Yool dhigasho WQ: Hassan Mudane

Yool dhigasho

 

“Haddaad doonayso in aad gaarto sharaf loo baratamo tan ugu sarrayso ha ku qancin in aad gaarto meel ka sokaysa dayaxa”

 

Murti Carbeed

 

YOOL WAA UJEEDDO kugu hagta waddada guusha, waana qorshe-ficileed ku dhisan waqti go’an, xaqiiq ah, kooban, la gaari karo. Yool la’aani waxay la mid tahay qof aan indho lahayn oo doonaya in uu kaligiis socdaalo isaga oo aan la socon qof haga. Tusaale; haddii aad doonayso in aad u safarto Hargaysa adiga oo jooga Muqdisho maxaad samayn lahayd? Dabcan waxaad raadin lahayd wax ku geeya barta aad usocoto sida gaari ama diyaarad. Yoolkaagana waa diyaaradii ku geen lahayd barta ay ka birqanayso himmiladaada.

 

Waxaa jira laba Yool 

Yool waqtigiisu dhow yahay: In aad layliga jaamacadda ku dhammayso muddo lix bilood ah.Yool waqtigiisu dheer yahay: In aad dayaxa fuusho. Yoolkan way adag tahay in aad gaarto balse haddaad raacdo qodobada ku salaysan astaamaha laga rabo yool dhigashada, wax badan ayay kaa caawin karaan sidii aad ku xaqiijin lahayd yoolkaaga, Eebbe idinkiisa.

Haddaba, si aad u gaarto natiijo weyn waa in aad marka hore hankaaga weynaysa. Tusaale, ka dhigo yool in aad cirka jaranjaro ku fuusho adiga oo ujeedkaaguna yahay sidii aad dayaxa u gaari lahayd!

Biyo meeshii godan bay isugu tagaan

Qulqulka biyaha ee socda barta ay u socdaan waa yoolkii ay biyuhu lahaayeen balse waxaa ka hor yimaada dhagxo waaweyn. Wax kasta oo biyaha ka hor yimaadana kama baajiyaan in biyuhu gaaraan bartii godnayd. Sidaa si la mida qofka yoolka lehi waxaa ka hor imaanaya caqabado badan oo ay tahay in uu mid walba sideeda uga gudbo.

Ka hor inta aadan yaglaylan yoolkaaga ka feker in uu yahay mid kusalaysan qayimkaaga ama dabeecadaada, waayo haddii uusan ku dhisneen waxaad kala kulmi doontaa dhibaatooyin badan, oo ay ka mid tahay in aad gaari wayso yoolkaaga. Yoolkaaga waa in uu yahay mid kooban tusaaale waxaad rabtaa in aad layliga jamacadda ku diyaariso muddo dhan hal-isbuuc balse waa in uusan ka dhex bixin xayndaabka waxa aad doonayso.

Yoolkaaga waa in uu yahay mid la cabiri karo sidoo kalena waxaad u baahan tahay in aad qiimeyso dhammaystirka yoolkaaga. Tusaale, waxaad yool ka dhigatay in aad ku diyaariso layliga jaamacadda 30. Okt. illaa 30. Nof. Haddii aad ku soo gabagabayso 30. Nof. waxaad noqonaysaa qof yoolkii uu dejistay ka guul gaaray.

Yoolkaaga waa in uu yahay mid la gaari karo sidoo kalena ka hor inta aadan dejisan yoolkaaga, waa in aad iska eegtaa inta uu la egyahay dhaqaalahaaga iyo awoodda aad u yeelan karto xaqiijinta yoolkaaga. Tusaale, haddaad yool ka dhigato in aad habeen qura la cashayso dhammaan dumarka magaalada jooga taasi ma tahay yool lagu gaari karo waqtigiisa? Balse haddii aad yool ka dhigato in aad soonto maalin walba oo isniin ah dabcan waad gaari kartaa yoolkaas, weliba waxaad ku gaari kartaa isla waqtigii aad ugu talo gashay in aad ku gaarto.

Yoolkaaga waa in uu yahay mid ku dhisan waqti go’an; macnaha waa in uu leeyahay laba waqti: xilli bilaabasho iyo xilli dhammaad.

 

WQ: Hassan Mudane

Xigasho: Buugga Sirta Guusha, cutubka 6aad, bogga 88aad.

 

SHEEKOOYIN