YAAD II MALAYSAY? (Sheeko gaaban) Cabdulle Cabdikariin (ABKA XAAJI)

YAAD II MALAYSAY?

W/Q.Cabdulle Cabdikariin Abka Xaaji

Denbi-baare Mad Caliyoow oo looga bartay in si fudud oo aan waqti badan ku qaadan u xalliyo Arrimaha ku saabsan dilalka ayaa ur u bixin waayay dilaaga qarsoon ee saxiixiisu yahay yaad i malleysay?

Dilaagaan wax raad ah kama tago aan aheyn qoraalkaas.

D/B Madeey, waxa uu ogaaday qofka fal-danbiyeedkaan ku kaco, in,uu yahay qof aqoonta caafimaadka heer sare ka gaaray, dilkana uu ku bilaabay aar’goosi, korna uu kala socdo danbi baarayaasha halka ay wax marinayaan, sababtoo ah qof walba ay la kulmaan oo ku soo dhow danbiilaha raadkiisa gacantiisa ayuu ku baxaa.

Waa saddex arrimood oo isa saaran, sidaa darteed si uu u xakameeyo xogaha denbigaan ku lug leh dhammaan dadkii ka shaqeynayay feylasha ayuu ka wareejiyay waxa uuna u magacaabay dad kale oo ciidanka ka tirsan, balse aan la shaacin..

Talaabadii labaad ee uu qaaday waxa ay aheyd, in,uu dawooyinkii /suntii lagu sarqaanshay dadka la dilay oo iskugu jiray dhaqaatiir iyo bukaankii ay daweynayeen halka laga heli karo, cidda heli karta, iyo xiriirka ka dhaxeeya.

D/B Madeey oo sida caadada u aheyd keligiis duul ah, isla markaana daba jooga gabadhii u danbeysay ee dilaaggu  qararamsaday, waxa uu ogaaday in ay ka mid aheyd  ilmaha ku soo koray xeryaha agoonta.  Markii cid war ugu danbeysayna, in ay ku jirtay isbitaal weyn oo ay dowladda leedahay oo ku yaal magaalada bannaankeeda lagu daweynayay.

Gabadha marxuumadda waxa magaceedu ahaa Muliyo Cabaas, kuna magac dheereyd Muliyo iskoris.  Muliyo dugsiga sarre ee Waaberi bay dhigan jirtay, waxa ayna ka mid aheyd ardayda ugu aqoonta badan, waxayna weligeed ku taami jirtay in ay noqon doonto dhaqtarad weyn oo dadka caawisa iyadoon wax lacag ah ka qaadan, balse hamigaas habaar qabahaan ayaa nafteeda u aqoonsaday.

Madeey markii uu isbitaalka tegayo, geerida Muliyo waxa laga joogaa saddex maalin weli Firiijka ayey ku jirtaa, hadda ayaa la aqoonsaday ehelkeeda ugu dhowna waa dowladda oo maanta Madeey qof ka xigto ma jirto.  Madeey taas uur-ku-Taalo ayey ku abuurtay, sababtoo ah qof nolosha waalid la’aan la soo harjaday ee markii uu tabar galay nafta loo qoonsaday bilaa sabab waa ay la ahaan weyday.

Muliyo 18 kii ayey madaxa la gashay, marka ay eersaneyso dilaagga qarsoon tolow maxey galabsatay?

Madeey waxa u muuqda silsilad isku xiran, marna waxa uu is tusiyaa in fal danbiyeedka wadar yahay, weliba labo ilaa saddex qofood ama in ka badan oo dhiig wadaag ah (Ehel).

Si kastaba arrinku ha ahaadee, xafiiska xogheynta isbitaalka markii ay la wadaageen in gabadhaa ay ka baxday halkaan 4 maalin ka hor, waxa uu codsaday in dhaqtarkeeda loogu yeero si uu u warreysto, iyana waxa loo sheegay in uusan saddex maalin soo xaadirin, wax war ahna aysan ka heyn sababta uu u maqan yahay.

Madey oo filayo markaan inuu raad hela,y ayaa weydiistay in la siiyo halka uu degan yahay  dhaqtarka, waqti badan kuma sii lumin in sii waydiiyo halkii guriga dhaqtarka ka xigay, waxa uuna markiiba horray u sii kaxeystay labo askari.

Markii uu albaabka garaacay, waxaa ka furtay islaan waayeel ah, waxa ayna u xaqiijisay in guriga yahay gurigii dhaqtarka, ayaduna ay Hooyadiis tahay. Intaa ka dib waxa ay weyddiisay muraadka wiilkeeda ka soo galay.

Madey oo warqadda aqoonsiga tusinaya ayaa ku yiri: Waxa kaliya oo aan rabnay in aan dhowr su’aal weyddiino.  Dhaqtarka Hooyadii, waa beer wax dhallaye, waxa ay la soo boodday wiilkeygu waa dhaqtar dalka iyo dadkiisa u daacad ah, waxaan filaa in aad ku soo qaldanteen magaciisa.

Madey oo durba gartay difaaca Maamada, in uu yaha mid dabiici ah, ayaa isaga oo xaalka u dajinaya ku yiri: saad mooddo wax uma jiraan ee waxaan nahay xog- doon, kolkaas ayey inta qabowday tiri: Saddexdii maalin ee la soo dhaafay ma imaan, maalinkii koowaad markii aan wacayna waxa uu ii sheegay inuu howl ku maqan yahay ay ka walwel la’aato.

Qolkiisa ayuu ka codsaday, inuu indho indheeyo durbaba, waxa uu ka helay feylashii Muliyo. Madey, waxa uu markaan aaminay in dilaaga dhabta ah uu yahay Dhaqtar Wehliye.  Waxa uu wacay xarrunta dhexe, si uu xog buuxda uga helo dhaqtar Wehliye asalkkiisa, meesha uu kasoo jeedo iyo dadka ku xeeran.

Xafiiska denbi baarista, ayaa laga soo wacay, waxaana loo sheegay in qof kale la dilay, saxiixuna uu midkii yahay.

Madey oo aan dhug u yeelan dilka loo sheegayo ayaa yiri: Dilaaga raadkiisa ayaan ku joognaa ee meesha shilka ka dhacay iyo agagaarkeeda ha la xiro, dadka joogana aqoonsi halaga qaado, qofkaan aqoonsi wadin saldhiga ha la geeyo ilaa laga caddeeyo.

Gabadha la hadleysay oo ka mid dadkii Madey la shaqeynayay ayaa ku tiri: Madeyow, ninka la dilay waa dhaqtarkii aad tuhunsaneyd ee yaa dilay?

Madey, filan-waa ayey ku noqotay in dhaqtarka lagu raad tirtay oo uu asaguba dhibane u ahaa dilaaga.

Madey, qarracan ayey ku noqotay, inuu raad abeeso eryanayo, waxaase u soo dhacay farriin qoraaleed u qorneyd sidaan:

Ma naxday? Yaa ku gaaray dhaqtarka waad badbaadin weyday ee gabadha kula shaqeysa ayaa markaan doorka ii saaran yahay, waa ay fiicnaan laheyd in aad adiga soo hor marto, nasiib wacan, meydkeeda soo doono(Unknown numbers)

Madey, talo ayaa farihiisa ka baxday, waxa uu wacay Taliso Faay Cali, balse khadka waa ay ka maqan tahay, dhammaan ciidanka ayuu ku amray in ay  toos u aadaan baqaarrada wakaaladda Biyaha, halkaas oo ay Taliso Faay ku wajahneyd.

Taliso Faay, markii ay soo gaartay Baqaarrada, waa meel waa hore laga guuray  waxa ay marba dhinac eegto ayadoo Busteeladeeda gacanta ku xajisaneysa, waxa ay aragtay humaag orod ku dhaafay dib ayey uga soo guratay, waxaa u xigay cirbad surka looga muday waana ay miir daboolantay.

Goobtii, waxa soo gaaray askar faro badan nasiibdarro, waxa loo yimid ayadoo sidii kuwii ka horreeyay Carrabka banaanka yaalo.  Madey oo aan dheg la qabto laheyn ayaa asna goobta yimid, markii uu indhaha ka qaaday Taliso Faay oo la daboolay oo dhimasho lagu tiriyay ayuu dhegta afka u saaray asagoo ku yiri:  iga raali noqo waan kari waayay in aan ku badbaadiyo. Markii uu go’ii saarnaa ku dabool is yiri, ayuu halmar kor u qeyliyay aaween dhaqaatiirtii? waa ay nooshahay waa uu ku celceliyay.

In badan oo askarta ka mid ah, waxa ay u qaateen inuu Shoogay odayga, balse Madey dhab ayey ka aheyd isbitaalka ayaa loola cararay.

Goobtii ayaa la baaray, in raad laga helo. Madey waxa uu ogyahay, uusan cidna la wadaagin in dilaagga uu goobta joogo, dadkana ka mid yahay uuna heysto bustooladdii Taliso Faay  iyo  wixii uu horay u watay.  Dadka goobta joogo dhammaantood waa Ciidan iyo dhaqaatiir mana rabyo inuu kor u dhawaaqo.

Madey, waxa kale uu ogyahay qofkaan inaan weyso u dhowrneyn qofka u horreeyo uu ku tagaayo inuu asaga yahay, waxaa kale uu ogyahay haddii uu fursaddaan dayaco inuu dib danbe u arkeyn .

Waxa kale uu ogyahay Taliso Faay iyo dhaqaatiirtii gargaarka degdega in ay gacan ammaan ah ku jiraan, ciidan hubeysan uu ku kalsoon yahay ayuu raacshay  ambulance ayey la raaceen waxaana uu ku amray qol ka mid ah isbitaalka in  lagu haayo darawalka dhaqtarka iyo labadiisa kalkaaliye lana baaro .

Nasiib wanaag, waxa Madey lagu soo wargeliyay in wax hub ah lagu arag kooxdaas ka baxday goobta.

Tolow, maxaa la gudboon? Halkee ayuu talo ka bilaabaa?

Bal maskaxdaada ka shaqeysii oo kobaha Denbi Baare Madey gasho maxaad sameyn laheyd?

La soco qeybaha xiga!

Abka Xaaji Qalinweyne

SHEEKOOYIN