Yurub: Hoygii Haddimada!!!!!!!

quotescover-JPG-27

Qeybta 2-aad

Ballanqaadyadii aan soo sameeyey ayaan gadaal u gocdaa mase maahan mid aan maanta iyo sanadahaan soo socdaba aan xitaa nuskood fulin karo, iskaba daa inaan wada fuliyee, dad baa iiga fadhiya inaan dabaqyo u taago, anigiina maqane jooge ayaanba noqday!!! Damaceygii waalnaa iyo cimaaradihii aan riya beenaadka ku dhisay halkaas baa u dambeysay. Qorraxdii arooryaad baa mar labaad ii bidhaaantay ka jajafo ahaa oo dadkaaga dhinac ka raac. Bulshadii ila degeneyd oo wadanka iiga soo horeysay ayaan xuuraansi ugu dhaqaaqay mase waaba ka daro dibi dhal!! Dadku waa isla shaahayaa, wajiyadoodu waa isu furan yihiin, waa la is marxabeynayaa misna geedigu isu dhinac uma socdo, oo mar Alle markii la kala dhaqaaqaa sidaa laysu cunayaa. Ma anaa waalan mase Cadan baa laga heesayaa!!!!!!!!!!!.

Ragganimoy ninkaagii nacasnimo maxaa baday! anigii baa mar labaad gadaal isu akhriyey malaha adigaa lunsane, lacagta iyo horumarku waa iridda macnaha waa un xaggeeda u dhaqaaq mooyaane harraad iyo gaajo uma baahna oo kii yimaadaba lugtuu la galaaye anigaa dhoohan, hohey!!!!!!!! Arrinku saas maahane dhabar adeyg iyo waqti badan buu u baahan yahay. Maahee malaha tub kalaa loo qaadaa!! Badweyntaan dhex maquurayey baan is iri ALLOW yaa dibedda kaaga saara, calaacalka iyo shaleyga waxaan xasuustay ineysan ragannimo ahayn, sidaa darteed go’aan aan ka noqosho laheyn baan qaatay oo horusocod mooyaane gadaal u jaleecid liiskeyga kumaba qorna.

 

Damaceygii iyo hammigii tirada badnaa maalinba mid baan ka tanaasulaa waayo malihi qof aan ku daydo (role model) oo aan dhabbihii uu falay qaado marka laga reebo dadku inay ku qanacsan yihiin inay maqaayadaha ka humbaaleeyaan, lacago u aruuriyaan si reer hebel loogu duulo, afka isu caddeeyaan qalbigana waramo iskala dhacaan, isugu tooqaan inta lacage uu musuqa dawladda uga helo, waxaan ogaaday inuu dhammaan dadkani mingis hayo oo in laga fooxiyo ay u baahan yihiin, balse muddo yar gudaheed anigii ayaaba mingiskii i galay oo dabqaad iyo fooxis u baahday!!!!!!!!!!

Maalmihii aan waddanka ku cusbaa ayaan maqli jiray erayo badan oo qaamuuska Soomaaliga ku cusub sida; “Beertuu galay, waa ka dhacsan yahay, top model waaye, hebel carruurtiisii hebelkaas kalaa caanihii ka cabay, guur maahane waa bacaad celis iyo balaayo kaloo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin”. Markaan muddo joogay ayaan bartay in dadka qaarkii mar horeba qeyrkood ka hareen oo daraagis iyo xaalado kale galeen oo erayadaas ayagaba loo allifay walow markii hore aan islahaa ninka beerta galay asagaaba dhargay oo miro iyo khudrad ka ciil beelay!!! wax kale iska daaye xataa luuqadii ayaan la qabsan waayey oo afkeygii Soomaaliga ayaaba barasho kale iiga baahday.

Dhaan dabagaalaan wadaa dhabtii lama gaarin wali, beertii raaxada ayaan dhex maquurayaa LAMOOD NOQONSE WEYDAY, waagii dilaacaba wax aadan jecleysan baad la dikeyneysaa oo maskixiyan iyo jismiyanba ku saameynaya, waqtiguna halkiisii ayuu sii cararayaa oo ku dhawri maayo balse adiga caqli iyo cilmi kororsan meyside da’ baad kororsaneysaa. Sidii awr macsar ayaad iska daba wareegeysaa wax aad cimaarado iyo fooqaq dhaadheer taagto iska daaye naftaadaad ku mashquuli iyo sidii aad uga ilaalin laheyd beertaan hooge la galyo inaadan adiguna galin.

ILAAHAW dhulkii oo nabada iyo soomaali oo isku laab xaaran.

Wabillaahi Tawfiiq

Maxamed Xaaji Xasan

Kacdoon@gmail.com

SHEEKOOYIN