YAAD II MALAYSAY? Q.3aad W/Q. CABDULLE CABDIKARIIN (ABKA XAAJI)

YAAD II MALAYSAY? Q.3aad

W/Q. Cabdulle Cabdikariin (Abka Xaaji)

Waxa ay inoo joogtay Madey oo la kala dooransiiyay, in uu Taliso Faay gacantiisa ku malgo, kuna baddasho gabartiisa in loo badbaadiyo.

Madey, waxa uu ogyahay, inkasta oo uusan xaqiiq heyn in la heysto gabadhiisa oo ay gacan cadow ku jirto, waqtiga loo qabtayna marna in ay suuro gal aheyn  inuu helo ama ogaado meesha lagu heysto.

Madey, waxa kale uu ogyahay ay in xaaladuhu marka ay cakiran yihiin, haddii uu deganaan ku wajaho in uu guusha ku danbeynay, inta uu acuudu billeystay oo sheyddaanka iska naaray ayuu fursad siiyay naftiisa uu ku nafiso, asagoo isla hadlaya ayuu yiri: Adduunka waxaan imid anigoo waxba wadan, waxaan ka tagayaa anigoo waxba wadan, waxa aan heysto Ammaano la iigu talo galay in aan waqtiga yar ee dunida joogo kula hardamo.  Ammaanadaas, sidii aan waxyeelay intii aan dunida joogay, xisaabtoodii waa la iga rabaa, nafyaheey joog xaqana ku dhimo.

Ogi in ay xanuun tahay, ubadkaaga oo hortaada lagu daldalo, waxaase ka xanuun badan cadaabka Alle.

Madey oo sidii qof hurddo ka soo kacay ah, ayaa Telefoonka qabsaday oo is yiri bal xaaska wac oo weyddii sidii ay wax u dhaceen, qadka ayeyba ku jirtaa ayadoo ku qeylineysa oo leh ila hadal, wax ii sheeg? maxaa kugu kalifay in aad gabartaada af-duubato.

Madey oo si degan ula hadlaya ayaa ku yiri:  xaaskiisii hore, sida aad mooddo wax uma jiraan gabadheena gacan cadow ayey ku jirtaa ee bal ii warramoo sidee wax u dhaceen?

Waxa ay ku tiri: ma aqaan sida wax u dhaceen waxa kaliya aan ogahay in aad adiga ka danbeyso. Madey, mar kale ayuu  isla su’aashii si kale ugu dhigay oo ku yiri: Sideed ku ogaatay in aan aniga ka danbeeyo? Waxa ay tiri: Farriin baa ii soo dhacday qof isku sheegay inuu same-Fale yahay, waxa uuna igu wargeliyay in aad adiga soo dirtay saasna uu gabarta u afduubay, kana xun-yahay falka uu ku kacay oo ahaa in uu amar-diiddo ku sameeyo taliyihiisa.  Waxa uuna intaa ku daray weliba, anigaa nafta i siin weyday ee islaanta waayeelka guriga joogto, in aan dilo ayuu qorshihiisu ahaa ee maxaa kugu kalifaya intaa oo dhibaato ah in aad reerkaaga u geysato.

Madey oo gartay in si fiican looga adeegtay, ayaa xaaskiisii hore Fariido ugu qalbi qaboojiyay in uu waxba ka ogeyn qofka falkaa sameeyayna uu ku raad joogo.

Balse Fariido dheg uma dhigin, saacadda soo socoto haddaad guriga ku soo celin weydo saldhiga ayaan kaa dacweyn doonaa ayay tiri.

Madey, si kasta oo uu u qancin karo  waa isku dayay,  laakiin Fariido hadalkiisa xanaaq bay ka sii qaadday, inta Telefoonka ku damisay ayey si toos ah lugaheeda ugu tagtay saldhiga Booliiska, maba sugin saacad ayadoo dacwo ka dhan ah ninkeedii hore waddata.

Abuurba abuur ayaa ka weyn, Madey waxa uu aad u yaqaan Fariido in aysan ka been sheegin waxa ay tiraa, waa sameynaa sidaa darteed waa ogaa in ay kiis ku soo oogi doonto, asaguna noqon doono Ratigii ninka guran soo hooyay.

Waxa uu degdeg u wacay Taliyihii qeybta ugu sarreeyay Taliye Mooge, bilow ilaa dhammaad sida ay wax u jiraan ayuu u sheegay, marka laga reebo in la kala dooransiiyay gabadhiisa iyo Taliso Faay, intii ay sheekada kala gurayeen ayuu waxa uu ka dhadhansaday hadal uusan ka fileyn si kama’ ahna cidna u dhihi karin oo Taliye Mooge weyddiiyay Madeey oo ahaa sidaan: Miyaa lagu kala dooransiiyay in aad isku baddalato labada ruux?

Madey, hadalka ayaa ku dhegay, inta neef weyn qaatay ayuu si toos ah u weyddiiyay Taliye Mooge, asagoo ka xaqiijinaya heerka ogaalkiisa, si uu wax uga ogaado meesha uu kala qaaday warbixin ku koobneyd qofka dilaaga iyo Madey.

Waxa uu ku yiri: Taliye waxaad iila muuqataa nin i aaminay oo adeeg ii diray, oo haddana, il u daban tahay, ma waxaad ii door‐bidday in aan noqdo mid lagu raad tirto.

Taliye Mooge oo gartay oo aad uga naxay, ayaa iska soo jaray taas waa mid aan dhici karin ee is deji, xogta inta aad iga reebatay ayaan rabay in aan ogaado ee falka aad ku dhaqaaqi doonto waa iskala aamusi karay, inta aad adiga ii sheegto balse 20 daqiiqo ma aha wax badan.

Markii uu Taliye Mooge halkaa marinayay ayuu Madeey hadalkii ka dhex galay waqti badan ma harin ee sidii aad ku ogaatay ii sheeg?

Taliye Mooge ayaa yiri: Waxaan helay farriin u qorneyd sidaan; Madey waxa uu cawada weyn doonaa gabartiisa ama jaalkiisa Taliso Faay, gacan ku dhiiglahaa maxaad ka sameyn  doontaa Taliye?  IP Address ka laga soo diray waxa uu salka la galay isbitaalka aad hadda joogto marka Madeyow, waxa aan aaminsanahay in aad bad faraha la gashay, ma aqaan sababta loo rabo, in aad adigu noqoto danbiilaha weyn ee silsiladda dilka fakarkeeda lahaa. Waxaanse, kuu xaqiijinayaa ilaa amar danbe in aad xilka ku wareejiso ku xigeenkaaga, halkaas oo aniga nafteyda xilka kala wareegi doono kolka dambe.

Madey, xanaaqiisa oo liqaya ayaa ku yiri: Taas macnaheeda waxa aan u fahmay in aad tahay maskaxdii ka danbeysay wixii shil dhacay, haddana aad rabto in aad igu raad tirato.

Taliye Mooge oo ay filan-waa ku noqotay, in uu Madey u arko (Mastermind) maskaxda ka danbeysa ,ayaa si kama ah u yiri Madeyow, sida aad i mooddid ma ihi, eraygaa oo dilaaga hal-kudheg u ah.

Madey baa yiri: War maxaad tiri? iigu celi mar kale.

Taliye Mooge, ayaa Madey ku yiri: Ma garanayo, si aan wax kuu fahansiiyo, cid walbo in aad ka shakisana xaq baad u leedahay , sababta aan shaqada kaaga fariisinayo wax kale ma aha, hadda waqtigaan la joogo dhibaatada ayaad qeyb ka tahay, gabadhaada madax furasho naf kale ayaa loo heystaa, teeda kale Taliso Faay haddey hadda dhimato tuhun igama dhammaan doono, in aad adigu qeyb ku leedahay, si aan uga hortago waxa aan ku qasbanahay in aan kiiskaan gebi ahaan kaa wareejiyo sidii aan kuu badbaadin lahaana falkeed galo.

Madey oo warkaa liqi waayay, ayaa isla goobtii taliye ku xigeenkiisa ku warreejiyay xilkii, toos ayuuna gurigiisa u aaday, mar alaaliyo markii uu albaabka gaariga ka soo degay ayuu arkay astaantii dilaaga ee Yaad ii Maleysay.  Waxa kale oo agtiil warqad ay ku qoran tahay Fursad isku mid ah laba jeer kuma soo marto ee meytka gabadhaada ka doono Beerta Jaalliyadda.

Madey, wiish baa ku yeeray Curaddiisii Xamdda Madey, waa la qararamsaday, shaqadii si ku meel gaar ah looga farriisiyay, taas waxa u sii dheer Fariido maxey fali doontaa marka ay maqasho gabadhaadii waa dhimatay?

Waxa uu isku sii daayay dhankaa iyo Beerta jaalliyadda, wax uu si xowli gaariga u eryaba markii uu Beerta tegayba askarta ayaa xiratay jidka, si meydka goobta looga qaado.

Meydkii, ayuu dul istaagay, waxa uu hubsaday in ay gabartiisa tahay, mase noqon gabartiisa , Madey, waa ay la noqon weyday, waxa uu marqaatiga ka yahay,  waxaa u xigay farriin qoraaleed u qorneyd sidaan: Gabadhaadii maaha tan balse Hooyo iyo Aabbe kale ayaa cawada baroortooda ku raaxeysaneynaa, weli fursad baan ku siinayaa Talisada nafta dhaafsii, waxa aad heysataa 24 saac, maaddaama hadda aad howl gab tahay waqti kordhin baan kuu sameeyay aniga ha igu mashquulin qofka aad i mooddid ma ihi.

Dhanka kale Fariido, waxa ay dacwad ka gudbisay Madey in uu gabarteeda afduubtay waxaana xafiiskiisa shaqada loo soo diray laba askari oo arrinkaa xaqiiqdiisa soo baarta..

La soco qeybaha xiga

 

 

SHEEKOOYIN