Home Qoraallo Sidey Galaada Kirishtaanka ahi isugu dayeen inay xadaan Nabi Muxamad SCW

Sidey Galaada Kirishtaanka ahi isugu dayeen inay xadaan Nabi Muxamad SCW

0
SHARE

Dhalanteedka boqorka Masarمصر\ ee addoonka la leeyahay ahaa inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam xado

Qaybta Saddexaad

 

Al Khayyaarii الخياري\ wuxuu yiri: “Ibnu Al Athiirإبن الأثير wuxuu yiri:

“Waxaan darsay taariikhyada boqorradii hore oo islaamka ka horreeyey ilaa maantadaan aan joogno, mana aanan arag Al Khulafaa’u Al Rraashidiinaالخلفاء الراشدون/ iyo Cumar bin Cabdu Al Caziizعمر بن عبد العزيز/ dabadood boqor ka siiro fiican Al Maliku Al Caadil Nuuru Al Ddini Zankiiالملك العادل نور الدين زنكي  waxaana is waafaqay wixii ka dambeeyey sanadka afar boqol ee hijriga ah wax u dhow qisada Nuuru Al Ddini Al Shahiid ee nasoo martay waxa uu wariyay Al Zaynu Al Maraaghiiالزين المراغي/ ee ku saabsan taariikhda Baghdaadبغداد\ ee uu dhigay ibnu Al Najjaarإين النجار oo yiri:

 

“Waxaa noo warramay Muxammad Cabdu Allaahi bin Al Mubaarak Al Muqriiمحمد عبد الله المبارك المقري oo ka wariyay Abii Al Macaalii Saalix bin Shaafic Al Jucliiأبي المعالي صالح بن شافع الجعلي\ oo ka wariyay Abuu Al Qaasim Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Muxammad Al Muslixأبو الفاسم عبد الله بن محمد بن محمد المصلح\ oo ka wariyay Abuu Al Qaasim Cabdu Al Xaliim bin Muxammad Al Maghribiiأبو القاسم عبد الحليم بن محمد المغربي\, inay qaar ka mid ah Zanaadiiqdaالزنادقة (Waana gaalada muslin sheeganaya) uu kula taliyay xaakimka Cubaydiigaالحاكم العبيدي\ ah oo Masarمصر\ u taliya inuu soo raro Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam iyo labadiisa saaxiib kana soo raro Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ uuna Masarمصر\ keeno, taladaasna wuu u qurxiyay, wuxuuna ku yiri in hadduu taas wada meel mariyo uu dadku darfaha adduunka oo idil uga soo safrayo Masarمصر\, taasoo ammaanta iyo faanka xaakimka Masarمصر\ ka mid noqoneysa. Markaasuu xaakiimku muddo ku ijtihaaday taladaas, oo uu markaas Masarمصر\ ka dhisay guri wayn uuna ku bixiyay maal fara badan.”

 

Wuxuu yiri:

“Markaasuu wuxuu diray Abaa Al Futuuxiأبا الفتوح/ inuu faago makaanka Shaariifka ah. Markaasuu markuu Al Madiinah Al Munawwarah Al Shariifah المدينة المنورة الشريفة\ yimid ayuu masjidka dhexdiisa fariistay.

 

Markaasaa waxaa u yimid koox reer Al Madiinah Al Munawwarah المدينة المنورة ka mid ah oo ogaa sababtuu u yimid, waxaana ka mid ahaa kooxdaas nin xaafith Quraan ah oo loo yaqaanno Al Shaykhu Al Zalbaaniiالشيخ الزلباني oo uu markaas meeshaas la fadhiyo ku akhriyay Hadalaka Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\:

 

}وَإِنْ نَكَثُوا أَيْمَانَهُمْ مِنْ بَعْدِ عَهْدِهِمْ وَطَعَنُوا فِي دِينِكُمْ فَقَاتِلُوا أَئِمَّةَ الْكُفْرِ إِنَّهُمْ لَا أَيْمَانَ لَهُمْ لَعَلَّهُمْ يَنْتَهُونَ (12) أَلَا تُقَاتِلُونَ قَوْمًا نَكَثُوا أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّوا بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُمْ بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ أَتَخْشَوْنَهُمْ فَاللَّهُ أَحَقُّ أَنْ تَخْشَوْهُ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ (13){

 

“Wa in nakathuu aymaanahum lk bacdi cahdihim wa dhacanuu fii diinikum fa qaatiluu a’immata al kufri innahum laa aymaana lahum lacallahum yantahuuna(12)Alaa tuqaatiluuna qawman nakathuu aymaanahum wa hammuu bi ikhraaji Al Rrasuuli wa hum bada’uukum awwala marratin atakhshawnahum fa Allaahu axaqqu an takh-shawHu in kuntum mu’miniina(13).”

Labada Aayadood macnohoodu waxaa weeye:

 

“Markay heshiiskaas la dhigateen buriyeen kaddib markaad kala saxiixateen – waana gaalada Qurayshقريش\ ee Makkah Al Mukarramhمكة المكرمة\ -, diintiinana ay dureen oo ceeb u yeeleen –Al Baghawiiالبغوي\ wuxuu yiri: Aayaddaanu waxay daliil u tahay in krishtaanka iyo yuhudda dalaka islaamka ku nool hadday diinta islaamka duraan in heshiiska lagula jirey oo ilaalintooda ah uu buray uusanna waxba ka jirin- marka la dagaallama madaxda gaalada ee reer Makkahمكة\: ibnu Cabbaasإبن عباس\ wuxuu yiri:

“Waxay kasoo degatay Abuu Sufyaan bin Xarbأبو سفيان بن حرب/, Abuu Jahal bin Hishaamأبو جهل بن هشام iyo Suhayl bin Camrسهيل بن عمرو, iyo Cikrimah bin Abii Jahlعكرمة بن أبي جهل, iyo inta kale oo waagaas gaalada madaxdeeda ahayd oo heshiiskaas buriyay, waana isla ayaga damcay inay Rasuulka Makkahمكة\ ka saaraan” waa intaas warkiisu.

 

Kuwaasu cahdi iyo heshiis toona ma laha, ula dagaallama si ay uga haraan inay diintiinna duraan ayna isugu kiin gaashaan buursadaan(12)Miyeydnaan la dagaallameyn rag heshiiskaad la gasheen buriyay – oo gaalada Qurayshقريش\ waxay burisay Heshiiskay Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Heshiiska Al Xudaybiyahالحديبية\ kula gashay oo waxay qabiilka Banii Bakrبني بكر/ ugu hiilliyeen la dagaalka qabiilka Khuzaacahخزاعة/. Waxayna ku hammiyeen oo damceen inay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ ka saaraan markay ugu shireen Daaru Al Nadwahدار الندوة/ Hijradaالهجرة\ horteed; ayagaana dagaalka idinku bilaabay – waana Maalinta Badarيوم بدر\, oo markuu safarkii Abuu Sufyaanأبو سفيان\ waday u badbaaday ay yiraahdeen: “Gaddoomi meynno jeer aan Muxammadمحمد\ iyo asxaabtiisa xididada u siibno oo aan wada laynno”-, miyaad ka baqaysaan oo sidaas dagaalkooda uga haraysaan? Ilaahayالله\ ayaa uga xaq badan inaad ka baqdaan ka tegidda dagaalkooda, haddaad mu’miniin tihiin(13).”

 

 Markaasuu dadku kacay oo isku dhex yaacay ayna ku sigteen inay Abaa Al Futuuxأبا الفتوح\ dilaan iyo inta la socotayba oo askar ah, inay sidaas yeelaanna kama uusan reebin waxaan ahayn inay dalka ayagu lahaayeen. Markaasuu markuu Abuu Futuux أبا الفتوح\ taas arkay wuxuu ku yiri: “Allaahu axaqqu an yukh-shaaالله أحق أن يخشى/ oo ah “Ilaahay الله\  ayaa u xaq leh in laga baqo”)Waana Aayadaha 12 iyo 13 ee Suuratu Al Tawbahسورة التوبة\).”

 

Abaa Al Futuuxiأبا الفتوح/ wuxuu yiri:

“Wa Allaahiوالله\ hadduu xaakimku taas u dhimanayo oo aan garanayo wuxuu rabo ma sameeyeen.”

 

Markaasay laabtiisu waxay naxdin ciriiri ku noqotay ilaa uu garan waayo siduu dulligaan uga bixi lahaa.

Markaasay markay maalintaasu gaddoontay (Oo habeenku soo galay) ayuu Ilaahayالله soo diray dabayl uu arligu xooggeeda la gariiri lahaa, oo uu geela oo rukuubka iyo dhigiibada saran yihiin ay dilindilloodeen, fardihii oo koorihii saran yihiinna ay ayaguna dilindillodeen, si la mid ah siduu banoonigu dhulka korkiisa ugu dilindilloodo oo kale, intooda bandanna ay halaagmeen, khalqi dad ahna ay ayaguna halaagmeen.

 

Markaasay laabta Abdd Al Futuuxأبا الفتوح\ waasac noqotay, cabsidiina ay ka tagtay uu ka qabay xaakimka isagoo sidaas ku helay (Dabaysha daraadeed weeye) cudurdaar uu u qaban waayey wuxuu u yimid inuu qabto. Waa intaas warkiisu.

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\

Maalinta axadda ah taariikhduna tahay toban bisha Rajabرجب\ ee sandka kun afar boqol laba iyo soddonka una dhiganta laba iyo tobanka Juunyo laba kun kow iyo toban,

 

SHARE