Yaynaan SOOMAALIYOOBIN! W/Q: Garaad yoonis Gajoome

12208868_919337454788923_4676498261175659459_n

Yaynaan SOOMAALIYOOBIN!

 

Isla maanta, waa galinkii danbe, ee jimcaha, aniga iyo Maxamed Daahir Cawad ayaa u ambabaxnay, duleedka magaalada Hargaysa, jeerkaas oo aan rabnay, in aan ku soo laydhqaadanno, wixii amuura ahna is ku waydaarsanno, ahwaalu duniya ha kobtaa cidlada ah ku ka la qaaddnno.

Ma aha huteel, maqaaxi ama meel lagu shaaheeyo. Wehelku waa dhagax burta iyo dhir yar oo cagaaran, oo buurta ku teedsan, ayaanu dul soconnaa. Jalleecadii koowaad annaga oo ka dagin gaadhigii aanu saarnayn labadayadu ba isha qac hal mar ku wada siinnay gabadh sii jeedda oo muuqaal duubaysa, halka ay laba nin hawl wadeenno ahaayeen shaqadana ku la jireen. Waraysi ayey ka qaadayeen aqoonyahan soomaaliyeed. Shaqadoodu waxa ay ahayd saxaafadda seddexda ruux dhalasho ahaan ka soo jeedeen waddanka Masar; shaqaalena ka ahaayeen Al Jaziira.

Ka dib markii aan yara indha indheynnay, ee aan waxoogaa buurta dusheedii joogno, ayaa nin ka mid ah hawlwadeennadii dhankayaga u soo kacay. Salaan ka dib waxa aanu waydiinnay hawsha ay wadaan iyo waxa ka danbeeya. Waxa uu noo sheegay, in barnaamuj laga duubayo, nin taariikhyahan ah oo arrimaha soomalida u xogogaal ah laga waraysanayey. Gobollada soomaliya waxa ay hore u soo mareen Jabuuti, Muqdisho, haddana ay ku suganyihiin Hargaysa . (Waa sida uu yidhi Wariyuhu)

Haddaba, waxa aad ii iga yaabisay eray aad ii gilgilay aadna aan u saluugay, in eraygaas dunida ka jiro! Maan rabin in halqabsigaa jiro. Akhriste, maxaad u malayn lahayd eryadaas , ma aammaan, ma amuura xun, mise, talow, waaba wanaag ba?.

Waa halqabis carabtu isticmaasho waayadii dagaalladu ka billaabmayeen, aniga oo aan u jeedin carab nacayb, laakiin, waa wax jira, oo caan ka noqotay gayiga carbeed; xusuusay ba’ oo miyaan illaabaya halqabsigii la odhan jiray, marka qof arrin si ka noqdo ama ay wax u hagaagi waayaan, miyaan la odhan “Arrinku waa bariga dhexe”

Aan u soo daadago erayga iga yabiyey, sawtii la odhan jiray “cimrigaaga oo dheerada, geel dhalayna waa ku tusaa!” taas ayaa maanta igu dhacday. Aan u soo noqdo halqabsiga carabtu tidhaa, markii ay bilaabmeen kacdoonkii bariga dhexe, waxa bulshada lagu odhan jiray “Yaynaan soomaaliyoobin, yaynaan soomaaliyoobin!” Cidda leh, waa madaxda carbeed, oo waaxa loo ga jeedaa, yaynaan sida soomaalida is ku cunin, cimrigeenna dagaal ku dhammaan!

Qolodan wax duubaysaa, waxa ay u socdeen xaqiiiq waddanka Soomaaliya ka jirta. Goor aan la wadaagnay xaalkii Muqdisho, waxa ay ku suureeyeen, in danaystayaal waddanka joogaan, laakiin aan la la rabin nabad, halka shicibku ay u heellanyihiin nabad iyo wada noolaansho. Waxa aan is waydiinayaa, talow, waddammada kale ama qaaradaha adduunka maxaa layga yaqaan? Talow, dadkaygu, raalli ma ka yihiin, in ay dunida ka noqdaan tusaale xun? Ma dooran karnaa, magac wanaagsan, oo dunida wada gaadha? Tali walaal adiga ayaa ah soomaaliye, i la tasho, aan tamar yeelannee! Tusmosan, tacab wacan iyo tub wanaagsan, ayaa tolow lagu tarmaaye, taas aan u tigaad qaadanno.

 

W/Q: Garaad yoonis Gajoome

SHEEKOOYIN