Yaa waddani ah?

 

Yaa waddani ah?

12033839_10153107425542050_996191562_n

Meeshii madala oo laysugu yimaadaba eraygaas WADDANI waad ka maqlaysaa, balse,  allow yaraa inta taqaan ujeedka iyo dulucda eraygaasi xambaarsan yahay ama  uu leeyahay. Qofkii madal ka istaaga oo cod baahiye fursad u helaaba WADDANI iyo WADDAN buu ka dhawaajiyaa, dacar iyo dano gaarana wuu ka daba mariyaa. 

Waxaan tagay dhawr xafladood, shirar, dood-wadaagyo iyo xataa isu imaatinno kale oo dhammaantood arrimaha iyo aayaha dalkeenna lagu gorfaynayay. Waxaa ii soo baxday in eray bixinta WADDANI aan ku kala duwannahay dadka badankood.  

Asalka erayga oo Carabi ah baa malaha keenay in qolo walba ay gebi la abraarto, si aan gunta iyo macnaha eraygaas u gaaro waxaan u biyaystay buraashadaydii, isku xoorin dabadeedna waxaan soo aruuriyay dhawr  kala duwanaansho iyo is barbardhig oo laga doonayo waddaniga Soomaaliga ah:-

– Dadka qaar waxay WADDANI u yaqaanaan, midka danaha beeshiisa aadka ugu ololeeya, danta beeshana dacar walba u walaaqa, isu muujiya qof har iyo habeen danahooda gaarkaa u taagan, markastana iftiinsha daldaloolada qabaa’illada kale ee ay is hayaan. Qof jufo niic jooga in maqaam waddan leeyahay la siiyo ma luuqadda Carabiga oo aanan la aqoon  baa mase waa ujeeddo gaara?? Adigu bal ur u bixi!!!

Dadka qaar baa u yaqaan waddaniga, qof beel kale ka dhashay oo beeshiisa u gacan-togaaleeya maamul ama siiya maamuus aanay xaq u lahayn. Qoladani markay qeexayaan macnaha guud ee eraygaas, waxay tusaale u soo qaataan, hebel iyo hebel eega soo innagaa idin leh waa waddaniyiin, maanu wax ka sheegno mase dhalyo ku eedno. Kii kuu sad-buriya ama been kugu maamuusa ma waddani baa?? Dantuu doonaba haka lahaadee, shaksi dano u gaara u hiilliyay, xoolo xaaraan ahna kuu sad-gooyay, haddaad waddani u taqaan, tolow yaa khaa’i’n ah?? Bal adba?

Qaar baa u yaqaan qof xukun-doon ah oo waddo kasta ku raadinaya sida inuu cadaw dalka keeno, inuu dadka laayo, cidna inuusan u naxariisan illaa uu kursiga helo. Qoladani waxay ku leeyihiin hebel waddani buu ahaa ama waa waddani laakiin xukun jaceyl uun baa hayay. Muxuu waddani ku mutaystay qof dilaya dadkii uu u turi lahaa, baabi’inayana dalkii uu dhisi lahaa??. Waddaniyadey ba’. Dadku waxay kala saari la’yihiin badankoodu danaysi gaara iyo u daneyn dal iyo dad. Allow magantaa!!!

Waddaniga Soomaaliga ah ee hawlahaas iyo kuwa kaleba looga fadhiyo ee la doonayo inuu dad iyo dal samata-bixiyo, halkee bay kula tahay inuu geeddigaas ku furayo??  Ma kula tahay in la gaaray goortii aan samayn lahayn eray bixinno laysku waafaqsan yahay, si loo helo dhabbo la wada qaado oo qolo walbaayi xarigga dhinac ula cararin. 

Wadaniyaddu waxay ka bilaabataa u dhimrinta dadka iyo dalka, ka talinta wanaagga iyo isu soo dumidda dadka uu dalku ka dhaxeeyo. Qof walboo kala irdheeya bulsho meel wada taal wuu ka baxay seerkii Waddaniyadda dantuu doono ha lahaado’e. 

Waddaniga dhabta ah waa kan u tanaaasula wanaagga iyo horumarka dalkiisa, dantiisa gaarkaa u baabi’iya danta guud, hadduu xukun helana dadka ku hagga wadada caddaaladda iyo sinnaanta.  Waddaniga dhabta waa kan caqligiisa iyo xooggiisa isugu geeya inuu baajiyo dhiigga dadkiisa, badbaadiyana sharafta iyo xoolaha dadkiisa.

Waddaniga dhabta ah waa kan ku farxa wax soo saarka dadkiisa xag walba, kuna dhiirrigaliya inay sii laba-jibbaaraan, waa qof ka xor ah nin-jecleysi, waa qof ay u siman yihiin inta waddanku kala dhaxeeyo.

Eray bixinta  waddani oo sidaan horre u sheegnay Af carabi ah,  haddaba mar aan  aad u xuuraamiyey  oggaanshaha  waxaa Af Soomaali lagu yiraahdo waxaa laygu qeexay laba midkood.

Waddani: Dhalad  waa qof u dhashay waddankan oo deegaankiisu yahay, ku abtirsada waddanka waxna ku leh

Waddani: Daljire, leh astaamaha aan kor ku soo sheegney oo isaga oo  u dhashay waddanka ku abtirsada, haddana ku darsadey inuu  dedaal dheer ku bixiyo,  Horumarinta, hannaaninta, haggaajinta, hannuuninta, Horukaca  iyo Horseedka Bulshadiisa dhinac walba.

Maxamed Xaaji Xasan 

kacdoon@gmail.com 

 

SHEEKOOYIN