YAAD II MALAYSAY? Q.2aad (W/Q. CABDULLE CABDIKARIIN /ABKA XAAJI)

Yaad ii Maleysay?  Q/2aad

W/Q. Cabdulle Cabdikariin (Abka Xaaji)

Waxa ay noo joogtay, Madey oo ay talo ka cakirantay tahay iyo markii uu baaritaanka kiiskaan soo galay Taliso Faay oo hadda Kooma ku jirto, marka laga reebo labo qof oo ciidanka howshaa gaar ugu xil-saarnaa baa la dilay, balse dilka Talisada waa lagu sii wargeliyay in asaga loogu darnaanayo oo loo sheegayo, inuu dad kale iska daaye kuwa ka ag dhow uusan waxba u qaban karin.

Madey, waa ay ka degi weysay arrinkaan halistiisa wata, waayo qofkaan markaan dadka uu ugaarsanayo waa labo qeyb, qofkii la tuhmo inuu wax ogyahay iyo dadka ku xeeran Madey oo iskugu jira ehel iyo asxaabta ay shaqo wadaaga yihiin.

Madey oo weli goobtii hadba dhinac u wiifaya, ayaa farriin kale u soo dhacday oo u dhigneyd sidan: Ogi in talo kaa ciirtay, haddase labo jid ayaa kuu furan; in aad arrintaan ka harto iyo aad calool xumo ku noolaato.  Ma ihi qofka aad i mooddo, mana ihi qof aad qaban karto, waayeel baad tahay bax carruurtaada waqti la qaado, shaqadana ka fariiso adiga ayey dan kuu tahay.

Madey, farriinta toos ayuu u gartay oo macnaheedu ahaa waxa aad weyn doontaa xaaskaaga iyo carruurtaada.

Madey, mushkilo hor leh iyo tashuus ayaa ku furmay, xaaskiisa waxa ay kala tageen labo sanno ka hor, saddex carruur ay u dhashay ayada ayaa heysata, waxaa kale oo guriga kula nool Madey xaaskiisa Hooyadeed oo waayeel ah xirriirkooda ma fiicno, si kastaba arrinku ha ahaadee wax la dhayalsan karo ma aha farriinta uu helay.

Madey, waxa uu go’aansaday markii goobta wax raad ah laga waayay asagoo og in dilaagu uu dadka ka mid yahay, ayuu si ula-kac u fasaxay dhammaan  kuna amray in ay  koox walbo ay goobtii ay ka timid toos ugu laabato qeyb qeybna ay u baxaan.

Ciidamada oo saddex qeyb ahaa, Ciidanka Danbi-Baarista, (9 qof) Ciidanka Dab-Damiska (16) iyo Ciidanka Nabad-galyada (45) qofood iyo kooxdii Gar-gaarka deg-dega12 qofood wadarta good 82 oo Madey ku jiro.

Dhammaantood, markii ay Bannaanka wada yimaadeen ayuu madaxa kore ka xisaabay waa 81 qo. f Madey waxa uu dareemay in qof dheeri ah ku jirin, balse labo in ay mid tahay in dilaagii, weli gudaha ku jiro iyo in uu xaluushay waa hore oo goobta ka baxsaday, taasoo ula ekeyd wax aan dhici karin.   Waxa uu mar kale amar ku bixiyay, in bartooda ay joogaan ilaa amar danbe qof walba oo ayaga ka mid ahna uu isha ku haayo qofka kale ee u dhow.

Askartii iyo bahdii caafimaadka fajiciso iyo wax aan horay loo arag bay ku noqotay isbaddalka amarada is daba joogaa ee Madey.

Madey iyo saddex nin oo kooxdiisa ka mid ah ayaa dib ugu laabtay baqaaradii maanta oo dhan la baarayay, saacad iyo bar ka dibna wax ugu soo naas caddaday ma helin.

Madey oo ka quustay gudaha  oo aaminsa,n in dilaagga uu goobta ku sugan yahay

ayaa ku soo laabtay goobtii ay dadka joogeen, Ciidan walba horjoogahoodii ayuu gooni ula baxay (C/D, C/D, C/B waxa uuna ka codsaday in ay u dhug yeeshaan warkiisa asagoo uga warramaya halista ay wajahayaan waqtigaan la joogo, waxa uu amar ku siiyay qof walbo oo goobta joogo in la baaro rag iyo dumar.

Baaritaanka halkaan ayuu ka bilaabanayaa, ka dibna 78 da qofood baa la baarayaa targetka waa hub iyo mobile.   Taliyihii Ciidanka Dab-Damiska ayaa hadalkii qaatay ogol baan ahay, waayo aniga iyo ciidankeygu hubkeennu waa biyo iyo biro, hana la iga bilaabo aniga.

Madey, markii howshii baaritaanka dhammaatay, waa uu ku hungoobay wax raad-raac ah haba yaraatee ma helin. Qoraxdii waa sii liicaysaa oo 5 tii galabnimo ayey xaga u dhaaftay.

Madey, intii howshaan uu ku guda jiray, hanjabaaddii farriinta ma yareysan ee waxa uu guriga carruurtiisa ku nooshahay dul dhigay ciidan dhar cad ah oo ilaaliyo, ciidankaa oo isla markii howshaa guda galay oo dhaqdhaqaaqa xaafadda aad ula socday.

Dhanka kale weli Taliso Faay, labada dhan, dhanna uma dhicin, rajada laga qabo aad ayey u yar tahay, wixii dhaqtar ahaa baa la iskugu keenay,  nasiibdaro waa u caal waayeen waqtigaa la dhowrayaa in uu dhan u rido .

Madey, marna uma cuntamin fashilka is daba joogga ah ee soo wajahay iyo qataraha uu dhex dabaalanayo. Madey, waa nin xooggan  oo tababar fiican qaba, waana dadka aragtida dheer oo wax loo hoosaasin karin, in badan howlaha ciidanka siyaabo kala duwan dal iyo dibadba wax uga soo qabta,y waase isku qaban weyday inuu raad Abeeso eryado asagoo isku tirinaayay inuu khabiiriinta ka mid yahay.

Madey, oo gacmo maran oo shabaqa kaliya uu wax ku heli karo u arko nolosha  Talisada oo u far muuqda qofka dilaagga ayaa isbitaalka yimid.

Markii xaaladda Talisada uu indho indheeyay, waxa u sawirmay quus tii hore ka sii weyn. Waxa uu arkaa waa meyd mashiino ku neefsanaya, asagoo weli quustii murugada la muraaro dilaacsan ayaa xaaskiisa soo wacday, hoos buu ka yiri: Alle naxdin weynaa maxey sheegi doontaa, waxa ay hadalkeedii ku bilowday hooge ma haddaad keentay in aad gabarteenna af-duubato, kuguma aqoon dadnimo xumadaas ee sidee wax kaa yihiin? Cirka iyo dhulkaa la wareegay Madey.  Waxaa u sawirmay gabartiisii weyneyd Xamda oo la dilay.

Inta uuna jawaabin, farriin baa u soo dhacday u qorneyd sidaan: Haddaad dooneyso in gabartaada ay badbaaddo Mashiinada ka fur cajuusada meesha jiifto, waxaad heysataa 20 daqiiqo.

Madey, waxaa u shidmay heestii ina Heybe Laambad WAX BAA BAALAHEYGA YAACAY WAX BAA BAALAHEYGA YAACAY.

Waxa la dooransiiyay Labo daran mid dooro.  Waxa la yaabka iyo mucjisada ah halka farriimaha looga soo diro, wax raad raac ah ma laha.  Dabcan qofka uu dabagalka ku hayo waa qof kun jeer ka horreeya, aqoontiisa aaladaha casriga iyo cilmiga caafimaadka ku taqasusay waxaa intaa u dheer inuu naxariis-laawe yahay dhiigga dadkana uu u hammuun qabo.

Toloow muxuu sameyn doonaa Madey?

Adiguna, maxay kula tahay?

La soco qeybaha xiga

SHEEKOOYIN