Gumaadka Iiraan ee Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج


بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله، والثناء لله، وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد وعلى آله وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد

Gumaadka Iiraan
ee
Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج

Markay taariikhdu ahayd 28 Disembar 2017 waxaa magaalada Marshad ee arliga Iiraan ka bilowday mudaaharaad dhan ka ah dawladda dhexe ee ka dhisan Dhahraan, ilaa maantana (1/1/2018) socda. Sidaasoo kale ayayna Soomaaliya uga bilowdeen 1990, ayna bilowday qolo la oran jiray “Manifesto” oo ay dawladda talyaanigu abuurtay oo ayagaas midiidin u ahayd. Waxay dhaqdhaqaaqooda wadeen ilaa ay Dawladda Madaxwene Maxammad Siyaad Barre, Allaha u naxariistee ka dhacday isaguna uu dalka isaga baxay.

Sidaasay ahay ilaa ay mudaharaadku ka ridaan dawladda Cali Cabdu Allaahi Saalex ee dalka Yaman ka ridaan. Sidoo kale ayay ahayd Liibiya ilaa ay Mucammar Qadaafi ka ridaan oo ay ka dilaan.

Sidaasoo kale ay Masar ka sameeyeen Ikhwaano Al Muslimiina ilaa ay Xusni Mubaarak ka ridaan oo ay xabbisaan, ayna ikhwaan madaxwenennimo u doortaan: Maxammad Mursi.

Sidaasay ku bilaabatay dhibaatada ka jirta Suuriyah, oo wali socota, inkastoo dhibkii badnaa uu dhaafay ayadoo Ilaahay Ruushka ku gargaaray.

Tunis sidoo kale, Ilaahayna inteeda xun waa ka rogay.

Ukrain sidaasoo kale ayaa dawladdi shacbugiisu doortay mudaharaad lagu riday, lana sheegay inay dawladda Maraykanku konton doollaar siin jirtay qof kastoo mudaaharaadkaas ka qayb galay.

Mudaaharaadyadaas oo idil waxaa ka dambaysa dawladda Maraykanka iyo xulafadooda reer galbeed, waxa tan iyo hadda lagu laayayna waa Carab. Inta badan oo Carab la laayayna waxaa laayay rag Carab ah oo calooshood u shaqaystayaal ah oo lacag lagu siiyay inay laayaan.

Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam in ka badan kun iyo afar boqol oo sano ka hor ayuu noo sii sheegay inay sidaas ahaan doonto: bal akhri inta hoos ku qoran.

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxu yiri:
“Weydiintooda xagga ninka arliga qorrax kasoo bixiisa iyo qorrax u dhiciisaba u kala safrayna, waxaa kasoo degay Aayadaha saddex iyo sideetan ilaa sagaal iyo sagaashan ee isla Suuratu Al Kahfiسورة الكهف\:

وَيَسْأَلُونَكَ عَنْ ذِي الْقَرْنَيْنِ قُلْ سَأَتْلُو عَلَيْكُمْ مِنْهُ ذِكْرًا (83) إِنَّا مَكَّنَّا لَهُ فِي الْأَرْضِ وَآَتَيْنَاهُ مِنْ كُلِّ شَيْءٍ سَبَبًا (84) فَأَتْبَعَ سَبَبًا (85) حَتَّى إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِي عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِنْدَهَا قَوْمًا قُلْنَا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِمَّا أَنْ تُعَذِّبَ وَإِمَّا أَنْ تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا (86) قَالَ أَمَّا مَنْ ظَلَمَ فَسَوْفَ نُعَذِّبُهُ ثُمَّ يُرَدُّ إِلَى رَبِّهِ فَيُعَذِّبُهُ عَذَابًا نُكْرًا (87) وَأَمَّا مَنْ آَمَنَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَلَهُ جَزَاءً الْحُسْنَى وَسَنَقُولُ لَهُ مِنْ أَمْرِنَا يُسْرًا (88) ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا (89) حَتَّى إِذَا بَلَغَ مَطْلِعَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَطْلُعُ عَلَى قَوْمٍ لَمْ نَجْعَلْ لَهُمْ مِنْ دُونِهَا سِتْرًا (90) كَذَلِكَ وَقَدْ أَحَطْنَا بِمَا لَدَيْهِ خُبْرًا (91) ثُمَّ أَتْبَعَ سَبَبًا (92) حَتَّى إِذَا بَلَغَ بَيْنَ السَّدَّيْنِ وَجَدَ مِنْ دُونِهِمَا قَوْمًا لَا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا (93) قَالُوا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَى أَنْ تَجْعَلَ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ سَدًّا (94) قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيْرٌ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا (95) آَتُونِي زُبَرَ الْحَدِيدِ حَتَّى إِذَا سَاوَى بَيْنَ الصَّدَفَيْنِ قَالَ انْفُخُوا حَتَّى إِذَا جَعَلَهُ نَارًا قَالَ آَتُونِي أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًا (96) فَمَا اسْطَاعُوا أَنْ يَظْهَرُوهُ وَمَا اسْتَطَاعُوا لَهُ نَقْبًا (97) قَالَ هَذَا رَحْمَةٌ مِنْ رَبِّي فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ رَبِّي جَعَلَهُ دَكَّاءَ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّي حَقًّا (98) وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِي بَعْضٍ وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَجَمَعْنَاهُمْ جَمْعًا (99)
Aayadaha macnohoodu waxaa weeye:

“Waxay kaa warsanayaan xagga Thuu Al Qarnayniذوالقرنين\: waxaad ku tiraahdaa waxaan wax idiinka akhriyayaa warkiisa. Culummadu ninkaas rag kala duwan ay ku sheegeen, uuna ka mid yahay Al Iskandar bin Filipisالأسكندر بن فلبس\ oo ahaa boqorka griigga, aasaasayna magaalada Al Iskandariyyahالأسكندرية\ ee arliga Masarمصر\. Mase ahayn isaga, oo isagu gaal ayuu ahaa, Thuu Al Qarnaynnaذوالقرنين muslim.
Qisada Al Iskandarnaالأسكندر\ waxaan uga soo hadalnay kitaabkeenna Haashimهاشم\, oo ah kan saddexaad e taxanahaan(83)Waxaan u sahalnay ku safarka arliga, waxaanna u sakhirnay wadooyinkeeda, siinnayna wuxuu ugu baahnaa isaga gooshiddeeda iyo xukunkeeda xagga cilmi iyo cududba(84)Wuxuuna raacay dariiq(85)Markuuna gaaray qorrax u dhaca wuxuu arkay inay ku dhacayso il dhoobo madow ah, wuxuuna ka helay agteeda dad. Waxaan niri:
“Thaa Al Qarnaynowيا ذوالقرنين\! Waa inaad dishaa oo laysaa, hadday islaamka soo geli waayaan, ama aad u sama fashaa, oo aad cafisaa oo intaad qafaasho aad hanuunka bartaa. Ilaahay isaguu labadaas tuu falayo kala doorsiiyey(86)Wuxuu Thuu Al Qamayn ذوالقرنين dadkii ku yiri:
“Qofka dulmi fala oo gaalooba waan dilaynaa, kaddibna waxaa loo celinayaa xagga Rabbigiis Maalinta Qiyaame, markaasaa cathaab adag oo naarta ah lagu cathaabayaa(87)Qofkiise rumeeya camal suubanna sameeya wuxuu leeyahay abaalmarinta fiican ee Jannada, annaguna waxaan kula dhaqmeynnaa si sahlan oo fudud(88)Kaddibna wuxuu raacay dariiq(89)Markuu gaaray qorrax kasoo baxna wuxuu arkay ayadoo kusoo baxaysa dad aan lahayn xijaab qorraxda ka celiya, oo geed iyo guri iyo buur qorraxda ka astura midna ma ayan lahayn(90)Sidaas uu dadka qorrax u dhaca ku nool u xukumay ayuu kuwaan qorrax kasoo baxa degganna u xukumay, xogogaaalimo ayaanna ku koobnay inta la socota iyo waxa uu haysto ee askar iyo cudud iyo hub ahba, oo cilmi ayaan u leenahay(91 )Kaddibna dariiq ayuu raacay(92).”

Darbiga celinaya Ya’juuj iyo Ma’juujردم يأجوج و مأجوج\

“Markuu gaaray labada buurood dhexdoodana wuxuu ka helay dhexdooda dad aan afkooda mooye af kale garanayn(93)Waxay yiraahdeen: “Thaa Al Qarnaynow ذوالقرنين! Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج و مأجوج arligay fasaadinayaan, ee annaga iyo ayaga dhexdeenna darbi na kala dhig waxaan ku siineynnaa ijaare”.
Waxaa la sheegay inuu turjumaan afkooda yaqaan watay(94)Wuxuu yiri:
“Wuxuu Rabbigay i siiyey ayaa ka khayr badan ijaarkaad leedihiin waa ku siineynna. Malkiinna dooni mayee waxaad igu taageertaan xooggiinna, markaasaan ayaga iyo adinka darbi idin kala astura ka dhisayaaye(95)”ii keena cadad bir ah” oo markaasuu cadadkaas is kor kor saaray ilaa uu ka buuxiyay jiirta labada buurood u dhexeysa oo uu ku awday, uuna qoryo iyo dhuxul kala dhex geliyay. “Markay birtaasi labad daraf ee labad buurood simmeen ayuu dab ku shiday wuxuuna ku yiri:
“Afuufa.”
Markaasuu markuu dab ka yeelay oo uu dabku is qabsaday ayuu wuxuu yiri:
“Ii keena nuxaas, oo ah maar la dhalaaliyey, aan ku kor shubee.” Oo sidaasuu dabkuna qorigii iyo dhuxushii u cunay, markuu qorigu dhammaadayna ay birta iyo nuxaastu isku shiilmeen oo isku dhegeen. Darbigaas waxaa la yiri inuu ballaciisuna ahaa konton diraac, taaggiisuna laba boqol oo diraac dhererkiisuna hal farsakh(96)Wayna kari waayeen (Ja’juuj iyo Ma’juuj يأجوج و مأجوج) inay xireenkaas kasoo kor baxaan, mana karayaan inay duleeliyaan(97)Wuxuu yiri:
“Kani waa raxmada Rabbigay, markuu yimaadana yabooha Rabbigay, wuxuu ka yeelayaa xireenkaan burbur, yabooha Rabbigayna waa run”.
Yaboohaasu waa ama Maalinta Qiyaame, ama markay Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج و مأجوج soo baxayaan(98)”Waxaanna ka yeeli qaarkood maalintaas kuwa qaarka kale dhex gala”, oo Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج و مأجوج ayaa qaarkood qaarka kale dhex gelayaa(99)”

Ibnu tsxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:
“Khabarka Thuu Al Qarnaynذوالقرنين\ waxaa ka mid ah in la siiyey waxaan axad ghayrkiis ah la siin, ayadoo asbaabta wax lagu helo loo fidiyey oo loo badiyey, ilaa uuba ka tegey dalalka arliga barigiisa iyo galbeedkiisaba ku yaalla iyo inta u dhexeysaba, oo dal kasta oo uu maraba xukumayo, ilaa uu ka tegey qorrax kasoo baxa iyo qorrax u dhaca aan khalqi kasii dambeeyaa uusan jirin.”

Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan wuxuu yiri:
Warkaan soo socda oo ku saabsan Ya’juuj iyo Ma’juuj يأجوج و مأجوج, oo soomaalidu tiraahdo Juuj iyo Maajuuj waxaan kasoo qaadannay kitaabkayga “Taariikhda Soomaalida iyo Soomaaliya.”

Sida ummadda Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam loo gumaadayo

Thawbaanثوبان\ waxaa wariyay inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam yiri:
7496 – (م د ت ) ثوبان – رضي الله عنه- : أنَّ رسول الله -صلى الله عليه وسلم- قال : «إنَّما أخاف على أُمَّتي الأئمةَ المضِلِّين ، فإذا وُضِعَ السيفُ في أُمتى ، لم يُرفَع عنها إلى يوم القيامة ، ولا تقوم الساعة حتى تلتحق قبائلُ من أمتى بالمشركين ، وحتى تعبد قبائلُ من أُمتي الأوثان ، وانَّه يكون في أمتى ثلاثون-[37]- كذَّابون ، كُلُّهم يزعم إنه نبيّ ، وأنا خاتَم النبيين ، ولا نبيَّ بعدي ، ولا تزال طائفة من أمتي على الحق ، لا يضرُّهم مَنْ خالفهم حتى يأتيَ أمر الله» قال علي بن المديني : هم أصحاب الحديث.
هذا الحديث أورده رزين هكذا ، وأخرج مسلم بعضه ، وهو مذكور في «فضائل الأمة» من كتاب الفضائل.
وأخرجه أبو داود في جملة حديث وهو مذكور في المعجزات من «كتاب النبوة» من حرف النون ، وأخرجه الترمذي مفرَّقا في ثلاثة مواضع.

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

”Waxaan ummaddeyda ugu baqayaa imaamyo, waa madaxweynayaale, dadka baadiyeysa. Marka, haddii ummaddeyda in la dilo lagu bilaabo, seefta (waa hubka wax lagu diloo idil, sida qoriga, madfaca, dayuurad, iwm.) laga dul qaadi mayo oo dilkoodu wuu soconayaa ilaa maalinta qiyaame. Saacadda qiyaamena dhici mayso jeer ay qabaa’il ummaddeyda ka mid ihi ay gaalada raacaan, iyo jeer ay qabaa’il ummaddeyda ka mid ihi ay asnaamta caabudaan. Ummaddeydaydana waxaa ka mid ahaan doona soddon beenlow oo kulligood ku andacoonaya inay Nabi yahay, anigaana Anbiyada gunaanaday oo kooda ugu dambeeya ah, Nabi aniga iga dambeeyana ma jiro. Waxaa jiri doonta qayb ummaddeyda ka mid oo mar walba xaqqa ku taagan, kuwaaso ayan dhibeyn in la khilaafo iyo kuwa khilaafa toona, oo sidaas ahaanaya ilaa uu amarka Ilaahay ka yimaado.”
Calii bin Al Madiiniiعلي المدني\ wuxuu yiri: ”ragga wariyay waa ragga dadka Xadiithka yaqaanna oo ka shaqeeya.”
Xadiithka waxaa wariyay Imaam Muslimمسلم\, Abuu Daauudأبو داود\ iyo Al Tirmithiiالترمذي.

Furashada boqortooyada roomaanka iyo boqortooyada Faaris/iiraanفارس\

Sanooyin yar gudohooda ayay msulimiintu waxay ku furteen labada boqortooyo oo adduunka ugu xoog badnaa oo kala ah boqortooyada roomaanka iyo boqortooyada faaris/iiraan. Intooda badanna waxaa furtay Abuu Bakar Al Ssiddiiquأبوبكر الصديق\ iyo Cumar Al Faaruuqعمر الفاروق\ Allaha labadoodaba raalli ka noqdee, qiyaas toban sano gudohooda, ayna arligay degganaayeen ka furteen oo kala wareegeen oo ay carb dejiyeen ingiriiska, fransiiska, irishka, jarmanka qaarkiis, sbaanishka iyo kuwo kaleba, sidaan kitaabkaan (Taariikhda Soomaalida iyo Soomaaliya) ku arki doonno inshaa’a Allaahuإن شاء الله\.

Imaam Muslimمسلم\ wuxuu saxiixiisa ku wariyay kitaabka ”Al Fitanu wa ashraadhu al ssaacati” كتاب الفتن واشراط الساعة Xadiithkaan:

حدثنا قتيبة بن سعيد حدثنا جرير بن عبد الملك بن عمير عن جابر بن سمرة عن نافع بن عتبة قال: “كنا مع رسول الله صلى الله عليه وسلم في غزوة قال فأتى النبي صلى الله عليه وسلم قوم من قبل المغرب عليهم ثياب الصوف فوافقوه عند أكمة فإنهم لقيام ورسول الله صلى الله عليه وسلم قاعد”. قال: “فقالت نفسي أتيهم فقم بينهم وبينه لا يغتالونه.” قال: “ثم قلت لعله نجي معهم.” فأتيتهم فقمت بينهم وبينه.” قال: “فحفظت منه أربع كلمات أعدهن في يدي، قال:

“تغزون جزيرة العرب فيفتحها الله، ثم فارس فيفتحها الله، ثم تغزون الروم فيفتحها الله، ثم تغزون الدجال فيفتحه الله.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

”Waxaa noo warramay Qutaybah bin Saciid قتيبة بن سعيد oo ka wariyay Jariir bin Cabdu Al Malik bin Cumayr جرير بن عبد الملك بن عمير oo ka wariyay Jaabir bin Samurah جابر بن سمرة oo ka wariyay Naafic bin Cutbah نافع بن عتبة oo yiri:
”waxaan la soconnay Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam oo duullaan ku jira. Markaasaa waxaa Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uga yimid xagga qorrax u dhac rag dhar suuf ah xiran, waxayna ku haleeleen meel taag ah, oo ayaguna waa taagan yihiin, Rasuulka Ilaahayna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Salllam wuu fadhiyaa.”
Wuxuu yiri:
”markaasay nafteydu waxay i tiri:
”u tag oo ayaga iyo isaga dhexdooda istaag si ayan u dilin.”
Wuxuu yiri: ”hadana waxaan is iri:
”waxaa dhici karta inuu la faqayo.”
Markaasaan u imid oo ayaga iyo isaga dhexdooda istaagay.”
Wuxuu yiri: ”waxaan ka bartay oo ka xafiday afar eray oo aan gacanteyda ku tirinayo oo wuxuu yiri:
”waxaad ku duuleysaan jaziiradda carabta oo uu markaas Ilaahay idiin furayaa. Kaddib waxaad ku duuleysaan Faarisفارس\, oo iiraan ah, markaasuu Ilaahay idiin furayaa; kaddib waxaad ku duuleysaan roomaanka oo markaasuu Ilaahay idiin furayaa; kaddibna waxaad ku duuleysaan dajjaalka oo uu markaas Ilaahay idiin furayaa.”

Al Nawawiiالنووي\ wuxuu yiri: ”Xadiithkaan waxaa ku sugan mucjizooyin Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.”

Khabbaab bin Al Arattخباب بن الأرت\ wuxuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayaa salaad tukaday oo ku dheeraaday. Markaasey waxay yiraahdeen:
“Rasuulka Ilaahayow, ma waxaad tukatay salaad aadan tukan jirin?” Wuxuu yiri:

“أجل! إنها صلآت رغبة ورهبة. إني سألت الله عز وجل فيها ثللاثا, فأعطاني إثنتين ومنعني واحدة. سألته أن لايهلك أمتي بسنت فأعطانيها, وسألته أن لا يسلط عليهم عدو من غيرهم, فأعطانيها. وسألته أن لا يذيق بعضهم بأس بعض فمنعنيها.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Haa, waana salaad wax ku doonid iyo cabsiba. Ilaahay, Cazza wa Jalla, waxaan dhexdeeda ku weydiistay saddex arrimood, markaasuu labana i siiyey, midna iga reebay. Waxaan weydiistay inuusan ummaddeyda abaar guud oo wada saameysa ku halaagin, wuuna i siiyey oo iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan ummaaddeyda cadaw aaan ayaga ahayn uusan ku sallidin, waana iga yeelay. Waxaan kaloo weydiistay inuusan qaarkood qaarka kale la dagaallamin oo ay xarbigooda iyo xooggooda dhedhensiiyaan, waana iga reebay.”
Lafdiga Muslim waa sidatan:

(ان الله قد زوى لى الأرض فرأيت مشارقها ومغاربها وان أمتى سيبلغ ملكها مازوى لى منها وأعطيت الكنزين الأحمر والأبيض ) أما زوى فمعناه جمع وهذا الحديث فيه معجزات ظاهرة وقد وقعت كلها بحمد الله كما أخبر به صلى الله عليه و سلم قال العلماء المراد بالكنزين الذهب والفضة والمراد كنزى كسرى وقيصر ملكى العراق الشام فيه اشارة إلى أن ملك هذه الأمة يكون معظم امتداده فى جهتى المشرق والمغرب وهكذا وقع وأما فى جهتى الجنوب والشمال فقليل بالنسبة إلى المشرق والمغرب وصلوات الله وسلامه على رسوله الصادق الذى لاينطق عن الهوى ان هو الاوحى يوحى قوله صلى الله عليه و سلم (- (أن لا يسلط عليهم عدو من غيرهم) – فيستبيح بيضتهم ) أى جماعتهم وأصلهم والبيضه أيضا العزو الملك قوله ( سبحانه وتعالى وانى قد أعطيتك لأمتك أن لاأهلكهم بسنة عامة ) أى لاأهلكهم بقحط يعمهم بل ان وقع قحط فيكون فى ناحية يسيرة بالنسبة إلى باقى بلاد الاسلام فلله الحمد والشكر على جميع نعمه [ 2890 ] قوله صلى الله عليه و سلم ( سألت ربى ثلاثا فأعطانى اثنتين إلى آخره ) هذا أيضا من المعجزات الظاهرة

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ilaahay wuxuu ii kulmiyay oo aan wada arkay, waxaanna arkay qorrax kasoo bexeeda iyo qorrax u dheceedaba. Boqortooyada ummaddeyduna waxay hananeysaa intaas la ii kulmiyay oo aan arkay. Waxaanna la i siiyay labada kanzi ee kala ah kan guduudan iyo midka cadba.”

Imaam Al Nawawiiالأمام النووي\ wuxuu yiri:
“Xadiithkaan waxaa ku sugan mucjizooyin muuqda oo cadcad, Ilaahay xamdigiisana dhammaan waa wada dhaceen siduu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u sheegay. Culummaduna waxay yiraahdeen inay labada kanzi yihiin waa dahabka iyo qalinka Kisraa كسرى\ boqorka iiraan iyo kanziga Qaysarقيصر boqorka roomaanka, labada boqor oo kala xukumay Ciraaqعراق\ iyo Shaamالشام\.
Waxaana Xadiithka ku sugan tilmaan inay boqortooyada islaamku u fideyso xagga qorrax kasoo bax iyo xagga qorrax u dhac, sidaas ayayna noqotay. Xagga waqooyiga iyo koofurtana u fididdu way yartahay marka la barbar dhigo xagga qorrax kasoo bax iyo qorrax u dhac ee Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam midka runlowga ah oo aan hawo ka hadlin ee waa Waxyi loo Waxyoodo.” Waa intaas warka Al Nawawiiالنووي\.

Duullaanka Al Axzaabغزوة الأحزاب\: Salmaanسلمان\ iyo dhagaxa

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:
“Salmaan Al Faarisiiسلمان الفرسي\ wuxuu yiri:
“Waxaan wax ka qodayay dhufayska meel ka mid ah. Markaasaa waxaa i celiyay oo aan kari waayey dhagax weyn, ayadoo uu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ii dhow yahay. Markaasuu markuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam arkay inaan faas la dhacayo iyo siduu dhagaxu iigu adkaaday, ayuu dhufayska kusoo degay oo soo galay oo uu faaska gacantayda ka qaatay, oo uu mar ku dhuftay. Markaasaa faaska hoostiisa waxaa kasoo baxday biriq. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar labaad ku dhuftay oo ay biriq labaad hoostiisa kasoo baxday. Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar saddexaad ku duftay oo ay hadana biriq kale kasoo baxday. Markaasaan waxaan iri:
“Rasuulka Ilaahayow, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, waxaan kugu furanayaa aabahay iyo hooyadadeeye, ee maxay tahay biriqdaan ka arkay faaska hoostiisa markaad ku dhufataba?” Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:

“أو قد رأيت يا سلمان؟”

oo macnihiisu yahay:
“Oo miyaad aragtay kaas Salmaanow يا سلمان?”
Waxaan iri:
“Haa.”
Wuxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam yiri:

“أما الاول فإن الله فتح علي بها اليمن. وأما الثانية فإن الله فتح علي بها الشام والمغرب. وأما الثالثة فإن الله فتح علي بها المشرق.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Tan koowaadna wuxuu Ilaahay iigu furay oo aan ka adkaaday oo muslin noqotay weeye, Yamanيمن\. Tan labaadna wuxuu Ilaahay iigu furay Shaamالشام\ iyo qorrax u dhac. Tan saddexaadna wuxuu Ilaahay iigu furay qorrax kasoo bax.”
Waana intay muslimiintu adduunkaan ka deggan yihiin maantadaan.

Al Suhayliiالسهيلي\ wuxuu yiri:
“Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu yiri:
“بسم الله!””Bismi Allaahi”. Markaasuu mar ku dhuftay oo dhagaxa daloolkiis jebiyay, wuxuuna yiri:

“الله أكبر! أعطيت مفاتح الشام. والله إني لأبصر قصورها الحمر من مكان هذا!”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Bismi Allaahi بسم الله. Allaahu Akbar الله أكبر!Waxaa la i siiyey furayaasha Shaamالشام\. Wa Allaahi والله waxaan uga jeedaa qusuurteeda, waa guryeheeda waaweyne, gudguduudan meeshaan.”
Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar labaad ku dhuftay, wuxuuna yiri: “بسم الله!””Bismi Allaahi”, oo uu dalool labaad dhagaxa ka jebiyay, uuna yiri:

“الله أكبر! أعطيت مفاتح فارس، والله إني لأبصر قصر المدائن الأبيض الأن.”

oo macnihiisu yahay:

“Bismi Allaahi بسم الله. Allaahu Akbaru الله أكبر. Waxaa la i siiyey furayaasha Faarisفارس\, waa Iiraane iyo inta ka dambeysa. Wa Allaahi والله waxaan haddeer u jeedaa qasriga cad, oo boqorkoodu degganaa, ee Al Madaa’in المدائن, oo ahayd caasimada boqortooyadaas, kuna tiillaay arliga Ciraaqعراق\.”

Markaasuu Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam mar saddexaad ku dhuftay, uuna yiri: “بسم الله!””Bismi Allaahi” oo uu dhagaxana wada jebiyay, uuna yiri:

“الله أكبر! أعطيت مفاتح اليمن. والله إني أبصر باب صنعاء من مكاني هذا الساعة!”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Bismi Allaahi بسم. Allaahu Akbaru الله. Waxaa la i siiyey furayaasha Yamanيمن\. Wa Allaahi والله waxaan uga jeedaa albaabka Sancaaصنعاء\ meesheydaan, saacaddaan.”

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق\ wuxuu yiri:
“Marka dalalkaas la furtay zamanka Cumarعمر\ iyo zamanka Cuthmaanعثمان\ iyo inta ka dambeyseyba, Abuu Hurayrahأبو هريرة\ wuxuu oran jiray:
“Waxaan doontaan furta, oo waxaan ku dhaartay Midka Abuu Hurayrah أبو هريرة\ naftiisu Gacantiisa ku jirto, magaalo kasta oo aad furataan iyo kuwa aad furan doontaanba ilaa maalintaqiyaame, furayaashooda Ilaahay hore ayuu u siiyey Subxaanahuسبحانه\ Muxammad محمد\, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, markaas horteed.”

Meeshuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, salaaddaas ku tukaday waa Masjidu Al Ijaabahمسجد الأجابة\, oo Masjidka Nabiga ee Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ shan boqol iyo saddex iyo sideetan mitir u jira. Xadiithka oo faahfaasanna waxaa wariyay Saxiix Muslimمسلم\, waana midka labo iyo kontonaad iyo laba kun iyo si deed boqol iyo sagaashanaad, wuxuuna ka wariyay Thawbaanثوبان\.

Khabaabخباب\ wuxuu kaddib degay Al Kuufahالكوفة\ ee dalka Ciraaqعراق\, ayaduuna ku dhintay oo lagu duugay isagoo saddex iyo todobaatan jir ah sanadka toddoba iyo soddon ee Hijrada, waxaana ku tukaday Calii bin Abii Dhaalibعلي بن أبي طالب\, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Da’ daas ka duwan iyo sanad taas ka duwanoo kalena waa la sheegay.
Masjidkaan anigo dhawr goor ayaan ku tukaday wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiinaوالحمد لله رب العالمين\.

Al Sayuudhiiالسيوطي\ iyo Dr. Muxammad Cabdu Al Wahhaab Fadl د\محمد عبد الوهاب فضل\

Kitaabka la yiraahdo رفع شأن الحبشان Rafcu sha’ni al xubshaani waxaa allifay Al Imaamu al xaafitu Jalaalu Al ddiini Cabdu Al Rrraxmaanu Al Ssayuudhiiالأمام الحافظ جلال الدين عبد الرحمن السيوطي\ (oo dhintay sanadka sagaal boqol iyo kow iyo toban ee Hijrada), ahna mid ka mid ah labada Jalaalu Al Ddiiniجلال الدين\ oo alliftay kitaabka tafsiirka ee Tafsiiru Al Jalaalayniتفسير الجلالين\. Kitaabkaanna waxaa lagu daabacay Masar sanadka kun afar boqol iyo kow iyo toban, una dhiganta kun iyo sagaal boqol kow iyo sagaashan miilaadiga ah, waxaana sharxay Al Doktoor Muxammad Cabdu Al Wahhaab Fadlد\محمد عبد الوهاب فضل\ oo kaaliye macallin ku ah taariikhda islaamka ee Kulliyada afka Carabiga ee Al Qaahirah ee Jaamacada Al Azharجامعة الأزهر\.
Al Sayuudhii السيوطي\ wuxuu bogga kow iyo lixdanaad Samurah bin Jundubسمرة بن جندب\ ka wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

“سام أبو العرب ويافث أبو الروم وحام أبو الحبشة.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Saamسام\ (waa ina Nabi Nuuxنوح\) waa aabaha dhalay Carabta, Yaafithيافث\ (ina Nabi Nuuxنوح) waa aabaha dhalay roomaanka, Xaamnaحام\ (ina Nabi Nuuxنوح\) waa aabaha dhalay xabshada (oo ah dadka madow oo dhan, ayagoo dhammantood isaga ku abtirsada).”

Waxaa wariyay Al Tarmathiiالترمذي\, yirina waa Xadiith Xasanحديث حسن\ Waxaa kaloo wariyay Ibnu Sacadإبن سعد\, ibnu Kathiirإبن كثير\ oo Al Bidaayah iyo Nihaayahالبداية والنهاية\ ku wariyay, iyo Imaam Axmadالإمام أحمد\ iyo Al Dhabariiالكبري\ iyo kuwo kaleba.

Al Sayuudhiiالسيوطي\ wuxuu kaloo bogga afar iyo lixnadaad ee isla kitaabkiisaas Abuu Hurayrahأبو هريرة\ uga wariyay inuu Rasuulka Ilaahay, Salla Allaahu Calayhi Wasallam, yiri:

“ولد نوح سام وحام ويافث. فولد سام العرب وفارس والروم والخير فيهم. وولد يافث يأجوج ومأجوج والترك والصقالبة ولاخير فيهم. وولد لحام القبط والبربر والسودان.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Nuuxنوح\ wuxuu dhalay Saamسام\ iyo Xaamحام\ iyo Yaafithيافث\.
Markaasuu Saam سام\ wuxuu dhalay Carabta iyo Faarisفارس\ (oo ah iiraaniyiinta) iyo Roomaankaالروم\, khayrkuna ayaguu ku jiraa.
Yaafithnaيافث\ wuxuu dhalay Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج\ iyo Turkiga iyo Al Saqaalibah السقالبة\, khayrma ma laha. (Al Saqaalibag waa ummadaha afka ingiriiska lagu yiraahdo Slavs, ayna ka mid yihiin ruushka, Serbia, Bulgaria, Georgia, Ukrain, et coo dhammaantood yurubta bari dega)
Xaamna حام\ waxaa loo dhalay Al Qibdhuالقبط\ (oo Masarمصر\ degah) iyo Barbartaالبربر\ iyo dadka madow.”
Xadiithka waxaa kaloo uu Ibnu Xajar Al Casqalaaniiإبن حجر العسقلاني\ ku wariyay Fatxu Al Baariiفتح الباري\, kaddibna ku daray oo yiri: “silsiladdiisana taag darro ayaa ku sugan.”
Waxaa kaloo wariyay ibnu Kathiirإبن كثير\ (Al Bidaayah wa al Nihaayahالبداية والنهاية\).

Al Mascuudiiالمسعودي\ wuxuu Muruuju Al Th-thahabiمروج الذهب\ ku sheegay inayan dadka wax baara isku khilaafsanyan inuu Yaafith ina Nuuxيافث بن نوح\ yahay kan ugu yar ee wiilasha Nuuxنوح\, iyo inay dhashiisa ka mid yihiin Al Afranjahالأفرنجة\ (oo ah dadka Yurub degah qaarkood, goon ahaanna fransiiska oo dalka France dega) iyo al Saqaalibahالسقالبة\ iyo Al Nuukubardالنوكبرد| (oo ah qabiil jarman ah oo hadda deggan waqooyiga dalka talyaaniga gaar ahaan gobollada Lombardia iyo inta la xiriirta oo hadda doonaya inay dalka talyaaniga ka go’aan) iyo Al Ashbaanالأشبان\ iyo Ya’juuj iyo Ma’juujمأجوج ومأجوج\ iyo Turkiga iyo Al Khazar الخزر\ (oo ah dadka degah dhulka Bari iyo Waqooyi ka xigah dalka Turgiga oo buuraaleyda Al Qawqaazالقوقاز kasii dambeeya iyo Badda Caspian, ayna magaalo madax u ahaan jirtay Itiilإتيل\, lehna indhaha yar sida shiinaha, siduu Lisaanu Al Carab u yiri).

“Al Saqaalibahالسقالبة\ waa dhasha Maar bin Yaafith bin Nuuxمار بن يافث بن نوح\ isagayna ka farcameen dhammaan jinsiga Saqaalibada, waxayna degaan Al Judaaالجدا\ ilaa ay kala xiriiraan Al Maghribالمغرب\, waana jinsiyo kala duwan oo ay dagaallo dhex yaallaan, qaarkoodna ay Nasraaniyada ka diin yeeshaan, qaaraana ayan Kitaab lahayn.” (Muruuju Al Thahabمروج الذهب\ 2/32-34)”ز

Ibnu Kathiirإبن كثبر\ wuxuu Al Bidaayah wa Al Nihaayahالبداية والنهاية (2/110) ku yiri: “
Yaafithيافث\ ayaa dhalay Turkiga. Ya’juuj iyo Ma’juuj مأجوج ومأجوج\ waa qayb turkiga ka mid ah waana dadka la yiraahdo Maghuulالمغول\ (oo hadda la yiraahdo Mongol oo shiinaha la dariska ah, ama kaba tirsan). Turkigana waxaa magacoodaan ah turki loogu bixiyay ayadoo markuu Thuu Al Qarnaynذوالقرنين\ biyo xireenka dhisay, uuna Ya’juuj iyo M’ajuuj مأجوج ومأجوج uu gadaashiisa ku takooray waxaa ka hartay koox aan fasaadkooda oo kale gaarin, markaasay ka tageen, markaasaa turki lagu magacaabay, oo ah kuwa laga tegey.”

Quudh bin Xaamقوط بن حام\ wuxuu guursaday gabadha la yiraahdo Bukhtبخت\ uuna dhalay Bitaawiilبتوائيل\, markaasey waxay u dhashay wiil uu u bixiyay Qibdhقبط\, oo ay Masaaridu ka farcamdeen. Wiilka kale ee Xaamحام\, magaciisuna yahay Kancaanكنعان\ wuxuu guursaday Bukht ina Bitaawiilبخت بنت بتوائيل\ walaasheed magaceedu yahay Artiilأرتيل\, markaasey waxay u dhashay wiilasha ay dadka madow oo idil ku abtirsadaan, ayna ka mid yihiin Nuubahنوبة\ (oo ah aabaha dadka Suudaan degah oo Nuubiyiintaالنوبة\ la yiraahdo) iyo Fazaanفزان\.

Darbiga celinaya Ya’juuj iyo Ma’juuj

Quraanka Kariimka ah

حَتَّى إِذَا بَلَغَ بَيْنَ السَّدَّيْنِ وَجَدَ مِنْ دُونِهِمَا قَوْمًا لَا يَكَادُونَ يَفْقَهُونَ قَوْلًا (93) قَالُوا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِنَّ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مُفْسِدُونَ فِي الْأَرْضِ فَهَلْ نَجْعَلُ لَكَ خَرْجًا عَلَى أَنْ تَجْعَلَ بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمْ سَدًّا (94) قَالَ مَا مَكَّنِّي فِيهِ رَبِّي خَيْرٌ فَأَعِينُونِي بِقُوَّةٍ أَجْعَلْ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ رَدْمًا (95) آَتُونِي زُبَرَ الْحَدِيدِ حَتَّى إِذَا سَاوَى بَيْنَ الصَّدَفَيْنِ قَالَ انْفُخُوا حَتَّى إِذَا جَعَلَهُ نَارًا قَالَ آَتُونِي أُفْرِغْ عَلَيْهِ قِطْرًا (96) فَمَا اسْطَاعُوا أَنْ يَظْهَرُوهُ وَمَا اسْتَطَاعُوا لَهُ نَقْبًا (97) قَالَ هَذَا رَحْمَةٌ مِنْ رَبِّي فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ رَبِّي جَعَلَهُ دَكَّاءَ وَكَانَ وَعْدُ رَبِّي حَقًّا (98) وَتَرَكْنَا بَعْضَهُمْ يَوْمَئِذٍ يَمُوجُ فِي بَعْضٍ وَنُفِخَ فِي الصُّورِ فَجَمَعْنَاهُمْ جَمْعًا (99)

Aayadaha kpr ayaan kusoo fasirnay, wa al xamdu li Allaahi Rabbi al caalamiinaالحمد لله رب العالمين\.

Ilaahay Cazza wa Jallaعز وجل\ الله wuxuu kaloo Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج\ ku xusay Suuratu Al Anbiyaa’سورة الأنبياء, wuxuu yiri:

وَحَرَامٌ عَلَى قَرْيَةٍ أَهْلَكْنَاهَا أَنَّهُمْ لَا يَرْجِعُونَ (95) حَتَّى إِذَا فُتِحَتْ يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ وَهُمْ مِنْ كُلِّ حَدَبٍ يَنْسِلُونَ (96)

Waana labada Aayadood ee 95 iyo 96 ee Suuradda oo macnohoodu yahay:
“Waxaa ka xaaran ah dad magaalo aan halaagnay ku noolaa inay adduunkaan kusoo noqdaan(95)Jeer Ya’juuj iyo Ma’juuj يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ laga furo darbiga oo ay markaas buuro iyo meel kore oo kasta ayagoo degdegaya kasoo degaan: Al Naslaanuالنسلان\ waa socodka dhurwaaga markuu ordayo.(96).”

Askarta gaalada ee zamankaan waa ayaga dayuurado kasoo booda, bombooyinka iyo sawaariikh samada kasoo tuura, ayagoo degdegaya buuraha kasoo dega oo maadaama ay rararan yihiin, sidaan ku aragnay, ay sida dhurwaaga oo kale u degdegaan. Bogga internetka (www.armytimes.com) wuxuu wariyay inay, tusaale ahaan, askariga marayykanka oo ka dagaallamay Ciraaqعراق\ uu korkiisa ku siday culays ah toddobaatan ilaa sideetan rodol, lana mid ah laba iyo soddon ilaa lix iyo soddon kilogram, oo ay ku jiraan qorigiisa, saanaddiisa, cunnadiisa iyo bateriga raadiyiisa la iskula hadlo. Qofka intaasoo culaysa sida hadduu doono inuu ordo wuxuu ordaya sida dhurwaaga oo kale.

Futixatفتحت\ oo aan niri macneheedu waa la sii daayay, waxay ahaan kartaa in waxa laga sii daayay oo laga furay uu jahli, aqoon darro yahay iyo itaal darro. Markaas kaddibna uu Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ siiyay cilmi ay ku samaystaan hub iyo warshado ay markaas dagaal iyo fasaad adduunka ka buuxiyaan.

Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, sidaan hoos ku arki doonno, wuxuu sheegay inay farsamoyaqaanno yihiin oo ay sanaaco leeyihiin. Waxay sidaas ugu egtahay ayadoo uusan waayahaan dambe oo idil jirin darbi ama sad ama radmi ay ku xabbisan yihiin oo kaddibna laga soo furay.

Darbigaas run ahaantii waa jiray oo la dhisay oo Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ ayaaba Quraanka Kariimka ah noo sheegay, Nabiguna Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuxuu noo sheegay in habeenkaas isagoo naxsan Ummu Salamahأم سلمة\ la hadlay uu u sheegay in darbigaas intaasoo kale ay ka dalooshantay oo ka furantay. Taasuu Waxay ku jirtaa Suuratu Al Kahfiسورة الكهف\.

Aayaddaan korese ee Suuratu Al Anbiyaa’iسورة الأنبياء ka hadli meyso darbi ee waxay ka hadleysa Ya’juuj iyo Ma’juuj يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ laftooda waxayna leedahay:
“marka la furo ama la sii daayo Ya’juuj iyo Ma’juuj يَأْجُوجُ وَمَأْجُوجُ.”

Waxay u egtahay in laga furay wax ku xirnaa oo aan loo jeedin oo ka hor istaagnaa inay fasaadkaas adduunka ka buuxiyaan: waa xirnaan macnawi ah oo ahaan karta aqoon darro iyo tabar darro military iyo hub iyo dhaqaale iyo tiro yariba. Markay intaas isku heleenna waxay soo weerareen carabta.

Al Haythamiiالهيثمي\ wuxuuba Majmacu Al Zawaa’idi wa Manbacu Al Fawaa’idi مجمع الزوائد ومنبع الفوائد mujalladka toddobaad boggiisa laba boqol sagaal iyo sideetan Abuu Hurayrahأبو هريرة\ uga wariyay baabka باب أسرع الناس موتا oo ah “baabka kuwa dadka ugu hor dhimanaya” inuu yiri:
“Waxaa Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa sallam u yimid Sacadسعد\. Markaasuu markuu arkay ayuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:

“إن في وجه لخيرا”

oo macnihiisu yahay:

“Wajiga Sacad سعد\ khayrخير\ ayaa ku sugan”.

Wuxuu Sacad سعد\ yiri:
“Kisraaكسرى\ –waana boqorka iiraan- waa la dilay.”

Wuxuu yiri: “Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam wuxuu yiri:

“لعن الله كسرى! إن أول الناس هلاكا العرب ثم أهل فارس.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ilaahay Kisraaكسرى\ ha lacnado oo raxmadiisa ka fogeeyo! Dadka waxaa ugu hor le’anahaya carabta, kaddiba dadka faaris, oo iiraaniyiinta ah.”
Waxaana wariyay Imaam Axmadالأمام أحمد\ iyo Al Bazzaarالبزار\.

Waxaa jira isaguna Xadiith sheegaya in aakhiro zamanka ay muslimiintu Istanbuulإستنبول\, oo ku taalla dalka Turkiya, furan doonaan, laguna furan doono Takbiirالله أكبر\ iyo tahliilلاأله إلا الله\ iyo taxmiidالحمد لله\ oo ay sidaas darbiyadeedu kusoo hoobanayaan.
Waagaasna hubkaan casriga ahba ma jiro oo waxa lagu dagaallamo waa seefo iyo waran iyo fallaar iyo mindi.

Waxaan ognahay in Istanbuulإستنبول quruun ka hor la furtay. Marka muxuu Xadiithkaas noo sheegayaa? Waxaad mooddaa inay Istanbuul zamankaan aan hadda joogno mar kale u wareegi doonto krishtaanka yurub iyo NATO, oo markaas mar dambe la furan doono marka labaad. Soo ma aragno siday dawladda turkiya dadaal ugu jirto inay ku biirto EU yurubta midowday, yurbna ay maalin walba usoo jeedineyso inay sharci diinta islaamka ka mid ah tirtirto, dawladda turkiguna ka yeeleyso? Qisadaas hoos ayaan ku warin doonnaa inshaa’a Allaahuإن شاء الله\. Sido kale turkigu wuxuu ku jiraa oo xubin ka yahay NATO oo ah cadawga carabta iyo muslimiintaba.

Xadiithka furashada Istanbuulإستنبول waxaa weriyay Muslimمسلم\ oo ka wariyay Abuu Hurayrahأبو هريرة\, waana kanaa:

7875 – ( م ) أبو هريرة -رضي الله عنه – : أنَّ رسولَ الله -صلى الله عليه وسلم- قال : «سمعتم بمدينة ، جانبُ منها في البرِّ ، وجانبُ منها في البحر ؟ قالوا :-[381]- نعم يارسول الله ، قال: لاتقوم الساعة حتى يغزوها سبعون ألفا من بني إسحاق ، فإذا جاؤوها نزلوا ، فلم يقاتلوا بسلاح ، ولم يرموا بسهم ، قالوا : لا إله إلا الله ، و الله أكبر فيسقط أحدُ جانبيها – قال ثور بن يزيد : لاأعلمه إلا قال : الذي في البحر – ثم يقولون الثانية : لا إله إلا الله ، واللَّه أكبر ، فيسقط جانبها الآخر ، ثم يقولون [ الثالثة] : لا إله إلا الله ، واللَّه أكبر ، فيُفْرَّج فيدخلونها فيغنمون، فبينما هم يقتسمون المغانم ، إذا جاءهم الصريخ ، فقال : إنَّ الدجالَ قد خرج، فيتركون كلَّ شيء ويرجعون» أخرجه مسلم

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Ma maqasheen magaalo uu dhinac ka mid ahi ku yaallo barriga, dhinacna ku yaallo badda? Waxay yiraahdeen: “Haa Rasuulka Ilaahayow.” Wuxuu yiri: “Saacaddu istaagi mayso jeer ay toddobaatan kun oo ubadka Isxaaqبني إسحاق\ ka mid ahi magaaladaas ku duulaan. Markay yimaadaanna way degayaan, hubna ku dagaallami mayaan, fallaarna gani mayaan. Waxay leeyihiin “Laa ilaaha illaa Allaahu, iyo Allaahu Akbaruلا إله إلا الله والله أكبر\”. Markaasuu dhinac dinacyadeeda ka mid ah soo dhacayaa (waana darbiga ku wareegsan)”. Thawr bin Yaziidثور بن يزيد wuxuu yiri: “ma ogi waxaan ahayn inuu yiri: “dhanka badda xiga”. Markaasay mar labaad waxay leeyihiin “laa ilaaha illaa Allaahu iyo Allaahu Akbaru لا إله إلا الله والله أكبر\”.”, markaasuu dhankeeda labaad soo dhacaya. Markaasay hadana (marka saddexaad) waxay leeyihiin “laa ilaaha illaa Allaahu iyo Allaahu Akbaru لا إله إلا الله والله أكبر\”.”, markaasay furmeysa oo ay gelayaan, oo ghaniimeysanayaan. Ayagoo ghaniimada qaybsanaya ayaa waxaa soo gaaraya mid qaylinaya oo leh: “waxaa soo baxay dajjaalkaالدجال\.” Markaasay wax walba dhigayaan oo ka tegayaan oo ay noqonayaan.”

Sunnada Carfoonالسنة العطرة\

Kitaabka Fatxu Al Baarii bi Sharxi Saxiixi Al Bukhaariiفتح الباري بشرح صحيح البخاري, ibnu Xajar Al Casqalaaniiإبن حجر العسقلاني\, Allaha u naxariistee dambigiisana dhaafee, wuxuu ku sharxay Axaadiithta ku saabsan Juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج.
Axaadiithtu waxay qaarkood ku sugan y ihiin Kitaabu Axaadiithi Al Anbiyaa’iكتاب أحاديث الأنبياء\, ahna kitaabka lixdanaad, baabka toddobaad ee “Qisatu Ya’juuj wa Ma’juujقصة يأجوج ومأجوج\”; iyo Kitaabu Al Fitaniكتاب الفتن\ Baabka sided iyo labaatanaad Xadiithka toddoba kun boqol shan iyo soddon (7135). Waxaan halkaan kusoo guurinnay qaar ka mid Axaadiithtaas iyo qaar sharaxooda ka mid ah:
– حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ بُكَيْرٍ حَدَّثَنَا اللَّيْثُ عَنْ عُقَيْلٍ عَنْ ابْنِ شِهَابٍ عَنْ عُرْوَةَ بْنِ الزُّبَيْرِ أَنَّ زَيْنَبَ بِنْتَ أَبِي سَلَمَةَ حَدَّثَتْهُ عَنْ أُمِّ حَبِيبَةَ بِنْتِ أَبِي سُفْيَانَ عَنْ زَيْنَبَ بِنْتِ جَحْشٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُنَّ “أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ دَخَلَ عَلَيْهَا فَزِعًا يَقُولُ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَيْلٌ لِلْعَرَبِ مِنْ شَرٍّ قَدْ اقْتَرَبَ فُتِحَ الْيَوْمَ مِنْ رَدْمِ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مِثْلُ هَذِهِ وَحَلَّقَ بِإِصْبَعِهِ الإِبْهَامِ وَالَّتِي تَلِيهَا قَالَتْ زَيْنَبُ بِنْتُ جَحْشٍ فَقُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَنَهْلِكُ وَفِينَا الصَّالِحُونَ؟ قَالَ نَعَمْ إِذَا كَثُرَ الْخَبَثُ”.
[الحديث 3346 – أطرافه في: 3598، 7059، 7135]
– حَدَّثَنَا أَبُو الْيَمَانِ أَخْبَرَنَا شُعَيْبٌ عَنْ الزُّهْرِيِّ قَالَ حَدَّثَنِي عُرْوَةُ بْنُ الزُّبَيْرِ أَنَّ زَيْنَبَ بِنْتَ أَبِي سَلَمَةَ حَدَّثَتْهُ أَنَّ أُمَّ حَبِيبَةَ بِنْتَ أَبِي سُفْيَانَ حَدَّثَتْهَا عَنْ زَيْنَبَ بِنْتِ جَحْشٍ “أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ دَخَلَ عَلَيْهَا فَزِعًا يَقُولُ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَيْلٌ لِلْعَرَبِ مِنْ شَرٍّ قَدْ اقْتَرَبَ فُتِحَ الْيَوْمَ مِنْ رَدْمِ يَأْجُوجَ وَمأْجُوجَ مِثْلُ هَذَا وَحَلَّقَ بِإِصْبَعِهِ وَبِالَّتِي تَلِيهَا فَقَالَتْ زَيْنَبُ فَقُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَنَهْلِكُ وَفِينَا الصَّالِحُونَ قَالَ نَعَمْ إِذَا كَثُرَ الْخَبَثُ”.
28 – باب يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ
7135 – حَدَّثَنَا أَبُو الْيَمَانِ أَخْبَرَنَا شُعَيْبٌ عَنْ الزُّهْرِيِّ ح و حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ حَدَّثَنِي أَخِي عَنْ سُلَيْمَانَ عَنْ مُحَمَّدِ بْنِ أَبِي عَتِيقٍ عَنْ ابْنِ شِهَابٍ عَنْ عُرْوَةَ بْنِ الزُّبَيْرِ أَنَّ زَيْنَبَ بِنْتَ أَبِي سَلَمَةَ حَدَّثَتْهُ عَنْ أُمِّ حَبِيبَةَ بِنْتِ أَبِي سُفْيَانَ عَنْ زَيْنَبَ بِنْتِ جَحْشٍ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ دَخَلَ عَلَيْهَا يَوْمًا فَزِعًا يَقُولُ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ وَيْلٌ لِلْعَرَبِ مِنْ شَرٍّ قَدْ اقْتَرَبَ فُتِحَ الْيَوْمَ مِنْ رَدْمِ يَأْجُوجَ وَمَأْجُوجَ مِثْلُ هَذِهِ وَحَلَّقَ بِإِصْبَعَيْهِ الإِبْهَامِ وَالَّتِي تَلِيهَا قَالَتْ زَيْنَبُ بِنْتُ جَحْشٍ فَقُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَفَنَهْلِكُ وَفِينَا الصَّالِحُونَ قَالَ نَعَمْ إِذَا كَثُرَ الْخُبْثُ

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

Abuu Al Yamaaniأبو اليماني\ ayaa noo warramay oo yiri: “Shucaybشعيب\ wuxuu noo sheegay inuu Al Zuhriyyuالزهري\ wariyay inuu Curwah bin Al Zzubayrعروة بن الزبير\ wariyay inay Zaynab binta Abii Salamahزينب بنت أبي سلمة ugu warrantay inay Ummu Xabiibah binta Abii Sufyaanأم جبيبة بنت أبي سفيان\ uga warisay Zaynab binti Jaxshزينب بنت جحش\
“inuu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam gurigeeda ugu soo galay isagoo naxsan oo uu yiri: “Laa ilaaha illaa Allaahu لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ! Cathaabعذاب\ ayaa u sugnaatay Carabta ugana imaaneysa shar usoo dhowaatay, oo maanta radmigaردم\ (darbiga) Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج waxaa laga furay in intaas le’eg” markaasuu isagoo tilmaamaya intay le’egtahay inta darbigaas laga furay ayuu wuxuu isku qabtay oo dugaagad ka dhigay suulka iyo farta ku xigta. Waxay tiri: “Markaasay Zaynab binu Jaxsh زينب بنت جحش\ waxay tiri: waxaan iri:
“Rasuulka Ilaahayow ma waxaa nala halaagayaa ayaadoo ay nagu jiraan oo naga mid yihiin kuwa saalixiin ah oo suusuuban?”
Wuxuu yiri: “Haa, hadday xumaantu badato.”

Al Casqalaaniiالعسقلاني\ wuxuu yiri:
“Waxay u egtahay inay u garatay in furidda radmiga laga furay qadarka lasoo sheegay inuu amarkaasu socon doono oo daloolkaasu uu sii weynaan doono, uuna gaari doono heer u suurta geliya inay kasoo baxaan, waxayna u cilmi lahayd inuu soo baxoodaasu dadka halaag guud u keenayo.”

Ibnu Xajarإبن حجر\ wuxuu yiri:
“ويل للعرب من شر قد اقترب” wuxuu carabta gooni uga dhigay inay ayagu markaas ahaayeen inta u badan ee dadka islaamay. Muraadka shartuna waa wixii dhacay isaga dabadiis ee ahaa dilidda Cismaanعثمان\, oo ay markaas fitnadu is daba joogtay ilaa heer ay carabtu noqdeen sida saxan cunno ah oo kuwa cunayaa ka dhexeeya oo ay wada cunaan oo qaybsadaan, sida ku sugan Xadiithka kale

“يوشك أن تداعى عليكم الأمم كما تداعى الأكلة على قصعتها “

oo macnihiisu yahay:

“Mar dhow ummadaha ayaa isugu kiin tegayaa, oo qaarba qaar kale idiinku yeeranaya, sida kuwa wax cunaya ay isugu yeertaan oo u qaybsadaan saxankay cunnadu ku jirto, oo wada cunaan.”

Markaasna kuwa lala hadlayo waa carabta.” Xadiithkuna waa kanaa:

7481 – (د) ثوبان – رضي الله عنه – قال : قال رسول الله -صلى الله عليه وسلم- : «يوشكُ الأُمَمُ أنْ تَدَاعَى عليكم كما تَدَاعَى الأَكَلةُ إلى قَصْعَتها، فقال قائل : من قِلَّة نحن يومئذ ؟ قال : بل أنتم يومئذ كثير، ولكنَّكم غُثاء كَغُثَاءِ السَّيْلِ، ولَيَنْزِعَنَّ الله مِنْ صدور عدوِّكم المهابةَ منكم، وليقذفنَّ في قُلُوبكم الوَهْنَ، قيل : وما الوْهنُ يا رسول الله ؟ قال : حُبُّ الدُّنيا، وكراهيَةُ الموتِ» أخرجه أبو داود.

Xadiithkaan oo aan kasoo qaadannay جامع الأصول في أحاديث الرسول صلى الله عليه وعلى آله ةسلم Jaamicu Al Usuuli fii Axaadiithi Al Rrasuuli Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ee ibnu Al Athiirأبن الأثير\ macnihiisu waxaa weeye:

“Dhowaan ummadaha ayaa isugu kiin yeeraneysa siday kuwa doonaya inay wax cunaan xeerada cunnadu ku jirto isugu yeertaan oo kale, kuwa loo yeerayna ay yeelayaan oo imaanayaan oo ka qayb qaadanayaan.”
Markaasuu nin wuxuu yiri:
“ma waxay taasu u dhacaysaa tiro yaraan na haysa?”
Wuxuu yiri:
“Maya, oo adinku maalintaas waad badan tihiin, laakiin waxaad tihiin xaabo iyo xumbo la mid ah xaabada iyo xumbada biyaha socda kor heehaaba. Ilaahayna wuxuu ka siibaya laabaha cadawgiinna cabsida ay idinka qabaan, adinka quluubtiinnana wuxuu ku ridayaa tag darro.” Waxaa la yiri:
“Rasuulka Ilaahayow tag darraduna maxay tahay?”
Wuxuu yiri:
“waa jeceylka adduunka iyo kahashada dhimashada.”
Waxaa wariyay Abuu Daauudأبو داود, kana wariyay Thawbaan ثوبان Allaha raalli ka noqdee.

Soo waxaa manta socda ma aha oo NATO dalalka ku jira iyo yurub iyo japan iyo kuwo kaleba oo ay afrikaan ka mid yihiin carabta layntooda isugu yeeranayaan oo dalalka carabta intay qaybsadaan qoloba meel uga duuleyso?

Baabka Dhihidda Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam:

“ويل للعرب من شر قد اقترب”
Oo macneheedu yahay:

“Cathaabعذاب\ ayaa u sugnaatay Carabta ugana imaaneysa shar usoo dhowaatay”,
wuxuu carabta magacaabiddooda gooni ugu yeelay ayagoo ugu horreeyey wax islaamka gala, iyo digniin inay fitnooyinku markay dhacaan uu halaaggu ayaga ugu dheereynayo.”

Ibnu Xajarإبن حجر\ wuxuu yiri:
“ibnu Marduwayhإبن مردويه\ wuxuu Al Suddiyyuالسدي\ ka wariyay inuu yiri:
“Turkigu waa“sariyyahسرية\”, oo ah guuto uusan boqorkii la socon (haddaan ku qiyaasno siday sariyyahسرية u ahaan jirtay ciidankuu Rasuulka Ilaahay Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam diro isaguna uusan la socon, oo markuu la socdo waxaa duullaankaas la yiraahdaa Ghazwahغزوة\, taasoo ku tusaysa inuusan turkigu madaxda Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج\ ahayn ee lagu adeegto, sida hadaba ay NATO ayaga duullaanka carabta ugu dirto, siday Soomaaliya ugu soo direen iyo Libiya, iyo Siiriya iyo Ciraaq iyo kuwo kaleba: xasanwali), oo ka mid ah guutooyinka Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج oo duullaan ku maqnayd, markaasuu Thuu Al Qarnaynذوالقرنين\ yimid oo uu sadka dhisay, o markaasay dibadda ka ahaadeen.”

Riwaayada Saciid bin Bashiirسعيد بن بشير\ waxay warisay inuu Qataadahقتادة\ yiri:
“Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج waa laba iyo toban qabiilo. Thuu Al Qarnaynذوالقرنين\ wuxuu sadka ka dhisay kow iyo labaatan, waxaana ka maqnaa hal qabiil oo dagaal ku maqnaa waana turkiga oo sadka sokadiisa ahaaday.”

“Al Khabathu” الخبث oo aan ku tarjumnay af soomaali inay tahay xumaanta, Ibnu Xajarإبن حجر\ wuxuu yiri:
“waxaa loo fasiray zinada iyo wacallada iyo fusuuqa oo ah ka bixidda daacada Ilaahay, iyo fujuurka oo ah xadgudubka iyo dilidda dadka iyo sharciga Ilaahay oo la iskala weynaado oo wixii la doono la sameeyo.”
Soo kuwaasu manta ma aha tilmaamaha gaalada reer galbeed?
Ibnu Xajarإبن حجر\ wuxuu yiri:
“Waxaa Abuu Hurayrahأبو هريرة\ laga wariyay Xadiith la mid ah Xadiithka koowaad ee Ummu Xabiibahأم حبيبة\, laakiin ay kiisa ku jirto ziyaado uu wariyay Al Acmashالأعمش\ kana wariyay Suhayl bin Abii Saalixسهيل إبن صالح\ oo ka wariyay aabihiis inuu Abuu Hurayrahأبو هريرة\ yiri, Al Acmash-naالأعمش\ uu yiri
“Uma jeedo waxaan ahayn inuu Nabiga Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam ka wariyay inuu yiri:

“ويل للعرب من شر قد اقترب، أفلح من كف يده “

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:

“Cathaab ayaa u sugnaatay Carabta ugana imaaneysa shar usoo dhowaatay, waxaana liibaanay qofka gacantiisa ceshada.”

Xasanwali wuxuu yiri:
“Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam waxaa loo soo diray jinniga iyo insigaba, carab iyo cajam, inta rumeysay waa ummaddiisa inta kalena waa gaalo. Marka muxuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Xadiithkaan carabta oo keli ugu koobay? Hadday dhibaato guud oo ummadda uga imaanaysa Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج ahaan lahaydna Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam wuu noo sheegi lahaa, balse wuxuu kusoo koobay carabta.

Dalka Indoneysia waxaa deggan tiro muslimiin ah oo ka badan tirade carabta oo idil muslinkooda iyo gaalkoodaba marka la isku daro.

Hindiya waxaa deggan qiyaas boqol iyo konton ilaa laba boqol oo malyan oo muslin ah, Pakistaanna intaasoo kale.

Dalka ruushka boqolkiiba soddon waa muslin.
Shiinaha waxaa ka mid ah tobaannaano malyan oo muslin ah. Intaasoo muslimiin ahna cid wax u sheegata ma jirto oo dalalkooda ayay nabad ugu nool yihiin.

Xadiithkaanse wuxuu ka hadlay carabta oo keli ah. Marka waxaad mooddaa inayan sababtay Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج carabta ugu duulayaan ahayn inay muslimiin yihiin, ayse tahay sabab kale.
Maxay sababtaasu ahaan kartaa? Maxay carabtu haystaan oo ayan muslimiinta kale haysan? Waxay ahaan kartaa wuxuu Ilaahay Tacaalaa siiyay oo khayraad ah oo arligooda ku jira oo ay ka mid yihiin batrool, gaas dabiici ah, dahab, iwm. Kuwaasoo ah halbowlaha dhaqaalaha dawladaha galbeedka ee Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج.

Culummadii hore waagay noolaayeen matoor ma jirin baansiin ku shaqeeya, ha saarnaado baabuur, ama markab ama dayuurad ama wax kaleba. Qalabka maanta lagu shaqeysto oo idil waagaas ma jirin. Marka, ma ayan ogaan karin qiimaha uu batroolku dhaqaalaha adduunka u leeyahay, oo waxaadan ogayn kaama maqna.

Batroolka waagaas hore waa jiray oo lagu isticmaali jiray oo faynuusaha ayaa lagu shidan jiray oo waxaa carabta laga oran jiray nafdh نفط oo soomaaliduba waa ayada nafto tiraahda. Mase ayan ogaan karin qiimaha uu maanta leeyahay iyo inuu sabab u noqon karo in carabta lagu duulo oo la laayo si looga qaato.

Kama ayan hadli karin waxayan ogayn oo ka maqan. Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Xadiithkaan nooguma sheegayo si caddaan ah in sababta ay Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج carabta sharta kala hor tegayaan ay tahay sabab diini ah iyo inay muslimiin yihiin, culummaduna sidaas uma fasirin. Marka waa inay sabab kale noqoto.

Hadday sidaas tahay, wa Allaahu aclamuوالله أعلم\, xarbiga carabta maanta lagu hayo ma aha xarbi diinta islaamka lagula dagaallamayo ee waxaa loola dagallamayaa in waxay haystaan laga fara maroorsado oo laga qaato. Carabta haddii lala dagaallamo oo la laayana diinta islaamku ayadaaba iska yaraaneysa, oo diintaan wuxuu Ilaahay ku ammaaneystay marka hore nin keli oo carab Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, kaddibna qawmkiisa oo ummadda carabta ah. Diintana carab ayaa ugu horreeya dad qaatay, u jihaada, u dhinta, fidiya oo fasiray, ayagoo ay Quraanka Kariimka ah iyo Sunnada Carfoon ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam afka carabiga ku dhigan yihiin. Runtana Rabbi ayaa og.” Waa intaas warkiisu.

Ibnu Xajarإبن حجر\ wuxuu wariyay inuu ibnu Camr bin Awsإبن عمرو بن أوس\ ka wariyay awoowihiis (inuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam) yiri: “

“أن يأجوج ومأجوج لهم نساء يجامعون ما شاؤوا وشجر يلقحون ما شاؤوا “

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Ya’juuj iyo Ma’juuj waxay leeyihiin haween ay la gogol galaan markay doonaan, iyo geedo ay tallaashaan markay doonaan”, waana Xadiith qaarkiis.

Ibnu Xajarإبن حجر\ wuxuu yiri: “waxaa kaloo Xadiithka ka mid ah:

“أن فيهم أهل صناعة وأهل ولاية وسلاطة ورعية تطيع من فوقها، وأن فيهم من يعرف الله ويقر بقدرته ومشيئته.”

Xadiithka macnihiisu waxaa weeye:
“Waxaana ku jira (Ya’juuj iyo Ma’juujيأجوج ومأجوج) farsamoyaqaanno iyo kuwo xilal maamul qaadi karaiyo xukun, waxayna leeyihiin raaciye kuwa ka korreeya adeecda.
Waxaana ka mid ah kuwo Ilaahay yaqaanna, qirayana qudraddiisa iyo awooddiisa iyo mashii’adiisa uu wuxuu doono ku fulin karo.”

Soo ma aadan arag inay samaysteen dayuurado, tankiyo, sawaariikh, gaadiid, taleefan, TV, computer, koronto iyo waxa warshadaha lagu farsameeyo oo idil? Siduu Nabigu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u sheegay ka badan kun iyo afar boqol oo sano ka hor waa farsamoyaqaanno masaaniicda ku xeel dheer. Waxaan markhaati ka ah inuu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam Nabi iyo Rasuul Ilaahay noo soo diray ahaa, bi abii huwa wa ummiiبأبي هو وأمي\.
Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM
Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\
Sabti 19 Rabiicu Al Aakharربيع الآخر\ 1439 Hijradaالهجرة\ / 6 Disembar 2018

SHEEKOOYIN