Yagleelka Guusha‏ W/Q: Naciima Xasan Xuseen

images

Yagleelka Guusha‏

La ma helo wadaadow, waxaan cido u howshoone
Naftaa loo hantaaqaa, waxay hiigso leedahaye

Cabudllaahi Suldaan “Timacadde”

Waxaan shaki ku jirin in qof kastaa oo dunidan dul saaran uu ku hamminayo in uu ka gaaro guul dhinacyada kala duwan ee nolosha; si uu u dareemo ka mira dhalinta tamartiisa, uguna hanqal taago hiigsiga meel sare, haddaba waa maxay GUUL?
Guushu waa gaarista yoolkaaga nololeed iyo rumeynta riyada iyo himilada aad ku taammayso. Waa helitaan ka nolol dhammeystiran oo ku anfaceysa if iyo aakhiraba. Sidoo kale Guushu waa ka mira dhalinta awoodaha uu Alle kugu manneystay oo aad u adeegsato wax kasta oo faa’iido u leh naftaada, ehelkaaga, iyo bulshadaada.
Gaarista Guusha iyo xaqiijinta ku aaddan himilooyinka nolosha ma aha mid si fudud lagu helo iyadoo aan loo marin dhib. Arrin kasta oo Guul ku idlaatay waxaa laga soo maray rafaad, waxaa loo huray naf, wakhti, iyo hanti. Sidoo kale qof kastaa oo guuuleystay waxa uu ku bixiyay gaarista guushaas wakhti, una dhabar adeygay wax kasta oo kasoo wajahay xaqiijinta yoolkiisa. Haddaba sideen ku gaari karnaa Guul, una yagleeli karnaa aayatiin wacan oo guuleysta?
Waxaan halakan kuugu soo gudbin dhowr tillaabo oo kuu horseedi karta in aad cagta saarto Waddada Guusha:
1) Ku kalsoonow naftaada, dadka guuleystay waxay ku kalsoonyihiin kartidooda iyo inay wax veddeli karaan. Dheg ha u dhigin dadka dhaqanka u leh ereyga xun, oo had iyo jeer dhaawacaya hiigsiga hankaaga, oo niyad jebinaya halqantaaggaaga.
2) Ku dada dhowridda iyo maareynta wakhtigaaga, illeen waa raasamaalka noshaadee. Oo degso jadwallo aad kukala qoondeyso shaqooyinkaaga, iskuna day fulinta waxa uu ku farayo jadwalkaas.
3) Waa inaad u dulqaadataa haddimooyinka ku geddaaman jidka guusha, oo aadan is dhiibin kol kasta oo caqabadi kusoo food saarto.
4) Ha quusan kolkii uu kusoo wajaho fashal, oo ka yeelo fashalkaas waddo cusub oo kuu horseedeyso mar kale inaad guuleysto. Waayo waxaanan lagu hungoobin mira dhal badan mayeeshaan.

Ugu dambeyntii
Ogow qofkastoo baadi goob galaa mar un buu ka gun gaaraa. Wax kastoo la heybiyaana marbaa la hirgeliyaa. Wax kastoo la joogteeyo laga war dhowro marbaad hayaanka aad ugu jirtay heshaa. Tala saarashada Alle iyo dulqaadka waa waddada guusha.

W/Q: Naciima Xasan Xuseen
asmaa891@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN