XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 33aad                                     

 

1 TELKA IYO BEENTA

Ma ogtahay in qofku been badan yahay marka uu teleefonka ku hadlaayo marka lala bar bardhigo marka uu ku hortaagan yahay?
Mmusa

2 INTA AAD NOOLAAN KARTID OGOW

Ma ogtahay in aad noolaan karto dhowr usbuuc cunto la’aan, balse aadan noolaan karin 11 maalin hurdo la’aan?
Mmusa 

 3 DAMBIILAHA IYO DUNIDEENA MAANTA

Ma ogtahay in aad ku nooshahay Duni dambiilaha uu yahay Faqriga ama maskiinka, dambi baarahana uu yahay taajirka, dambi laawuhuna uu yahay xaakimka wax xukminaya, madaxa dambiilahuna uu yahay hogaankaaga?

4 SOOMAALIDA OGOW

Ma ogtahay Soomaalida wax walba ay noqon lahaayeen aysan u noqon karin laab la kaca iyo caadifadda oo ku badan darted?
Mmusa 

5 GARASHADA IYO DUNIDA

Ma ogtahay in dunida dadka ku nool inta badan aysan waxba ogayn oo garashadu ku yartahay, taasna waa sababta malaayiinta qof ay u rafaadinayaan tiro yar oo madax sheegata.
Mmusa 

 6 QIIMAHA AY FURSADDU LEEDAHAY

Ma ogtahay qiimaha ay fursaddu leedahay aadan dareemi karin marka ay ku ag taagantahay, balse aad ka shallaaysid marka ay ku dhaafto.
Mmusa 

 7  OGOW SADDEXDAN

Ma ogtahay in xanuunku uu ku adkeeyo.
Cabsiduna ay kaa dhigto Geesi.
Qalbi qaraxuna uu kaa dhigo caqlilow aan la qaban karin?
Mmusa 

8 DADKA HA ISKA LUMIN

Ma ogtahay in wax la lunsho ay ugu xunyihiin dadka, qof kasta ma ahan in uusan mudnayn in uu kaa lumo, dadka qaar in ay kaa lumaan ayaa wanaagsan, balse haddiiba wax lumo loo shallaynayo waxaa mudan in loo shallayo dadka wanaagsan ee aad xumaan aad xumaysey u lumisay.
Mmusa 

9 SAAXIIBTINIMADA WAQTIGA DHEER

Ma ogtahay in saaxiibtinimada dhaafto 7 sano ay ka dhigantahay saaxiibtinimada waarta inta ay labadaas qof nool yihiin?
Xigasho mid ka mid ah culimada cilmu nafsiga.

10 QALBIGAADA IYO CAQLIGAADA

Mar walba oo qalbigaada iyo caqligaada aad xirto waxay ka dhigantahay in aad xirtay wax walba, oo xitaa aadan arki karayn iftiinka aad dareento marka aad indhaha isku qabato.
Mmusa 

11 Mallaay lagu magaacabo

Ma ogtahay in uu jiro Malaay lagu magaacabo afka qalaad Fish Chowder, balse af soomaali ahaan aanan hadda dhawaqiisa hayn, haddaansa iska camirto aan dhihi lahaa Mallaygii saliidda ama Mallaygii cuslaa, kaas oo laqi qara Qof Bani aadam ah gabi ahaanba.
Mmusa 

12 GUURKA QAALIYOOBA

Ma ogtahay Guurka oo qaaliyooba in ay ka dhigantahay Taranka Bulshada oo yaraada, Gablanka (ma dhalayska) oo bata, Xaaraanta oo badata, Xalaasha oo yaraata, Xiisaha labada Issir ee Lab iyo Dhidigga oo meesha ka baxa.
Mmusa 

13 DALABKA GUURKA

Ma ogtahay in dalabka Guurka uu ka yimaado Raga, Taaba galkiisuna uu ku xiran yahay Dumarka sida ay raga uga aqbalaan dalabkooda.
Mmus

 14 KOONKA

Ma ogtahay in koonku hal yahay, dhulalkuna toddobo yihiin, badahuna 7 yihiin, dadka dunida ku noolna lagu qiyaaso 7 bilyan, waddamada caalamkuna yihiin 204 waddan, Jaziiraduhuna 804 jaziiradood.
Xigasho

15 QOFKA AAD DOONAYSO

Ma ogtahay qofkaas aad aadka u doonayso in uu yahay qof aad la’aantiis ku qurux badantahay nolosha.
Mmusa 

 16 ABEESADA IYO MAQALKEEDA

Ma ogtahay in Abeesadu ay wax ku maqasho Carrabkeeda oo sida Mowjadaha Raadiyaha hawada usoo qabto kale uu carrabkeeda dhawaqa usoo qabsanayo.
Xigasho 

17 Waxba ha nicin ilaa hal ma ahee
Jeclow Allah
Jeclow saaxiibkaa
Jeclow qoyskaaga 
Jeclow dadka oo dhan adiga oo u eegayn diintooda, dhaqankooda, issirkooda.
Halka kaliya ee nac aan ku leeyahay ayaa ah Shaydaanka iyo xulufadiisa.
Mmusa 

 18 DHABTA NOLOSHA

Dhabta nolosha ayaa ah in uusan waligiis jirayn qof u jeclaanaya naftaada sida aad isku jeceshahay oo kale, sidaa darted, naftaada mar walba si wanaagsan oo sabab aan u noqon in la xumeeyo ama la dhaawaco kula dhaqan.
Mmusa 

19 Dikriga Alle

Ma ogtahay badinta la badiyo dhagaysiga iyo aqrinta Dikriga Alle in aad kaga bad baadi karto cudurada ku dhaca laabta ama Maskaxda?
Mmusa

20 FARRIIN QORAALEED

Ma ogtahay fariin qoraaleed lama filaan ah taas oo kaaga timaada qof qaali kugu ah in ay saamayn ku yeelan karto qaabka uu jirkaaga u shaqeeyo, qaybna ay ka qaadan karto quruxda maalintaada.
Mmusa 

21 DADKA HA SIININ

Dadka ha siinin wax ka badan xaqooda, tusaala gaaban waxaa kuugu filan Geedka oo biyaha uu u baahan yahay ka badan aan ku bixin.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN