XASIL OO ILA GARO.(XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                                                  XASIL OO ILA GARO.

Qaybtii 20aad                                                                       

                                         WAQTIGAADA WAA HADDA

Waqtiga aad haysatid waa hadda, xilliga aad joogtidna waa hadda, xusuutana ku hay in wax walba oo noloshaada ku saabsan ay hadda dhacayaan, ma ahan in aad dib uga fakartaa wixii horey kaaga dhacay ee khalad ahaa ama wanaag ahaa, sidoo kalana ma ahan in mustaqbalka ka fakarkiisa aad meel la yuurarsato adiga oo ka fakaraya waxa aad noqon doonto iyo sida wax badan oo aadan hayn aad ku heli lahayd.

Mustaqbalka ka fakarkiisa waa riyo in ay rumoobayso aan la ogayn, sidoo kale ka fakaridda waqtigii lasoo dhaafay isagana waa ku noolaanta waqti aadan waxba ka qaban Karin, xitaan haddii dib laguugu soo celsho waxba kama baddali karto.

Waxa aad haysato waa waqti xaadirka la taagan yahay isaga ayaana ka qaalisan shalay iyo barriba, isku day in hadiyaddaas qaaliga ah aadan lumin oo aysan kaa noqon mid aad dib uga fakarto sida shalay aad uga fakarayso maanta oo kale.

Mmusa  

                               QURUXDA NOLOSHA EE QOFKU DOONAYO

 Dhoola caddayn daacad ah, qalbi nadiif ah, dhaqan wanaagsan oo dhagar lahayn, dabeecad farxaan ah, hadal qurxoon oo labtaa toos u taaabto, intaas marka ay qofku u kaamil noqoto ayaan dhihi karaa wuxuu ku nool yahay nolol qurux badan, inta uu la’yahay mid ka mid ah intaana, waxbaa ka dhiman quruxda nolosha ee qofku doonayo.

Mmusa

                                      HANASHADA QALBIYADA DADKA

Maal aad leedahay iyo jago dowladeed ama shaqo aad haysid awood kuuma siin karaan in aad hanato qalbiyada dadka, inta intaas kugula joogtana waa in uu waqtigu keenay, damacna ka leh jagada aad haysid iyo maalkaaga, marka ay labadaas ku daayaana ismaba taqaaniin.

waxa dadka lagu hanto quluubtooda ayaa ah Akhlaaq wanaagsan, furfurnaan lagu laray dhoola caddayn ay ka muuqato daacadnimo iyo jilicsanaan, iyo run sheegid badan, intaas waa inta lagu hanto quluubta dadka, wixii ka soo haro waa wax aad naftaada been ugu sheegayso.

Mmusa

                             KA DHIG NOLOSHAADA SIDA AAD DOONTO

Hadafkaaga oo cad, qalbigaada oo dagan mar walba, sabarkaaga oo bata, iimaankaaga oo aad alle ku xirtid, awooddaada inta ay la egtahay oo garataa, waa waxa ka dhiga noloshaada in sida aad rabtid ay noqoto.

Mmusa

                                          BEEN LA MACEEYAY

Haddii aad lumiso qof daacadnimadaada iyo toosnaantaada darteed, ogow in aad tahay midka faa’iiday, maxaa yeelay dadka caqliga yar u saaxiibka ah ayaa ah kuwa aan aqbali Karin daacadnimada iyo toosnaanta, waxayna taaas ka door bidaan been la maceeyay iyo balaayo la qarshay.

Mmusa

                                               SIRTA FARXADDA

Dadka awoodda u leh farxad galinta naftooda mar walba waa kuwa eega waxa gacmahooda ku jira ee aan eegin danna ka galin waxa gacamaha dadka kale ku jira, waxay isku farax galshaan waxa ay haystaan inta ay rabto hala ekaato.

Sirta farxadda ma ahan tirada inta aad haysatid ee waa sida aad ugu faraxsantahay uguna qanacsantahay waxa aad haysatid, adiga oo u eegayn badnaantooda iyo yaraantooda toona.

Mmusa

                                    SIFADDA QOFKA AAD KU WEYNTAHAY

Haddaad aragto qof mar walba iska kaa cafinaya oo dulqaad kuu sameynaya, waa in aad ogaataa in uu qofkaas ku ixtiraamayo xushmad balaarana uu kuu hayo, ayna ku weyntahay qiimaha xurmadaada, mana doonayo in uu qofkaas ku lumiyo ee ha ku sii wadin khaldaadkaaga.

                                             SHANTAN KA FOGOW

Ka fogow malada xun, maxaa yeelay waa mid xanuujisa qalbigaada.

Ka fogow shakiga badan, maxaa yeelay wuxuu dunshaa rajadaada badan.

Ka fogow tartanka badan ee dadku galaan, maxaa yeelay wuxuu kugu riixaa in aad wax dulmisa ama lagu dulmiyo.

Ka fagow faanka badan, maxaa yeelay wuxuu kugu qasbaa aakhirka in aad noqoto beenlow been ku nool.   

Mmusa

                                                    SHANTAN HA ORANIN

Inta aad nooshahay ha oran fidna kuma dhacayo

Hana ku caayin qof dambi uu sameeyay, ama ku ceebayn.

Hala yaabin dambiyada cajaa’ibta leh ee dad aadan ka filayn galaan.

Hana ku faanin cibaadadaada badan

Ma adiga ayaa og waxa ay noqon doonto gabagabada noloshaada?

Mmusa

                                           HORUMARINTA NAFTAADA

Qof walba oo ku dadaalaya horumarinta naftiisa waxaa wanaagsan in uu mar walba wax ku eegaa qiimaha dadka uu la dhaqmayo ma ahan in horumarinta naftiisa darteed uu u suubiyaa xad gudub badan oo dadka ah, waa in uu wax walba ka eegaa dhanka doonista mooralka bulshada uu ku dhex nool yahay.

la soco qaybta 21aad Axad walba insha allah 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com 

 

SHEEKOOYIN