxuu u sheegay inuu Raage Rooble ku jiro cisbitaal New York ku yaala, balse aanu aqoon midka uu jiifo, Holmes ayaa yiri: “dhib mala aniga ayaa helaaya cisbitaalka uu jiifo” markaa ayuu Tom aaday Bangiga, wuxuuna Kamaal ku soo qoray accountiga laga saaray 500,000 oo ay ku jirtay labada milyan oo Raage loogu tala galay, wuxuuna lacag ku bixiyay in wakhtiga laga dhigo ka hor inta aan lacagta laga bixin inuu accoutiga lahaa Kamaal, si aanu Tom raad ugu yeelan kiiska, markuu intaa soo dhammeeyay ayuu Kamaal ku soo maray xabsiga uu ku xiran yahay, wuxuu u geeyay lacag, wuxuuna ka soo saxiixay warqad accountiga oo uu ku yiri: “waa lacag aad isku difaaceyso oo shirkadda ku siisay” Kamaal oo ku faraxsan dadaalka uu Tom ugu jiro ayaa warqadda saxiixay asagoo aan fiirin taariikhda la qoray, sidaa ayuu accountigu ugu wareegay Kamaal.

 

La soco qeybaha dambe.

 

▶ Show quoted text

 

SHEEKOOYIN