Home Qoraallo ITOOBIYA: QARAN U BAAHAN SHEEKO CUSUB

ITOOBIYA: QARAN U BAAHAN SHEEKO CUSUB

0
SHARE

Boqoradii waxay sheegeyn sheeko. Meles wuxuu sheegay sheeko. Abiy [Ahmed] isagana wuxuu u mucurteysan yahay in uu sheeko sheego.

 

Dhammaadkii boqortooyadii Zagwe, ee ku beegnayd qarnigii afar iyo tobanaad, xilligaasi Itoobiya waxay qarka u saarnayd kala firdhasho. Dagaal-oogeyaashii maamul gobaleedyada waxay ku loollamayn figta sare [awoodda dalka] halka qarankiina uu dhex maquuranaayay kala qoqobnaansho.

Xilligaas ayay ahayd markii la dhigay buugga Kibre negest. Oo macnehiisu yahay “Muunadkii Boqorada.” Buuggu, wuxuu dib u nooleeyay sheekadii ku saabsanayd boqoraddii Saba iyo booqashadii ay boqor Suleyman ku booqatay Magaalada Jiruselaam. Waxaa kaloo ku qoran Menelik oo ah wiilka boqor Suleymaan in uu aaday [Jiruselam] si uu u soo qaado axdiga Ark, wuxuu noqday boqorkii ugu horreeyay ee boqortooyada Suleymaanniyada.

Boqortooyadaasi dhisan tahay waxaa marjac u ahayd diin. Kibre Negest, wuxuu sababteeda lahaa hub ka dhigis lagu sameeyay dagaal-oogeyaashii gudaha, wuxuu kaloo bulshada tusay in boqortooyadu xoojinayso midnimada, taas oo keenaysa sumcad dibadeeda. Fekradda midnimada Itoobiya iyo ab sheegashada been abuurka ah ee ku kaydsanaa buuggaagtii hore ee qadiimaga, fekraddaasi oo ku caan baxday oraahda Itoobiyaannimo.

Xillligan la joogo, garaadyahannadu waxay ka doodayaan jiritaanka Itoobiyannimada iyo in kale. Qaar ka mida waxay ku doodayn in isirnimadeedu tahay aqoonsiga kala qaybiya qaranka halka kuwa kale ay ku doodayaan in isirnimadeedu tahay wax ay abuurayn boqortooyadii Kiristaanka, mana ah mid xiriir la leh [waaqaca] maanta.

Sikastaba, fekraddaasi waa dood dhex jeexaysa taariikh fog. Iskama jirin, balse waxay ahayd xaalad badbaado, midnimo guud, iyo dabbaaldeg. Diin ahaan, waxay xoojinaysay midnimada bini’aadamnimo. Isirnimo ahaan, waxay ahayd hanuunin asluubeed lagaga hortagaayay noloshii hore ee waxashnimada. Siyaasad ahaan, waxay dhiirriggelinaysa wadahadal iyo isku dheellitirka maxaa ii wanaagsan, maxaa u fiican qawmiyaddayda iyo diintayda.

Itoobiyaan badan, fekradda Itoobiyannimada waxay u tahay dareen gudeed aan la dabooli karin gaar ahaan marka ay daawanayaan Abebe Bikila, Haile Gebrselassie, Deratu Tulu, Mesert Defar or Tirunesh Dibaba glide iyaga oo ku guulaystay billadda dahabka ee tartamada caalamiga.

Sheekadii Gocashada Badnayd ee Meles

Qarniyaal kaddib, been abuurkii ku qornaa Kibre Negest wuxuu sal u noqday samaysankii Itoobiya. Sida uu maanta u yahay xaqiiq jirta, ayuu markiisii horena dhab u ahaa. 1991, markii ay awoodda dalka qabsadayn xisbiga dimuqoraaddiga kacaanka Itoobiya (EPRDF), hoggaamiye Melez Zenawi wuxuu ka faa’ideystay hibodiisa, isagoo noqday sheekeeye.

Taariikhdu waxay ka timid meel mugdi ah, waxaa lagu midabeeyay gocashadii qawmiyadda tigreeyga iyo [Meles] laftirkiisa. Wuxuu ka dab qaatay qarnigii saddeed iyo tobanaad ilaa sagaal iyo tobanaad markii madaxda tigreeygu iyo Amxaadaradu ay ku loollamayn awoodda. Halgankaas wuxuu socday ilaa 1889, kaddib geerida boqorkii ugu dambeeyay ee tigreeyga, Yohannes IV. Markuu dhimanaayay wuxuu ka dardaarmay in boqornimada uu ka dhaxlo wiilkiisa, balse Menelik II ayaa sheegtay in uu yahay boqorka saxda ah.

Markii la cimaamaday, hoggaamiyehii Amxaarada [Menelik II] wuxuu adeegsaday awood ciidan, diin iyo luuqadda Amxaariga si uu boqortooyadiisa u baahiyo. Iyada oo suurtagal tahay in ay jiraan sababo ku qasbay ololehaas, haddana wuxuu geystay xasuuq iyo dullayn ku aaddan dhaqanka, haybta iyo qawmiyadaha aan awoodda lahayn.

Boqortooyadani waxay sii jirtay ilaa 1974, marka Derg gii shuuciga ahaa qabsaday awoodda. Derg gu, wuxuu sii xoojiyay sheekadii ahayd midnimo, balse xukunkoodu wuxuu ahaa cabburi qofkii su’aal ka keenaa. Qawmiyadda Tigreeyga, waxay u soo dagaalamayn aqoonsi xorriyadeedkooda, dad badan ayaana dhibbaneyaal ka noqday.

Qarniyaal kaddib, waxaa awooddii dalka qabsaday [xisbiga] EPRDF, waxa uu Meles u arkay in ay ahayd cabburin qawmiyadaha kala duwan. Wuxuu Itoobiya ka rumaystay sheekada ah in lagu dhisay dulmi, sidaas awgeed wuxuu hirgeliyay nidaamka federaalka ee qawmiyadaha. Xisbiga xukunka hayay, waxay ka koobnaayeen wakiilo ka kala socday qawmiyadaha kala duwan, kaddibna loo sheegay sheeko cusub. Sheekadaasi waxay xoojisay Itoobiyada qawmiyadaheedu badan yahay, laakiin waxaa muuqda dareen cabsi iyo kala shaki.

Sanado badan, cabsidaasi way sii kordhaysay. Waxaa sii dheer, qarannimo ku dhisan qabiilaysi ku lamaanan dareenka faquuqa joogtada ah. Sheekada Meles, laga yaabee in ay ka ahayd “sharfidda kala duwanaanshaha” laakiin waxay laciifisay fekraddii midnimada, taas oo Itoobiyaanka ka caawinaysay in ay ka tanaasuli karaan qawmiyad iyo kala duwanaansho diin.

Xaalku wuxuu sii xumaaday markii la doortay Ra’iisulwasaare Hailemariam Desalegne, gu’gii 2012. Ma ahayn qof haystay sheeko, [balse] wuxuu iskuddayay in uu tebiyo kii ka horreeyay sheekadiisa. Bishii dhoweed ayuu is casilay, sanado badan kaddib oo ay ku muddahaaraadayeen qawmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Gorgorkii Abiy ee Duulaayay

Ra’iisulwasaareha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Ahmed, wuxuu dhaxlay dal dhex dabbaalanaayay shiddo. Wuxuu waajihayaa caqabado badan oo ay ka mid yihiin dib u qaabeenta nidaamka siyaasadda dalka, dhaqaalaha, iyo ciidanka. Waxaa horyaalla xaajo [siyaasadeedyo] iyo in uu la yimaado qorshe qeexan, dalkan boqolka milyan ah ku toosin kara waddada horumarka. Sikastaba, waa in uusan hilmaamin muhiimadda ay leedahay sheeko sheegidda.

Maqaal hore ee aan ku daabacay [degelkan] African Arguments, waxaan tilmaamay in ra’iisulwasaaruhu uu taageero badan ka haystay qawmiyadaha kala duwan, sababtuna waa qorshehiisa furfurnaanshaha. Khudbaddiisii cimaamad-saarka, wuxuu si dadban uga hadlay fekradda Itoobiyaannimada. Laakiin xaqiiqdii, waxay lahayd macne intaas ka weyn.

Taariikh nololeedkiisa waxaa ku jira arrimo badan, oo uu ku soo jiidan karo dadka Itoobiya. Aabbehii waa Oromo, Hooyadiina waxay ka soo jeeddaa qawmiyadda Amxaarada. Wuxuu ku hadlaa luuqado badan. Sheekadiisu waxay ka dhigan tahay sheekada Itoobiya.

Intaas waxaa u sii dheer, in hibo-dhaxaleedkiisa u beddeli karo sheeko togan. Hab sheeko tebineedkiisu waa mid taabanaya xamaasadda bulshada. Ra’iisulwasaareha cusub, Abiy isla markiiba isaga oo ka faa’ideysanaya xirfadahaasi, wuxuu booqasho ku tegay dalalka gobalka, gaar kuwa la fahmi kara qorshehiisa dhaqaale kobcinta ah. Maamulka Qawmiyadda Soomaalida, wuxuu ugu baaqay “Ma jiro mid dhexe, kala qoqobnimo ku aaddan aqoonsiga Itoobiyaannimada. Wadajirkeenu ayaynu ku abuuri karnaa sheeko qaraneed dhexdhexaad ah.”

Oromada, oo ah qawmiyadda uu ka soo jeedo, wuxuu la qaybsaday xanuunkooda isaga oo isku xiray halgankoodii muddaaharaadka iyo aqoonsiga qaranka, wuxuu yiri “Halganka Oromodu waa halganka Itoobiya.” Dhanka kale, qawmiyadda Tigreeygu, wuxuu si qanaaco leh ugu sheegay “Kala duwanaanshaha qawmiyaduhu waa la aqoonsaday, waana la tixgeliyay. Balse aynan u oggolaanin kala dhantaalidda qarannimadeena.”

Dhinaca kale, khudbaddiisa waxaa ka muuqatay horusocod hiraaleed. Wuxuu adeegsaday fekradda Medemer, oo macneheedu ah “Waad ka mid tahay” laakiin marka ay timaaddo dalka, wuu walaacsanaa. Wuxuu ka sheekeeyay gorgor daruur duufaaneedyo korkooda duulaya, taasi oo dhageysteyaashiisu ku dhiirriggelinaysay suuraysashada mustaqbalka iftiinaya. Wuxuu tilmaamay, in qaranku yahay wax bulshada Itoobiya aysan ka dhaxlin waalidkood balse tahay amaahdii carruurtooda. [Wuxuu yiri] “Markaad wax dhaxasho, waad beddeli kartaa ama iska iibin kartaa. Markaad wax amaahato se, waa in aad ilaaliso maxaayeelay waa deyn aad dib u celinayso.”

Taariikhda Itoobiya xilligii ugu adkayd ayay marisaa, Itoobiya waxay u baahan tahay isbeddel. Sidoo kale, waxay u mucurteysan yahay sheeko [taariikheed] dhedhen leh.

W.Q: Mohamed Girma

W.T: Hassan Mudane

SHARE