TAARIIQO IS DABA YAAL!! Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

tariikh

TAARIIQO IS DABA YAAL!! Qaybtii 2aad

Laba. Xuduudda Qorrax Kasoo Bax ee arligaas carabta Xuduudda qorrax kasoo bax ee dalaka carabtuna waa: “Xuduudda boqortooyada Iiraan ilaa Gacanka Faaris\فارس خليج (Waana Gacanka Carabta الخليج \العربي, oo ay dhanka koofureed uga yaallaan Ciraaq\العراق, Kuwayt\الكويت, Boqortooyada :سلطنة عمان\iyo Cumaan قطر\Qadhar ,مملكة البحرين\Baxrayn ,المملكة العربية السعودية\Sucuudiga Xasanwali). Saddex. Xuduudda koofureedna Xuduudda Koofureed ee dalakaas carabtu waa: “Badwaynta Hindiya, intaan ka ahayn mustacmaradda Cadan\عدن (Oo markaas ahayd mustacmarad ingiriis: Xasanwali). Afar. Xuduudda Qorrax u dhac Xuduudda qorrax u dhac waxaa u ah: “Badda Cas iyo Badda Cad (Mediterraneo: Xasanwali) ilaa laga gaaro Marsiin\مرسين.” Taas ayuu ahaa qoraalka koowaad ee uu Shariif Xuseen\حسين الشريف u diray dawladda ingiriiska. Qoraalka Labaad Jawaabta Sir Henry Mac Mahon )التحرير الثاني(: وبعد ستة أسابيع من وصول الخطاب اآلنف الذكر، أجاب السر هنري مكماهون مندوب السامي للحكومة البريطانية في وصر بكتابه المؤرخ 73 آب سنة 9191، و هو التحرير الثاني، قائال فيه: “إن شدة الحرب و هولها – في ذلك الوقت – يحوالن دون الموظبة على المفاوضة في أمور كمسألة الحدود التي ال يشك فيها سيادة الشريف.” Qoraalkaas macnihiisu waxaa weeye: (Qoraalka labaad): Markay lix toddobaad kasoo wareegatay markuu helay qoraalkaas aan hadda soo sheegnay, Sir Henry Mac Mahon Wakiilka (Danjiraha) dawladda ingiriiska ee Masar\مصر, wuxuu jawaab qoraal ah u diray Shariif Xuseen\حسين الشريف (bin Calii\علي بن, Allaha\هللا u naxariistee) ay taariikhdeedu tahay soddonka bisha Aab\آب (Agoosto) ee kun sagaal boqol shan iyo toban, waana qoraalka labaad, wuxuuna ku yiri: “Adaygga iyo walwalka xarbiga – waqtigaas socday – ayaan oggolaanayn in si tifaftiran looga wada hadlo umuuro ay ka mid yihiin calaamadaynta xuduudda, oo uusan Al Sayyid Al Shariif الشريف السيد shaki uga jirin.” 5 Qoraalka Saddexaad ولما كانت محتويات هذا الجواب غير شافية، و بما أن سمو الشريف حسين باشا لم يقنع بذلك، أردف كتابه األول بكتاب ثاني، وهو: )التحرير الثالث(: بتاريخ 1 أيلول سنة 9191 مرسل من سمو الشريف حسين باشا إلى السر هنري مكماهون ممثل إنكلترا في مصر، وقد أصر فيه على اإلعتراف بتلك الحدود. فلم ير السر هنري مكماهون بدا من إحالة المسألة إلى عاصمة الحكومة البريطينية مستأنفا القضية هناك. فكتب السر هنري مكماهون في )91( )تشرين( األول سنة 9191 إلى وزارة الخارجية اإلنكليزية قائآل: “إن الشريف يصر على مناقشة الحدود حاال.” وفي نفس الوقت بعث السر هنري مكماهون إلى وزارة الخارجية بالتصريح الذي سلمه إليه مندوب الشريف حسين في مصر و هو كما يلي: “إن إحتالل الفرنسيين للمناطق العربية الواقعة غربي )دمشق – حمص – حماة – حلب( سيلقي مقاومة مسلحة من العرب، أما إذا استثنيت تلك المناطق و أدخلت بضع تعديالت في الشمال الغربي، فإن العرب على استعداد لقبول الحدود التي اقترحها شريف مكة.” Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Jawaabta Mac Mahon ma ayan bogsiin oo Mudane Shariif Xuseen Paashaa حسين الشريف سمو باشا kuma qancin, oo uu markaas qoraal labaad ka daba geeye. Qoraalka labaadna waa kanaa. Qoraalka Saddexaad, oo ay taariikhdiisu tahay sagaalka bisha Ayluul\أيلول/Sebtembar ee sanadka kun sagaal boqol shan iyo toban, uuna Mudane Al Shariif Xuseen Paashaa حسين الشريف سمو wuxuu Shariifkuالشريف ku adkaystay in la aqoonsado xuduuddaas. Markaasuu Sir Henry Mac Mahon waxaa lagama maarmaan ku noqotay inuu arrinkaas u gudbiyo caasimada xukuumadda ingiriiska, si halkaas go’aan looga gaaro. Sidaasuu Sir Henry Mac Mahon wuxuu sideed iyo tobanka bisha Tashriin Al Awwal األول تشرين /Oktoobar ee sandka kun sagaal boqol shan iyo toban u dhigay wasaaradda arrimaha dibadda ingiriiska qoraal uu ku yiri: “Shariifkuالشريف wuxuu ku adkaysanayaa in xuduudda hadda laga wada hadlo.” Islam markaasna Sir Henry Mac Mahon wuxuu wasaaradda arrimaha dibadda u diray baaquu isaga laftiisa gacanta ka saaray ergayga Shariif Xusaynحسين الشريف ee Masar\مصر, erayadiisuna sidatan yihiin: “Qabsashada fransiisku ku qabsaday deegaannada carabtu leedahay ee ku yaalla qorrax u dhaca (magaalooyinka) Dimashq\دمشق iyo Xims\حمص iyo Xamaah\حماة iyo Xalab\حلب waxay carabtu kala hortagayaan dagaal hubaysan. Haddiise deegaannadaas laga reebo, oo dhowr dheellitir lagu sameeyo dhanka Waqooyi/Galbeed, markaas carabtu diyaar ayay u yihiin inay oggolaadaan xuduudda uu soo jeediyay Shariifka Makkah\مكة شريف.” 6 Qoraalka Aafaraad هذا ولم يأخذ السر هنري مكماهون الجواب من الوزارة الخارجية، و بقيت المسألة مسكوت عنها حتى 42 من تشرين األول سنة 9191 حيث أخذت المسألة صبغة رسمية. )التحرير الرابع(: وعليه أرسل السر هنري مكماهون بناء على تعليمات حكومته إلى مندوب شريف حسين الخطاب التالي بتاريخ 41 تشرين األول سنة 9191 ميالدي، وهو التحرير الرابع، جاء فيه: “وإني لواثق أن بياني هذا عن المواد اآلتية بالنيابة عن حكومة بريطينيا العظمى حول القضية يسركم جدا؛ نظرا لما له من األهمية بشأن البالد التي أدخلت ضمن المنطق التي وردت في تحديد حدود الشريف حسين في كتابه األول: أن منطقة )مرسين( و )سكندرونة( و األراضي السورية الواقعة في غرب خط )دمشق – حمص – حماة – حلب( ال يمكن بحال ما اعتبارها عربية بوجه عام، و لذا يجب إخراجها من تسوية الحدود التي يدور البحث حولها اآلن. مع هذا اإلستثناء و من غير إحجاف بصكوك بعض االتفاقيات المعقودة بيننا و بين بعض زعماء العرب تقبل بكل ارتياح هذه الحدود المعدلة. أما من حيث المنطق التي احتفظت إنجلترا لنفسها بحرية العمل فيها بدون المساس و اإلعتداء على مصالح فرنسا، فإن لي السلطة التامة للتصريح لكم بالنيابة عن حكومة جاللة ملك بريطانيا العظمى بأني أدخل تحت العهود اآلتية و أجيبك على كتابك السالف الذكر: إن حكومة بريطانيا العطمى مستعدة إلعتراف و معاضدة استقالل العرب بشرط التعديالت السالفة، و إن إنكلترا تعاضد مطالب العرب الخاصة باستقالل األراضي الواقعة داخل الحدود التي اقترحها شريف مكة بمذكرته مع اإلستثناءات التي أوردناها آنفا. ” ولم تدخل الموصل إذ ذلك في الموضوع؛ ألنها كانت بيد األتـراك و بعيدة عن بغداد Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Sir Mac Mahon jawaab kama helin wasaaradda arrimaha dibadda, oo sidaasu arrinku ku laadlaaday ilaa laga gaaro afar iyo labaatanka bisha Tashriin Al Awwal األول تشرين /Oktoobar ee sandka kun sagaal boqol shan iyo toban, markaasoo ay mas’aladu yeelatay sifo rasmi ah. (Qoraalka Afaraad): Qoraalkaan afaraad waxaa dhigay Sir Mac Mahon, oo isagoo cuskanaya tacliimaadka laga soo siiyay xagga xukuumaddiisa, u dhigay Manduubka\المندوب/Danjiraha Shariif Xuseen\حسين الشريف (ee Masar\مصر) qoraalka soo socda oo ay taariikhdiisu tahay shan iyo labaatanka bisha Tashriin Al Awwal األول تشرين /Oktoobar ee sanadka kun sagaal boqol shan iyo toban ee miilaadiga, waana qoraalka afaraad oo la is dhaafsaday, waxaana ku dhignaa: “Anigu waxaan ku kalsoonahay inay qodobbada soo socda oo ku saabsan qadiyada (Xuduudda dalka carabta), oo aan kuu soo gudbinayo anigoo uga wakiil ah dawladda ingiriiska, ay aad kuu farax gelin doonaan, sababtoo ah inay taasu muhim u tahay beledyada la soo dhex geliyay oo ku dhex jira deegaannada ku xusan xuduudda qoraalka koowaad ee Al Shariif Xuseenحسين الشريف. Arrinkaas waxay dawladda ingiriisku ka leedahay inuu deegaanka “Marsiin\مرسين” iyo “Skandaruunahسكندرونة ” iyo arliyada Suuriyah\سورية oo ku yaalla galbeedka diillinta Dimashq \ دمشق iyo Xims\حمص iyo Xamaah\حماة iyo Xalab\حلب ayan sina ku suurtoobin in loo aqoonsado inay yihiin arli carbeed guud ahaan. Sidaas daraadeed waxaa waajib ah in laga dhex saaro xuduudda hadda laga wada hadlayo. Marka intaas laga reebo, ayadoo aan wax loo dhimin qodobbada heshiisyada aan (Hore u) wada saxiixannay, iyo kuwaan annagu la saxiixannay madaxda carabta qaarkood, oggolow, adigoo u bogsoon, xuduuddaan la dheelli tiray. 7 Marka la tixgeliyo deegaankuu ingiriisku laftiisa u yeelay, uuna xor u yahay inuu ka hawlgalo, isagoo aan taaban oo wax u dhimin, aanna colaadin danaha fransiiska, anigu waxaan leeyahay awood buuxda inaan idiin caddeeyo, anigoo dawladda boqorka ingiriiska ka wakiil ah, inaan soo dhex geliyay heshiisyada soo socda, aanna kaaga jawaabo qoraalkaaga xusiddiisu mar dhow nasoo martay: “Xukummada ingiriisku waxay diyaar u tahay inay aqoonsato ayna taageerto istiqlaalka carabta, kuna xiran shardiga bedellada iyo dheellitiryada nasoo maray; iyo inuu ingiriisku taageerayo doonidda carabta ee gaarka ah ee istiqlaalka deegaannada ku dhex jira xuduudda uu soo jeediyay Shariifka Makkah\مكة شريف, uuna ku xusay qoraalkiisa, intaan ka ahayn inta laga reebay oo aan dhowaan soo sheegnay.” Degmada Al Muusal\الموصل (Oo waqooyiga Ciraaq\العراق ku taalla: Xasanwali) lama soo gelin mawduucaas, ayadoo ay ku jirtay gacanta turkiga, ayna Baghdaad\بغداد ka fog tahay.

la soco Qaybta 3aad sabti walba

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Columbus, Ohio, USA

 

SHEEKOOYIN