Home Qoraallo TAARIIQO IS DABA YAAL!! Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

TAARIIQO IS DABA YAAL!! Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

0
SHARE

tariikh

بسم هللا الرحمن الرحيم الحمد هلل رب العالمين وصلى هللا على سيدنا وموالنا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون. Sababta Dagaalka ay NATO ku weerartay Suuriyah\سورية Xarbiga Caalamka ee Koowaad (1914-1918) Xarbiga caalamka ee koowaad wuxuu bilowday sideed iyo labaatnka bisha Luulyo ee sanadka kun sagaal boqol afar iyo tobanka miilaadiga, wuxuuna dhammaaday kow iyo tobanka Novembar kun sagaal boqol sideed iyo tobanka miilaadiga. Dagaalka inta isku dhinaca ahayd iyo gaashaanbuur waxaa ka mid ahaa Ingiriiska, Fransiiska, Talyaaniga, Ruuska, Maraykanka, Japaan oo isku dhinac ah, iyo Jarmanka iyo boqortooyada Austro-Hungary iyo Turkiga oo dhinaca dagaalka bilaabay ah oo gaashaanbuur ah, ayagaana laga adkaaday. Sababtuu dagaalku ku bilowdayna waxay ahayd isagoo uu ninka wadaniga ah ee u dhashay Yugoslavia oo magaciisu ahaa Gavrillo Princip uu magaalada Sarayevo ku dilay ninka iska lahaa dhaxaltooyada carshiga boqortooyada Austria-Hungaria oo magaciisu ahaa Archiduke Franz Ferdinand of Austria: anigu qabrigiisa waa dul istaagay, wuxuuna ku yaalla Austria. Waanwaanta iyo Heshiiska Shariif Xusayn bin Calii\علي بن حسين الشريف iyo Ingiriiska iyo Fransiiska Kitaabka Ifaadatu AlAnaami\األنام إفادة كتاب wuxuu mujalladka afaraad bogga laba boqol toddoba iyo soddon ku yiri: “Al Rayxaanii\الريحاني wuxuu kitaabkiisa “Taariikhu Najd Al Xadiith\الحديث نجد تاريخ” bogagga 229-230, 234-236 ku yiri: “Markay dawladda Cuthmaaniyadu\العثمانية الدولة (Waana turkiga) ay la saf noqotay iyo gaashaanbuur dawladaha dhexe (Jarmanka, Austria, Bulgaria iyo kuwo kaleba) (Waana Xarbiga Caalamka ee Koowaad), ayuu ingiriisku wuxuu bilaabay inuu la xiriiro amiirrada carabta, si ay dagaalkaas uga qayb galaan ayagoo la saf iyo gaashaanbuur ah “Axlaafta\األحالف” (Oo ahaa Ingiriiska iyo Fransiiska iyo Ruushka, Talyaaniga, Maraykanka iyo kuwo kaleba), ama ay ugu yaraan xarbigaas dhex dexaad ka noqdaan.” Waa intaas warkiisu. Amiirradaasna waxaa ka mid ahaa Shariif Xuseen bin Calii\علي بن حسين الشريف boqorka boqortooyada Al Xijaaz\الحجاز, oo markaas amiirka Makkah Al Mukarramah\المكرمة مكة ahaa oo hoos imaanaysay xukunka turkiga; iyo Cabdu Al Caziiz Aala Sacuud\سعود آل العزيز عبد oo amiirka qabiilkiisa “Canzah bin Waa’il\وائل بن عنزة” oo Rabiicah\ربيعة gala oo gobolka Najd\نجد dega ahaa. Amiirrada carabtuna way yeeleen codsigaas, waxayna waydiisteen hub iyo dahab dagaalkaas lagu maal geliyo. Dhawr boqol oo sano ayuu Turkigu xukumayay dalalka carabta, ilaa Soomaaliya, ingiriiskuna wuxuu ka baqayay inay carbtu ayagoo turkiga diin la wadaagga ay dhinocooda maraaan. 2 Wuxuu kaloo Ingiriisku u baqayay ciidankiisa Hindiya ku sugnaa, inuu isaguna muslimiinta la saf noqdo. Waxay kaloo Ingiriiska iyo Fransiiskuba ka baqayeen inay carabta iyo Turkigu ka gooyaan dariiqa Badda Cas iyo Baabu Al Mandab\المندب باب, oo ay usoo maraan badeecadaha uga yimaadaa Hindiya iyo bariga fogba, oo ahaa mustacmarado Ingiriis (Hindiya iyo qaybo kaloo dalalka Aasiya ka mid ah, sida Hong Kong oo kale) iyo Fransiis (Vietnam, Laos, Cambodia, Thailand, iwm). Isla markaasna waxay doonayeen inay jabhad kale Turkiga uga furan xagga koofur oo ay carabtu deggan yihiin. Shariif Xuseen bin Calii\علي بن حسين الشريف wuxuu ingiriiska ku xiray shuruudo ay ka mid ahaayeen: Kow. In dalalka carabta istiqlaal buuxa la siiyo. Laba. Inuu Ingiriisku bixiyo maalka iyo hubka ku baxaya dagaalkaas. Kacdoonka Shariif Xuseen bin Calii\علي بن حسين الشريف ee Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة oo Turkiga la dagallamay oo dalka ka saaray Shariif Xuseen bin Calii\علي بن حسين الشريف Allaha\هللا u naxariistee wuxuu markaas Makkah Al Mukarramahالمكرمة مكة ka bilaabay kacdoon uu ku ridayo xukunka Turkiga ee Al Xijaax\الحجاز, kacdoonkaasna wuxuu bilowday maalinta sagaalaad ee bisha Shacbaan\شعبان ee sanadka kun saddex boqol afar iyo soddon (1334 H) Hijriga\هجرية, salaadda fajar horteed, wuxuuna weerar ku qaaday xeryahay military oo ay Turkigu ku lahaayeen Makkah Al Mukarramahالمكرمة مكة, wuuna jebiyay, hubkooda iyo xeryahana kala wareegay. Sidaasuu Al Xijaazالحجاز oo idil Turkiga uga saaray, uuna boqor ugu noqday. Kitaabkaan Ifaadatu Al Anaami bi Thikri Akhbaari Al Baladi Al Xaraami أخبار بذكر األنام إفادت كتاب الحرام البلد waxaa allifay Al Callaamah Al Muxaddith Cabdu Allaahi Al Ghaazii Al Makkii Al Xanafiiالحنفي المكي الغازي هللا عبد المحدث العالمة waxaana hubiyay oo darsay oo faallo ku daray Professor Doktoor Cabdu Al Malik bin Cabdu Allaahu bin Dahiish بن هللا عبد بن الملك عبد -د-أ معالي دهيش oo ah qaalliga waqtigaan hadda la joogo ah guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Shareecada ee Makkah Al Mukarramah\المكرمة مكة, daraasaddaas iyo faalladaas oo la yiraahdo Itmaami Al Kalaamiالكالم بإتمام المسمى تعليقه مع lagana helo maktabada Maktabatu Al Asadii مكتبة المكرمة بمكة األسدي eek u taalla Makkah Al Mukarramahالمكرمة مكة taleefan: 0050059960900 dabacadda koowaad 1430 Hijriga, una dhiganta 2009 Miilaadiga. Al Ghaazii\الغازي wuxuu kitaabkiisaan isugu keenay warka ay taariikhda Makkah Al Mukarramah\المكرمة مكة hore uga dhigeen kutubbada ugu waawayn ee taariikhdeeda, uuna kitaab kasta kasoo guuriyay wuxuu wariyay. Kitaabkaan wuxuu ka kooban yahay toddoba mujallad oo waawayn oo kan toddobaad yahay Fahaaris\فهارس oo ah “Tusmada Kitaabka”. Sheekha kitaabka allifay wuxuu mujalladka afaraad bogga laba boqol laba iyo konton ku yiri: 3 Qoraalladay is dhaafsadeen Shariif Xusaynحسين الشريف iyo Ingiriisku Kuwaan soo socdana waa khulaasada qoraallada ay isku dhigeen labada dhinac (Labada dhinacna waa Shariif Xuseen bin Calii Al Xusaynii\الحسيني علي بن حسين الشريف boqorka boqortooyada Al Xijaaz\الحجاز مملكة, oo ay Makkah Al Mukarramah\المكرمة مكة iyo Al Madiinah Al Munawwarah\المنورة المدينة ka midka yihiin iyo Henry Mac Mahon wakiilka dawladda ingiriiska oo fadhigiisu ahaa Al Qaahirah\القاهرة caasimadda dawladda Masar\مصر: Xasanwali): وهذا ملخص أهم التحارير التي تبودلت بين الطرفين: )التحرير األول(: كان في شهر تموز سنة 9191، وفيه وعد سيادة الشريف بتقديم المساعدة الحربية للحكومة اإلنكليزية، على أن تعترف بريطينيا العظمى باستقالل األقطار العربية بكل ما يشمله معنى )استقالل(، وتحد هذه األقطار شماال: )بمرسين( و )أطنة( حتى درجة العرض )73( التي تقع في دائرتها )بيره جك( و )أورفه( و )ماردين( و )مديات( و )العمادية( فحدود بالد فارس، و شرقا:: حدود المملكة اإليرانية حتى خليج فارس، وجنوبا: البحر الهندي باستثناء مستعمرة )عدن(، وغربا: تحد بالبحر األحمر واألبيض حتى )مرسين(. فهذه هي المادة األولى من خطاب الشريف حسين التي اشترطها على بريطانيا العظمى. Markaas macnihiisu waxaa weeye: Qoraalka koowaad “Qoraalkaan koowaad wuxuu ahaa bisha Tamuuz\تموز (Waana bisha Luulyo ee taariikhda miilaadiga ah oo afka Saryaaniyah\السريانية oo ah lahjad afka carabiga ka mid ah, oo dalalka carbeed oo qoraax kasoo bax xiga sida Xijaaz\الحجاز, Ciraaq\العراق Al Shaam\الشام, looga dhaqmo, waana afkuu ku hadli jiray Nabi Ciise Calayhissalaamu: Xasanwali) ee sanadka kun sagaal boqol shan iyo toban. Qoraalkaan mudane Al Shariifالشريف wuxuu ku ballan qaaday inuu dawladda ingiriiska ka caawino doono xarbiga socda, hadday dawladda ingiriisku aqoonsato istiqlaalka dalalka carbeed, una aqoonsato waxay macno leedahay oo idil erayga istiqlaal uu leeyahay. Dalalkaas carbeedna xudooddooda waqooyi waa sidatan: Kow. Xuduudda Waqooyi ee dalaka Carabta Marsiin\مرسين, iyo Adhnah\أطنة ilaa laga gaaro darajada toddoba iyo soddonaad (37 Degree Latitude) oo ku began Daa’irtahaدائرتها (Biirah Jak\جك بير)(Lana yiraahdo Balaajiiqبالجيق oo ku taalla meel u dhow xuduudda Suuriya\سورية ee Waqooyi/bari ee magaalada Xalab\حلب, siduu u wariyay kitaabka “Taariikhu Al Dawlah Al Caliyyah\العلية الدولة تاريخ” bogga afar boqol saddex iyo konton); iyo Awrfah\أورفة (Ahna magaalo yar oo turki ah, kuna taalla Koofur/Bari ee Anatolia, una dhow xuduudda Suuriyah\سورية, siduu ku qoran haamishka “Taariikhu Al Dawlah Al Caliyyah\العلية الدولة تاريخ ” bogga afar boqol kow iyo sagaashan); iyo Maardiin\ماردين (Ahna magaalo yar oo ku taalla Turkiya ee Koofur/Bari ee Anatolia, una dhow xuduudda Suuriyah \سورية siduu ku qoran haamishka “Taariikhu Al Dawlah Al Caliyyah\العلية الدولة تاريخ ”” bogga afar boqol kow iyo sagaashan); iyo Madyaat\مديات iyo Al Camaadiyah\العمادية iyo xuduudda arliga Faaris\فارس.”

la soco Qaybta 2aad sabti walba

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA

SHARE