Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q.151-152aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Yaasmiin markay dhammeysay dhar dhaqiddi ayay la soo fadhiistay Dooli iyo ina adeertii Faaduma, markaa ayuu Dooli yiri: “Faaduma waxay igu tiri haddii aan gabar dhalo wuxuu Xasan iga dalbaday inaan Deeqa u bixiyo, laakiin markaan ogaaday Deeqa waxay ku samaysay Raage ayaan go’aansaday inaan Yaasmiin ula boxo” Yaasmiin ayaa tiri: “Deeqa qof ahaan waxba kuma sameyn Raage, inkastoo ayada daraadeed ay wax ku gaareen, haddana waxay ogeyn inay ayada sabab u tahay waxa ku dhacay, sidaa daraadeed waxaad tixgelisaa rabitaanka Xasan” ayagoo isla fadhiya ayay u timid Layla, markay Raage wayday ay waydiisatay in loo sheego cisbitaalka iyo nambarka qolka uu jiifo, markaa ayuu Dooli u sheegay, isla markiiba way ka tagtay waxayna toos u abbaartay cisbitaalki uu Raage jiifay, marki loo diiday inay gudaha gasho ayay ka codsatay in Raage la woco oo loo waydiiyo ogolaansho ay ugu tagto, cabbaar ayaa codsigeeda laga dhega adeygay, Laylana waxay ku adkeysatay inay meesha ka tegeynin ilaa Raage loo woco, waxayna waardiyihi ku canaanatay dad kale oo ay aragtay inay u wacaayaan dadka ay u socdaan, inkastoo ay amar u haystaan inay Raage qofna u sii deyn iyo inay ugu wicin toona, haddana gabadha yar way u sameeyeen oo u waceen, Raage markuu ogolaaday kadib ayay ku yiraahdeen: “waxaan haysanay amar aan Raage Rooble qofna ugu sii deyn, qofna aanan ugu wicin, haddana adiga daraadaa ayaan amarkaas u khilaafnay, sidaa daraadeed yaanu dhicin khalad ka yimaada u tegidaada” Layla intay u mahadcelisay ayay gudaha gashay, markay tagtay qolki uu ku jiray Raage ayay aragtay asagoo telefoon wacaaya, Laylana waxay salaantay Xasan oo u sheegay magaciisa, markaa ayay magaceeda u sheegtay, kadibna waxay ku tiri: “Raage walaalkiis miyaa tahay?” markay isbarteen oo ay kala aamuseen ayuu Raage hadal billaabay, asagoo la hadlaaya Aabe Daahir ayuu ku yiri: “Aabe Daahir way fiican tahay Deeqa, waxayna ka shaqeysaa shirkad xayaysiin, haddana waxay ku maqan tahay shaqo” Aabe Daahir ayaa yiri: “waxaan garan waayay sababta aad noo soo wici wayseen, dhowr goor ayaan soo wacay gurigi aad ku degteen, nin jooga ayaa nagu yiri (ma naqaano dadka aad sheegeysaan meesha ay aadeene mar dambe telefoonkeeyga ha soo wicina) bil walbana waxaa na soo waca dahabshiil oo aan biilka ka qaadanaa, telefoonka biilka ku qorana waa kii naloo diiday inaan soo wacno, waxaan garan waayay waxa khaldan iyo sida wax yihiin” Aabe Daahir wuxuu sii raaciyay: “waxaan rabay inaan arrimo badan idinkala hadlo oo ah baahi dhaqaale iyo inaan Yaman iskaga tagno, telefoonki gurigana marki aan bixin waynay ayuu naga go’ay, haddana bil walba shanteeda ayaan tagaa dahabshiil oo aan haysan meel ay naga soo wacaan, waxaana ka soo qaataa biilka, haddii aan Soomaaliya iska aadi laheyna ma aadi karno oo cid inaan aadnay og ma jirto, waxaan ku khasbanaanay inaan Sanca iska joogno ilaa aan war idinka helno iyo inaan ka guurin gurigi aad nagu ogeydeen oo ijaarka nalagu qaaliyeeyay” Aabe Daahir oo weli hadalki sii wata ayaa yiri: “haddii aan guriga ka guurno, waxaan ka baqnay meel naloogu soo hagaago in la waayo” Raage intuu dhegesanaayay wuu iska ilmeeynaayay, cuqubada laga galay reer Daahir ayuu xamili waayay, markaas ayuu kor u ooyay, Aabe Daahir oo ooyintiisa maqlay ayaa iscelin waayay, markay cabbaar nafiseen ayuu Aabe Daahir yiri: “biilka markuu noo billowday wuxuu guriga ijaarkiisa ahaa 30 doolar, 170ka kalana waa masruufaneynay, laakiin Saalim ayaa nagu gaarsiiyay 150 doolar oo aan hadda ku degan nahay, kadib markuu nagu diray ninka guriga iska leh oo mar walba ijaarka nagu kordhiya si aan uga guurno ama aan u dhiibno lacagta uu ku ijaaranaayo Saalim oo guriga raba, 50 doolar ayaa biilki nooga soo harta, kontonkaas ayaan Kudin (rooti carbeed) ku soo gadanaa si aan ugu qadeeyno oo ugu quraacano oo ugu casheeyno, wallaahi rafaadka iyo dhibka aan aragnay Ilaaheey ayay u xisaaban tahay” wuxuu sii raaciyay: “qaliin ayaan rabay iyo in si deg deg ah xabadda la iiga soo saaro, waxaana la ii sheegay haddii Sucuudiga la i geeyo inay iga qali karaan, taas oo igu bexeyso lacag aan 3000 ka badneyn, laakiin aawayhee yaa loo sheegaa oo kula soo xariiray” Raage oo meel iska dhigay muraadi uu u wacay oo ahaa arrinta dacwada Kamaal oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay shirqoolka lagu xabadeeyay ayaa yiri: “Aabe Daahir hadda ayaan kuu soo diraa 5000 oo doolar oo aad Sucuudiga ku aado, midda kale waxaan kuu qoraa telefoonkeeyga gacanta, waxaadna raadsataa guri kale oo telefoon leh si aan kaagala soo xiriiro, hadda kadibna ma dheceyso waxa idinku dhacay, igu salaan Hooyo Aamina iyo Ayeeyo Mulaaxo” sidaa ayuu telefoonki ugu dhammaaday Raage oo weli ay ilmadi ka muuqato, markuu xaalada reerka la socodsiiyay Xasan iyo Layla ayay ayaguna ka murugoodeen dhibka ku dhacay Deeqa reerkeeda, markaa ayay Layla waydiisay sababta ay u soo wici waayeen gurigooda oo ay yaqaaneen telefoonkooda, laakiin Raage uma sheegin waxa uu walaalkeed ku yiri, wuxuuna ugu jawaabay inuu nambarkaas ka lumay, markaa ayay Layla tiri: “Deeqa ayadoo malaayiin haaysata ayay reerkeedi sidaa u balanbaleen, laakiin waxaa ka ayaan daran ninka naftiisa ku aaminaaya” Layla qof hadalkeeda ka hoos qaaday majirin, markaa ayay tiri: “wallaahi hadalkeeygu isku dir maaha, balse waa wax jira oo aan qofna inkiri karin” Xasan ayaa yiri: “inti aan Sanca joogay haddii aan reerkaa baran lahaa, waxaan oo dhan ma dheceen iyo wax kale oo hadda dhici raba” waxa kale oo hadda dhici raba wuu fahmay Raage, laakiin waxaan garan Layla oo Xasan waydiisay, Xasan markuu aamusay ayuu Raage ugu jawaabay: “inaan Deeqa kala harno” Xasan ayaa yiri: “saa kama wado ee waxaan ka wadaa inay Deeqa Shirkadaa ka shaqeyso” Raage intuu Xasan fiiriyay ayuu ku yiri: “Deeqa iyo Aabaheed way isdhaleen” Xasan ayaa yiri: “waan ku gartay, waxaana qabaa sidaan si ka duwan inuu arrinku ahaan lahaa” Raage ayaa yiri: “waa runtaa, laakiin lama saadaalin karo dhanka uu ahaan lahaa, wuxuuna u badan yahay halkuu hadda joogo” Layla oo dareentay hadalada ay isdhaafsanayaan labada walaalaha ah ayaa tiri: “Xasan wuxuu taageere u yahay Deeqa” Xasan ayaa ugu jawaabay: “anigu waxaan taageere u ahay walaalkeey” Layla ayaa tiri: “aniga waxaan taageere u ahaa Deeqa, waayoo waxay ii ogoleyd inaan Raage la guursado, laakiin Yaasmiin way ii diidan tahay inaan Raage isla guuraano” Xasan ayaa indha hor leh ku soo fiiriyay Layla.

 

152.

Layla ayaa tiri: “waan farxay markaan ogaaday inay Yaasmiin kula joogin, waxaana islahaa caawa adigaa la joogaayo” Raage ayaa yiri: “adiga walaalkaa ayaa kaa walwalaayo ee xaafaddi waa inaad aadaa” Layla ayaa tiri: “walwalkee, ma ciyaal baan ahay, ciyaalkaa laga walwalaahe, waxaan 18 sano gaaray May 15keedi oo hadda xor ayaan ahay, walow aan horaba xor u ahaa, waayoo Cawil igama celiyo meeshi aan rabo inaan aado, reerki kalana waxay degan yihiin Minnesota oo Hooyo iyo Aabe inta nalama joogaan, waxaa aniga la ii keenay inaan walaalkeey wehel u noqdo markuu la xanuunsaday jeceylki uu qabay Susan, waagaas waxaan iswaydiin jiray siduu yahay jaceylka la sheegaayo, ilaa aan ka dareemo maalinti iigu horeysay aan Raage arkay” Layla intay aamustay ayay fiirisay Xasan oo agteeda fadhiyay, fiirintaas oo mecneheedu yahay noo firaaqee aan kaa sheekeeysanee, markaa ayuu Xasan fadhiga ka kacay, Raage ayaa ku yiri: “Xasan xagee u baxday?” Xasan ayaa yiri: “waxaan soo fiirinaa xaamilada oo wakhtigeeda dhow yahay, kadibna waa soo laabanaa” Raage ayaa ku yiri: “haddii aad baxdo, albaabka inaad ka soo gasho lagaa yeeli maayo” Xasan ayaa yiri: “waardiyaha waxaan u sheegaa inaan soo laabanaayo, haddii ay ii diidaana waa ku soo wacaa sida ay Layla kuu soo wacday” Raage oo aan raali ka aheyn, laakiin aan haysan sabab uu uga baajin karo inuu soo fiiriyo xaaskiisa xaamilada ah ayuu Xasan baxay, markaa ayay Layla la soo baxday awoodi ay Raage ku kasban laheyd, markuu Raage ka diidayna waxay isku dartay tuugmo iyo calaacal ilaa ay ka tiraahdo: “Deeqa markaad wada socoteen, waxaad shuruud iiga dhigtay inaan ayada ka soo dhammeysto, laakiin maxaad hadda Yaasmiin iigu diri waysay?” Raage ayaa yiri: “waxaan ogaa inay Deeqa kuu ogolaaneyso, wakhtigaan la joogana waxaan ogahay inay Yaasmiin kaa ogolaaneyn” Layla ayaa waydiisay sababta uu ku ogaaday inay Deeqa ogolaaneyso iyo inay Yaasmiin diidayso, wuxuu yiri: “Deeqa waxaa ku kalifaayay faraha aad ka hayseen iyo ayada oo rabtay inaad Yaasmiin iga mashquuliso, laakiin Yaasmiin ma yeeleyso inaan gabar kale laguursado” Layla ayaa tiri: “hal sheey iga ballan qaad, kaas oo ah inaad ila guursaneyso haddii ay Yaasmiin ii kaa ogolaato” Raage ayaa yiri: “ma kuu ballan qaadaayo ee Yaasmiin yaanay sheekadaan kaa maqlin” Layla ayaa tiri: “Yaasmiin way ogtahay inaan ku rabo, walaakeeyna waa ogyahay inaan ku jecelahay, adduunka oo dhana waa u sheegaa inaan ku jecelahay, mar dhowna waxaad arki doontaa adigoo joornaalada lagugu soo qoray, waayoo waxaan haystaa sawir aad Yaasmiin siisay oo gadaal magaceeda uga qoratay, kadibna aad Deeqa siisay oo intay magaci Yaasmiin qalin marisay ay Deeqa ku qoratay, anigana Deeqa intaan qalin mariyay ayaan Layla ku qortay, sawirkaa ayaan joornaalada siinaa” Raage ayaa ku yiri: “yaa ku siiyay sawirkaas? haddiise ay Yaasmiin kuu diido, faraha ma naga qaadeysaa?” Layla ayaa tiri: “sawirkaas waan helay, sidaan ku helayna kuu sheegi maayo, midda kale haddii ay seddex jeer Yaasmiin ii kaa diido waan idinka leexanaa” sidaa ayaa lagu heshiiyay, Raage oo ka baqaayay inay dhib hor leh geliso, asagoo raba in layla la madadaaliyo inta uu dalkan iskaga baxaayo, ileyn niyadiisu waxay u xirxiran tahay inuu Soomaaliya ku laabto.

Xasan markuu Taxi ku tegay guriga albaabkiisa asagoo raba inuu lacagta uga soo qaado Yaasmiin, ayay albaabka guriga soo furtay ayadoo mooday Taxi ay wacdeen inuu u yimid, waxaana isla markiiba la saaray Faaduma oo fool daran haysay, goor hore ayay foosha qabatay, balse Yaasmiin gaarigeeda marki la dhex keenay ayuu gaarigi kici waayay, cabbaar markay la rafteen Dooli iyo Yaasmiin ayay Taxi u yeerteen, Faaduma fadhiga ku celiyeen, markaana waxay noqotay in la raaco midki uu Xasan keenay, waxaa Faaduma lageeyay cisbitaalki dhalmada, kadib ayaa Raage la wacay oo loo sheegay waxa jira, saacad ka dib ayay Faaduma dhashay Raage iyo Yaasmiin oo mataana ah, inkastoo uu Xasan jeclaa in loo bixiyo Raage iyo Deeqa, haddana wuxuu ku qancay xaaskiisa sida ay rabtay, markaa ayuu Yaasmiin ku yiri: “gabadheeyda curadda ah, adiga ayaa gardaadinaaya, wiilkeeygana Raage oo aan yaraanteeni ka ballan qaaday inaan wiilkeeyga curadka ah magaciisa siiyo, gabadheyda curadka ahna aan xaaskiisa ku samin doono, haddii aanay xaasasku isku magac noqon, inkastoo aan hore ugu niyaystay Deeqa, laakiin hadda waa Yaasmiin” Yaasmiin ayaa tiri: “waad ku mahadsan tihiin inaad gabadhiina iigu magac dartaan, anigana carruurta aan dhalo waa idiinku magac dari doonaa Hadduu Rabbi idmo” kadib Raage ayaa loo sheegay inay Faaduma dhashay wiil iyo gabar mataana ah, markaa ayuu yiri: “Raage iyo Yaasmiin miyay dhashay” waxaa qososhay Yaasmiin oo telefoonka kula hadleysay markaa ayay tiri: “haa” Layla oo ag fadhiday Raage ayaa ku tiri: “yaa mataanaha dhalay?” Raage ayaa yiri: “Xasan xaaskiisa” Layla ayaa mar kale waydiisay: “yaa kuu sheegay magacooda?” Raage oo aan Layla la hadlin ayaa Yaasmiin ku yiri: “hambalyo ayaan u soo diray Xasan iyo Faaduma Dooli” markaa ayay Yaasmiin ku tiri: “yaa kula jooga?” wuxuu ku yiri: “Layla oo rabta inay Xasan u hambalyeeyso” markaa ayuu telefoonki Layla u dhiibay, markay Yaasmiin salaantay ayay Xasan ugu dhiibtay, hambalyeyn kadib ayay Yaasmiin isku soo laabteen, waxayna Layla ku tiri: “Layla caawa adiga ayaa Raage lagugu ogyahay haddii aan qof kale kuu imaan, subaxdi salaada hore ayaan kuu imaanaa” Layla ayaa tiri: “waa tahay abaayo macaan, amarkaaga ayaa jiro” Yaasmiin waa layaabtay dhega fudeydka Layla oo markaan rabta inay Yaasmiin weji ka sameysato si aanay seddex jeer Raage ugu diidin.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN