Mashruuca gumaadka oo ay waddo WHO. (World Health Organization) Qaybtii 2aad

who

Mashruuca gumaadka oo ay waddo WHO

Qaybtii 2aad

Yaa iska leh virus-ka Zika Who owns the Zika Virus? By Guillaume Kress Global Research, February 03, 2016 http://www.globalresearch.ca/who-owns-the-zika-virus/5505323 Wuxuu yiri: “Ururka Caalamka ee Caafimaadku (World Health Organization) isniinta kowda bisha Febraayo 2016 waxay ku dhawaaqday inuu Virus-ka Zika khatar ku yahay caafimaadka dadka adduunkoo idil, isagoo aan tafaasiil ka bixin cudurkaas. Intaan macluumaad dheeri ah ka heleynno intaan ayaa jirta tan iyo hadda: Cudurkaan galmada la isugu gudbiyo waa jiray sagaal iyo lixdanka sano oo dambaysay, waxaana ka mushtara oo iibiya laba shirkadood oo kala ah: LGC Standards – oo xaruntiisu dalka ingiriiska ku taallo – iyo shirkadda ATCC – oo xarunteedu maraykanka ku taallo.” Wuxuu yiri: “And who owns the patent on the virus? The Rockefeller Foundation.” Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Yaana iska virus-kaan? Waxaa iska leh “The Rockefeller Foundation.” The Trilateral Commission: adduunku waa inuu hal dawlad yeeshaa Wuxuu kaloo yiri: “Yaanan halmaamin khudbadduu David Rockefeller u jeediyay bisha Juunyo 1991 guddiga “Trilateral Commission”, uuna yiri: “We are grateful to the Washington Post, the New York Times, Time Magazine and other great publications whose directors have attended our meetings and respected their promise of discretion for almost 40 years. …It would have been impossible for us to develop our plan for the world if we had been subjected to the lights of publicity during those years. But, the world is more sophisticated and prepared to march towards a world government. The super national sovereignty of an intellectual elite and world bankers is surely preferable to the national auto-determination practiced in past centuries.” End quote. Warkaas Rockefeller macnihiisu waxaa weeye: “Waxaan mahad u haynnaa the Washignton Post, the New York Times, Time Magazine and wargaysyo kale oo waawayn oo ay agaasimayaashoodu goob jog ka ahaayeen shirarkeenna, oo meel mariyay ballankay qaadeen inayan warka shirarkaas daboolka ka qaadin ku dhowaad afartan sano. …Nooma ayan suurto geli lahayn inaan hormarinno qorsheheenna aan adduunka u dejinnay hadday warbaahintu nalalkeeda nagu iftiimin 6 lahayd sanooyinkaas. Haddase adduunku waa hormarsan yahay, uuna diyaar u yahay inuu hiigsado inuu adduunku yeesho hal dawlad oo kali ah. Waxaa hubaal ah inay dawlad kali ahi oo ka kooban indheer garato iyo agaasimayaasha bangiyadu ka fiican tahay dawladaha qawmiyadaha ka kooban oo qarniyadii lasoo dhaafay jiri jirtay.” Waa intaas warkiisu. Waxaa xusid mudan in Zika virus uu badeecad yahay, lagana gadan karo online ATCCLGC, uuna joogo 599 Euro, ayna ku jirto “royalties” (ayna qaadanayso The Rockefeller Foundation oo virus-kaas hindistay).” Waa intaas warkiisu. Dawladaha Koofurta Ameerika: dumarow uur ha yeelannina! The Spread of the Mosquito-borne Zika Virus By J.R.Smith Global Resaerch, January 26, 2016 http://www.globalresearch.ca/spread-of-mosquito-borne-zika-virus-prompts-disturbing-new-call-for-no-child-policy/5503683 “Dawladaha Koofurta Ameerika ayan hormuud u tahay El Salvador waxau haweenkooda ku boorrinayaan inayan “Laba sano oo socda ayan uur yeelan.” The Center for Diease Control and Prevention (CDC) ee dawladda maraykanku waxay uga digtay inay haweenka uurka leh u safraan 14 dal oo koofurta Ameerika ah” Waa intaas warkiisu. Taranka dadka ee dalalka adduunka Dalalka adduunku waa kala dad badan yihiin, wayna kala dhalid badan yihiin. Waxaa ugu taran badan adduunka dalalka muslimka ah, iyo Qaaradda Afrika iyo Aasiya iyo Bartamaha iyo Koofurta Ameerika. Waxaana ugu taran yar dalalka Ameerika, Yurub iyo Japan. Muslimiintu waxay caruur badan u dhalaan isagoo Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam kala dardaarmay inay caruur badan dhalaan. Dalalka Yurbna iyo Ameerika waxaa u geeyey inuu tarankoodu yaraado bakhaylnimo ayan doonayn inay caruur masruufaan iyo haweenkooda oo dhibka uurka iyo dhalidda diidan oo inay raaxo joogta ah ku noolaadaan doonaya, ayna u dheer tahay in isbitaal lagu dhalo ay aad qaali u tahay oo ay lacagtaas ka masuugayaan. Sababta kale oo tarankoodu u yaryahay waa ayagoo raggoodu tabar yaraadeen, taasoo ku timid sababo kala duwan, sida ayadoo ay khaniismadu ku badatay oo uusan raggu haweenka dan ka lahayn; iyo ayadoo ay ku dheceen cudurro badan oo ragga tabarta ka 7 qaaday; iyo ayadoo ay ku habsatay in badan oo raggooda ka mid ah inayanba kacsan oo ayan haween la gogol gali karin, haba ahaadaan kuwa u dhexee. Dalaka adduunka waxaa ugu dad badan shiinaha oo afartii qof oo adduunkaan ku nool midkood waa shiine oo shiinuhu waa rubuc dadka adduunkaan. Sidoo kale afartii qof oo adduunkaan ku noolna midkood waa muslin oo muslimiintu tiro ahaan waa rubuc dadka adduunkaan deggan. Tirakooba caruurta dalalka adduunka lagu kala dhalo www.indexmundi.com/facts/indicators/SP.DYN.CBRT.IN/rankings Tuessay 17 June 2014 Birth rate, crude (per 1,000 people) – country Ranking Source: (1) UN Population Division. World Population Prospects. (2) United Nations Statistical Division. Population and Vital Statistics Report (Various years). (3) Census reports and other statistical puclications from national offices. (4) Eurstat: Demographic Statiostics. (5) Secretariat of the Pacific Community: Statistics and Demography Programme, and (6) U.S. Census Bureau: International Database. Warkaas macnihiisu waxaa weeye: Inta caruur ah oo ay kunkii qofba dhaleen sanadka 2013: (1).Niger: 49.67 cunug kunkiiba. (2).Mali: 47.13. (3). Chad:45.89. (4). Burundi: 44.70. (5). Angola: 44.12. (6). Somalia: 43.30. (7). Uganda: 43.15. (30). Kenya: 34.90. (38). Ethiopia: 33.02. (48). Djibouti: 27.48. (66). Egypt: 23.18. (98). Mexico: 18.41. (114). Brazil: 14.94. (126). Australia: 13.20. (133). United States: 12.50. (136). France: 12.30. (137). United Kingdom: 12.20. (149). Canada: 10.90. (182). Italy: 8:50. (183). Germany: 8.50. (184). Japan: 8.20. (186). Portugal: 7.90. Bal farqiga u dhexeeya arag Soomaaliya iyo inta ka hooseysa! Tirakoobkaan waxaan kasoo qaadannay Website-ka kor ku qoran. Tirada dadka dalalka galbeed Sideed iyo tobanka dawladaha Yurubta galbeed tirada dadka deggani waa qiyaas (350.000.000) saddex boqol iyo konton malyan oo qof. Maraykanka iyo Kanada marka la isku daro waa qiyaas saddex boqol oo malyan (300.000.000) oo qof iyo xoogaa. Labadaas qaybood ee dawladaha galbeed wadartoodu waa qiyaas lix boqol iyo konto malyan oo qof, tiradaasoo ah nuska wadarta dadka shiinaha iyo nuska dadka Hindiya dega. 8 Dalka Brasil ee koofurta Ameerika waxaa deggan qiyaas laba boqol iyo sagaal malyan (209.000.000) oo qof. Gumaadka reer galbeed ee dadadka kale Maadaama ay aqalliyah laga badan yahay yihiin, reer galbeedku waxay goosteen inay dadka intiisa kale yareeyaan, kuna yareeyaan ama dagaal hubaysan, ama ayadoo loo diido inay dalalkooda cunno soo geliyaan oo ay gaajo u dhintaan, ama inta xeryo qaxooti loo dhiso cunnada laga hor istaago, ama ayadoo si qarsoodi ah daawo ku sheeg lagu dilo, si tallaallada gabdhaha uurkooda qallajiya. La dagaallanka galbeed ee taranka muslinka Sababhaas aan soo sheegnay ayaana u sabab ah inay dawladaha galbeed u sameeyeen laan ka mid ah Qarammada Midoobay oo ka shaqaysa sida loo yarayn lahaa taranka dawladaha Islaanka ah iyo afrikaba: United Nations Population Development ama wax taas la mid ah. Hay’adda maraykanka ah ee la yiraahdo USAID iyo Bangiga Adduunka ayaa waxay Al Qaahira\القاهرة, dalka Masar\مصر, ka sameeyeen warshad lagu sameeyo bambiirada raggu gashado thakarka markuu haweeney u tagayo si ayan biyihiisu ugu dhicin oo ayan uur u qaadin. Markaasay dawladda Masar\مصر waxay warshaddaas u rogtay, kaddib markii la dhisay, warshad soo saarta banooniyaalka khafiifka ah e caruurtu ku cayaarto oo inta la buufiyo afka laga xiro oo duul duula, midabyada kala kuwanna loo yeelo. Anigu waxaan markaas degganaa Al Qaahira\القاهرة oo waxaan akhbaartaas ka arkay TViiga dawladda Masar\مصر, waxayna ahayd bilowga kun sagaal boqol iyo sagaashanka. Galbeedku wuxuu ka baqayaa in laga bato, waana laga tiro badan yahay hadaba. Aragtida gabdhaha soomaaliyeed Waxaan TV-ga Horn Cable ka fiirsaday maalin dhowayd (waxaa la sii daayay 23.01.2016) gabdho soomaaliyeed oo ka hadlaya mashruuc hadda Muqdisho laga wado kuna saabsan in kumanyaal gabdho soomaaliyeed ah, jirana inta u dhexeysa 22 sano ilaa 40 sano loo dhoofiyo dalka sucuudiga, aragtidooduna waxay ahyd: Kow. Inayan diinta islaamku taas oggolayn. Laba. Inay ujeedadu tahay dhabar goynta ummaddaa soomaaliyeed tahay, ayadoo gabdhihii caruur dhali lahaa dalka laga musaafirinayo. 9 Saddex. Gabdhaha soomaaliyeed waa la iibsanayaa. Tan iyo 1991 waxaa Soomaaliya lasoo dejinayay amxaaro gaalo ah oo caruurtooda wadata, dhallinyaradii soomaaliyeedna dalkay ka qaxayaan ama xabbad iyo qarax iyo gaajo ayaa lagu laynayaa. Hadday sidaas ku socoto, mar dhow soomaalida waxaa dalkooda uga badanaya oo kala wareegaya amxaarada gaalada ah, waxaana la dooran doonaa madaxweyne amxaar ah oo gaal ah oo inta soomaalida ka hartay u talin doona oo gumaysan doona. Bal adiguna ila arag aragtida gabdhahaas soomaaliyeed: https://www.youtube.com/watch?v=eHUdh7YW5Ls Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA Sabti 27 Rabeecu Al Thaanee\الثاني ربيع 1437, una dhiganta lixda Fabraayo 2016.

SHEEKOOYIN