Ninkayga ayaan ka cabsadaa!! (SHEEKO GAABAN) BY Mohamed Musa Sh. Noor

sh

Ninkayga ayaan ka cabsadaa!!

(SHEEKO GAABAN)
Waan jeclahay, sababta aan ku jeclaaday is waydii ,hana i waydiin, waxa aan ku dhihi karo waa in aan aad u jeclahay.
Waxaa laga joogaa 4 sano guurkeena, waxaan guursaday isaga oo soo furay Afar Xaas oo kale, mid ka mid ahna gacantiisa ayuu ku dilay kadib markii ay murmeen.
Waxaan guursaday aniga oo la igu soo furay hal wiil isagana waxaan u dhalay laba Wiil, maalinta aan is guursanay ilaa waqtiganna Dagaalkeena joogta ayuu ahaa.
Ha i garaaco, hana ila dagaalo, hadana ma aaminsani in qof ka naxariis badan uu jiro, waana mid ka mid ah sababaha aan ku illaabi la’ahay jacaylkiisa.
Waxaa jirtay habeen saq dhex aan is qabsanay oo uu Middi iila soo baxay isaga oo rabay in uu i gowraco, qaylo ayaan afka qabsaday aniga oo ku qaylinaya war tuuga iga qabta, hal mar ayaa dariskii ila daganaa soo wada yaaceen, Mugdi badan maadaama uu jirayna dhaawacyo badan ayaa la gaarsiiyay, taas oo sababtay in uu meesha ka cararo kadib markii la dhagaysan waayay in uu yahay ninkayga.
Muddo kooban ayuu iga maqnaa, la yaabka wuxuu ahaa biillka iyo lacagaha waxbarashada ilmaha ma uusan goosan, wuu isiin jiray, xitaa tan wiilkayga goonida ah iguma cidlayn.
Sanad ku dhawaad markii uu iga maqnaa ayaan go’aansaday in aan baadi goobo oo reerka kusoo celsho.
Jawaabta uu isiiyay waxay ahayd in uusan doonayn in uu soo laabto, la noolaashahaygana uu go’aan ka gaaray.
Waxaan isku dayay in aan ka dhaadhiciyo in uu iiso laabto, wuusa iga diiday isag oo igu yiri “haddaan soo laabto hubaal in aadan noolaanayn, sidaa darteed armey wanaagsantahay in aanan kuu imaam, waxaad dhaaftay Xadka, waxaana la gaaray xilligii aan kaa takhulisi lahaa, marka walaaley in aan kala maqnaano ayey nabaddu ku jirtaa, biilkaaga qaado, iga leexo, noloshaada dabbaro”
Erayadaas ma ahayn kuwa ii dhadhamayay, waxaan go’aansaday in uusan sinnaba igu dhaafin, aad ayaan u jeclahay, ma aaminsani in aan ninka kale qaban karo.
Dhabta ayaase waxay tahay in ay noloshayda ku xirantahay isaga, xitaa waxaan ku iri iga takhalus haddaad rabto mar lee iisoo laabo, ma aqaan sababta aan sidan ugu jeclaaday ninkan, mid ayaasa hubaa, taas oo ah in aanan qaban karin nin kale.
Dad badan ayaan dirsaday dhamaantoodna waa igu soo laabteen ayaga oo wada quus ah, ugu dambayn waan u tagay, waxaana ka codsaday in uu soo laabto, wuuse diiday, dadaal dheer kadib waan ku guulaystay in uu iisoo laabto, reerkayga midnimadiisana ay soo laabato, hase ahaatee waxaan la noolahay Cabsi daran, waxaan iska ilaalshaa in aan ka xanaajiyo, marka uu qaylsho waan ka fogaadaa kuma af celsho, xoogaa marka uu cara baaba’na wuu iisoo laabtaa isaga oo i raali galiya.
Midda la hubo ee labadeenaba aan kuwada jiifno ayaa ah in aan la noolnahay Cabsi aan kala cabsanayno, aniga waxaan is waydiiyaa goorta uu i gowrici doono, isaga sidoo kale ayuu is waydiiyaa.
waad is waydiin kartaa sababta aan u jeclaaday ninkaa, balse ha i waydiin, xitaa aniga ayaa su’aashaas iskaga jawaabi waayay, waxaan doortay in uu ninkayga gacantiisa igu dilo, inta aan ku noolaan lahaa nolol aanan ku faraxsanayn, ninkan ayaan jeclahay, isagana wuu i jecelyahay, cabsina kama qabo, hadduu i dilayo, inta aan noolahay Nolol qanaaco leh waan ku haystaa, in aan ka fogaado ayaan isku dayayaa ka xanaajintiisa iyo sabab kasta oo keeni karta in aan isku dhacno.
Khadiijo Jimcaale Jurus
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN