Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q.141-145aad. W/Q. Ahmed Hayow

Yaa Khaldan? Yaase Dulman?

received_10204784410466642

Hani oo ooyneysa ayaa Deeqa ugu timid hotelki ay deganeyd, Deeqa oo jecleyd inay Hani ka ilmeysiiso ayaa fiirisay indhaha Hani oo ay ilmadu ka socoto, kadib Hani ayaa tiri: “Kamaal waxaa loo xiray dacwad uu ka soo gudbiyay ninkaaga, waxaana lagu haystaa inuu u hanjabay oo kali ah, Laakiin waa la caddeeyay inuu Los Angeles ka bixin wixii ka dambeeyay kulanka asaga iyo ninkaaga, sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa inaad ninkaaga la hadasho” Deeqa ayaa tiri: “Hani maskiin ayaa tahay, waayoo waxaadan ogeyn inuu Raage cisbitaal ugu jiro iskuday dil, midda kale waxaadan ogeyn inuu Kamaal sabab u yahay khilaaf nakala dhex galay aniga iyo Raage, khilaafkaas oo keenay inuu shaki weyn ka qaado Shirkadda aan u shaqeeyno inay rabto inay Raage khaarijiso, shakigaasna waxaa keenay Kamaal oo muddo badan iga daba hari waayay, markaana isku dayay inuu Raage dilo” Hani ayaa tiri: “sheeko khaldan ayaa idinka dhaadhacsan, waayoo Kamaal wuxuu ii sheegay inuu ninkaagu diiday hishiiska, haddana inuu Tom ku yiri Deeqa ha u sheegin oo waxaad ku tiraahdaa, ninkaagu wuu soo ogolaaday heshiiska wuuna imaanaa xafladda” Deeqa ayaa ku tiri: “Kamaal miyaad warkiisa aamineysaa? mise aniga oo kaa badiya wuxuu yahay ayaad i aamineysaa?” Hani waxay Deeqa ka tagtay ayadoo ka wayday muraadki ay ka laheyd.

David iyo Lee maadaama ay howl ka qabteen Los Angeles oo ay ku xireen eedaysane loo haysto kiiska Raage, waxay ku laabteen New York si ay uga baadi doonaan dilaaga caanka ah ee loo yaqaano Holmes, kaas oo ah nin muuqaalkiisa bedbedela oo marba si isu ekeeysiiya, kaasoo ay adagtahay si loo aqoonsado, waxaa Holmes la raadinaayay sannado badan, dhowr jeer uu khatar galayna wuxuu ku baxsaday si dirqi ah, inta badan wuxuu qabsadaa hostage (qof rahan ah) uu ku baxsado, wuxuu Holmes soo ogaaday cisbitaalka uu Raage ku jiro iyo qolka uu jiifo, wuxuuna ku tala galay inuu caawa ka takhaluso, wuxuuna isku soo aadiyay 10kii habeenimo, si uu howshiisa ugu dhammeeyo saacad, kadibna uu gobalka uga boxo isla caawa, nasiib wanaag David iyo Lee oo garoonka ka soo degay 9:30 habeenimo, ayaa cisbitaalka soo maray si ay Raage ugu sheegaan inay soo xireen Kamaal oo ay ku tuhmeen inuu ku lug lahaa kiiskiisa, labaatan daqiiqo kadib ayay cisbitaalka tageen, markay Raage gaarsiiyeen akhbaarki oo ay u sheegeen inay ku raad joogaan ninki xabadaha ku dhuftay iyo inuu qabsado qareen xaqiisa u dooda, kadib ayay qolkiisi ka soo bexeen, markay soo dhaqaaqeen ayuu agmaray Holmes oo u sii socda qolka Raage jiifo, waxaa ka shakiyay Lee oo David ku yiri: “ninka nasii dhaafay shaki ayaa iga galay ee aan dusha kala socono inuu ku leexdo qolka dhibanaha” gadaal ayagoo u sii fiirinaaya ayuu Holmes galay qolka Raage, markaa intay bastooladahooda la soo bexeen ayay soo ordeen, Holmes wuxuu qolka soo galay Yaasmiin oo rabta inay bannaanka soo aado, markuu ka hor yimid ninka qolka soo galay oo ay aragtay inuu bastoolad la soo bixi rabo ayay isku duubtay oo qeylisay, waxay u soo riixday qolka bannankiisa, ayagoo isku dhegan ayay ku yimaadeen David iyo Lee, markaa ayuu Holmes iska kala tuuray Yaasmiin, wuxuuna galka kala soo baxay bastooladiisi, laakiin David iyo Lee ayaa xabado ku kulmiyay, Holmes wuxuu ka duldhacay Yaasmiin oo uu ku hallaabay dhiigiisi, haddaad Yaasmiin aragto waxaad u maleyneysaa inay ku dheceen xabado fara badan.

Maydki Holmes ayaa meesha laga qaaday, habeenkaas waxaa farxay dad badan oo ka cabsi ka qabay inuu Holmes dilo, David iyo Lee waxay ku noqdeen heroes (naftood hurayaal ah) warbaahinta habeenkaas waxaa haystay wareysiga David iyo Lee oo sheegeen kiiska ay u daba socdeen Richard Holmes iyo sida geesinimada leh ay Yaasmiin ula shaqeeysay una difaacday Raage oo qalan kana soo kici karin sariirtiisa, Dalka Mareykanka waxaa laga yaqaanaa Taageero la siiyo qofka dhibanaha ah (donation) dadweynihi deganaa xaafadda ku dhow cisbitaalka ayaa Raage iyo Yaasmiin u soo aruuriyay 200 kun oo ay qareen ku qabsadaan, waxaana laga wareejiyay cisbitaalki oo waxaa la geeyay mid gaar ah.

Layla yaab iyo amakaag ayaa ku dhacay, waxay waysay Raage iyo Yaasmiin, sababtoo ah markii qolka laga beddelaayay ma aanay joogin, cid u sheegtay qolka loo beddelayna ma jirin, nasiib xumadeedana ma qoran nambarka Raage, mana taqaano telka gacanta Yaasmiin, walaalkeedna inay Yaasmiin ka soo wacdo maahine uma keydsana nambarkeeda, Layla oo jaha wareer ku jirta oo mar ku fekereysa inay Soomaaliya aadeen, marna isdheheeysa sidee Soomaaliya ku aadaayaan ayadoo aanu Raage reysan, ayay Tvga ayay ka aragtay masiibadi ka dhacday iyo wareysigi David iyo Lee.

Waxaa Holmes jeebkiisa laga helay account book (buug check) uu magac kale ku qoran yahay, accountigaa ayaa la baaray, waxaa la helay lacago badan oo ku jira iyo meelaha looga soo diray, raadraac ayaa lagu sameeyay accountiyada lacagaha looga soo shubay, waxaana soo galay Kamaal mid uu ku qoran yahay oo 500 kun looga soo diray.

 

142.

David iyo Lee waxay aadeen Los Angeles, waxay la kulmeen Tom oo ay u sheegeen xaaladda Kamaal, waxayna wax ka waydiiyeen inuu wax ka ogaa xiriirki ka dhexeeyay Kamaal iyo Holmes, Tom wuxuu u sheegay inuu waxba kala socon, haddii uu ogaanlahaana uu ciidanka la socodsiin lahaa, kadibna waxay aadeen hotelka ay Deeqa degan tahay, waxay ku yiraahdeen fasax ayaad naga tahay ilaa maxkamada lagaaga yeero si aad markhaati ugu furto Kamaal, kadibna waxay siiyeen kaar ku qoran telefoonadooda oo ay u raaciyeen: “halkaa nagala soo xiriir haddii aad noo baahato” wayna ka soo tageen.

Deeqa markay ogolaatay in arrinti shirqoolka ay soo gashay Kamaal, maxkamadna looga yeeraayo si ay markhaati ugu noqoto Kamaal, ayadoo ka sheekeyneysa inuu jeclaa ayada, taasna sabab looga dhigaayo dilka lala damacsanaa Raage oo aaminsan inay ayada waxa dhacay oo dhan masuul ka tahay, waxaa Deeqa u soo baxday inay Rr uga dhammaatay haddii aanay helin dariiq ay ku qancin karto, waayoo qandaraaska waxaa u keenay Kamaal, waxay gashay Raage oo aan raali ka aheyn, asagoo u qaadan kara inuu Kamaal ayada u daba socday sida ay asaga u daba socotay Yaasmiin, qorshaha Kamaalna uu ahaa siduu ayada ku heli lahaa, marki ay diidayna uu isku dayay inuu Raage dilo, Deeqa waxaa looga baahan yahay inay maxkamada ka hor caddeyso hadalada ay David iyo Lee ku tiri, weliba maxkamadaa oo uu fadhiyo Raage, asagoo dhegahiisa ku maqlaaya sheekooyinka dhex mari jiray Deeqa iyo Kamaal, waloow Raage iyo Yaasmiin ay sheekeystaan, haddana Yaasmiin oo fadhida ayuu horteeda ku dhihi jiray (waxba nagama dhexeeyaan) balse ma dhicin inay isku soo hadal qaadaan Kamaal, wayna ogtahay inuu Raage kaga maseyri jirin Saalim oo uu weliba ogaa muraadkiisa.

Deeqa talaa ku gadooday, markaas ayay telefoonkeedi la soo baxday, kii ay wacday oo Raage ahaana wuu go’an yahay, kadibna safar deg deg ah ayay soo gashay, gegadi diyaaradaha waxaa ku qaabilay wixi wariye joogay gobalka, si ay uga wareystaan dhibka dhacay iyo xiriirka kala dhexeeya ninka laga shakiyay inuu dilka ka dambeeyo, Deeqa waxay sheegtay inuu xiriir wada socasho kala dhexeyn Kamaal, kadibna waxay dhex jiirtay wariyaashi oo ku xoonsan, markay limousine ka gashay ayaa gaariga loogu soo dhex tuuray Joornaal ay ku sawiran tahay bogga hore, waxaa cinwaan looga dhigay (the scandal of Diana Somalia miss Rooble) (fadeexaddi Dianada Soomaaliya, marwo Rooble) waa cadadki u horeeyay oo lagu soo daro magaca Raage, inkastoo aan sawirkiisa la haynin, balse baadi goob loogu jiro, waxaa Deeqa la sawiran Kamaal oo agtaagan, waa sawir laga qaaday habeenki xafladda oo laga soo iibsaday Tom, sababta oo ah wuxuu Tom rabaa inay Deeqa caan sii noqoto iyo inay aad uga sii fogaado Raage si ay gacantiisa u soo gasho, ayadoo kaligeed ah oo asaga dhegeeysaneysa, waxaa Joornaalka ku qoran sheekada Deeqa iyo labada nin ee tartanka ugu jiray iyo jaceylka ka dhexeeyay.

Layla oo la doodeysa maamulki cisbitaalka oo hore ugu diideen inay u sheegaan halka Raage la geeyay, haddana ku yiraahdeen (ma naqaano meel la geeyay) Laylana ay ku leedahay (waa beentiin oo asagoo cisbitaalka dhinac ka jooga ayaad iga qariseen, haddana qol kale ayaad ku qarsateen, waana idin dacweynaa) ayay Deeqa soo ag istaagtay ayadoo Raage ka soo waysay qolki ay ku ogeyd, markaana is leh waxaad waydiisaa maamulka cisbitaalka, Layla markay aragtay Deeqa ayay ku tiri: “Deeqa ma hadda ayaad socotaa?” Deeqa oo aan Layla la hadlin ayaa maamulki waydiisay halka uu jiro ninkeeda, waxaa lagu yiri: “David iyo Lee ayaa naga watay” Deeqa war uma yaalo, wax dood ahna kama qabto jawaabtaas la siiyay, laakiin waxaa galay shaki ah in ayada lafteeda looga baqaayo, sidaa daraadeed way iska dhaqaaqday, Layla oo ka daba baxday ayaa ku tiri: “Raage naagtiisa ayaad tahay, xaqna waxaad u leedahay inaad ogaatid meesha la geeyay” Deeqa ayaa ku tiri: “waan ogahay meesha la geeyay” Layla ayaa tiri: “aniga ii sheeg” Deeqa ayaa tiri: “sideen kuugu sheegaa, adiga oo ah naag dhan oo aan nin uga tagtay oo laga rabay inay naag kale nooga ilaaliso oo aan war iyo wacaal toona u hayn” Layla ayaa tiri: “dugsi ayaan ku maqnaa marki qolka laga beddelay, laakiin cid ii sheegto qolka loo bedelay ma helin, markaa waxaan u qaatay inay Yaasmiin igala dhuumatay oo cisbitaal kale geysatay, balse xalay ayaan Tvga ka arkay, markaan cisbitaalka imidna fursad aan ku soo galo waan waayay, sidaa ay tahay maanta oo dhan ayaan ku mashquulsanaa raadintiisa, kadib markii aan ogaaday in meel lagu qarsaday” Deeqa oo rabta inay raacdo Limousinki keenay ayay Layla ku tiri: “gaarigeeygaa yaalo ee Limooda iska fasax” sidaa ayay isugu raaceen guriga Deeqa.

 

143.

Layla ayaa Deeqa waydiisay: “adiga iyo Kamaal maxaa idinka dhexeeyay?” Deeqa ayaa uga sheekeeysay inti ay isla soo mareen, markaa ayay Layla tiri: “ma ogeyn inaad Kamaal heerkaa isla gaarteen, laakiin asaga iyo Yaasmiin waa koolo oo ciddi ay ku dhegaan kama fuqaan” markay Deeqa maqashay magaca Yaasmiin ayay xanaaqday, waxay tiri: “Yaasmiin ayaa igu riday godka aan ku jiro, sababtoo ah ayadaa igu qabsatay Raage anigoo caadi ka ah jaceylkiisa, waxaan islahaa ka lug gooy, Laakiin mar dambe ayaan is arkay inaan jeclaaday” ayagoo sheekeysanaaya ayuu Tom soo wacay, wuxuu ku yiri: “laba maalin kadib waxaan u safreynaa Yurub ee diyaar noqo” Deeqa ayaa ku tiri: “FBI ayaa igu dhigan oo markhaati iga rabta” Tom ayaa yiri: “marka aan soo laabano kadib ayaa laguu baahan yahay” Deeqa safarka kama baaqan karto, muddadana way ku gaaban tahay, ileyn ma oga inta ay ku qaadaneyso aragtida Raage, sidaa daraadeed ayay wacday David iyo Lee, waxaa ka qabtay Mr. Lee markay ninkeeda waydiisay ayuu ku yiri: “wuxuu joogaa meel amaan ah, ilaa ay baarista ka wada dhammatana ma rabno in qof kale ogaato, waana badbaadada ninkaaga” Deeqa way iska demisay telefoonki, Layla ayaa ku tiri: “muxuu kugu yiri ninka?” Deeqa ayaa ku calaacashay: “aniga waa ii dhammaatay, waayoo ninki aan adduunyada ugu jeclaa ayaa laydiidan yahay inaan ogaado meesha uu joogo, waxaana ka baqaa inuu iga aaminsan yahay inaan shirqoolkiisa wax ka waday, taana waxaa ii caddeynaaya inuu igu yiri yaan la ogaanin cisbitaalka aan jiifo” markaa ayay Layla istaagtay si ay Deeqa uga ag tagto, waxayna ku tiri: “habeen wanaagsan” waxay ka soo tegay Deeqa oo kaligeed joogta gurigeeda.

Yaasmiin waxay nambarka cusub ee Raage ka wacday walaalihiis Xasan iyo Maxamed Rooble oo markaan Xasan loo sheegay dhibka gaaray Raage, kadib ayuu u sheegay inay safaarada aadaayaan berri dambe, haddii bixida loo ogolaadana ay tigidka soo jaranaayaan si ay dhakhso ugu yimaadaan Mareykanka, haddii ay ku soo dhacaana uu Soomaaliya ka sii aadidoono, Yaasmiin ayaa Xasan ku tiri: “waxaan berri kuu soo diraa shan kun si aad safarka ugu soo gashaan, adigana na soo wac marka aad safaarada ka timaadaan” kadib Jamaal Dooli ayuu Raage la hadlay, marki loo sheegay mucjisada qabsatay ayuu Jamaal waydiiyay: “Deeqa Daahir miyaa ah gabadha aan sawirkeeda ku arkay joornaalada? Adduun yaab leh iga dheh, waxaan is lahaa qoftaan waa taqaan ee xagee ku aragtay?” Jamaal intuu ashahaatay ayuu yiri: “fadeexada joornaalka lagu soo qoray markaan arkay waa yaabay, waxaa cinwaan looga dhigay (scandal of Somali Diana, miss Rooble) waxaa la sawiran nin kale oo Kamaal Kaahin la leeyahay, laakiin waan garan waayay Rooblaha ninkeeda ah oo sawirkiisa lacagta lagu raadinaayo, inaa lillaahi, wallaahi waa mucjiso” Raage waa isku yar yaraaday ceeb iyo weji xumo ayuu dareemay, wuxuu ka shallaayay sababti uu Dd u jeclaaday, waxaa uga naxdin badan sawirkiisa oo lacag lagu raadinaayo iyo in lagu soo sawiro joornaaladi uu u diidanaa in xaaskiisa mustaqbalka lagu soo sawiro, asagoo hadal ka soo bixi la’yahay ayuu Dooli ku yiri: “waxaa ku qoran joornaalka inuu Kamaal inkiray xiriir ka dhexeeyo asaga iyo Deeqa, laakiin ay Deeqa ku caddeysay inuu ayada jecel yahay oo uu daba socday muddo fara badan, arrintaa oo caddeyn u ah inuu Kamaal rabay dilka Mr. Rooble iyo in Deeqa looga shakisan yahay inay Kamaal u sheegtay cisbitaalka uu ninkeedu ku jiro, taas oo caddeyn u ah su’aalo ay Joornaalka waydiiyeen dembi baarayaasha, kuwaas oo u sheegay inay xaaskiisa tahay cidda kali ah ee ogeyd cisbitaalka uu Mr. Rooble jiifay” Dooli ayaa sii raaciyay: “walee waa yaab adduun, Deeqa miyaa rabta in lagu qaarijiyo, taas maba aaminsani inay jirto ama inay dhici karto” Raage ayaa yiri: “walaaloow waa qadar dhacay cid loo haystana ma jirto, waxaas oo dhanna waxaa noo keenay qandaraas xayaysiin ay gashay, fadeexada dhacdayna waa mid ay ayada lugaheeda ku doonatay” Dooli ayaa yiri: “hadda xagee jirtaa Deeqa?” Raage ayaa ku yiri: “Los Angeles ayaan ku ogaa” Dooli ayaa yiri: “telefoonkeeda isii” Raage ayaa yiri: “horta dumaashidaa aan ku baro” Dooli ayaa waydiiyay: “mid cusubaa?” Raage ayaa u dhiibay Yaasmiin, markay isbarteen kadib ayay ku tiri: “waxaan la dhashay Saacid ninki ku soo helay” Dooli ayaa yiri: “haa waan gartay, wuuna iiga kaa sheekeeyay, dumaashi adigoo raali ah, waxaad Rooraaye iiga qaadaa nambarka Deeqa Degan” Yaasmiin intay qososhay ayay tiri: “Raage miyaa loo yaqaanaa Rooraaye?” markaa kadib ayay Rr fasax uga qaadatay inay siiso lambarka Deeqa, wayna u qortay ayadoo shuruud uga dhigtay inuu Deeqa siinin lambarka Rooraaye.

 

144.

Jamaal Dooli wuxuu soo wacay Deeqa oo aad u niyad jabsan, markay lambarka fiirisay way garan weyday cidda soo wacatay, ayadoo cabsaneysa ayay ka qabatay, markay garatay inuu Dooli yahay ayay ku faraxday, iswareysi kadib ayuu Dooli u sheegay inuu lambarkeeda ka soo qaatay Rooraaye, kadibna waxaa la galay sheekada runteedi, wuxuu Dooli u sheegay Dd joornaalka uu ku arkay iyo waxa ku qoran, intuu Dooli akhrinaayay fadeexadda oo dhan Deeqa waxay ka ooynaysay niyadda, indhaheedana waxaa ka socday ilmo, markuu Dooli warki dhammeeyay ayuu Deeqa waydiiyay: “Kamaal wuu inkiray inuu idin dhex maray xiriir jeceyl, wuxuu sheegay inuu idin dhex marin wax dhaafsiisan barasho iyo wada shaqeyn, haddii ay middaa dhab tahay, maxaad adiga u tiri wuu i jeclaa muddo badan ayuuna i daba socday?” Deeqa ayaa tiri: “anigu been ma sheegin” Dooli ayaa yiri: “waaw, taa waan gartay” Deeqa oo hadalka ka qabsatay ayaa tiri: “Dooli si kale ayaad hadalkeeyga u qaadatay, laakiin anigu ma ogeyn inuu Kamaal dili rabay Raage, mana u sheegin cisbitaalka uu Raage jiifay, siduu ku ogaadayna lama socdo, haddii aad midaa iiga shakisan tahayna, waxaa hubaal ah inaad caawa isiineyn lambarka Raage aad kala hadashay, laakiin waxaad iigu sheegtaa inaan weli sideeydi u jecelahay iyo inuu ila soo hadlo, waayoo nafteeyda ayaa aad ugu baahan inay hadalkiisa maqasho” Dooli ayaa waydiiyay: “inaad been sheegin, maxaad ula jeedaa?” Deeqa waxay tiri: “iga aamini maysid haddii aan kuu sheego, waayoo waxa aad joornaalka ka akhrisay ayay dadka oo dhan aaminsan yihiin, laakiin waxaan ku waydiiyay sawirka ku sawiran bogga hore, ma kali kali ayaan u sawiranahay aniga iyo Kamaal? mise waa isla sawiranahay?” Dooli ayaa yiri: “maxaa kali kali ah garabka ayuu kaa haystaa, waxaana la moodaa inaad tihiin nin iyo xaaskiisa” Deeqa way garatay sawirkaa inay Kamaal la gashay habeenki xafladda, waayoo majiro mar kale oo ay Kamaal isla sawirtay, kadib waxay Dooli u sheegtay inuu jiro shirqool loo dhigay sidi ay ku kala tegi lahaayeen ayada iyo Rr, waxayna ka codsatay inuu u raadiyo fursad ay isku arkaan Raage.

Kamaal Aabahii Kaahin ayaa soo aaday magaalada Los Angeles ee gobalka California si uu xaaladda wiilkiisa wax uga qabto, wuxuu ku degay hotel ku dhow xabsiga uu ku xiran yahay wiilkiisa, kadibna wuxuu booqasho ugu tegay Kamaal si uu u soo ogaado dacwada loo haysto iyo sida wax looga qaban karo dacwadaas, markay isi soo arkeen ayuu Aabe Kaahin u raadiyay qareen wiilkiisa difaaca.

Xasan iyo xaaskiisa waxaa la soo siiyay ogolaanshihi iyo inay ayagu haddii ay heli karaan iska bixiyaan tigidka dhoofka, haddii kalana loo soo dedejiyo maadaama ay xaaskiisu xaamilo tahay una baahan tahay xannaano deg deg ah, waayoo waxay safaaradu arkeen inay caloosheeda aad u weyn tahay, lagana yaabo inay siddo mataano, sidaa daraadeed ayuu Xasan safaaradda ugu sheegay inuu baxsan karo tigidhkooda, markay ka soo bexeena wuxuu Xasan soo wacay Raage, wuxuuna u sheegay natiijada safaaradda iyo inuu galabta raadin doono tigidhka safarkooda iyo inuu u soo sheegi doono xilliga ay soo baxaayaan, Xasan waxaa kale uu wacay Maxamed Rooble oo guriga ka maqan, balse wax akhbaar ah uma reebin.Dabagalki FBI waxay ku heleen hooyga uu deganaa Richard Holmes, waxay guriga ka heleen telefoono badan oo soo wacay, dad badan oo la soo xariiri jiray ayaa la soo qabtay, dadkaa waxaa ka mid ahaa nin shaqaale ka ahaa cisbitaalka uu Raage jiifay oo ahaa lambarki ugu dambeeyay oo Richard soo woco, Holmes wuxuu cisbitaalka ku helay inuu Raage ka raadiyo cisbitaalada ku dhow xaafadda uu degan yahay, mid walbana wuxuu kala heshiiyay qof shaqaale ka ah, haba u badnaadaan nadiifiye, mid walbana wuxuu u ballan qaaday lacag toban kun ah, haddii uu la socod siiyo qolka uu Raage Rooble ka jiifo cisbitaalka, asagoo siiyay lambarka telefoonka uu kala soo xiriiri karo, sidaa ayuu Richard ku helay qolka iyo cisbitaalka uu Raage jiifay, nasiib xumo lama helin raad Tom lagu soo qabto, waayoo wuxuu ka soo wici jiray payphone (telefoon jidka ku yaal) sababta oo ah Tom waa khaa’in caqli badan oo dalkiisa jooga, wuxuu iska ilaaliyay in aanu raad soo gelin gurigiisa.

Yaasmiin waxay ku khasbanaatay inay gurigeeda aado, waxay labadooda isku raaceen in Xasan iyo Faaduma la soo dejiyo guriga Yaasmiin, maadaama ay firaaqo u waayeen inay guri u kiraayaan, sidaa daraadeed nadiifin ayay Yaasmiin u aaday guriga, waxaa hore loo siiyay warqad ay ku soo geli karto qeybta ay cisbitaalka ka degan yihiin, waxay timid guri sitimaan dhan ay ka maqneyd, waxaa telefoonka uga buuxay akhbaaraad loo reebay, waxaa in badan soo waceen kambanigi ay u shaqeeyneysay oo rabeen inay ugu hambalyeeyaan geesinimada ay muujisay iyo ayaga oo rabay inay shaqada ku soo laabato, waxaa kale oo soo wacay walaalkeed Saacid oo walaashiis aad uga walwalsanaa, laakiin Tvga kala socday akhbaarkooda, waxaa soo wacday saaxiibteed Siraad oo ay ballan lahaayeen, taasoo xataa dhowr goor guriga timid si ay xaaladeeda u ogaato iyo dad badan oo asaxaab iyo shaqaale ay wada shaqeyn jireen ay ka mid yihiin, Yaasmiin waxaa ugu muhimsanaa walaalkeed oo ay illowday inay wacdo inti ay cisbitaalka joogtay, markaa ayay walaalkeed ka billoowday.

 

145.

Yaasmiin waxay walaalkeed ka raali gelisay inay deg deg ula soo xariiri wayday, wuxuu ku yiri: “waan ogaa dadaalka aad ugu jirtay sidi aad ku heli laheyd Raage, waana ogaa sababta aad iiga soo hartay inuu asaga ahaa, laakiin waxaan aad u walwalay markaan Tvga kaa arkay adiga oo dhiig leh, habeenkaana waan seexan waayay, xataa aniga oo maqlay inuu wax ku gaarin, waxaana ka fekeraayay naftaada halista gashay iyo sababta ay halistaa u gashay iyo xaalku sida uu noqon karo” Yaasmiin intay xoogaa aamustay ayay kadib walaalkeed ku tiri: “aboowe wiilkaa waxaan u sameeyay kuma xirneyn waxaan ka rabay, waayoo naftiisa ayaa ka qaalisaneyd muraadka aan ka lahaa, waxaana noqday Alle ka sokoow, qofka kali ah ee badbaadin karay, haddana wuxuu u socdaa Soomaaliya” Saacid ayaa waydiiyay: “adigu Soomaaliya ma u raaceysaa?” Yaasmiin intay qososhay ayay tiri: “haddii aan ku heshiino iyo haddii aad adiga ii fasaxdo inaan Soomaaliya u raaco” Saacid ayaa ku yiri: “go’aanka adiga ayaa iska leh” kadib markay xoogaa sheekeysteen ayay Yaasmiin macsalaameysay walaalkeed, si ay u billowdo howsha nadiifinta, ayadoo howshii ku jirta ayay albaabka soo garaacday Layla oo islaheyd soo fiiri haddii Raage guriga Yaasmiin la keenay, markaa ayay dareentay in guriga la joogo, Yaasmiin markay ka furtay ayay Layla farxad ku soo gashay, ayada oo leh: “Raagana aaway” Yaasmiin ayaa ku tiri: “Raage ilama socdo” Layla ayaa waydiisay akhbaarkiisa, laakiin Yaasmiin waxay u sheegtay inuu joogo meel aamin ah iyo in looga baqaayo inay jiraan dad kale oo dili raba, sidaa daraadeedna aan qof kale loo ogoleyn inuu ogaado ama tago meesha uu joogo, Layla waxaa ka soo haray yaab, markaa ayay tiri: “aniga oo intaa cisbitaalka la joogay xataa la iima ogola miyaa inaan u tago?” Yaasmiin ayaa tiri: “cisbitaalka haddii aan ku geeyo waad arkeysaa inaan cidna loo ogoleyn, balse waa inta uu kiisku ka dhammaanaayo oo kali ah” Layla ayaa waydiisay: “goormuu kiiska dhammaanaa?” Yaasmiin ayaa ku tiri: “David iyo Lee ayaa og” markaa ayay Layla soo xasuusatay David iyo Lee inay yihiin kuwi ay Deeqa la hadleysay, markaa ayay Yaasmiin waydiisay telefoonka David iyo Lee, markay u sheegtay inay haynin telefoonkooda ayay Deeqa aaday si ay uga qaadato telefoonka oo u wacdo David iyo Lee.

Yaasmiin si deg deg ah ayay howshi ku dhammeysay, dhakhsina waxay u aaday cisbitaalki, laakiin Layla markay Deeqa u tagtay oo ay u sheegtay in Yaasmiin joogto gurigeeda ayay Deeqa soo aaday guriga Yaasmiin, ayadoo Laylana la socoto, markay qof ka waayeen ayay Layla tiri: “isii telefoonka David, anigaa waydiisanaaya inaan Raage u tagee” Deeqa ayadoo is leh majiro xal kale oo aad Raage ugu tegi kartid ayay Layla siisay telefoonki waxayna ku tiri: “haddii laguu ogolaado, waxaan kaa rabaa inaad Raage ila soo hadalsiiso” markay Layla ogolaatay ayay telefoonki wacday, waxaa ka qabtay Mr. Lee oo markay isu sheegtay kadibna ay waydiisatay inuu Raage u geeyo, markuu u ogolaaday ayuu waydiiyay: “waxaad ii sheegtaa meesha aan kuugu imaan karo” waxay siisay cinwaanka guriga Yaasmiin oo ay markaa taagnaayeen, laakiin Mr. Lee ayaa ka codsaday cinwaanka gurigeeda inay kula ballanto, markaa ayay u qortay cinwaankooda, kadib ayay Deeqa ku tiri: “xaafadeeyda ayuu iga dalbaday, sidaa daraadeed waxaan ku sii sugaa gurigeeyga” Deeqa kaligeed ayaa gurigeedi la geeyay, kadibna Layla waxay gurigoodi timid ayadoo uu sugaayo gaari madoow, markii Layla la arkayba gaarigi ayaa lagu ritay ayadoo uu weli furan yahay albaabka gaarigi ay wadatay, kadibna waxaa yimeedeen ciidamo kale oo guriga galay si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Layla waxaa la geeyay xabsi ay FBI leeyihiin, waxaa la baaray telefoonkeeda, waxaana la waydiiyay su’aalo fara badan oo ay ka mid yihiin: “ma taqaan Kamaal?” Layla markay tiri: “haa waa aqaan” waxaa loo arkay inay tahay malaay weyn oo la soo helay, ayadoo rabta inay sharaxdo aqoonta kala dhexeeysa Kamaal ayaa lagu yiri: “su’aal aan ku waydiin kama jawaabi kartid” kadib ayaa la waydiiyay: “Raage ma taqaan?” waxay tiri: “haa” waxaa lawaydiiyay: “Tom ma taqaan?” waxay tiri: “haa” waxaa lawaydiiyay: “Richard Holmes ma taqaan?” waxay tiri: “maya” waxaa lawaydiiyay ninki cisbitaalka nadiifiyaha ka ahaa: “Lewis ma taqaan” Layla ayaa tiri: “haa” kadib ayaa lagu yiri: “waxaad noo sharaxdaa dadkaas iyo sida aad isku barateen, Layla way ogaatay in shaki laga qabay, sidaa daraadeed ayay haa u tiri inta qofood ay taqaano, markaa ayay sharaxaad gashay, waxay tiri: “Kamaal iyo Tom waxaan bartay maalinti ay Deeqa saxiixaysay qandaraaska shirkadda, Raage iyo Deeqana waxay ku soo degeen gurigeena oo ay muddo badan nala joogeen, marki Raage la dhaawacay waxaan ka mid ahaa dadki cisbitaalka la joogay, laakiin aniga oo iskool ku maqan ayaa qolka laga beddelay, ilaa iyo haddana waxaan raadinaayay meesha la geeyay, Lewis wuxuu subax walba nadiifin jiray qolka uu Raage jiifo, walow aan waydiiyay inuu ii sheego halka Raage la geeyay, asaga laftiisa ayaa igu yiri waxaan u maleynaa in gurigiisa loo qaaday, markaan aniga ku iri isku guri ayaan nahay lamana keenin guriga, ayuu Lewis igu yiri waa sheeko yaab leh, Raage haddii aad wacdaan oo aad aniga magaceyga u sheegtaan, wuxuu idinku leeyahay ii keena”.

Raage marki loo sheegay arrinta Layla ayuu ku yiri: “sii daaya waa runteed hadalka ay idiin sheegtay” sidaa ayaa Layla lagu soo daayay, ayadoo ka xun sababta uu Raage u dhihi waayay Layla hala ii keeno, waxay timid gurigoodi oo isku dhex daadsan, waxaana laga qaatay sawirka Raage oo ay Deeqa boorsadeeda kala baxday, sawirkaa oo ah midki uu Raage ka soo qaaday Yaasmiin, markaa ayay Mr. Lee wacday waxayna u sheegtay inay dacweyn doonto haddii aanay keenin alaabta gurigeeda ka maqan, saacad kadib ayaa loo keenay sawirki, Mr. Lee ayaa indha hor leh ku fiiriyay Layla, asagoo niyadda iska leh: “Kamaal wuxuu rabay inuu Deeqa kala wareego Raage, sidaa oo kale Laylana malaha waxay rabtay inay Raage kala wareegto Deeqa”.

 

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN