YEYSKU OGOL DAWLADNIMO!!!?

10841130_737656416313782_211413627_n

YEYSKU OGOL DAWLADNIMO!!!?

     Kun-sagaal-boqol kow iyo sagaashankii(1991-kii), tiihi iyo tashwiishkii ku dhacay guud ahaan qawmiyadda deegaansata Geeska-Afrika, gaar ahaan labadii gobol (Koofur & Waqooyi) ee ku midawday Liibaantii la helay 1960-kii, balse la heyn waayeybaa waxaa la sheegaa iney ugu wacnaayeen ama eey sababeyn kali-talisnimo, musumaasuq, iyo isir-fogeyn ka timid maamulkii markaas talada dalka hayey, iyo sidoo kale khibrad-yari, aqoon-yari, iyo aragtidheeri-yari heysatay umaddii Soomaaliyeedba. Waxeyna taasi dhalisay iney Soomaaliya noqoto waddan aanan laheyn maamul u istaaga shaqooyinkii dawladnimo eey ugu horreyaan amnigii iyo adeegyadii bulshada qeybahoodii kala duwanaay.

Maxaa ka dhashay?

 

     Natiijo kasto waxaa ka dambeeya sabab, sabad kastaana waxaa ka dhasho natiijo, natiijadaasina waxey sabab u noqotaa iney la timaado natiijo kaloo cusub. Sidaasoo kale, natiijooyinkii ka dhashay sababihii eynu kor kusoo xusnay, waxey sabab usii noqdeen ama horseedeen iney niyad-jab ku dhacdo bulshadii Soomaaliyeed, kuna hungoobaan iney soo celiyaan hannaankii dawladnimo, dibna u helaan karaammadii ey ku lahaayeen 5-ta qaaraddood ee Adduunka. Si ey taasi marmarsiinyo ugu helaanna waxey ku andacoodeyn oraahdaan ah: “Nalooma ogola ineynu noqonno dawlad!”

 

Yaa dawladnimada inoo diidan?

     Aqristow, balse inta eynu ka jawaabin su’aasha ah “Yeysku ogol dawladnimo?” eynu is weydiinno su’aal kaloo ah “Waa cidma, cidda aan u ogoleyn Soomaaliya iney noqoto dawlad?”. Waa hubaal in isla markiiba su’aashaan jawaabteedu maskaxdaada soo tuureyso, oo eey kuu sawirmayaan shaqsiyaad, hey’ado iyo dawlado badan oonan dawladnimo la dooneyn waddankaaga Soomaaliya, sida dawladaha diriska, dawladaha reer galbeedka, iyo hey’ado xambaarsan ama fidinaayo aragti diimeedyo kale. Waa hubaal ka jawaabidda su’aashaan inaadan u gelin baaris, ee aad u heysatay xukun hore “previous Judgment” ah ineysan kuu ogoleyn dawladnimo shaqsiyaadka, hey’aadka iyo dawladaha aan kula wadaagin ideology-iga aad heysato ha ahaado mid diimeed ama mid fikireed’e, sida: Islam vs. Christianity, Islamic system vs. capitalism or socialism system, iwm. Aqristow, isla su’aashaasi waxaad weydiisaa saaxiibka ama saaxiibbada aad isla dhigataan iskuulka, jaamacadda ama bud-diimeedka aad ka xireysaneyso, kaddibna waxaad isbarbardhigtaa jawaabtaadii hore iyo tan aad ka heshay wadaayadaadii goobaha waxbarashada, waxaadna isweydiisaa “ma jiraa wax farqiya oo idiin dhaxeeya?” U maleynmaayo wax kala duwanaasha ah inuu jiro, hadduu jirane inuu yahay mid aad usii buuran.

Maxaa isku fikir idinka dhigay?

 

     Kaddib markaad ogaatay aragtidii saaxiibbadaadi kula wadaagayeyn, waxaad isweydiineysaa “maxaa idinka dhigay isku fikir? Ama isku soo kiinna dhaweeyey?”kaddibna waxaa kuusoo baxaya iney jiraan falgallo “factors” badan oo saameyn ku yeellanaya jawaab-bixinta, aragti-sawirka, iyo sidoo kale fikir-dhisidda qofka (aadmiga). Falgalayaashaas waxaa ka mid ah, surinka “the environment” uu qofkaasi ku noolyahay. Surinkaasina wuxuu iska saaranyahay surin-gudeed iyo surin-dibaddeed. Surin-gudeedku waa falgallo-gudeedka “the internal factors” kugu hareersan ee saammeynaya dhaqanka nolosha iyo go’aanqaadashada qofka, sida: qoyska, urur-fikireedka(diini ama siyaasi), goobta waxbarashada, dawladda, iwm. Surin-dibaddeed-kuna waa falgallo-dibadeedka “the external factors” noloshaada ku abuura cabsi, una aragto iney qalqal gelinnayaan noloshaada, kuna hayaan handadaad joogta ah, sida: dawladaha diriska, dawladaha gobolka, dawladaha dunida, iyo weliba ururro goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah ee dunida ka jira, dawladahaas iyo ururradaas oo ka leh waddankaaga dano kala duwan . Labadaas surin eynu kor kusoo xusnay midna wuxuu abuurraa dan-guud “ common interest”, waa midka gudaha’e, kan kalena wuxu sammeeyaa cadaw-guud “common enemy, waana kan dibadda’e. Aqristow, sidaas daraaddeed, adiga iyo saaxbiibbadaaduba waxaad isla wadaagtaan dan-guud iyo cadaw-guud, kuwaasoo isku soo dhaweennaya aragtidiinna, ama ka jawaabidda su’aashii aheyd: “Waa tuma cidda Soomaaliya u diiddan dawladnimada?”

YEYSKU OGOL DAWLADNIMO?

 

     Si eynu uga jawaabno su’aashaan, eynu is weydiinno asal ahaan waa sidee calaaqadda ka dhaxeysa ummadaha ama dawladaha kala duwan ee dunida ku nool? Ma xariir saaxiibtinimaa, mase waa xariir cadawtinnimo? Oon ula sii jeedo, labada xariir midkee asal ah? Waxeyna culimmada siyaasaddu ku doodaan in xariirka ka dhaxeeya dawladaha asal ahaan uu yahay xariir cadawtinnimo, oo eey mar walbaahi ku jiraan xaalad dagaal, waana tan keentay in dawladuhu sameestaan gole ey ku midoobaan, si ey uga hortagaan is farasaarka dawladaha iskhilaafsan, ama uu ka dhaxeeyo muran-xuduuddeed, lana dejiyo qeynuun caalami ah kaasoo caddeeynaya dawlad kastaahi waxey xaq u leedahay iyo wixii waajib ku ah, si looga baxo xaaladdaas dagaal, lana galo xaalad saaxiibtinimo oo ku dhisan siyaasad furfuran.

Maxaa abuuray loollankaas?

 

     Aqristow, loollanka dhex yaallaahi dawladaha ma ahan mid ka abuurmay meel cidla ah, ee waxaa jira sababo loo tiiriyo arrinkaas, sida:

  1. Dano aan koobneyn “unlimited interests”: dawladaha ku yaallo arlada eynu ku noolnahay, dawlad kastaahi waxey leedahay maslaxado badan, oo ah kuwo aanan lasoo koobi karin, sida kuwa siyaasadeed, dhaqaaleed, bulshadeed, dhaqameed, IQK. Dawlad kastaane waxay ku dadaaleysaa iney xaqiijiso ama ka guul gaarto danaheeda, waddo kastoo taasi gaarsiin kareysana wey u mareysaa.
  2. Ilo-dhaqaaleedyo kooban “limited resourses”: ilaha dhaqaalaha laga helo, aadbey u koobanyihiin marka labarbardhigo masaalixda eey leeyihiin dawladaha adduunka, dawlad kastaanina waxey ku dadaaleysaa iney gaarto ilahaas dhaqaalaha, iyadoo adeegsaneyo laba awoodoodba, quwad adag “hard power” , ama quwad debacsan “soft powr” ,ama waxey adeegsaneysaa labada quwad oo wada jira.

     Hase ahaatee, dawladuhu kama wada sinno quwadda’e qaarbaa ah dawlado awood xooggan leh, qaarna waa dawlado daciif ah, oo aanan laheyn tabar aad usii buuran, dawlad la’arkaane meel uunbey ka taagantahay xagga awoodda, waxeyna ku dadaashaa iney sii xoojiso, hadafkuna waa iney gaarto dhaqaalahaas yar ee dunida yaallo. Dhaqaalahas yar ee lagu halgamayana ma ahan dhaqaalo yaallo meel gaar ah, ee waa kheeraadka ku aasan dhul kale eey dawladu leedahay, dawladdaasuna tahay dawlad daciif ah, oo aasan difaacan Karin kheeraadka dhulkeeda, dawladaha kalena uma ogola iney awood yeelato, oo ey ka difaacato kheeraadkeeda.

     Guntii iyo gebangebadii, aqrisow waddanka Soomaaliyana wuxuu ka mid yahay dawladahaas daciifka ah, ee la doonayo in kheeraadkiisa lala baxo, si taas loo helana waa in dawlad awood leh oo ka dhalato loo diidaa, ama qawmid Soomaali la dhaho oo mideysan, taasuna waa sababta loogu qeeqeebiyey maamulo goboleedyo, si looga hortago awood mideysan, oo is hortaagi karta damaca shisheeyuhu ka yeelahay dhulka Soomaaliyeed. Marka xaalka dunida yaallo hadduu sidaasi yahay, yeysku ogol dawladnimo? cid kastoo dawlad noqotayne looma ogoleyn ee waxey ku gaareen garaadkooda, kartidooda iyo cududdooda oo mideysan, Soomaaliyana waxey dooneysaa jiil ku baraarugsan inaan dawladnimo leysku ogoleyn ee u halgama misane gaarsiiyana dawladnimo, ee aqristaha Soomaaliyeedoow u istaag inaad ka mid noqoto jiilkaas. Waxaana dareemmayaa kaaha waaberi cusub oo soo hillaacaya’ e.

 

W/Q: Maxamed Yuusuf Cali Abtidoon,

ahna arday wax ka barto dalka Suudaan,

gaar ahaan Culuumta Siyaasadda.

E-mail:

abtidoon01@yahoo.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.