Home Qoraallo Boqor Fahd iyo Qadiyadda Soomaali Galbeed. Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

Boqor Fahd iyo Qadiyadda Soomaali Galbeed. Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

0
SHARE

Boqor Fahd-ka Sucuudiga iyo Dhulka Soomaalida Galbeed (Ogaden)

 

Amxaaro waxay weligeed dawladaha krishtaanka ah ku beel dulucsataa ayadoo tiraahda:

“waxaan nahay jaziirad krishtaan ah oo ay ku hareereysan tahay badweyn muslin ah!” Anigu anigaa indheheyga ku arkay oo dhegeheyga ku maqlay Mengistu Hayle Maryama, madaxweynihii hore oo shuciga sheegtay isagoo warkaas ka leh TV-iiga jarmanka.

 

Dawladda amxaaradu waxay dawladaha galbeedka ula mid tahay dawladda Israa’iil oo labadaas dawladood waa daba dhilifkooda, ayagaana maal geliya, waxayna u qabtaan isla shaqada ah la dagaallanka carabta (taasoo ah shaqada Israa’iil) iyo islaamka oo ay labadaasba u siman yihiin. Israa’iil waxay waqooyiga ka xigtaa Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ oo Kacbadu ku taallo iyo Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ oo uu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam degan yahay. Amxaaraduna waxay ka xigtaa labadaas koofur. Amxaaro aad u fara bandanna waxay ku nool yihiin oo ka shaqaystaan boqortooyada Sucuudiga iyo Yamanاليمن\, oo Yamanاليمن waxaa deggan kuwii ka haray askarta Abraha Canjeex, midka Kacbada ku duulay oo ay kasoo degatay Suuratu Al Fiilسورة الفيل\. Amxaaradu waxay dawladaha galbeedka uga qabataa qaaradda Afrika hawl la mid ah shaqaday Israa’iil ugu hayso Bariga Dhexe iyo dawladaha carabta ah.

 

Waxtarka Soomaaliya ee dawladaha Khaliijka

 

Dawladaha khaliijku intay Soomaaliya tareen lama koobi karo, lagamana abaal gudi karo. Dawladda Sucuudiga keligeed ayaa waxay Soomaaliya ilaa laga soo gaaro kun sagaal boqol iyo sagaashanka deeq ahaan u siisay ama daymisay ku dhowaad toddoba boqol oo malyan oo doollar!!! Warkaasna waxaan ka helay kun sagaal boqol laba iyo saddex sagaashan warqad ay dawladda Sucuudigu u qaybisay Safaaradaha dawladaha Jaamacadda Dawladaha Carabta xubnaha ka ah, oo iigu timid xafiiskayga markaan ahaa Danjiraha Jaamacadda Carabta ee Qarammada Midoobay ee Vienna dalaka Austria, kaddib markuu nin siyaasi ah oo soomaali ah oo war moog ah, xilqaadna aan ahayn oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya 1992-1993 inta Qaahirah yimid uu Jaamacadda Dawladaha Carabta uga hadlay inayan Sucuudigu Soomaaliya wax tarin.

 

Sidoo kale waxay dawladda sucuudigu qaybisay warqad ay ku qoran yihiin kaalmaday u fidisay dawladda Suudaan.

 

Siyaasaddaas dawladaha krishtaanka ayaa keentay inay askarta amxaarada soo ijaartaan si ay ceelasha batroolka oo ay qorshaysanayaan inay Somaaliya ka qotaan u ilaaliyaan, oo aan dhulkana lahayn xaqna ku sheegan karin.

Dr. C.J. Barre Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya

 

Saaxiibkay Dr. Cabdu Al Raxmaan Jaamac Barre, Allaha u naxariistee, oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya sanooyin badan ahaa, wuxuu dhawr sano ka hor, mar ku beegan xusuustayda 2009 ama 2010 annagoo labadeennuba aan markaa Ameerika deggannahay taleefanka iigu sheegay oo uu yiri:

“Bilowga 1980-maadka waxaan wafdi ahaan ku tagnay dalka Sucuudiga, oo aan boqorkeeda magaalada Jeddah kula kulannay. Markaan hooteelka kusoo laabannay ayaa waxaa la ii sheegay inuu Boqor Fahd, boqorka Sucuudiga (Hadday xusuustaydu fiican tahay waana intuusan boqor noqon oo waxaa boqor ahaa walaalkiisa Khaalid: Fahd wuxuu boqor ahaa  13 Juunyo 1982 ilaa Agoosto 2005 oo uu dhintay – oo markaan waa bakhti dhawr) albaabkayga joogo, uuna doonayo inuu ii soo galo, aniguna waan u oggolaaday. Markaasuu wuxuu igu yiri:

“Ogadenya waxaa haysta Ameerikaanka iyo Ingiriiska, wayna gaajoon yihiin waxayna u baahan yihiin lacag. Annagaa lacag siinaynna oo Ogadenya indiinka soo qaadaynna ee aniga ii xilsaarta arrinkaas.”

 

Markaasaan hadalkaas boqor Fahd gaarsiiyay Madaxwayne Maxammad Siyaad Barre, uu isaguna Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo shan nin ka kooban soo hordhigay. Waana shanta nin oo dalka oo idil u talisa, oo kala ahaa Maxammad Siyaad Barre, Xuseen Kulmiye Afrax, Ismaaciil Cali Abokor, Maxammad Cali Samantar iyo Axmad Sulaymaan Cabdalle.

 

Markaasaa waxaa diiday talada boqor Fahd laba nin oo kala ah:

Kow. Sarreeye Guud Maxammad Cali Samantar  oo ahaa Wasiirka Gaashandhigga iyo Taliyaha Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyo:

Laba. Sarreye Guud Axmad Sulaymaan Cabdalle, oo ahaa Taliyaha Ciidammada Nabadsugidda dalka. Labadooduna waxay yiraahdeen:

“Ma qadiyadeenna ayaan Fahd u dhiibanaynnaa? Maya oo yeeli maynno!!” Waa intaas warka C.J. Barre, Allaha u naxariistee. Dad kaloo warkaas oo kale ka maqlay waan arkay.

 

Dagaalka Soomaaliya iyo Amxaarada ee 1977-78 waxaa ku adkaatay Soomaaliya oo tagtay ilaa Addis Ababa dusheeda, amxaarana si xun ayaa loo jebiyay. Markaasaa waxaa usoo hiilliyay Amerika iyo  Ruushka, oo ay markaas ciidammadeennu Soomaaliya dib ugu soo noqdeen, siduu Marakaynku nagu yiri: “Ciidammadiinna kala baxa Ethiopia, haddii kale ciidammada Ethiopia ayaan dalkiinna soo gelinaynnaa” siduu ii sheegay danjiraha Soomaaliya ee Washiington ee waagaas.

 

Haddaad danaynaysid dagaalkaas, waxaad warbixin kooban oo aan anigu dhigay ka heleysaa:

http://siirah.com/kutub/Soomaalida.pdf

Hashu maankaygay gaddaye ma masaar bey leqday?

 

Wixii aan dagaal ku waynnay oo intaasoo Soomaali ah ay ku shaiidday, intaasoo maal ah la geliyay mid dawladeed iyo mid dadwaynaba, haddaan lacag uu Sucuudigu bixiyo ku heleynno maxay tahay xikmada ka dambaysa inay labadaan nin oo dalka xukuma diidaan? Hashu maankaygey gaddaye ma masaar bey leqday?

 

Deeqsinnimada dawladda Sucuudiga sanooyin badan ayay Soomaaliya kusoo noolaatay, waana ku mahadsan yihiin. Intuu dagaalka Soomaaliya iyo Ethiopia 1977-78 socdayna Boqortooyada Sucuudigu way na gacan qabatay, waxna na tartay. Boqollaalo kun oo Soomaali ah ayaa Sucuudiga ka shaqaysta oo dadkooda iyo dalkoodaba wax ku tara, taasna dawladda Sucuudigu way ku mahad san tahay, Soomaaliduna way u aqoon san tahay.

Waa anigoo ku dhex jira saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugnaa deegaanka “Xaya Suuufto” oo magaalada Nagayle u jirta shan iyo labaatan kiiloomitir. Waxaan raggaan magacdooda ka xusuustaa saaxiibkay Col. Saleeban Colujoog oo ah ninka dheer oo ah ninka labaad marka bidix laga soo bilaabo. Ninka ka dambeeya oo koofida cad qabana iyo ookiyaalaha anigaan wada soconnay oo aan Wakaaladda Hormarinta Xoolaha ka wada shaqaynaynay. Ciidammadaan waxaa u taliye ahaa Colonel Cabdu Allaahi Yuusuf ,kaadibna madaxwaynaha Soomaaliya noqday. Xasanwali labaatanka Jannaayo kun sagaal boqol sided iyo toddobaatanka (20/01/1978).

Deegaanka “Fiilto” oo ka tirsan gobolka Sidaamo. Anigoo la jooga saraakiil iyo askat ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xasanwali labaatanka bisha Jannaayo kun sagaal boqol sided iyo toddobaatanka (20/01/1978). Xasanwali 20/01/1978).

Anigoo jooga Jigjiga 18/10/1977. Ciidammada kama tirsanayn waxaase la igula taliye inaan isku ekeysiiyo nabadgelyadayda daraadeed. Xasanwali. 18/10/1977.

Jigjiga. Annagoo saran tanki laga qabsaday amxaarada. Ninka bidixdayda fadhiya waa saaxiibkay Cali bin Cali oo baabuurka noo waday. Xasanwali 18/10/1977.

Magaalada Jigjiga 1978. Xasanwali sideed iyo tobanka Oktoobar kun sagaal boqol toddoba iyo toddobaatnka. Xasanwali 18/10/1977. Waxaa Jigjiga ii diray Sarreeye Gaas Xuseen Kulmiye Afrax, madaxwayne ku xigeenka  Soomaaliya Allaha Deeqsiga ah ha u naxariistee oo ahaa nin fiican oo Soomaali ah oo wadani ah oo xumaan oo idil ka fogaa, si aan usoo fiiriyo mashruuc xoolaad  iyo macmalkiisa oo Jigjiga ku yiillay. Markaan maalintaas Hargaysa ka baxnay oo aan Jigjiga u soconno ayaaan Radio Muqdisho ka dhagaysannay inuu Madaxwane Maxammad Siyaad Barre Allaha u naxariistee uu Safaaradda Ruush-ka iyo shaqaaleheeda ku amray inay Soomaaliya degdeg uga baxaan. Xasanwali. 18/10/1977.

Jigjiga. Waxaan joognaa meel saanadda lagu kaydiyo oo ku taalla Xerada Militari oo ay Amxaaradu lahayd magaceeduna ahaa “Garab Case”. Xasanwali. 18/10/1977.

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\

Khamiis 8 Muxarramمحرم\ 1439 Hijriiهجري\, una dhiganta 28 Septembar 2017.

 

 

SHARE