Yool qeexan iyo qorsheyn go’an WQ: Hassan Mudane

Yool qeexan iyo qorsheyn go’an

 

Yool waa aaladda ugu awoodda badan ee aad adeegsan karto, si aad u gaarto guusha aad dalbanayso. Waxay kaa caawin kartaa, sidii aad diiradda u saari lahayd himiladaada, sidoo kalena waxay ku siin kartaa dhiirragelin iyo sidii aad u yeelan lahayd qorshe-ficileed aad ku xaqiijin karto hammigaaga. Haddaba, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, waa maxay YOOL?

Yool waa waddadii aad u mari lahayd guusha aad u qalanto. Balse haddaad doonayso, in aad wax ka ogaato waddadaas marka hore waa in aad heshaa xog ku saabsan yoolka aad dalbanayso, in aad dhigato. Si aad xogtaas u hesho ayaan jeclaystay, in aan kula wadaago garashada waddadaas si aan kaaga caawiyo sidii aad adigana u samaysan lahayd yool.

Waqti ka mid ah waqtiyadii aan jaamacadda dhiganaayay ayaan dareemay baahi aan u qabo, in aan xaqiijiyo labo yool oo kala ah:

  1. In aan ka qalinqorto Jaamacadda oo aan ka qaato shahaadada derajada koowaad.
  2. In aan shaqo helo.

Xilligaas aan dejisanaayay labadaas yool, dhammaystirka jaamacadda waxaa iiga dhimmanaa oo kaliya shan bilood, taasina waa sababta aan u dejistay yool ku dhisan shan bilood sida bilaha kala ah: Jannaayo, febraayo, maarso, abriil, iyo maayo.

Markii aan dejistay qortayna labadaas yool, waxaan aaminay, in aan gaari karo ka dibna waxaan billaabay, in aan ku dhajiyo darbiga, weliba meel aan ka arki karo, si aan u akhristo habeenkii ka hor inta aanan seexan iyo subaxa hore markii aan soo tooso.

Goorta aan akhrisanayo yoolkayga waxaan dhihi jiray “Waan gaari karaa, waana xaqiijin karaa.” Ka hor inta aanan dejisan labadaas yool waxaan ahaa qof ka xishooda goobaha shaqada iyo shaqo raadiska. Waxaan naftayda ku dhihi jiray nasiibkayga ayaan suganayaa, laakiinse wixii ka dambeeyay dhigashada labadaas yool waxaan noqday qof u diyaarsan shaqo raaddsiga. Durbadiiba waxaan billaabay olole shaqo raadin ah, aniga oo soo gargaraaci jiray albaab walba oo la iiga soo sheego fursad shaqo.

Haddaba, sirta ku jirta sheekadaydu waxay tahay, in aan xaqiijiyay yoolkayga weliba in aan ku gaaray isla waqtigii aan ugu talogalay. Shaqadii waan helay, jaamacaddiina waan ka qalinqortay. In kasta oo ay la yaab igu noqotay in shan bilood gudahood aan ku helay shaqadii aan waysanaa muddo labo sano. Wuxuu yiri Abwaan Hadraawi:

Noloshaba inaad saafto qaabayso saabkeeda wax aan suuragelin maaha”

Garashada waddada guusha waxay kuu leedahay micno weyn, maxaa yeelay, waxay ku tusinaysaa, in aad garato barta ay ka birqayso himiladaada. Bal adigaba garo dadka guulaystay maxaa caawiyay? Waxaa jirta cilmi baaris ay samaysay jaamacadda Harvard sanadkii 1970kii waxayna ku samaysay boqol qof waxay siisay tababbar ku saabsan sida loo dejisto qorshe-nololeed. Dhowr bilood ka dib markii uu tababbarka u dhammaaday ayaa kooxdii tababbarka loo sameeyay la weydiiyay su’aal aheyd ma jiraa qof noloshiisa qorshe u dejiyay? Saddex qof oo kaliya ayaa soo qortay qorshe-nololeedkooda ku salaysan mustaqbalka fog. Labaatan sano ka dib ayaa saddexdii qof dib loo raadiyay ka dibna waxay jaamacaddu soo ogaatay boqolkiiba toddobaatan in ay qorshehoodii ku guulaysteen.

Ugu dambeyntiina jaamacaddu waxay soo saartay warbixin oranaysa dadka dunida ku nool boqolkiiba saddex ayaa qorshe iyo hadaf ku socda. Abraham Lincoln wuxuu leeyahay xikmad aad u muhiim ah oo ku saabsan qorshe-dejinta wuxuuna yiri “Haddii ay hal saac igu qaadanayso in aan hal geed ku jaro waxaan faaskayga soofaysan lahaa afartan iyo shan daqiiqo.”

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Aadanuhu soo saaray waxaa ka mid ah, in qofku noqon karo waxa uu ka fekeraayo iyo waxa uu qorshaystay; waana muhiim in aad mar walba diiradda saarto labo shay oo kala ah:

  1. In aad go’aan ka gaarto waxa noloshaada saameyn kara.
  2. In aad wax ka beddali karto hab fekerkaagii hore ,haddii aysan naftaadu helin natiijo ay ku qanacdo.

Si kastaba, waxaan rabaa, in aan ku sheego tallaabooyin la rabo in aad horay u qaaddo, si aad yoolkaaga isteerinka ugu qabato waxaana ka mida:

  1. Go’aan adag ka qaado waxa kaaga qorshaysan qeyb walba oo noloshaada ka mid ah iyo waxa aad doonayso in aad mustaqbalka fog ka guul gaarto.
  2. Soo qaado buug iyo qalin ka dibna qoro yoolkaaga.
  3. Kala qeybso yoolkaaga qeyb walbana u samayso waqti xaddidan adiga oo u soo kala hormarsanaya sida ay kuugu kala ahmiyad badan yihiin.
  4. Tix waddo walba oo aad isleedahay waad ku gaari kartaa yoolkaaga iskuna xir tixdaas ka dibna samayso qorshe-ficileed ku dhisan go’aan adag.

 

WQ: Hassan Mudane

Buugga Sirta Guusha, cutubka 2aad, bogga 30-33aad.

Mudanep5@gmail.com

Bilyoneer.wordpress.com 

SHEEKOOYIN