YAAD II MALAYSAY? Q.4aad (W/Q.Cabdulle Cabdikariin Abka Xaaji)

Yaad ii Maleysay? Q/4aad (W/Q.Cabdulle Cabdikariim) Abka Xaaji

Waxa ay inoo joogtay, Fariido oo Madey dacwad ka gudbisay iyo labo askari oo loo diray in ay Madeey ka war keenaan dhankiisa, maaddaama xaaladda ay tahay mid aan la dhayalsan karin.

Labadii askari waxa ay toos u abaareen xarunta Denbi-baarista, halkaas ay ku tuhmayeen in ay tahay saldhiga Madeey, markii ay goobta tageen waxa ay la kulmeen Taliye ku xigeenkiisa oo xafiiskii Madee fadhiyo.

Labada askari, waqti iskama lumin muraadkii ay u yimaadeen ayey uga tibix siiyeen Taliye Juu-juule oo  hadda ah sii hayaha xilka xafiiska Danbi-Baarista.

Dhanka kalana Taliye Juu-Juule, waxa macalin u ahaa Madey oo weliba koriinshihiisa qeyb ka ahaa. Juu-juule, waxa dhalay Madey saaxiibkiis uu ku dhaaran jiray oo howl- gal Denbi-baaris dhowr iyo toban sano ka hor ku dhintay, kaalintiisiina waxa u buuxiyay wiilkiisa Juu-juule oo aan hadda ciidanka sina uga maarmin, talooyinka iyo go’aanada la gaarayana qeyb ka ah.

Juu-juule waa ka dharagsan yahay, halka wax u socdaan iyo meesha loo wado, saacadihii la soo dhaafay, waxa uu isku xirxirayay sidii uu adeerkii Madey dhiiqada lugaha loo gelinayo uga saari lahaa, taas oo ku xiran in la helo dilaaga dhabta ah oo uu ogyahay in aan si fudud lagu heleyn.

Taliye Juu-juule waxa kale oo uu ogyahay Teleefankii lagala xiriiray Taliye Mooge ee isbitaalka in loo dhexmaray Telefoonka Taliso Faay oo hadda Koome ku jirta.

(Qof nolol iyo geeri u dhaxeeya oo agabkeedii lagu adeeganaayo)

Waxa laga yaabaa in aad is tiraahdo maxaa qadka looga xiri waayay, sababta wax kale ma aha, waa la ogyahay qofka Telefoonka haayo inuu qalad yar sameeyo oo la soo qabto ayaa la rajeynayaa.

Taliye Juu-juule, waxa kale uu ogyahay in Taliye Mooge uu ciidan dhaqdhaqaaqa Madey la socda u diray, Taliye Juu-juule waxa u muuqda dilaagga in uu ka guda weyn yahay sida loo maleyo galaangal fiicanna, ku leeyahay gudaha ciidanka.

Taliye Juu-juule markii uu labadii askari warka ka dhageystay, waxa uu ka codsaday in ay bannaanka ku sugaan kaddibna waxa uu wacay Taliye Mooge oo ah ninka hey’adda ugu sarreeyo si uu ugu wargeliyo halka xaalka marayo iyo waxa soo kordhay.

Taliye Mooge ayaa ugu jawaabay in uu ogyahay in Madey dacwad afduub loo heysto, haddana ay askar joogaan xafiiska ee u yeer labada askari Telefoonkana iigu dhiib kooda madaxda ah.

Taliye Juu-juule, shaki ayaa taabtay ah sidee buu ku ogaaday waxse kama weyddiin ee waa uu ka gudbay, sababo badan awgood oo ay ka mid tahay Taliye Mooge, haddii uu u arko in Juu-juule la duuban yahay Madey ay sahal u tahay in uu kiiska ka wareejiyo, taasna ay sababi doonto inuu adeerkii uu caawin waayo.

Taliye Mooge, labadii askari ayuu ku amray in ay taliskooda ku laabtaan, danna uga dhacaan howsha Madey oo ah mid qaran.

Labadii askari, ayaa ka haluushay ayagoon wax aqbaar wadin, Madeey na la kulmin. Waxa ay dib ugu laabteen saldhigii laga soo diray, markii ay wargeliyeen taliyahooda waxa uu sheegay in ay feylka dacwadda uu maamulka ka sarreeyo la warreegay.

Dhanka kale gabartii beerta jaaliyadda lagu dilay, waa la aqoonsaday waxaa dhallay Taliye Mooge walaakiis ka yar, Maxamuud Warfaa oo dibadda u raacay wafti balaaran uu hor kacayo wasiirka arrimaha dibbada.

Reer Warfaa, qofkii ugu horreeyay ee maqla geerida gabdhooda waxa uu ahaa Taliye Mooge, asna waxa uu wacay walaalkii una sheegay inuu degdeg u soo laabto.

Askarta ku shaqo laheyd, denbi baarista iyo ciidankii sirdoonka dhammaan waa la wada howl geliyay, qaar,walba  howl gooni ah ayaa loo diray, kuwa baadi goob ugu jira helista gabadha Madey, kuwa ayaa baaraya intii horay uga soo shaqeysay, kiiska faraha ayuu ka baxay Taliye Mooge ayaa magaalada ku yaaciyay in ka badan 300 oo askari oo dhar cad ah, oo shan shan iskula shaqeynaya dhammaantood asaga ku celinayaan warbixinta.

Taasi waxa ay noqotay arrin ka yaabisay denbi baarayaashii, waayo loogama baran hey’adda ninka ugu sarreeyo inuu gool haye ka noqdo, intaa waxa u dheer inuu koox walba u ballan qaaday dalacsiin ciddii ku guulleysata.

Tartan baa lagu jiraa Taliye Juu-juule iyo kooxdiisa oo gaareysa 40 meeyo waa ka mid dadka shaqada haayo, qaar  kalana meelo kala duwan ayaa laga keenay oo waxa lagu wareejiyay feylasha wixii la haayay ee horay loo diiwaan galiyay.

Kooxddii Taliye Juu-juule, waxa u suura galay in ay helaan Telefoonka Taliso Faay meesha uu yaalo waqti kuma sii lumin in ay gaaraan halkii ay signalka ka heleen oo noqotay guriga Madey qashin qubkiisa oo ku yaalay Deerka.

Taliye Juu-juule oo awalba dareensanaa in Madey lagu saan tiranayo, waa u cuntami weysay, waxa kale oo meesha ay ka heleen sawirka gabadha Madey oo dusha looga soo qoray qofkaad i mooddo ma ihi, YAAD II MALEYSAY? TIME IS TICKING!

Taliye Juu-juule oo ogaa guriga adeerkiis Madey, in Kaamirooyin ku xiran yihiin ayaa amar weyddiistay Taliye Mooge in loo fasaxo guriga Madey inuu gali karo maaddaama agagaarka guriga laga helay macluumaad la xiriira afduubashada iyo dilalka

Si hoosana waxa uu ula xiriiray adeerkii una sheegay in arrinku dhabaqsan yahay.

Taliye Juu-juule, waa Ka horreeyaa Taliye Mooge xiriirka asaga iyo adeerkii waxa wakiil uga ah Juu-juule saaxiibkii oo xogta iyo halka la isla daalaa dhacayo u gudbiya.

Waqti badan kama soo wareegin dalabkii gelista guriga Madey, in loo fasaxo balse Madey oo markaa ku sugnaa bannaanka ayaa Taliye Juu-juule u soo diray 24kii saac ee la soo dhaafay wixii ay kaamirada duubtay, furaha guriga lagu galo iyo qolka baarista ee Guriga Madey.

Guriga Madey, musqusha xataa marka aad geleyso pin code ay kaa rabtaa marka aad ka soo baxeyso sidoo kale waa guri uu meel walba uu dunida ka joogo lala socdo.

Taliye Juu-juule oo awalba ogaa adeerkii inuu system ka ku faro dhuudhuuban yahay, ayaa uga mahad celiyay waxa uuna gudaha u galay si uu u daawado video yada bal in la arko qofka ka danbeyo.

Wax marba qeyb la daawado, waxa la helay muuq qofeed oo aan la kala garaneyn nin iyo naag cidda uu yahay sababtoo ah waa qof xiran jalaabiib indho shareer iyo kobo Buut ah oo qeybta gadaalo soo horreyso Garbo waaweyn leh joog ahaan lagu qiyaasat 1,80  cm. Saacad markii ay muuqaa ku celcelinayeen, urna ay u bixin waayeen ayey doon-dooneen in nawaaxiga guriga Madey dadka degen in ay hal hal u warreystaan.

Waa goor habeenimo, macquul ma aha dad hurddaayo ama iska kifaaxaya in la cabsi geliyo, daniba tiri waxa ay dib ugu laabteen xafiiskoodii haantii qashinka ayagoo wata mobilkii talisada iyo sawirkii gabadha Madey.

Markii ay xafiiska ku soo laabteen, waxaa fadhiya Taliye Mooge iyo Madey oo mid walba gooni ay ugu furan tahay masiibada. Madey, gabartiisa ayaa gacan cadow ku jirta, Taliye Mooge gabadhii uu adeerka u ahaa baa si arxan darro ah loo dilay kaaga daran wax raad-raac lagama helin.

Waxaa dhammaan xabsiga loo taxaabay ilaaladii beerta iyo dadkii ka shaqeynayay kaamirooyinka beerta ku xiran hal xabo xataa kama shaqeynayo, waa la wada damiyay sababta loo damiyay garanay balse cidda damisay lama yaqaan.

Taliska Denbi-baarista waxaa soo wajahay 24 kii saac ee u danbeeyay fashil aysan garaneyn meesha uu kaga yimid Madey iyo Juu-juule, waxa ay shaki ka qabaan in ilo ku dhow Taliye Mooge in ay sarta ka qurunsan tahay, halka Taliye Mooge uu tuhmayo Madey   in wax qarinayo ee uu wax badan ogyahay.

Warbixinada waa iska soo daba dhacayaan (negative) wada waaye wax war cusub lama hayo war yaa dhaanka ceelka geeyay?

La soco Q.kale

SHEEKOOYIN