Yaa u sababa burburka qoyska?

Yaa u sababa burburka qoyska?

 quotescover-JPG-40

Marka aad u fiirsato, habdhaqanka bulshada Soomaaliyeed,   gu’ba gu’ga ka dambeeya waxaa sii tira badanaya furriinta iyo burburka qoyska.Soomaalidu waa umad dhaqan ahaan iyo diin ahaan, Guurka aad u weyneeya, sidoo kalena qofka aan guursan agtooda kama laha qiimo badan, iyago walaal iyo waalidba ku dhiirigeliya inuu qof weliba qoys yagleelo.

Murtida Soomaaliyeed aad bay uga hadashaa, Guurka, waxaa jira Gabayo badan oo lagaga hadlayo xulashada guurka iyo Murti iyo maahmaahyo, sidoo kale waxaan odhan karaa heesaha lagu luuqeeyo 89% waxay ka hadlaan, guur iyo nolosha lammaanaha.Haddaba bulshada uu guurku agtooda sidaa qiimaha uga leeyahay, maxaa sababay inay rag iyo dumar badan ku hungoobaan nolosha guurka? Yaa iska leh eeda burburka qoyska?.

Sababaha guurka.

Maadaama qofku keli ahaanshaha ay tahay arrin aan dhinac walba ku wanaagsaneyn, waa lama huraan inuu helo wehel iyo lammaane nolosha la wadaaga sababahan awgood.

 

  1. Inuu helo lammaane la qaybsada baahida kalgacaylka ee ilaahay ku abuurey
  2. Wadaaga nolosha iyo maareeynta guud oo isu dheelitiranta marka lammaane walba midoobo
  3. Ubadka oo ah, faraca iyo firka aan suuroobi karin lammaane la’aan
  4. Dhaqanka adduunka oo ka mideysan guursiga iyo nolol wadaagga
  5. Diinta islaamka oo amartey qofka inuu guursado.

 

Midowga Lammaanaha

Marka horre ee laga yimaado, sheeka wadaagta iyo haasaawaha guud, dadku waxay u gudbaan marxalada labaad ee midowga nolosha, marxaladani waa mid dhibkeeda wadata waana imtixaanka guusha iyo guuldarrada dhameystirka hayaanka dhisme qoys.

 

Sheekada lammaanuhu waa SAHAN

Heshiiska guurkuna waa DHAGAX DHIG

Dhismaha aqalka iyo wada noolaanshuhu waa IMTIXAANKA GUUSHA.

 

Haddaba dadku intey marxalada SAHANka ku dhex jiraan waxaa muhiima inuu qofku wax badan ka oggaado, maxaad ku mideysan tihiin qofkan, dabeecadiina intee farqi le’eg ayaa u dhaxeeya, xulashada qofku maaha inaad, Dhererka, Baaxada, Midabka, Dhaqaalaha, Aqoonta iwm, ku xulato, ee isfahanka iyo dabeecad wadaaga ayaa muhiim ah inay noqoto tan koowaad, haddii tan Sahankeeda aan la sugin oo ay awooda dareenka iyo soo jiidashada rabitaanka Jinsigu ka awood bato, kaana daboolo, halka iyo hoyga aad saldhigi doonto, waxaa timaada dhibaato aan maareyn lahayn.

 

Haddaba waa lama huraan, dadka midoobayaa inay yeeshaan, meelo badan oo ay isaga mid yihiin, iyo meelo badan oo ay isaga tanaasuli karaan, haddii aan tan la helin waxaa imaaneysa, xurguf joogta iyo ismaandhaaf sababa burburka qoyska.

 

Sababaha Burburka.

 Dhabagal aan ku sameeyey in muddo dhacdooyinka , Sababaha burburka qoyska bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa iisoo baxay sidan.

 

  1. Is fahandarrada iyo ismaandhaafka nololeed dabeecadeed 40%
  2. Dhaqaale xumo 17%
  3. Faragelin dibadda uga timaa 23%
  4. Kala maqnaanshaha qoyska 5%
  5. Saamaynta dhaqanada shisheeye 10%
  6. Masuuliyada darrada lammaanaha 5%

Haddaan is idhaahdo qoddobadan mid mid u lafa gur maaha mid qormo iyo qormooyin lagu koobi karo, balse si guud mar ah ayaan halkaas uga gudbayaa, waana  qiyaas iyo isku day dhinacayga ah,  intaan arkay la kulmay ama  aan goob joog ka ahaa.

 

Haddaba yaa sababa burburka qoyska?

 

Aragti ahaan anigu waxaan qabaa iney dumarku 65% ay qaataan go’aanka kala taga iyo furriinka sidoo kalena loo meeriyo, ama dhinac qoyskooda haka timaad ama dhinaca asxaabtooda.Waayo nin kasta oo qayral masuula, haddana marnaba kama timaado inta badan inuu furo xaaskiisa, hase yeeshe waxaa sababta inteeda badan yeesha ku dhawaaqida soo afmeerida kala taga qoyska haweenka, ma odhanayo saamaynta iyo duruufta keentay waxaa iska leh haweenka, balse go’aan qaaddashada kala taga waxay ka timaadaa haweenka.

 

Furriinka iyo haweenkii hore.

Haweenkii horre waxay ahaayeen, kuwa ka feejigan, aadna uga digtoon talaabada burburka qoyska, waayo waxaad maqlaysaa Sooyaalka hooyooyinkeen iyo Ayeeyooyinkeen, inay iyagoo dhibaato,Dil, Darxumo, diif iyo dacdaradaba qaba, haddana ay ku guuleeysteen inaysan burburin qoyskooda, ilaa ay noqdaan kuwo ilaalinta dhismaha qoyska ku hanta nolosha tan ugu wanaagsan magac iyo muuqaal.

Haweenka Soomaaliyeed kuma dhiiran jirin, Erayga I FUR, balse waxay beddelkeeda samayn jireen, inay ka DUDAAN ama CAROODAN, ninka, kadibna markii hawsha iyo nolosha qoyska ku keliyeysto uu dareemo, dhibka baaxada leh ee laga hayey, halkaasna ay uga soo baxdo gardaradiisa, sidoo kale qoyska gabadhu ka dhalatay, kama dalban jirey ninkeeda furriin.Maantana erayga ugu horreeya ee is qabadka lammaanaha xalkiisu wuxuu noqday I FUR iyo haddaad I furto ma feedh baa I jabaysa, mid kaleba waan helayaa.Arrintani waxay sahlaysaa go’aan qaaddashada dhinaca kale ee lammaanaha, marka eraygu ku soo noqnoqdo, inuu rumeysto inuu ku hungoobey inuu buuxiyo kaalinta uu ku lahaa qoyska, taasoo gaadhsiisa, quus rajo xumo iyo inuu jacaylkii isu beddelo nacayb iyo ficiltan.

 

Haddaba saw ma odhan karo, isbeddelka dhaqan dhaqaale ee magaaladu wuxuu beddelay, hannaankii iyo hiddihii dhaqanka lammaanaha Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa?Dumarka Soomaaliyeed waxay ceeb iyo fool xumo u yaqaaneen, in ku guuldareysato dhismaha qoyska oo ay noqoto, GAROOB ama CARMAL, halka maanta aysan arrintaasi wax saamayn ah ku lahayn.

Sidoo kale Ragga Soomaaliyeed, nin aan qoys masuuliyadiisa qaaddi waayey xil iyo xaajo midna looma dhiiban jirin, halka maanta midba midka uu ka XILIGUBEYSAN yahay laga dhigo, hoggaamiye! Haddaba nin ku fashilmay noloshiisa qofeed iyo qoyskiisa ma keeni karaa xal umadeed?

Isku soo wada duubbo, Burburka qoyska ayaa wuxuu saamayn ku yeeshay,   isfahanka Bulshada, Nabadda,   dhaqanka iyo hiddaha, waayo carruurtii 50% waa carruur   Agoon aabbe leh wada ah.Qoraalkani waa dood furan oo ku wajahan, dhammaan bulshada Soomaaliyeed, siday uga qayb qaaddan lahayd, badbaadinta qoyska iyo dhismaha nolosha Dhallaanka Soomaaliyeed.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN