Yaa Khaldan?

Yaa Khaldan? 
Sheeko cusub oo taxane ah ….1aad

Habeen Sabti soo gelaayay oo ah habeenka lagu laabto Dugsiga Tababarka Xalane, ayuu Raage kula kulmay Deeqa, Albaabka xerada ayadoo wadata alaabo badan,wuxuu dareemay inay kaalmo Xamaali u baahan tahay, markaa asagoo raba inuu agteeda ka qaado kiiski ugu cuslaa ayuu ku yiri: “waxaan filaa inaad kaalmo u baahan tahay” Deeqa intay soo fiirisay ayay ku tiri: “haa aboowe” waxay u raacisay: “Wallaahi waxgarad ayaad tahay” Raage oo isxariifinaayay ayaa hal gacan ku soo qabtay kiiski, laakiin markuu kor ula soo kici waayay ayuu gacanta kale ku kaalmeeyay, wuxuuna Deeqa ku yiri: “Kiisku culusaa ma dad badan ayaad u soo adeegtay?” Deeqa ayaa ku tiri: “waa sidaasoo aan wax badan iska soo iloobay” Raage oo yaaban ayaa yiri: “yaa kula qaadi jiray, marki aad waxba soo iloobin?” Deeqa oo la yaaban su’aashiisa ayaa ku tiri: “Aboowe magacaa horta?” wuxuu ku yiri: “Raage, laakiin waxaa lay yaqaanaa Rr, oo loo soo gaabiyay Raage Rooble ama Rolls Royce oo ah Gaari aan jecelahay” waxay ku tiri: “waaaaw waa ka helay magacaas” ayada oo isbareysa ayay ku tiri: “aniga Deeqa ayaa leeyiraahdaa” wuxuu kaga dhexgalay hadalki: “magacaaga caadi maaha Deeqa ama D, haddii uu magaca Aabahaa ka billaawdo D, waxaan ku dhihi lahaa Dd” Deeqa waxay la soo booday: “yaa kuu sheegay inuu magaca Aabaheey D ka billowdo?” Raage intuu qoslay ayuu ku yiri: “Dd, waan asiibay soow maaha?”.
Markaa waxay ku soo dhawaadeen xarada gaarka ah oo ay degan yihiin gabdhaha, xeradaas oo ah meel si gaar ah loo ilaaliyo oo gooni ugu go’an gabdhaha,wiil gudaha u geli karo majiro, mid walba wuxuu gabadha gaarsiiyaa Albaabkooda.
Raage wuxuu habeenkaas Deeqa ka soo tegay, asagoo ka fekeraaya inay runteed tahay inuu magaca Aabaheed ka billowdo D iyo inay si caadi ah ugu camiratay, laakiin Deeqa waxay Raage ka tagtay ayadoo ka fekereeysa inay khasab tahay inuu Raage kor ka yaqaano,maadaama ay gabdhaha kale ka tilmaaman tahay, balse waxay garan la’dahay sababta uu isaga dhigaayo wiil aan arkin, oo aan magaceeda aqaanin,waxay Deeqa isku haaysataa inuu jirin wiil aan jecleyn ama aan ku fekereyn inuu ayada hanto, marki ay gashay xaruunti gabdhaha, waxay isku mashquulisay inay wax ka ogaato wiilka caawa soo dhaweeyay, sidaa daraadeed gabdho ay saaxiib la tahay oo la kala yiraahdo, Shamso, Yaasmiin iyo Cibaado ayay weeydiisay inay yaqaanaan, waxay ku tiri: “wiil loogu yeero Rr oo Xalane nagula jira, mataqaanaan?” Yaasmiin ayaa tiri: “weligeey ma maqlin magacaas, Rrna maxaa laga wadaa?” Deeqa ayaa niyada iska tiri: (faataale iga dheh, maba aha mid layaqaan) Shamso ayaa tiri: “magaciisa runta ah ma kuu sheegyay Mr.Rrka?” Deeqa ayaa tiri: “Raage Rooble ayuu iigu sheegay, laakiin markaan magaceeyga hore u sheegay ayuu igu yiri: (haddii uu Aabahaa Magaciisa D ka billaaban lahaa waxaan ku dhihi lahaa Dd)” Cibaado ayaa tiri: “Alla waa Deeqa Daahir, waana Dd, yaa u sheegay magaca Aabahaa!” Deeqa ayaa tiri: “ma aqaan inuu i yaqaano iyo in kale” Shamso ayaa tiri: “dugsigee ka soo baxay Rrka?” Deeqa ayaa ku tiri: “ma weeydiin dugsigiisa” Yaasmiin ayaa waydiisay: “Muuse maka qurux badan yahay?” Muuse waa wiil ka mid ah wiilasha Deeqa jecel oo baari u ah, laakiin aanay weli ka ogolaanin inay xiriir yeeshaan, caawa waa habeenki ugu horeysay ee aanu Muuse la soo qaadin Alaabta, markaa Deeqa ayaa tiri: “Muuse kama qurxana, laakiin waxaan rabay inaan ogaado siduu magaca Aabaheey ku sheegay” Cibaado ayaa ku tiri: “haddii uu xerada nagulajiro, waa la soo ogaan karaa Mr.Rr” Shamso ayaa waydiisay: “Rr, gaariga Rolls Royce miyaa? wiilkaas oo ma sidi gaarigaas ayuu u qiima badan yahay?” Deeqa ayaa ku tiri: “wuxuu ii sheegay inuu jecel yahay gaarigaas Rolls Royce, daraadiisna uu ula baxay Rr iyo magaciisa” Yaasmiin ayaa intay qososhay waxay tiri: “adigana maxaad u dhihi weeyday Dd ayaan ahay, waxaana laygu bixiyay princess Diana ayaan jecelahay” Deeqa ayaa tiri: “markaan Deeqa ku iri: wuxuu igu yiri D, ma wuxuu ka weday Diana oo D loogu yeero?” Shamso ayaa ku tiri: “waa wiil fany ah, waana laga yaabaa inuu Diana ka waday, asagana armuu Charles kuu noqdaa?” Cibaado ayaa tiri: “Ch magaciisa kama biloowdo Mr.Rrka”.Deeqa waxay u shanleeysataa sidi princess Diana oo kale, waxayna jeceshahay in lagu naaneeso Diana, waloow aanay ku fekerin Raage ka hor, inkastoo aanay hubin inuu Raage D ula dan lahaa Diana iyo in kale, Deeqa waxaa u soo baxay aragti kale iyo muuqaal kale oo aad iyo aad u cajibiyay, kaas oo ah inay dadka isku barto Dd ama D oo kali ah, uguna fasirto Deeqa Daahir ama Diana ayaan jecelahay. Deeqa waxay wiilasha ugu jeceshahay midka ay u maleeyso inuu ka fogaanaayo ama iskala weyn yahay inuu ka soo ag dhawaado, waxay isku mashquulisaa inay soo gacan geliso midki wax isbida oo ay u qaadato inaanu wax qiimaha siineeynin Quruxdeeda, ulajeedada ay ka leedahayna ma aha inay xiriir la sameeysato, laakiin waxaa waaye inuu safka ku soo biiro, dabadeedna uu ka mid noqdo kuwa ku heeraarsan oo tartanka ugu jira, wiil la yiraahdo Saacid ayaa ugu adkaa wiilasha ay soo marin habaabisay, kaasna waxay ku qaadatay wax ka yar hal usbuuc, Saacid waxay ka lug gooysay gabar la yiraahdo Safiya oo ay Cusmaan Geedi Raage iskala soo bexeen, Safiya way jecleyd Saacid, laakiin waxay ka calfan weeyday Deeqa oo uu ka raacay, marki ay Deeqa ugu hanjabtay Safiya inay Saacid ka qaadeeyso, dhacdadaas waa mid caan ka ah Dugsiga Cumaan Geedi Raage,sababta ay caanka uga noqotayna, waxay aheyd inuu Saacid laftiisa ogaa loolanka ka dhexeeyay saaxiibtiis Safiya iyo Deeqa, ilaa iyo hadda wuu ka xamaadaa Saacid sida uu uga hiiliyay qofti daacada u aheyd, uuna uga raacay mid balanqaad xiriir xataa anuu ka haaysan, Deeqa waxay aaminsan tahay inay qofka gacanta ku soo dhigi karto, ayada oo aan waxba u balanqaadin, marka uma baahna shuruudo ay lagasho wiil ay ku heli karto eegmo ay eegto oo kali ah, waxay Deeqa wadataa indho qofki ay ku dhacaan sixir ku noqonaaya iyo qurux aan inaba caadi aheyn. 

By Ahmed Hayow
La soco. ……………2aad.

10885234_777024822335291_5977292062462663470_n

SHEEKOOYIN