Yaa Khaldan? Yaase Dulman? Q. 153-154aad. W/Q Ahmed Hayow

Yaa khaldan

153.

Layla ayaa Raage ku tiri: “aniga Deeqa kama cabsanaayo, laakiin Yaasmiin waan ka baqaa, ileyn Deeqa way ka waaya’aragsan tahaye” Raage oo weli dhegeeysanaaya ayay Layla tiri: “Yaasmiin waa dheer tahay oo dhex yar ayay leedahay, haddana waxay leedahay jir qurux badan iyo kubab waaweyn, boostoolooyina way leedahay” Raage wuu qoslay, markaas ayay Layla tiri: “maxaa ku qoslee, beenteey maaha waxaan sheegaayo” Raage ayaa waydiiyay: “sidee ku ogaatay?” Layla ayaa ugu jawaabtay: “Yaasmiin wax badan ayaan aqaanay, gurigeeda markii aan imaado horteeyda ayay ku labisan jirtay, anigana jirkeeda ayaan fiirin jiray, waxaan jeclaa inaan timaha u shanleeyo, waxay leedahay tima dhaadheer oo madoow oo qurux badan, maalin ayaan waydiiyay sida kubka loo sameysto, waxayna igu tiri kobo taaka leh ku soco, maalintaa ayaan billaabay inaan qaato kobo taaka leh si aan kub u yeesho” Layla markay aamustay ayuu Raage yiri: “Deeqa waxay kaaga baqeysay sirteeda inaad kashifto” Layla ayaa tiri: “waa iskaga biiqsanaayay, ileyn ma taqaano sharciga wadankaan oo haddii aan dhoho Raage iyo Deeqa isma qabaan, waxaa laygu leeyahay maxaa kaa galay, lamana geli karo afaaraha qoys wada jira iyo waxa ka dhexeeyo, inay nin iyo naag isu yihiin iyo in kale qof wax ka galay majiraan (who cares) ayaa lagu leeyahay, midda kale naagtaada oo aan raali kaa aheyn waxba kama doonan kartid” Raage ayaa yiri: “yaa maxaa tiri?!” Layla ayaa tiri: “waa saas aan kuu sheegay, wadankaan waa (ladies first) naagahaa horeeya, 911 haddii ay kuu wacdo bustahaagu waa bannaanka, haddii aanba lagu xirin, waayoo haddii aad dharbaaxo ku dhufato habeenkaas xabsiga ayaad u huyanee” Layla oo istiri armuu Raage kaa baqaa ayaa tiri: “Laakiin qofka ku jecel waa gooni, walaalkeey Cawil waagi ay wada socdeen Susan, wuu garaaci jiray asagoo aan qabin, waayoo aad ayay u jecleyd, ka waran gacanta uu ku dhufto haddii ay shumin jirtay, waan la yaabi jiray laakiin hadda aniga ayay iga mareysaa inaan xataa lugtaada shumiyo haddii aad iharaatido, iska daa inaan ku dacweeyee” Raage wiishaa ku yeeray, wuxuu ku hadlana wuu garan waayay, markaa ayay Layla tiri: “Deeqa way quruxdahay, dhex yar ayay ayadaba leedahay, Yaasmiina way ka caddahay, laakiin wax yar ayay ka gaaban tahay, haddii ay lahaan laheyd caqliga Yaasmiin oo kale, waxay ku geyn laheyd Shirkadda ay ka shaqeeyso, middaa ayay garan wayday inay kaa dhammeysato, waayoo waxaa kugu filnaa inay labada daan kaa dhunkato oo kugu tiraahdo xabiibi waan ku baryaa ee ila shaqee” kadib ayay Raage waydiisay: “ma taqaan sababta aan u dhahay Tom ayaa ka dambeeya shirqoolkaaga” Raage ayaa yiri: “maya” Layla ayaa tiri: “waxaan ogahay waxa ay ku fekeraan dadka dhaqaalaha haysta, waxaana hubaa inuu Tom kuu dilaayo Deeqa daraadeed, ileyn lacag badan ayuu ka sameeyaa mana rabo inay shaqada ka tagto, wuxuuna u arkaa inaad adiga noqon karto cilad shaqada ka kexeeyso, haddii aan kiiska maxkamadda dhegeysan lahaana, waxaan hubaa inaan ka heli lahaa meel aan Tom kaga soo geliyo dacwadda” Raage wuxuu u haystaa inay Layla iska hadleyso, ayadoo ay run tahay inay Leyla heli karto meel ay Tom dacwadda ka soo gelin karto, waase haddii ay kiiska u kuur gasho oo la wada socoto waxyaabaha Kamaal lagu soo eedeeyay, sababta oo ah Layla waxay heli kartaa jeegi uu Tom u qoray oo ahaa accountiga Kamaal lagu wareejiyay.

Aabe Kaahin oo raba in wiilkiisa loogu soo daayo damaanad ayaa u tegay Qareen Ajay, waxay wada diyaariyeen warqadda damaanadda iyo lacagta looga baahan yahay, kadibna waxay Kamaal u soo qaadeen ruqsad sii dayn, waxay xabsiga ugu tageen asagoo Hani ay quraac u keentay, markaana ay isla cunaayaan wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Cali oo loo soo xiray dagaal uu la galay niman faduuliyay gabar Soomaaliyeed, waxay ahaayeen seddex dhalinyaro oo madoow ah, kuwaas oo uu midkood isha far ka geliyay, markuu cabaadayna ay kuwi kale ka carareen, markaana waxaa la soo kulmay boolis soo xiray Cali, kii isha ka dhaawacnaa ambalaas ugu yeeray, Cali waxaa lagu haystaa il uu riday, mana haysto qareen difaaca, kadibna waxaa laga soo saaray Kamaal asagoo laga dhigay lacagta curaarka (damaanada) aheyd, waxaana lagu amray inuu magaalada ka bixi karin.

Subaxnimadi ayay Yaasmiin ku soo kalahday cisbitaalki Raage jiifay, ayadoo xalay oo dhan la soo jeeday Faaduma, haddana ku khasban inay Layla ka beddesho Raage si ay Dugsigeeda u aado, waxay u timid Raage oo jiifa iyo Layla oo kursiga intay ku huruday uu madaxa u saaran yahay sariirta Raage jiifo oo aad isleedahay lugaha miyay ka shumin rabtaa, ileyn meel lugaha Raage ku dhow ayay madaxa saaratay, Yaasmiin ayaa si tartiib ah u toosisay Layla oo soo naxday, waxay ka baqday inay Yaasmiin ku qeyliso iyo inay mar dambe ku aamini wayso inay Raage la joogto, markaa ayay tiri: “hadda dhow ayaan indhaha is geliyay” Yaasmiin ayaa dhahday: “dhib ma leh ee orod Dugsiga haka daahine” Layla oo ka baqday inay aamini wayso ayaa tiri: “hadda dhow ayuu Raage ka yimid musqusha, xalayna si fiican ayuu u seexday”.

 

154.

Deeqa waxaa loo qorsheeyay inay show xayaysiin ka soo dhigto London UK iyo Paris France, inkastoo uu qorshahoodu ahaa inay ku soo wareegaan Yurub inteeda badan, balse waxaa caqabad ku aheyd dacwada kaga furan New York oo laga rabo inay Deeqa soo xaadirto si ay kiiska ugu caddeyso Kamaal.

Raage ayaa ku toosay hadalka Yaasmiin iyo Layla, markaa ayay Yaasmiin ku tiri: “Raage iska waran?” Raage ayaa ugu jawaabay: “caawa si fiican ayaan u seexday ee iiga waran mataanihi?” Yaasmiin ayaa ku tiri: “way fiican yihiin inkastoo ay xalay soo jeedeen oo ay goor dhow seexdeen” Raage wuxuu gartay inay Yaasmiin caawana seexan, markaa ayuu ku yiri: “Yaasmiin laba habeen oo isku xigta ayaadan seexan, anigana waan fiicanahay ee xoogaa guriga soo seexo” Layla ayaa tiri: “aniga waxaan maanta leeyahay imtixaanki ugu dambeeyay, waxaana ka soo baxaa 1da duhurnimo, markaana waa kuu imaan karaa” cid uga jawaabtay ma jirin oo waa laga aamusay, markaa ayay Layla tiri: “1da inaan imaado hadday dhib tahay, anigaa iska joogaayo” markaa ayay Yaasmiin tiri: “Layla imtixaankaaga aad, markaad ka soo baxdana iga beddel Raage” Layla intay faraxday ayay kursigi ka istaagtay, waxayna aaday Iskoolkeedi, kadib Raage ayaa uga sheekeeyay telefoonki uu kula hadlay Deeqa Aabaheed, Yaasmiin oo ka naxday rafaadka looga sheegay reerka, ayaa isla markiiba u baxday inay u dirto lacagta uu Raage ka ballan qaaday Aabe Daahir.

Maalinti xigtay ayuu Aabe Daahir soo aaday xawaaladda Dahabshiil, marki loo sheegay inay u taalo lacagti uu maleysanaayay in loo soo diro, ayuu ilmeeyay, sababtoo ah subaxaas reerka mahaysan Kudin (rooti carbeed) ay ku quraacdaan, waayoo dukaanki ay deynka uga soo qaadan jireen ayaa maalintaa xirnaa oo tacsi u tiilay, sidaa daraadeed ma aanay heli karin macaamiil kale oo ay deyn ka soo qaataan, dukaankaas ayay rukun u ahaayeen muddo fara badan, Aabe Daahir wuxuu soo sariftay 100 doolar, wuxuuna soo wacay Raage markuu u sheegay inay lacagti soo gaartay kadib ayuu yiri: “Adeer Deeqa haddii ay kula joogto ii dhiib aan la hadlee” Raage ayaa ku yiri: “Adeer safar shaqo ayay ku maqan tahay” Aabe Daahir oo garan waayay siday Deeqa lacagta ugu soo dirtay ayadoo safar ku maqan ayaa waydiiyay: “Adeer lacagta magaceeda ayaa ku qornaa ee siday noogu soo dirtay ayadoo safar ku maqan?” Raage ayaa ku yiri: “Adeer anigaa magaceeda ku soo diray, laakiin ayada way ogtahay” markaa ayuu Aabe Daahir iska qancay, wuxuuna Raage ka codsaday inay soo wacdo markay safarka ka timaado, kadibna wuxuuna reerka u soo iibiyay hilib oo aanay cunin muddo fara badan iyo adeeg kale, wuxuu gurigiisa galay asagoo labada gacmood ku wada laba bac oo buuxda, maalintaa ayay in midda ah tuureen dhiishi faqriga, wuxuu Aabe Daahir reerka uga sheekeeyay telefoonki uu Raage kula hadlay iyo inuu u sheegay in gabadhoodu shaqo ugu maqan tahay Yurub, Hooyo Aamina ayaa tiri: “Raagaha laftiisa muxuu qabtaa? mise gabadheena ayaa asagana u shaqeeysa?” Aabe Daahir ayaa yiri: “ma waydiin waxa uu qabto, laakiin wuxuu ii sheegay inuu asagu lacagta ku soo diray magaca Deeqa iyo inay isla ogyihiin labadooda” Hooyo Aamina ayaa tiri: “qofka noo dhexeeya annaga iyo gabadheena oo telefoonka naga xirtay oo noo soo diraayay xoogaaga ah hana dhiman hana noolaan waa asaga” Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “Aamina Ilaaheey ka cabso, waayoo haddii uu Raage sidaa yahay nama soo raadiyeen, sida uu Daahir noo sheegayna uma ooyeen markuu rafaadkeena ogaaday” Hooyo Aamina ayaa ku dooday: “muxuu gabadha nooga xigsanaa oo telefoonka ugu dhegan yahay, haddii uu wanaag wado?” Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “gabadheenu haddii ay rabto inay nala soo hadasho, cid u diidi karta ma jirto” Hooyo Aamina oo garan la’ sababta uu Aabe Daahir uga hadli la’ yahay dooda dhex taala ayada iyo Hooyadeed, ayaa Aabe Daahir ku tiri: “Daahiroow soo wax jira maaha inuu Raage geeyay gabadheena guri xun oo xataa noo sheegi waayay halka ay ku nool yihiin, saaxiibkiina kugu yiri mar dambe telefoonkeyga ha soo wicin? Raage iyo asagana ay arrintaa hishiis ku ahaayeen, maxaad Raage uga qarisay xumaanta uu nagu sameeyay?” Aabe Daahir ayaa yiri: “arrintaa waxaan kala hadlaa gabadheeyda, mana aha mid aan ka aamusi doono, haddii ay ii caddaatana waxaa igu ballan ah inaan Raage ka furo gabadheeyda” kadib Aabe Daahirna galabtaas ayuu baadi goob u galay guri kira ah oo uu kaga guuro gurigaan lagu dhibaateeyay, wuxuuna galay siduu isugu diyaarin lahaa safar uu ku aado Sucuudiga, inkastoo uu jecel yahay inuu marka hore Deeqa la hadlo si ay reerka uga warheyso, asagana wuxuu u baahdo ay Sucuudiga ugu soo dirto.

Raage waa sirmaqabe Allaa u sahan ah, ma oga carada ay u qabaan reer Daahir inta aan Ayeeyo Mulaaxo ka aheyn, wuxuuna ku faraxsan yahay rajada uu reerka geliyay, balse wuxuu garan la’ yahay siduu Deeqa ula hadalsiin lahaa, inkastoo ay Yaasmiin ka ogolaatay inay lacagta ku dirto magaca Deeqa, ayadoo ka jecleyd in magaciisa lagu qoro, haddana wuxuu cabsi xoog leh ka qabaa inay Yaasmiin reerkaa ku kaalmeyn waydo, waayoo wuxuu ogyahay inay Hooyo Aamina si xun ula dhaqantay Yaasmiin iyo Hooyadeed Kiin oo ay kaga maseyrtay Aabe Daahir, cadaawada ay Deeqa u qabto Yaasmiina ku abuurtay.

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN