Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q.146-150aad. W/Q. Ahmed Hayow

received_10204784410466642

 

146.
David iyo Lee waxay go’aansadeen inay kiiska geeyaan maxkamad, maadaama la haayo Kamaal iyo Lewis oo qirtay inuu Holmes lacag ku siiyay inuu soo sheego halka uu Raage jiifay, laakiin uu yiri: “ma aqaano Kamaal Kaahin” midda kalana uu ka dhintay Richard Holmes, haddii ay macluumaad ka heli lahaayeen, sidaa daraadeed ayay u go’aansadeen inay kiiska wejigiisa hore soo afjaraan, waxay soo diyaariyeen ninki dacwadda ku soo oogi lahaa Holmes, Kamaal iyo Lewis, waxayna muddada dacwadda la qaadaayo ka dhigeen, maalinta Isniinta oo ay ka harsan tahay seddex maalmood, sababtaas aawgeed ayuu u baaqday safarki ay ku bixi lahaayeen Deeqa iyo Tom oo Deeqa ay telefoon ugu sheegtay in maxkamadda laga wacay si ay Kamaal ugu markhaati furto, Aabe Kaahin wuxuu soo watay qareen uu rabo inuu wiilkiisa didaaco, Shirkaddana waxay soo wadatay qareenkeeda Mr. Olson oo ay rabto inuu Kamaal iyo Shirkada difaaco, Lowis waxaa u socda inuu difaaco nin madoow oo ina adeerkiis ah, kaasoo Qareen cusub ah, wuxuu rabaa inuu kiiskaan ku soo shaac boxo, laakiin xuquuqda Raage waxaa u doodaaya prosecutor (xeel ilaaliyaha) kaas oo soo akhristay warbixinadi ay u soo qoreen David iyo Lee.
Raage iyo Yaasmiin waxay heleen wakhti ay ku soo dhaweyn karaan Xasan iyo Xaaskiisa oo berri dambe ku soo wajahan JFK Airport, inkastoo Raage aanu laheyn dhaqdhaqaaq badan, haddana dhakhtarku wuxuu u ogolaaday inuu fadhiisto gaari aan kuraastiisu ciriiri aheyn, Lee iyo Davidna waxay u ogolaadeen inuu bixi karo, maadaama ay cabsidi yaraatay, Yaasmiin waxay sikisay kursiga hore ee gaarigeeda si uu Raage nafis fiican ugu helo, inkastoo uu weli cisbitaalka ku jiro oo aanu meel kale seexan karin, maalintaa ayay Yaasmiin u qaaday gurigeeda, si ay u tijaabiso inuu xamili karo bixitaanka uu asagu ka dalbaday, markay guriga tageen Raage wuu fadhiisan waayay kuraasti fadhiga, waayoo waxay ku noqdeen god uu ku dhex dhacaayo, wuxuu fadhiistay sariirtiisa, Yaasmiina waxay lugaha u saartay barkimihi fadhiga oo ay is dul saarsaartay, kadib waxay wacatay saaxiibteed Siraad oo deg deg ugu timid, waxay isku raaceen magaalada si ay u soo iibiso Tv ay daawadaan Xasan iyo Xaaskiisa, waxaa kale oo ay soo iibisay adeega guriga oo ah cunto iyo cabitaan, waxaa kale oo ay soo iibisay daahyo cusub, maacuun cusub iyo barkimo, turaaxado, shukumaano iyo dacasadaha xamaamka (musqusha) iyo inta looga baahan yahay, markay guriga ku soo laabteen ayay u yeertay shirkadda Tvga oo u soo daysay kanaalada, kadib markay howshi guriga wada dhammeeyeen labadi gabdhood, ayay Siraad sagootisay ayadoo ka dheregsan wax walba oo ku saabsan Yaasmiin iyo Raage.
Layla oo walaalkeed u sheegtay inay Deeqa muraal xumo la joogto gurigaada, ayaa aaday si uu uga ag dhawaado oo wehel ugu noqdo, markay guriga ka furtay ayay Deeqa ku salaantay: “maxaad iga soo doontay?” Cawil ayaa ku yiri: “dhibka idinku dhacay daraadiis ayaan idiin soo booqday” Deeqa oo xoogaa dabacday ayaa tiri: “waad mahadsan tahay, soo gal walaal” markuu gudaha galay ayay Deeqa uga sheekeysay xaalka halka uu maraayo, Cawil oo iska dhigaaya nin ka xun masiibada dhacday ayaa yiri: “aad iyo aad ayaan uga xumahay duruufta idinla soo deristay, waa qadar dhacay oo inuu sidaa u dhaco ay qorneyd, waayoo wadada looga hor tegi karay wuxuu ahaa Raage oo kula fahma dadaalka aad waday, markaana maba dhici laheyn masiibada dhacday” Deeqa ayaa ku raacday aragtida uu Cawil ka bixiyay sababta keentay dhibka dhacay iyo sida looga nabad geli karay, markaa ayay eeda dul saartay Yaasmiin oo ay cabbaar Cawil hortiisa ku caaysay, halkaa ayuu fursad ka helay Cawil fursadaas oo ah inuu Yaasmiin ku sii diro wuxuu yiri: “haddii aan ogaan lahaa qorshaha Yaasmiin inuu yahay sida hadda aan ogaaday, waan kaaga digi lahaa marka aad timaadeen, laakiin ma ogeyn, hadda waxaan garan la’ahay sababta uu Raage ku raacay Yaasmiin oo aad ka qurux iyo xoolo badan tahay” Deeqa waxay ku fekertay inay Cawil u adeegsato inuu rufiyaan u noqdo oo u soo ogaado Raage iyo Yaasmiin halka ay joogaan iyo afaarahooda, markaa ayay ku tiri: “waxaad ii sameeysaa ixsaan yar oo ah inaad ii soo ogaatid meesha ay joogaan” Cawil ayaa yiri: “taa igu hallee” markaa ayay siisay furaha gaariga Rolls Royceka si uu ugu baashaalo ayadana ay akhbaarka uga hesho, waxay ugu dartay lacagta gaaska oo ay farta ka saartay toban kun, lacagtaas oo ay ku khasabtay markuu isdiidsiiyay iyo nambarka telefoonkeeda si uu uga soo woco, asagana waxay ka qaadatay nambarkiisa, Cawil wuxuu ku guuleystay inuu Deeqa ka ag dhawaado iyo in gaarigi la soo siiyo iyo inuu helay telefoonkeeda gacanta, muraadka laga leeyahayna ma rabo inuu u fuliyo sida loogu dirsaday, ileyn ninka loo diray waa ninka uu rabo inuu booskiisa galo.
Dooli ayaa soo galay New York si uu u soo dhaweeyo walaashiis iyo odaygeeda, wuxuu soo qaatay laba maalin oo fasax ah iyo laba maalmood oo weekend (dhammaadka sitimaanka) ah, berri oo axad ah waxaa soo degaaya Xasan iyo Faaduma, maalinta xigtana wuxuu u socdaa maxkamadda si uu u soo dhegeysto dacwadda kiiska iskudayga dilka Raage.
Waxaa garoonka ka soo qaaday Yaasmiin oo uu bar gartay (xoogaa aqoonsaday) inkastoo ay isku xaafad ahaayeen, haddana guriga Yaasmiin wuu ka fogaa soonaha ay deganaayeen Dooli, midda kalana goor hore ayay xaafadda ka guureen Yaasmiin nasiibna uma yeelan inuu arko, markuu gaarigeeda soo fuulay ayuu si fiican u fiiriyay markaa ayuu ku yiri: “Yaasmiin xageen kugu arkay?” Yaasmiin oo gaariga waday ayaa tiri: “arkid sidee ah!” Dooli ayaa yiri: “waxaan mooday inaan ku arkay adigoo intan ka yar” markay aamustay ayuu Dooli yiri: “magaceygu waa Jamaal Dooli, waxaan isku xaafad aheyn Deeqa Degan” markaa ayay Yaasmiin gaarigi qaboojisay oo Dooli si fiican u soo fiirisay, intay qososhay ayay tiri: “Dooli Dooli ayaan maqli jiray, ileyn Dooligu waa Jamaal Dooli oo haddii Jamaal la raacin lahaa, waxaan isdhihi lahaa armuu yahay kii aad yaraantaadi isku xaafada aheydeen oo ku dakhri jiray”.

147.
Yaasmiin iyo Dooli markay guriga soo galeen, ayay Raage isku soo boodeen, salaan iyo iswareysi kadib ayuu Dooli yiri: “Yaasmiin ayadoo yar ayaan calaamad ku dhigtay, kadibna labada reerood ayaa ku heshiiyay markay waynaato in aniga la isiiyo, maadaama aan wejiga ka dakhray, iligna aan ka jebiyay” Dooli intuu qoslay ayuu raaciyay: “markuu Aabaheed dhintay ayay xaafadda ka guureen, dib dambana uma arag, balse haddii ay dumaashideey noqotay waan ku faraxsanahay” Raage ayaa yiri: “dhiigi Yaasmiin waa laguu haystaa, sidaana kaaga hari maayo” marki lawada qoslay ayay Yaasmiin tiri: “waagaas anigu waan yaraa, waxna kama ogeyn waxa labada reer ku heshiiyeen, laakiin hadda waxaa iga masuul ah Rr, hadduu kuu cafinaayo iyo hadduu kaa qaadanaayo” Dooli ayaa yiri: “dhiigaaga waxaa lagu gudaayay siismo, sidaa daraadeed waxaan hadda ku siiyay Rooraaye, saa ayuuna ku gudan yahay” Yaasmiin intay qososhay ayay tiri: “anigana dhiigeeygi waan u qaatay, cafi iyo saamax ayaadna iga tahay” kadibna waxaa la guda galay qorshaha soo dhaweynta dadka berri imaanaayo iyo maxkamada berri dambe furmi doonta.
Deeqa kama soo bixin gurigeeda, waxay miiska soo saaratay sawiradi Rr oo inti hore kala qurux badnaadeen, waxay gashay xusuus dheer iyo waayo waayo, habeenki ugu horeysay uu kiiska u soo qaaday iyo erayadi ay isdhaafsadeen, waxay soo xasuusatay Raage oo raba inuu agteeda ka qaado kiishki ugu cuslaa markuu ku yiri: “waxaan filaa inaad kaalmo u baahan tahay” ayadana intay soo fiirisay ay ku tiri: “haa aboowe, Wallaahi waxgarad ayaad tahay” Raage oo isxariifinaayay markuu hal gacan ku soo qabtay kiishki, laakiin markuu kor ula soo kici waayay uu gacanta kale ku kaalmeeyay ayadana ku yiri: “Kiishku culusaa ma dad badan ayaad u soo adeegtay?” markaana ay ugu jawaabtay: “waa siddaasoo aan wax badan iska soo iloobay” Raage oo yaaban markuu ku yiri: “yaa kula qaadi jiray, marki aad waxba soo iloobin?” ayadana ay su’aashiisa la yaabatay ay magaciisa waydiisay: “aboowe magacaa horta?” markuu ku yiri: “Raage, laakiin waxaa lay yaqaanaa Rr, oo loo soo gaabiyay Raage Rooble ama Rolls Royce oo ah Gaari aan jecelahay” hadalkaa oo aad u cajibiyay darteedna ay ku tiri: “waaaaw waa ka helay magacaas” ayada oo isbareysana ay ku tiri: “aniga Deeqa ayaa leeyiraahdaa” markaana uu magaceeda u amaanay uuna ku yiri: “magacaaga caadi maaha Deeqa ama D, haddii uu magaca Aabahaa ka billaawdo D, waxaan ku dhihi lahaa Dd” siday ula soo booday: “yaa kuu sheegay inuu magaca Aabaheey D ka billowdo?” iyo siduu ugu qoslay oo u yiri: “Dd, waan asiibay soow maaha?”.
Deeqa xusuustaa waxay kala soo dhax baxday inay Raage habeenkaa jeclaatay, sababta oo ah haddii aanay jecleyn inay raadin laheyn subaxdi ku xigtay, balse khaladka ay sameysay uu ahaa inay maalintaa tusto Yaasmiin oo labada gacmood ku salaantay Raage, waxay maskaxdeeda dib ugu celisay kulankaa ugu horeeyay ay kulmeen Raage iyo Yaasmiin iyo markay galabtaas ka soo laabatay Raage su’aashi ay Yaasmiin waydiisay oo aheyd: “dumaashigeey Raage waa wiil shidan ee iiga waran?” markay ayadu ku tiri: “aniga ilama shidna” eraygi ay Yaasmiin ku tiri oo ahaa: “aniga wuu ila shidan yahay” eraygaas iyo ammaanta ay Raage u ammaani jirtay oo ah sababta ay Raage ugu laheyd Yaasmiin way ku jeceshahay, waxay isku canaanatay sababta ay saaxiib ula aheyd Yaasmiin oo ay ifka ugu neceb tahay iyo sababta ay ayadu uga hari wayday inay tahay inay hooyadeed uga aarto, waxay ogaatay Deeqa inay doqon tahay, waayoo waxay fahmi wayday ujeeda ay Yaasmiin uga imaan jirtay Kaaraan oo ay uga beddelan wayday dugsiga Cusmaan Geedi Raage, oo ku fogaa, waxay fiirisay magaca ugu dambeeya ee Dugsiga iyo magaca Raage oo islahaaday, Deeqa waxay gashay howlihi faaliyayaasha, hadba meel ayay ka fiirisay sababta guuldarada keentay.
Layla waxay wacday Mr. Lee oo ay ku tiri: “haddii aad dembi igu waydeen, maxaad iigu diidan tihiin inaan arko Raage iyo Yaasmiin?” Lee ayaa u sheegay inay gurigooda jiraan, markaa ayay soo aaday xaafadda Yaasmiin, waxay timid Jamaal Dooli oo jooga, markaana waxay ka xishootay inay dacwad u qabsato Raage iyo Yaasmiin, inkastoo ay eeda u kor martay waxay tiri: “waxaan xabsi u galay soo raadintiina” Raage ayaa yiri: “Layla waa lagugu khaldamay oo waxaa laguu maleeyay inaad shirkadda u shaqeyso, waayoo waxay FBI arkeen lacag kaa soo gashay Shirkadda” Layla waa naxday markaa ayay tiri: “ileyn tuhunka Shirkaddaas wax buu iga soo gaaray” Yaasmiin ayaa tiri: “Raage xataa waxbaa ka soo gaaray, laakiin shirqoolka ka hor ayuu iska wareejiyay wixi ka soo gaaray” Layla ayaa tiri: “qofka rabay inuu ku dilo, waxaan u maleynaa inuu Tom yahay oo aanu aheyn Kamaal” Yaasmiin ayaa u sheegtay in Kamaal looga shakisan yahay inuu Dd jecel yahay uuna ayada daraadeed Raage u dili rabay, Layla waxaa ka soo haray yaab markaa ayay tiri: “Kamaal iyo Deeqa waxaan u haystay inay shaqo ka dhexeyso oo kali ah” Layla waxay la soo joogtay ilaa goor dambe oo habeenkii ah, waxayna ka soo tagtay ayadoo lagu daray dadka wax ka soo dhaweeynaaya Xasan iyo xaaskiisa, sababtoo ah waxaa loo baahday gaari kale, maadaama uu Raage kaligii raacaayo hal gaari.

148.
Layla markay gurigeeda tagtay ayay walaalkeed u sheegtay sheekada Kamaal iyo inuu jeclaa Deeqa, markaas ayuu Cawil ogaaday inuu Raage joogo guriga Yaasmiin, kadibna wuxuu wacay Deeqa wuxuuna u sheegay inuu Rr joogo gurigaas, Deeqana waxay ku tiri: “deg deg iigu imaaw si aad gurigaa ii geyso”.
Markay gurigi tageen, waxay ku arkeen Dooli oo la jooga Xasan iyo xaaskiisa, waxay ka carootay muraadki ay meesha u timid oo aan u suuragelin, waayoo waxaa loo sheegay inay Raage iyo Yaasmiin ku laabteen cisbitaalka, sidaa daraadeed ayay Deeqa u diiday inay guriga gudihiisa gasho, laakiin Dooli ayaa ku yiri: “muraadkaagu wuxuu ahaa Raage, haddii aad waydayna cid kale dan kama lihid miyaa?” Deeqa ayaa tiri: “Dooli aniga oo aan ogeyn ayaad New York timid, adigoo aan xataa i soo wicin, sidaa daraadeed aniga ii ma imaan ee waxaad u timid maslaxadaada gaarka ah” Dooli ayaa yiri: “hadalki maal qabeenka ku hadli jireena waa baratay, waxaad illowsan tahay inaan shaneemo kuu raaci jiray anigoo daalan, laakiin hadda dad isku galaas ah ma nihin oo waxaad wadataa gaari Rolls Royce ah oo uu kuu wado nin darawal kuu ah” ileyn Cawil weli wuxuu saaran yahay gaariga oo kama soo degin, wuxuuna isleedahay Deeqa oo ka niyad jabsan Raage ayaa kuu soo laaban doonta ee gaariga ku dhex sug, sheekadi halkaa markay gaartay ayay Deeqa iskaga tagtay ayadoo leh: “Raage haddii aan hadda is arki waynay, berri ayaan maxkamadda isku arkeeynaa, inkastoo aan ka jeclaa inaan caawa kala tashado sida uu rabo inaan markhaatiga u furo”.
Raage wuxuu cisbitaalki ku laabtay asagoo xanuunsan, wax yar kadibna dhakhtarkiisi ayaa loogu yeeray, dhowr saacadood markuu saalada ku daaweeyay ayuu Yaasmiin ku yiri: “hadduu rabo inuu caafimaado yaanu sariirta ka kicin ugu yaraan hal sitimaan, waayoo socod fara badan iyo jugjug fara badan ma xamili karyo, wuxuuna u baahan yahay inuu iskala bixiyo, sucodkiisana aanu ka badnaan midka musqusha uu ku tegaayo”.
Maalinti maxkamada ayaa la gaaray, waxaa subaxaas la soo saaray Kamaal Kaahin, waxaana dacwadda ku soo oogay xeer ilaaliye Steve Joe oo loo yaqaan SJ, waa xeer ilaaliye cidda uu dacwad ku soo ogaa aysan sina uga badbaadin, waxaa meesha fadhiya Aabe Kaahin oo ay dhinac fadhiyaan laba qareen iyo Deeqa oo meesha u joogta markhaati oo ay la fadhiyaan David iyo Lee, waxaa kale oo dhegeysanaaya Dooli iyo Xasan Rooble, Raage walow uu xanuunki ka roonaaday, haddana maxkamadda ma imaanin asaga iyo Yaasmiin oo looga soo tegay.
Markuu maxkamadda soo galay Xaakimki ayaa la wada istaagay, markuu fadhiistay ayaa dadweynihi dhegeeysanaayay waxaa loo sheegay dacwadda la furaayo oo ku saabsan iskuday dil (first degree murder) oo lagu soo eedeeyay Richard Holmes oo dhintay iyo (second degree murder) oo lagu soo oogay Kamaal Kaahin iyo kaalmeeye dilaa (third degree murder) oo lagu soo oogay Welis, kadib ayuu qareen Steve istaagay wuxuuna yiri: “Eedaysane Kamaal Kaahin wuxuu shirqool u maleegay Raage Rooble oo aan maanta nasiib u yeelan inuu dacwadiisa dhegeysto, sababta oo ah xalay ayuu ayuu mar kale xanuunsaday, taa oo sababtay inuu maanta imaan waayo dhegeysiga dacwadiisa, Kamaal waxay Yaman isku barteen Deeqa Daahir ayagoo ku xariiri jiray khadka telefoonka si uu xiriir ula yeesho Deeqa oo markaa saaxiib la aheyd Raage, nasiib xumo Kamaal kuma guuleysan inuu Deeqa helo, xataa haddii uu Aabihii uga soo doonay reerka Deeqa”.
Steve Joe oo hadalkiisa wata ayaa yiri: “inta aan Kamaal su’aalo ka weydiin waxa arrinkaa ka jira, waxaan rabaa inaan Aabihii waydiiyo inuu tegay Yaman, asagoo wiilkiisa u doonyay Deeqa Daahir, sidaa daraadeed waxaan codaanaa inuu maxkamadda horteeda soo istaago Mr. Kaahin” Qareen Ajay Verma oo ah qareen uu la yimid Aabe Kaahin ayaa arrintaa diiday, Ajay waa qareen ah Hindi American oo ku dhashay Gobalka Ohio waxna ku bartay, laakiin Xaakimki ayaa dalbaday inuu maxkamadda hor yimaado Aabe Kaahin, kadib markuu Steve tusay warqad caddeyneysa inuu Kaahin tegay Yaman, si loo ogaado arrinta jirta inay dhab tahay iyo in kale, Aabe Kaahin waa la dhaariyay, markaa kadib ayuu Steve waydiiyay: “adiga iyo Deeqa Aabaheed soow saaxiib ma aheyn?” Aabe Kaahin oo ka sheekeyn raba barashada asaga iyo Aabe Daahir ayuu Steve hadalki ka dhex galay oo ku yiri: “haa ama maya” Ajay ayaa diiday in hadalka lagu celiyo Aabe Kaahin, markaa ayuu Xaakimki yiri: “su’aalu waa haa ama maya, tafaasiil haddii aad rabto, adiga ayaa ka dalban kara” Aabe Kaahin wuxuu yiri: “haa” Steve ayaa yiri: “meeqa goor ayaad Yaman ugu tagtay?” Aabe Kaahin ayaa yiri: “laba jeer” Steve ayaa yiri: “safarka hore markuu Kaahin tegay caasimadda Yaman, wuxuu joogay bil iyo bar, marka labaadna wuxuu joogay maalin iyo bar” markaa ayuu Aabe Kaahin waydiiyay: “maxaa sababay safarkaagi labaad inaad maalin iyo bar joogto Sanca?” Su’aashaa waxaa diiday qareen Ajay, Xaakimkina diidmada Ajay wuu ku raacay, Steve ayaa yiri: “waxaan haynaa caddeyn muujineysa in ganacsi ka dhexeeyay labada Aabe, ganacsigaasoo burbur ku dhacay marki Deeqa iyo ninkeeda ay Yaman ka soo guureen, burburkaas oo keenay in Deeqa Aabaheed lagu xabbadeeyo Yaman iyo in Raage lagu xabbadeeyo New York, arrimahaas oo ah kuwa isdaba socda oo raad isku leh” Aabe Kaahin wuu naxay, istaaga ayuu ka gariiray, markuu jooga ka dhici lahaa ayaa la qabtay, Steve wuxuu miiska Xaakimka saaray warqado caddeynaaya shirqoolka loo maleegay Deeqa Aabaheed oo gurigiisa lagu xabbadeeyay iyo Raage oo gurigiisa lagu xabaddeeyay, Deeqa Aabaheed waxaa lagu dhuftay shan xabbadood, Raagana waxaa lagu dhuftay isla shan xabbadood.
Deeqa oo dhegeysaneysay waxay ku sigatay inay Kamaal ku boodo, waayoo waxay rumeysatay hadalka Steve oo runta u dhow, haddii aan xaqiiqda runta ah la soo saarina aan cidna beeneysan karin.
Aabe Kaahin marki meesha laga qaaday, ayuu Steve u yeeray Kamaal in hortiisa la soo taago, markuu soo istaagay ayuu waydiiyay: “Deeqa ma u soo dirtay shan sawir oo aad leedahay?” Kamaal ayaa yiri: “haa” Steve intuu dadweynaha xagooda u soo jeestay ayuu yiri: “sheekadu wali waxay joogtaa shan oo ah laba shan xabbadood iyo shan sawir, bal ila fiiriya sheekadaas” kadib ayuu Kamaal waydiiyay: “Deeqa meeqa sawir ayaad ka dalbayay inay kuu soo dirto?” Ajay ayaa su’aashaas diiday, laakiin Steve ayaa yiri: “su’aashaas waan iska deyn karaa, waayoo waan ogahay inay shan sawir u dirtay, asagana wuu ogyahay inuu Deeqa ka dalbaday inay shan sawir ugu soo jawaabto, weliba shan shantu intaa kuma eka, waayoo wuxuu Deeqa ka saxiixay qandaraas shan sano ah, wuxuuna ku qaadanaayay lacag shan milyan ah, wuxuu UK uga yimid oo uu Deeqa heerkaa u gaarsiinaayayna waxay aheyd inuu gacanta ku dhigo”.

149.
Steve ayaa Kamaal waydiiyay: “hadda ka hor, Aabahaa soow Deeqa kuuma doonin?” Kamaal ayaa ku jawaabay: “maya” asagoo raba inuu tafaasiil ka bixiyo ayuu Steve yiri: “mayada noogu daa, midda kale weligaa ma jeclaatay Qeeqa?” Ajay ayaa su’aashaa diiday, markaa ayuu Steve yiri: “intaa ayaa igu filan, haddana waxaan rabaa Deeqa Daahir inay dadka hortooda ka sheegto, waxa ka dhexeeyay ayada iyo Kamaal” Deeqa ayaa la dhaariyay kadib ayay tiri: “Kamaal wuu ijeclaa, taana maaha mid uu hadda inkiri karo, asaga laftiisa ayaa Aabaheey i weydiistay, Aabihiisna way isku ogaayeen inuu ii soo doono, laakiin aniga ayaa diiday, diidmadaas kadibna waxaa dhacday inuu iga daba hari waayo, waxaana hadda ogaaday inuu shirqool u sameeyay Raage, kadib markuu kula soo kulmay guriga agtiisa lagu weeraray, taa waxaa caddeyn u ah, inuu Kalmaal noo sheegay aniga iyo agaasimaha Shirkadda Tom inuu Raage ogolaaday hishiiska iyo inuu imaandoono xaflad ay shirkaddu qabtay, balse lacagti hishiiska Raage wuxuu u adeegsaday dilkiisa” Ajay oo istaagay ayaa hadalki ka dhex galay Deeqa, wuxuuna su’aalay: “meeqa jeer ayaad saxiixday qandaraaska Shirkadda?” Deeqa ayaa tiri: “laba jeer” Ajay ayaa yiri: “midka hore waxaad saxiixday adigoo kaligaa ah, waxaana kula joogay Kamaal oo dhiniciisa ka saxiixay, laakiin Raage kulama saxiixin, haddaba maxaa sabab u ah inuu Raage kula saxiixi waayo?” Steve ayaa su’aasha diiday, laakiin Xaakimki ayaa yiri: “ka jawaab” Deeqa waxay sheegtay sababta uu Raage ula saxiixi waayay oo ah inuu diidanaa qandaraaska, markaa ayuu Ajay yiri: “heshiiska labaad waxaad saxiixday asagoo kula saxiixay Raage, laakiin aanu joogin Kamaal, haddaba waxaan ku waydiinaa maxaa sababay in Raage laga soo saxiixo heshiis kale” Deeqa ayaa tiri: “Tom ayaa rabay inuu Raage aniga ila joogo” markaa ayuu Ajay yiri: “Xaakimka maxkadda iyo guddiga dhegesiga maxkamadda iyo dadweynaha sharafta leh ee dhegeeysiga ka soo qeyb galay, waxaan idiin caddeynaa diidmada uu Raage diiday la joogista xaaskiisa Deeqa, ayaa ah sababta keentay in Raage loo shirqoolo” Ajay ayaa dalbaday inay miiska soo fuulaan David iyo Lee, wuxuuna wax ka waydiiyay baarista ay ku sameeyeen Richard Holmes, markay riboorki dhammeeyeen ayuu waydiiyay: “Holmes ma ka soo hesheen xiriir telefoon oo dhex maray asaga iyo Kamaal?” David ayaa yiri: “waxaan soo helnay….” markuu David halkaa maraayo ayuu Ajay hadalki ka dhex galay wuxuuna ku yiri: “fadlan haa ama maya” Lee ayaa yiri: “maya” Ajay ayaa yiri: “telefoonka lacagta ee laga soo wacay Holmes, yaa ka soo wacay?” David ayaa yiri: “waxaa loo maleynaa inuu Kamaal ka soo wacay” markaa Ajay intuu shanta farood ee gacantiisa kor u taagay ayuu yiri: “waa dembi shan malo ku dhisan, malaha koowaad waa inuu Kamaal weli jecel yahay Deeqa oo noo sheegtay inay diiday, malaha labaad waa inuu Kamaal shirqoolay Deeqa Aabaheed, malaha seddexaad oo ah inuu Kamaal shirqoolay Raage si uu gacanta ugu dhigo Deeqa oo aanu hubin inay Raage dabadii yeeleyso iyo in kale, malaha afaraad oo ah inuu Kamaal leeyahay accountiga laga bixiyay lacagta Holmes la siiyay ee ugu dambeysay, laakiin ay jiraan lacago kale oo ku soo dhacay khasnadda Holmes, malaha shanaad waa Kamaal inuu Holmes ka soo wacay sanduuq telefoon oo jidka ku yaala, sidaa daraadeed waa kiis mala awaal ah oo aan loohaynin caddeyn lagu kalsoonaan karo” Xaakimki maxkamadda ayaa yiri: “waxaa labada dhinac looga baahan yahay caddeymo waafi ah, sidaa daraadeed waxaan dacwadda iskugu soo laaban doonaa maalinta Isniinta soo socota” sidaa ayaa maalintaa lagu soo kala tegay, ayadoo la haysto hal sitimaan oo wax lagu soo kala caddeeyo.
Dib ayaa laysugu laabtay, David iyo Lee waxay Deeqa waydiiyeen: “maxaad noo tiri Kamaal Aabihii ayaa iiga soo doonay Aabaheey?” Deeqa ayaa tiri: “middaa Kamaal wuu inkiray, laakiin Raage naftiisa ayaa markhaati ka ah oo arrintaa wax kala socday” Steve ayaa yiri: “arrintaa waa inaan caddeyn u helno, midda kale waa inaan caddeyn u helno xiriirka lala soo sameeyay Holmes oo la baaro meesha uu ku yaalo buudka (barta telefoonada lacagta) lagala soo hadlay” kadib Deeqa ayaa sheegtay inay xirnaayeen Kamaal Aabihiis iyo Aabaheed markuu u soo doonay iyo cidda xirtay iyo sababta loo xiray, sheekada Saalim iyo Adeerkiis markay u sheegtay ayay garan waayeen siday iskugu xiri karaan labada shirqool.
Dhanka kale waxaa wada kulmay Ajay iyo Aabe Kaahin oo ka wada hadlay eedaymaha loo soo jeediyay Kamaal, waxay isla meel dhigeen inay caddeymo u keenaan eedaymahaas, waxaa shirkaas ka maqnaa Olson oo xabsiga ugu tegay Kamaal, wuxuuna waydiiyay sababta uu u inkiray inuu Aabihii u soo doonay Deeqa, balse Kamaal ayaa ku yiri: “arrin ganacsi ayuu Aabaheey u aaday Yaman, asaga iyo Adeer Daahirna kama wada hadlin doonasho” Olson waxaa u muuqatay inuu kiisku u janjeero dhanka Shirkadda uu qareenka u yahay, asagoo meesha u yimid inuu difaaco Kamaal oo xubin yar ka ah Shirkadda.
Dooli iyo Xasan waxay u tageen Raage oo ay uga sheekeeyeen doodi maxkamadda ka dhacday, Raagana wuxuu la yaabay waxa laysugu xiray Aabe Daahir iyo asaga iyo sababta keentay inay Deeqa raali uga noqoto isku xirka shirqoolada, ayadoo og inuu Saalim ka dambeeyay xabadaha lagu dili lahaa Aabaheed, markaa ayuu wacay Cali Baashi oo horaba uga salaamay: “Raage maxaa kugu dhacay bishaan oo dhan oo aad ula soo hadli weysay Oday Cawaale?” Raage ayaa u sheegay waxa ku dhacay, markaa ayuu Cali Baashi yiri: “wallaahi Oday Cawaale gacan ayaan u taagay, waayoo wuxuu igu yiri waxaan qalbiga ka dareemay in Raage wax gaareen, haddaan aqaano meel aan ka wici karana waan wici lahaa, waayoo marka lacagta uu qaadanaayo oo kali ah ayay xawaaladu soo wacdaa” kadib ayuu Raage ka codsaday inuu Deeqa Aabaheed berri keeno gurigiisa si uu ula hadlo, waayoo ayagana wuxuu Raage u diraa biilka oo loo soo woco oo kali ah, mana jecleyn inuu reerkaa la hadlo, wuxuuna ka baqi jiray inay soo dhexgalaan arrinta asaga iyo Deeqa oo aan war iyo wacaal u hayn reerkeeda, ayagoo u haysta inay isla og yihiin biilka uu u soo diro.

150.
Markii maxkamadda laga baxayba Deeqa waxaa lagu qaatay gaari si loogu diyaariyo safaro lagu aadi doono Yurub, si looga faa’iideysto sitimaanka ka harsan dhegeysiga maxkamadda, kadibna waxaa loo soo diyaariyay dukumintigi ay ku safri laheyd iyo tigidhadi bixitaanka, waxayna garoonka JFK ka duushay ayadoo ay dhinac socdaan Tom iyo turjubaankeedi Tracy.
Xasan Rooble ayaa Yaasmiin ku yiri: “caawa anigaa Raage la joogaayee guriga iska aada adiga iyo Jamaal” Yaasmiin oo diidan ayuu Raage ku yiri: “abaayo xalay oo dhan ma aadan seexan ee caawa soo naso, balse marka hore waxaad ii keentaan laba kaar oo aan Yaman kula hadlo” markaa ayay bexeen Jamaal Dooli iyo Yaasmiin oo sii qaaday dharki Raage oo ay islaheyd ka soo beddel oo kuwa nadiif ah u soo qaad, ka dibna ay isku soo hareen Raage iyo walaalkiis Xasan ayay si gaar ah isu wareysteen, Xasan ayaa yiri: “waan arkay Deeqa Daahir oo aan iswaydiin jiray waagi aad Yaman igala soo hadli jirtay, wax badan oo aad waagaa ii sheegi jirina waan ogaaday, ileyn iima aadan sheegi jirin inuu Deeqa kugula tartamaayo nin Ingiriiska jira oo gabar kale saaxiib kula ah Sanca, midda kale waxaan la yaabanahay inta aan Yaman joogay sababta aad ii bari wayday reer Daahir oo aan u soo arki waayay qoyska aad la xididi laheyd, intaa oo dhan waxaa iiga sii daran sababta aad isu guursan waydeen adiga iyo Deeqa ka hor inti aad Yaman ka soo bixin?” Raage ayaa ku yiri: “reerka waxaan kuu bari waayay inay weli xidid ii noqon iyo inay ogaanin xaalada aniga iyo Deeqa dhexdeena taalay, mana rabin gabadhooda oo illoowday inaan reerkeeda soo xasuusiyo, waxaana sugaayay ilaa ay ka soo xasuusato, sidaa ay tahayna waxaan reerka u diraayay biilkooda, weliba anigoo ugu qoraayay magaca gabadhooda, mana rabin inay helaan telefoonka looga soo diray lacagta, waan ogaa inay u baahan yihiin daryeel intaa ka badan iyo inay gabadhoodu haysato malaayiin doolar, balse ma dhicin sidi aan filaayay inay reerkeeda uga haqabtirto baahida ay gabadhooda u qabaan” Raage intuu xoogaa aamusay ayuu yiri: “Deeqa waxaan u soo galay tartamo badan, haddii ay ayadu ijecleyna kuma guuleysteen tartamadaa, waana ogahay inay ilaa hadda ijeceshahay, balse maxay kuugu taalaa Deeqa waa muuqaalka oo kaliya, inta kale waa ka maqan yihiin, haddana malaha tala qaadasho iyo wax ay kaala tashanayso midna, waxaa u muuqda wixi ay ayadu rabto oo kali ah, taasina waxay keentay inay diido inaan isnikaaxsano inti aan Yaman ka soo bixin, wakhtigaan la joogana ay noo noqoto cillad naloogu hanjabo inaan Mareykanka ku nimid macluumaad been ah iyo inay dhici karto in nalaku celiyo Yaman” Xasan oo arrintaa ka naxay ayaa yiri: “waa dhib in Yaman leydinku celiyo” Raage ayaa yiri: “dhib maleh, waa caadi laakiin haddiiba ay celin noqoto, anigu waxaan ku laabanaa Soomaaliya oo dalkeeygi hooyo ayaan aadaa, ileyn lama huraan waa cowska jiilaale, waxaana hubaa inaan ka reysan doono qurbo nacastan” Xasan intuu qoslay ayuu yiri: “Raage waxaad iga soo celisay Boosaaso anigoo raba inaan Muqdisho ka sii aado oo gurigeeni tago, halkaana ku sugo inta nolosha iiga harsan, waayoo waxaan soo nacay qurbo, walow aan carab joogay oo aan islahaa reer galbeedka ayaa dhaamay, waxaan xalay sheekeeysanay Jamaal Dooli oo ii sheegay xaalada dhabta ah ee lagu noolyahay oo ah shaqo aan dhaafsiisneyn nolosha, wuxuuna igu yiri: (midki 20 sano halkan joogay iyo midki shalay soo galay, maalintuu shaqa billaabo waa isku mid oo waxba isma dhaamaan, ileyn dadka aad arkeysaa cid wax u keydsan yihiin ma jirto) wuxuu ii sheegay xoogaaga la qaato inay ka badneyn ijaarka iyo nolosha inta soo hartaana biil looga dhigo ehelada joogta afrika iyo adduunka intiisa kale” Raage ayaa yiri: “muraadka naloo soo qaaday ayaa ah intaa iyo inkale oo ku hoos jirta” kadib Xasan wuu ka gaabsaday inuu Raage hoos u sii waydiiyo waxa uu ka damacsan yahay Yaasmiin, inkastoo ay u muuqato dadaalka ay ku jirto iyo inay tahay qof rabtay inay Yaman ka keensato.
Yaasmiin iyo Dooli markay kaararki keeneen ayay guriga aadeen, markay tageena Yaasmiin waxay billoowday dhar dhiqid, ayadoo baareysa jeebabka surwaalka Raage ayay ka heshay furayaashi guriga Deeqa oo jeebkiisa ku jira, markaa ayay bacda qashinka ku riday, kadib intay fikirtay ayay Raage wacday, markuu ka qabtay ayay ku tiri: “furayaashi Deeqa gurigeeda ayaa jeebkaaga ku jira” Raage ayaa yiri: “waa koobi oo asal maaha ee qashinka iskaga dar” Yaasmiin intay niyadda ka qososhay ayay fiirisay furiyaashi oo ku dhex jira bacdi qashinka oo ay hore ugu riday, markaa dhegta ayay telefoonka ku haysay, Raage oo hadal ka sugaayay ayaa yiri: “Yaasmiin furayaasha koobiga ah waa laga maarmay ee kuwaaga asalka ah ii geli jeebka” Yaasmiin way jiriiricootay, waayoo waa hadalki ugu macaa ay ka maqasho afka Raage, markaa ayay tiri: “waa yahay macaane” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin la’aantaa abaar waaye” markaa ayay telefoonki demisay, waxayna gashay xusuus ah halganki ay soo gashay.
Xasan markuu maqlay hadalada ay isdhaafsadeen Raage iyo Yaasmiin ayuu ku dhiiraday inuu hadlo wuxuuna yiri: “waan maqlay inay Yaasmiin kugu haysatay Deeqa, balse isma laheyn Raage ayaa isku beddelanaaya gabar uu daraadeed uga soo tegi waayay Yaman iyo mid uu Mareykanka ugu yimid, inkastoo la ii sheegay inay kaalin fiican ka qaadatay keenistaada” Raage ayaa yiri: “waa runtaa wayna jirtaa arrintaas, balse waxaad ogeyn haddii aan ogaan lahaa inay Yaasmiin kaalin ku leedahay imaatinka Mareykanka, inaan daraadeed uga baaqan lahaa iyo inay Yaasmiin rabtay inay igu keensato ninkeeda oo markii aan ka diiday ay rabtay inay gabar kale ii soo dirsato, markaan diidayna ay rabtay inay Deeqana ila soo wado ayadoo wada bixineysa kharashaka oo dhan, waxaa kale oo aad ogeyn sababta ay Yaasmiin ugu jirtay dadaalkaas oo dhan inuu yahay, xataa haddii aan guursado Deeqa inay keyd u noqoto oo ay iga sugto ilaa ay iga soo dhigto halka aan maanta aalo” Xasan ayaa yiri: “waa inaan sheekadiina ka qoraa buug oo aan u bixiyo Yaa Khaldan? waayoo waa sheeko yaab leh” Raage ayaa yiri: “maxaad ka wadaa Yaa Khaldan? ma anigaa kula khaldan?” Xasan ayaa yiri: “waxaa burburki dalka laga joogaa muddo shan sanadood ah, intaana waxaad ku dhex jirtay sheeko jeceyl iyo kala jiidasho, waxaana dhinac kaa haystay Kamaal, dhanka kalana waxaa kaaga dheganaa Yaasmiin, sidaa ayaan u dhahay Yaa Khaldan?” Raage ayaa yiri: “Maxaa Khaldan inaad dhahdo ayaa kaga quman Yaa Khaldan, waayoo way caddahay inay jiraan arrimo isqaban la’ oo aanay jirin wax kale” Xasan ayaa ku dooday: “arrimaha isqaban la’ maxaa sababay? waxa sababay waa khalad jira oo aan u leeyaleeyahay Yaa Khaldan?”.

La soco qeybaha dambe

SHEEKOOYIN