YAAN AHAY? ( SHEEKO GAABAN)

yaan ahay

YAAN AHAY? ( SHEEKO GAABAN)

Safar ayaan kaga imid Dibadda, aniga oo aanan seexan xalay oo dhan ayaan usoo gudbay xaafaddayda, maalintii oo dhana sidaas ku galay Dajinta maskaxdayda, maadaama uu jirkaygu tabayay Baahi badan o uu qabay Hurdo.

Galabtii markii aan casirka tukaday ayaan usoo Shaah doontay mid ka mid ah meelaha lagu shaaho oo aan sidaaa uga fogayn Xaafadda aan daganaa, waxayna ahayd goob aan caan ka ahaa oo haddii la iga waayo galbihii ay dadku is waydiin jireen halka aan ku maqanahay iyo waxa I baajiyay.

Sidii caadada ii ahayd markii aan kasoo baxay Slaaddii Casir ayaan u qalab qaatay sidii aan usoo kabban lahaa koobka dajinta maskaxdayda ee biibitaadaas shaaheeda ah, waa koob lagu magacaabo Olympia.

Waqti badan fadhiga iskagama lumin isla markiibana waxaa ii yimid mid ka mid ah shaqaalhii Maqaayadda oo dalabka iga qaaday, intii  aan sugayay shaaha ayaa waxaa isoo ag fadhiistay Nin aan hayb aqaan, balse aqoon hoose aysan noo dhaxayn, kaas oo isgana dhinac ka dalbaday shaaha, nasiib wanaaguna uu ahaa in aan isku fadhi noqono, inta aan shaaha wada sugaynay.

Inaga oo shaahayna ayay sheeka yar ina dhex martay, wuxuu u ekaay nin wax badan la tacaalaya oo fakar badan ka muuqdo, runtii waa laga dareemi karay in uu wax tabanayo, sidaas ay tahayna inta uu is qarin karo wuu is qarinayay, oo ma jeclayn in ay muuqato baahidiisa ama daciifnaantiisa.

Sheekada ina dhex maraysay waxay ka koobnayd dhinacyo badan oo nolosha ah, sida ay kolba dhinac ugu dhacaysayna kolkii dambe ayey ku timid xagiisa, isla isaga ayaana gartay in uu xagiisa u weeciyo Khibradaha nolosha iyo waxa ugu yaabka badan noloshiisa.

Wuxuu ii sheegay in uu ahaa muddo haatan laga joogo 8 sanadood Nin hanti leh, balse ay hantidiisa ku baab’aday si uusan xitaa isagu filayn waligiisna ku fakarin in ay ku lunto, intaas marka uu dhahayay waxaa jiray Dareen kasoo duxayay wajigiisa oo indhihiisa midbkooda tartiib u baddalayay, xididdada wajigiisana si dareen ku jiro u kicinayay.

Aniga waan dareemayay in wax badan ay ka guuxayaan qalbigiisa, noloshiisana ay noqotay si uusan filayn,ninka uu yahay maantana uusan ahayn 8 sano ka hor, kolkaas ayaan ku iri waa Adduunyo waxan, barrito waxa ay noqon doonto ma ogid, maanta wax baa tahay, ee daji maankaaga, laga yaabee Roobkii kugu da’ay 8 sano ka hor in uu barrito hadana soo curto.

Inta yara dhoola caddeeyay ayuu igu yiri horta magacaa? dhowr jeer ayaan sheedha kaa arkay, balse si hoose kuuma aqaan, waxaasa dareemayaa in aad tahay Nin wax badan ay ku duugan yihiin runtiina waxaa isoo jiitay oo igu dhiira galshay in aan goosto in aan kula sii wadaago wax badan oo noloshayda ah oo sheekadan hadda billowga ah ay ugu horayso.

Magacayga ayaan u sheegay, is barasho gaaban kadib ayuu ii guda galay xoogaa taariikhdiisa ah isaga oo billow ilaa xaaladdiisa maanta ah ah ila wadaagay, aansa idinla wadaago inta ka qusaysa sheekadiisa Qoraalkan.

Wuxuu ii sheegay in uu lahaa Bakhaar wayn oo lagu gado cuntada, oo muddo ka badan 18 sano uu ka shaqaynayay, dhaqaala fiican oo Guryo iyo Baabuurba lehna uu ka tacbaday iyo Hanti kale uu shirkado uu ku darsaday.

Wuxuu ii sheegay in bakhaarkiisa iyo xafiiskiisa oo ku yiil qaybta ka koraysa bakhaarka ay Dad badan oo Ganacsato ah oo leh asxaab iyo qaraababa ay u ahayd goob ay kusoo hiirtaan oo ay dhigtaan lacagahooda, inta uu qof walba u dhiibto magac ayuu ugu qori jiray meelna wuu u dhigi jiray.

Wax muddo sidaa la ahaadaba macaamiisha meeshana ay sii balaarato waxaa dhacday in qolo qaraabadaiisa ah ay meesha ka abuuraan wax u eg Xawaalad lacagaha ay isaga kala gooshaan Daafaha dunida waa inta ay soomaalida ka ganacsato oo markaa Baahi daran ay ka jirto gaarsiinta lacagaha,ma ahayn bakhaarkiisa halka ay howshaas ka socotay balse  bakhaar ku dhagan ayuu ahaa.

Waxaan suubiyay ayuu yiri wax haddaan kuu sheego Caqliga nadiifka ah uusan qaadanayn, waxaa I galay Damac badan oo ku saabsan Amaanada aan hayay, maadaama lacagta aan hayay ay u badnaayen lacaga dadka iska leh aysan meesha ka qaadin oo u ah sida Bangi oo kale.

Waxaan gartay marka in aan dadka kala sooco oo ayaga aan ka waraysto cidda u baahan lacagteeda waayadan iyo inta aan u baahnayn oo jecel in ay muudo u taalo, xaqiiqdiina igama ahayn in aan xoolahooda qaato oo waxay iga ahayd in maadaama ay meesha iska taal aan ku intifaaco, inta jecel in aan hanti ahaan ugu qayb galsho ganacsigaygana aan ugu daro, intii kalana aan kusii shaqaysto xoolahooda, maalin alaale iyo maalintii ay usoo baahdaana aan farta ka saaro, balse meesha hantida faraha badan ee gaaraysa ilaa iyo malyanka doolar aan ka saaro, maadaama ay Khatar fara badan jirtay aana u cabsaday lacagta caddaanka ah ee harqisay xafiiskayga.

Sidii ayaan yeelay oo lacagihii waan howl galshay ciddii aan ku dari karo shirkaddana waan ku daray, intii kalana maadaama ay ii socotay shaqo oo lacag wayto aysan igu jirin waxaan gartay in marka ay u baahdaan aan siiyo.

Dhamaan lacagihii caddaa waxay noqdeen wax aan hanti ma guurta ah galsho iyo wax aan ku daro xawaaladdaas cusub oo ragaas qaraabadayda ah ay kala hagayeen oo markaa aan u arkayay in ay faaiido fiican soo saaraysay.

Runtii laguma qasaarin oo labadii sano ee ugu horaysay waxay soo saareen faaiido badan, nasiib darrase waxaa dhacday in ragii mas’uulka ka ahaa Xawaaladda qaarkood ay lacago badan lunsadaan oo markaa meeshii uu ka dhaco jahwareer sababay intii howl wadeenka ahayd in aygana ay la baxsadaan wixi ay la baxsan kareen.

Waxaa iiga luntay meeshaa lacag gaaraysa ku dhawaad milyan doolar, dhibaatadaas aniga oo la daala dhacayo ayaa Doon iiga soo rarnayd Dubai uu dab qabsaday, halkaas oo ay iiga luntay 1200000 oo doolar waa hal malyan iyo laba boqol oo kun oo doolar.

Adduunyada waa middaas is gaddiska badan oo kolba dhinac u haawanaysa, saacadda aad joogta saacaddeeda kalana kaa dhigta wax aadan ahayn filanayna in aad ahaan doonto, isla adduunayadaas ayaa ah midda suuraddaada u baddasha hadba sida ay rabto, adiga oo dhoola caddaynay gacamahaagana kor u haya farxad darteed, isla markiiba kuu baddasha mid gacmihiisa ay saaran yihiin madixiisa Quus darteed, ama muujin uuu muujinayo in wax badan ay ka khaldameen.

Sidaa ayuu ku fallismay ninkii isaga ahaa, waxaa dhacday maadama uu ahaa hantiile leh Guryo iyo Gawaari in dhamaan suuqa lagu celsho xitaa bakhaakiisa si dadka ay waxooda u helaan, sidaas iyada oo ay tahay ayay dadka qaar xoolahooda wali aysan wada helin.

Isku mid maahan dadku, qaar ayuu Eebe ku mannaystay Naxariis iyo Garasho, qaarna waxayba Dadnimo xumaddoodu soo baraarugtaa xilliga adag goorta la marayo, waxaana dhacday in dadkii qaar ay xoolahooda iiga tagaan kadib markii ay arkeen Xaaladda aan dhex maquuro, qaarna waxay dhaheen inta aad xoola la’aan tahay waxba kuuma haysano marka aad hesho iska bixi, halka qaar kale ay soo istaageen naftiisa ama xooalaheena, hadda Dadka sidaa dhahayo waa dad aan macriifo ahayn, qaraabana aan ahayn qaarkood.

Si lama filaan ah ayey illin uga soo daadatay inta uu ii sheekaynayay wuxuuna ku cataabay in uusan waligiis ku fakarin in uu xoolo islaameed qaato uusanna qaadan Xoolaha dadkaas, balse amar Eebe uu ku dhacay, wuxuuna is waydiiyay cidda aaminaysa maadaama dadka qaarkii ay ilaa hadda aaminsan yihiin in uu isagu yahay kan wax is daba marsiiyay, dhabtuna aysan sidaa ahayn oo uu yahay Dhibanaha Waqtiga.

Aniga oo is celin la’ ayaan soo dhex galay sheekadiisa, aniga naftayda oo tabanaya Xusuus la mid ah xusuustiisa, balse dhaawaca maaliyadeed ee ninkan gaaray uusan I gaarin, inkasto la yiri Nin walba inta ka lunto ayaa xanuujisa oo uga xanuun badan inta qof kasta ka luntay, taas oo macnaheeda aan ula jeedo maskiinka maanta helay kun shilin oo uu ilmihiisa ku quudso is leeyahay, caawo haddii ay ka lunto xanuunkeeda ay leedahay, sidaas si la mid ah kan malaayiinta ay ka lunto.

Dareenka xanuunka badan ee ay nagu yeelato hantida lunto ma ahan mid lagu kala cabiro caddadka lacagta luntay ee waa mid uu qof walba sidiisa u dareemo, maadaama qof walba dunida uu markaa la tacaalayo ay si gooni ah isag u xanuujiso.

Waxaan u galay sheeko kale oo naftayda ah, runtii kuma tala galin in aan la wadaago sheeko ninkaas balse, markii aan dareemay oo iiga sheekeeyay heerka noloshiisa ayaan gartay in aan la wadaago tayda aniga oo tusinaya in xanuunka maaliyadeed ee ku dhacay uusan ahayn wax kaligiis ku kooban, tusaala gaabana aan aniga ugu filanahay.

Waxaan kaloo u sheegya in dunida ay tahay mid shiban oo la xaragoonaysa xaaladaheeda nolosha, tusaala gaabana aan u nahay aniga iyo isaga oo galabta ka hor qof walba waxa uu gudaha kala gubanayo aan la ogayn ilaa aan inaga is caddayno.

Muuqaalka wajigiisa uu bixinayay inta aan u waday sheekooyinkayga Muraga badan iyo inta aan nolosha kasoo maray waxay u ahayd Nafis iyo samirsiin uu naftiisa ku Samir siinayo, in dadka oo dhan ay la wada aamusan yihiin xaaladahooda gudaha ayna imaan doonto maalin ka duwan maalmahan, taas ayaanaa marqaati u noqon doonta dhiilada dhabta ah ee gudaha qof walba ku shidan.

Isaga oo aad u muusoonayo ayuu igu yiri “Maxamed waan kaa weenahay, wax badan oo aadan arkina waan arkay, balse mid ogow in marka aad lacagta ama dhaqaalaha haysatid aad hilmaamaysid waxa aad tahay, taas oo runtii ii caddaysay in aanan nafsiyan aqoon isku lahayn xaaladaha mashquulka iyo xisaabta badan oo aan ku jiray darteed, balse marka aadan lacag ama dhaqaala haysan ama lagugu ogayn, dunida oo dhan ayaa ku illowda oo jiritaankaaga xitaa ayaa shaki gala!

Rag badan oo asxaabtayda ahaa maanta qaarkood shaah ilama cabaan, xitaa marka ay kor iga arkaan ayey dhinaca kale ka baxaan, shalayna ayaga ayaa igu soo booqan jiray xafiiskayga casuumadna iigu suubin jiray guryahooda iyo meelaha lagu nasto”

Waa runtii lacagta marka ay gacantaada ku jirto wax walba waad haysataa dad iyo duunyaba, balse marka ay gacantaada ka baxdo cid ku taqaan ama aad u xisaabsantahay oo aan Allaha ku abuurtay ahayn isma sheegataan, balse, waxaan kusoo gunaanaday hadalkayga aniga oo isaga waydiinayo goormey dadku kala garan doonaan qiimaha lacagta iyo qiimaha qofka leeyahay oo ay isku khaldaan mar walba?

Jawaabta uu arrintaas iga siiyayna waxay noqotay hal xiraalahan kale ee ah “yaan ahay?

Ileen marbey su’aashu noqotaa jawaabta Su’aal kale!

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN