XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 41aad               

                                                   1  DADAAL

Qofka dadaalka badan mar walba wuu ka horeeyaa kan aan dadaalin ama aananba isku dayin in uu dadaalo, nolosha sideedaba waa Tartan ka dhaxeeyo noolaha oo dhan, qof walbana waa in uu dadaal muujiyaa si uu u gaaro Hadafka uu tiigasanayo.

Dadaalka waa mid wajiyo badan ku kala yimaadaa, mararka qaar waa laga yaaba in Dad ka mid ah ehelkaaga ama asxaabtaada ay garab kugu siiyaan dadaal aad samaynaysay muddo, balse taas macnaheeda ma ahan in aadan dadaalin oo lagu caawiyay, waa dadaashay, miraha dadaalkaaga uu dhalay ayaadna waxaas oo Caawin ah ku heshay.

Hadaba marka aad dadaal suubinayso waxaa qasab ah maadaama aad Bani aadam tahay in aad qaladaad badan samayso, balse taas dhib ma lahan, muhiimadda waxay ahayd in aad dadaasho, isma aadan lahayn Qalad suubi, waxaa lagaa doonayaa markaas in aad dib u saxdo qaladakaaga.

Sidaa darteed, dhib ma lahan qaladka aad suubisid inta aad ku guda jirtid dadaalkaaga ama tartiibinta dadaalkaaga uu ku socdo, wali waxaa tahay mid ka horeeyo qof walba oo aan dadaal suubin.

Hadaba dadaalkeena ku aaddan dhanka Nabadda waa in uu bataa, oo aan iska deynaa dadaal xumada natiijadeeda noqotay dhibka aan maanta dhex taaganahay, dadaalka sidiisaba dhinaca looga faaiidaysto ayuu noqdaa.

Hadaba dhanka wanaagsan aan ku dadaalno, waxa aan dadaalka ku bixinaynana ha inoo noqdaan wax xisaabtooda aan eegnay, natiijada kasoo baxaysana saadaalintaeeda ay inoo wanaagsantahay.

Mmusa 

 

                                                 2 WAXAA TAHAY QAALI

Waxaa tahay qaali, sida aad ku noqtayna aniga ayaa kuu sheegaya, waxayna tahay, waxaa tahay farsamada uu Alle sameeyay, waxaana ka mid tahay milkiyadda uu Alle leeyahay, wax walba oo alle leeyahayna waa qaali, sidaa darted, dadku waa kuwa iska moogaysiiya ama iska indha tira waxa aysan awoodin hanashadooda mararka qaarna iska diida ayaga oo iska dhigaya in aysan u baahnayn hubaashuna waa in ay u baahan yihiin balse aysan awooddooda aysan u gaareyn.

Muhiimadda qoraalka ayaa ah in qof haddii uu ku diido ama uu iska kaa indha tiro aysan la micna ahayn in aad tahay qof qofkaas ka liita ama aadan u qalmin, fakarka nuucaas ahna waa in aadan ku fakarin ee aad u fahamtaa in qofkaas aad ka qaalisantahay balse uusan isagu kuu qalmin, micnaha uusan ka bixi Karin dalabaadkaaga xagiisa ku aaddan, sidaas darteed ayuu u muujinayaa isla waynida iyo Xaqiraadda isaga oo Madaxa Carada ka cesho is leh.

Mmusa 

 

                                                        3 GAFKA

Gafka waa mid ka mid ah afcaasha ama ficilada inaga dhaca, Xal kale ma lahan aan ka ahayn in dib loo saxo waxa gafku ku dhacay, kuwaas oo kala noqon kara wax ficil ahaan loo saxo iyo wax hadal ahaan loo saxo.

Gafka sidiisaba ma ahan wax lagu amaanay qaabkeena nolosha, sidaa ay tahayna wuu naga dhacaa mar walba, muxuu  u dhacay iyo sababta uu dhacayba ma ahan mid haddii la is waydiiyo xalkiis lagu heli karo.

Xalkiisa waa laba mid in uu noqdaa, mid ficil ahaan loo sameeyo oo ah in waxaas lagu gafay lagu saxo ficil kale si gafka uu meesha ugu dhamaado.

Midka kalena waa in Raali galin laga baxshaa, waa marka uu gafku ku dhaco si hadal ahaan ah, raali galintu waa u muhiim qalbiyadeena, marka aad khaldantahay oo aad raali galin bixiso qalbigaada xitaa waxbaa ka dagaya sida culays u eg, sidaas si la mid ah qofka aad ku gaftay oo isagana iska kaa cafiyo maadaama aad usoo noqotay, inkastoo dadku aysan isku mid ahayn, oo qaarkood marka la maslaxeeyo ay kasii daraan, ugu dambayn raali galinta ku dadaal marka  ay tahay in aad wax raali galiso.

Mmusa 

                                            4 ISKA FARAXSANOW

Nolosha waa mid waqtiyeesan, sidaa ay tahayna waxaa wanaagsan in Waqti walba sida uu yahay looga faa’iidaysto oo waqti walba si xikmadaysan aad u qaadato adiga oo cabiray ama miisamayaa waxa kuu soo kordhay ama kaa nusqaamay, waxa kaa qaldamay ama aad saxday, dhamaan waa in mar walba aad tahay qof dhinac walba ka miisaaman oo ka xisaabsan.

Dadku ma jecla kuwa xisaabiya, dadkuna waa kuwa kuugu yimaada sida waqtiga uu kuu soo wajaho, qaar ayaad kala kulantaa Wanaag iyo Khibrad, qaarna Shallaayto iyo Murugo, sidaas si la mid ah waqtiga.

Hadaba ma ahan in aad tahay ama waqtiga noloshaada aad ku beer darayso adiga oo cuqdadaysan, una cuqdadaysan Waqtiga ama qof ka mid ah dadka noloshaada soo mara.

Wax walba oo nolosha ka mid ah waa laba laba,  Muugo iyo Farxad, farxadda waa mid nafciya badan leh, naftaada ayay mar qancisaa oo sawiro qurxoon ayay gudahaaga u gudbisaa, sidaas si la mid ah cadowgaaga ayey murjisaa marka ay kula kulmaana adiga oo faraxsan, Farxadda waa laba Nuuc, midna waa Qiyaali, mindna waa Dhab, labadaba laguma qasaaro, sidaa darteed, waxaa wanaagsan in mar walba aad farxad muujiso.

Murugada waa mid gudahaaga gubta, maskaxadaada disha, kuu sawirto shallaayto iyo dhamaadka noloshaaada, sidaas si la mid ah waxay farxad galisaa cadowgaaga, waxay soo saartaa daciifnaantaada, waxay kaa dhigtaa mid dullaysan, oo wajigaaga iyo qaab dhismeedkaaga ayay dishaa, ma ahan wax lagu faano ama la kasbado Murugada, sidaa darteed waa in looga fogaadaa murugada, farxad dhabeed iyo mid qiyaali ahba.

Mmusa 

 

                                        5TAABASHADA QABLIGAADA

Maalin walba Qoraalo ayaan idinla wadaagaa, waa laga yaabaa qaarkiin ay dhibsadeen qoraaladayda, qaarkiina ay ku farxaan, qaarkiina aysan ka helin oo ay is dhahaan waa maxay ninkan howl la’aanta ah, balse dhabta sidaas ma ahan.

Inta wanaaga ku fakarta waxaan rajaynayaa in ay mar walba u xiisanaan doonaan aqriska qoraaladayda, inta xumaanta jecelse waxaan ku leeyahay ama i dhibsatay sidan “laga yaabee in aan xagiina ka ahay sida Shumac yar oo laga dugsado mugdiga, kaas oo waqti kooban ku ifa goobta lagu shitay, ugu dambayntana iska dhiima, balse rajadayda ayaa ah in wanaaga iyo qoraalada aan maalin walba idinla wadaagayo ay qaarkiin saamayn gaar ah ku yeeshaan qalbiyadiina si gaar ahna ay idiin taabtaan.

Qoraal aan aniga leeyahay mar walba uu qalbigaada taabto waxay la mid tahay aniga Maxamed Muusa ah oo qalbigaaga taabtay, Wanaag ma ahee Xumaan iyo lugooyo wax idinkuguma soo qoro, waxaan rajaynayaa intiina cafiska badan in aad iska key cafin doontaan haddaan si aadan jeclaysan qoraaladayda idiin taabsiiyay, muhiimadda ayaa ah in  aan idinla wadaago wax walba oo wanaag ah oo ku dhisan Xikmad iyo is tusaalayn kale oo dhan walba taaban karaysa, aad ayaan idinkaga raali galinayaa wixii aydaan jeclaysan oo aan idinla wadaagay, wanaag wax ma dhibee xumaanta ayaa daran.

Mmusa

 

                                              6 HA IS CADDIBIN

Dunida kuma aadan imaan talo adiga aad leedahay, sidaas si la mid ah waxa aad quudanayso iyo waxa aad noqon doonto iyo waxa aad samaynaysaba wax tala ah kuma lihid, xitaa xilliga aad ka tagayso dunida, marka haddiiba sidaas ay tahay noloshaada, oo qaabka aad u maaraynayso aadan wax tala ah ku lahayn, waa maxay sababta aad u wal washo?

Laga yaabee qaarkiin in aad igula doodaan in aysan sidaa arrinta ahayn, waana soo dhawaynayaa fikirkiina, balse, dhabta ayaa waxay tahay in wax aan xaga Rabi laga soo ogolaan uusan qofku samayn karin, qof walbana Qorshe Rabbaani ah ayuu ku yimid dunidan, waxaana jira Dariiq loo jeexay qaabka uu noloshiisa u hagayo, xitaa haddii uu qofku ku doodo in waxa uu gaaray ama noqday uu ku gaaray Dadaal xagiisa ah.

Hadaba Alle waa midka og waxa u wanaagsan iyo waxa aan u wanaagsanayn noloshaada, muhiimadda waa in aad isaga aamintaa, ogaataana wax kugu dhacaya in aysan jirin ilaa uu isaga qaddaro mooyee, Dadka la rabo in ay noloshaada ka mid noqdaana nuuca ay doonaan ha ahaadaan way noqonayaan haddii qaddartu ay ku jirto, sidaa darteed, ma ahan in aad u dag dagto naftaadana aad ku caddibto wax aysan tabar u lahayn, maskaxdaadana aad ku daaliso wax aan calafkaaga ahayn, marka aad waysana aad nafsiyan is canaanato ama iska dhaadhiciso in aad tahay qof Nasiib xun ama aad ku fakarto in aad tahay qof uu Alle ka hiilshay, waana sida ay ku fakaraan dadka aan Alle aaminsanayn.

Hadaba ku kalsoonowo Allahaaga, ogowna in wax walba oo laguu qaddaray adiga oo dunidan ka qaadan aadan ka tagayn, Cid kaa hor istaagi kartana aysan jirin.

Mmusa 

                                                   7 Baad iyo Biyo 
Nolosha addunyada waa mid ka kooban Nabad galyo iyo wax la quuto, farxadda qofkana labadaas ayaa saldhig u ah, midkood hadduu maqan yahayna dhadhan ma lahan Nolosha,  teeda kale Qof walba oo sharaf sheeganayana waa in uu ka dhisan yahay ama haystaa labadaas aan soo sheegay, haddii uusan haysan labadaas qofka mar walba waxbaa ka dhiman!!!!.
Mmusa   

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN