XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor Qaybtii 71aad

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 71aad

                                               1-Daacadnimada 
Daacadnimada waa tiirka labaad ee nolosha ugu mihiimsan, waa mid ka mid ah muhiimadaha sifayntooda loogu jecel yahay, qof walba wuxuu doonayaa daacadnimo in lagula dhaqmo hadana lama helo sida badan dalbashada ama doonistaas qaaliga ah ee dadka oo dhan ay wada dhuganayaan, micnaha u wada baahan yihiin.
Daacadnimada waa mid ka mid ah jowharadaha ugu qaalisan dabeecadda nolosha ee aan lagu heli karin Hanti kaste.
Daacadnimada qofka ay dagto laabtiisa hubaal in uusan marna dumi karayn, laga yaabee in xag xagasho yar oo laga soo kaban karo ay gaarto, dhabtase waxay tahay in qofkaas yahay qofka mar walba loo baahan yahay ee ay dadka oo dhami wada hoos tagayaan.
Mmusa

                                                       2-Laab dagan 
In aad wax jeclaato laguuna jeclaado sida aad wax u jeceshahay oo kale waa mid ka mid ah muhiimadaha nolosha ugu qaalisan, maxaa yeelay haddii aad haysato naf dagan hubaal in aad Buuro badan oo caqabado ah uga gudbi karto jacaylkaas dhex maquura laabtaada, balse haddii aadan haysan oo mar walba aad baadi goob ku jirto hubaal in mar walba aad la’dahay qayb ka mid ah muhiimadaha nolosha.
Is waydii bal ma haysataa qanaacada qalbigaada micnaha qof kaafin kara waxa ay naftaada dalbanaysa oo dhan?
Mmusa

3-Tanaadnimada
Tanaadnimada maahan hanti la yeesho ee waa tayada qalbiga qofka inta ay la egtahay, haddii samirkaaga iyo sugashadaada ay badantahay caafimaadna kuu dheeryahay hubaal in aad tanaad ku tahay wax aysan goyn karin hantida dunida taala oo dhan.
Laga yaabee in aadan hanti badan haysan, balse dib isku xisaabi oo qiimayn ku suubi imisa ayaad haysata oo hanti kasta aysan goyn karin, hantiilayaashana ay ku goobeen hantidooda oo dhan ayna ku waayeen.
Mmusa

4- Dareenka xaalkena
In niyaddaada marna kor ahaato marna hoos ahaato waa qaabka ay nolosha u samaysantahay, maalma wanaagsan iyo maalmo xunba waa kusoo maraan, cabirkaase waa cabir ku salaysan darenkeena oo maalin xun ma jirto.
Waxaa xumaada ama wanaagsanaada waa xaaladaha aan samaysano iyo dareenka aan ka fahano xaalkeena.
Mmusa

                                                  5-Falsafaynta doonistaada
Baahida iyo doonista noloshaada mar walba ha ku dhisnaato xiriirka aad la leedahay dadka aad wax ka doonayso ama uga baahantahay.
Aamusnaanta iyo cabiridda fikradaha kugu gaarka ah ma ahan kuwa ka tarjumaya dhabta nolosha, waa in aad ogaataa in nolosha ay ku dhisantahay kala warqaadasho iyo is ogaansho.
Dadku uur kubaale maahan kuwa ogaan kara baahidaada iyo doonistaada oo dhan, is fahamka iyo is maqalka waa saldhiga hor u socodka iyo xal ogaanshiyaha masiirkaaga halka uu ku qotomo.
Sidaa darteed, afgarashada iyo fariin gudbinta waa furaha is fahamka bulshada, fadlan badi xiriirkaaga iyo falsafaynta doonistaada shaqsinimo kadib la yuurarso qiimaynta kaaga soo baxdo markaasna u xukmi sida aad doonto.
Mmusa

6-Waqtiga waa waaqica
Waqtigu waa waaqica wareega mar walba, kan ku dhaafa iyo kan la sugaya ayaad u hanqal taagtaa oo kan kula joogo ma aragtid.
Kan kula joogo ayaa ah midka ugu qiimaha badan noloshaada kaas oo ku raaxeesashada quruxdiisa iyo dhadhaminta macaankiisaba aad ka dhigan karto xusuus hore iyo xusuus aad sugtid oo wada qurux badan.
Macnaha nolosheena ayaa iska noqday in waqtigii ina dhaafay aan xusuustiisa ku naaloono, oo marna sharaysano marna maamuusno, halka midka soo socdana aan ku naaloono rajooyinkiisa wanaagsan, kan inala joogana uusan inoo muuqan oo baroortiisa iyo baahidiisa badan ayaa ina indha dabooshay.
Mmusa

 

                                                 7- Ilaali

 

Ilaali si laguu ilaalsho.
Amaanada ha qayaanin
Balanta ha jabinin
Qalbiyada dadkana nabad gali oo ha dhaawicin
Saddexdaas iska ilaali si laguu ilaalsho.
Mmusa

8-Baahida ma dhamaato.
Waa in aad ogaataa in baahida dunida aysan dhamaan, macaaankeeda iyo qaraarkeedana sidoo kale, mar walba hadaaad wax u baahantahay, mar walba hadaad wax macaansanayso, mar walba haddii ay wax kuu qaraariyihiin, hubaal in aad waxba ka dhargayn ee armey kuu wanaagsantahay in aad soo koobto waxa baahidaada ah, si aad u hesho daganaan qalbi iyo horumar nololeed.
Mmusa

                                   9-  Qof walba qaybtiisa waa qaali.
Laga yaabee in wax badan oo u baahnayd aadan haysan balse taas macnaheeda maahan in nolosha aadan waxba ka helin macaankeeda, maakaaga ku haay in qof walba uu ka haysto nolosha wax uu qof kale ku doonayo malaayiin, qof walba inta uu haysto waa qaali balse isaga ma dareemi karo.
Muhiimadda waa in aad ku qanacdaa waxa naftaada ay haysato iskana ilowdaa waxa aad jeceshahay, balse aadan haysan ama aadan heli karin.
Mmusa

                                       10- Farriinta fahantayda

“Maalmaha qaar waxaan jeclaadaa in aan dib ugu laabto waqtiyadayda hore ee aan tabi jiray inta aad qalbigayga ka maqnayd, waa marka aan la noolaa rajada ah in aad maalin ay noqotaba ku heli doono, waa mar aan macaansan jiray xiisaha iyo xamaasadda ay naftayda u qabtay la kulankaaga.
Xilligaas ma ogayn in aad jirtay waasa ogaa oo waan dareemi jiray in aad iga maqnayd, waan riyoon jiray aniga oo suuraddaada suurayn karayn, waan ogaa in aad macaan badnayd, waan ogaa in aad xiiso badan lahayd, waan ogaa in qof laguu dhigaa uusan jiraa, waan ogaa in xakamo ay jiiri doonaan iga kaa oodaya, oo dareenkaas waa mid aan la noolaa waligiis, maalmahaas in aad dib ugu laabto ayaan doonayaa, mararka qaar duruufaha i haysto marka aan cabiro, marna waxaan doonayaa in aan horey u socdo oo sawirto sawiro qurxoon oo labadeena ah.
Waa sawirada aan jeclahay oo mar walba aan damaaciyo, waa inaga oo gacamaha is haysana, dunidan qarribana wada jir u wajahayno, riyadaas waa midda hor u socodka ee aan doonayo in ay rumowdo.
Marna waxaan aqbalaa waqtiga aan taaganahay ee dhabta noloshaada ah, waa marka aan quusto, waa marka ay rajada iga xumaato, waa marka aan walbahaaro, waa marka aan marada tuuro, marka aan miyir beelo, waa marka aan murugoodo, waa marka aan majaraha is jaro oo meel yuurarsado mixnadda nagu xeeeran darteed.
Midigtayda waa adiga
magacayga adiga
macaankayga waa adiga
Marwadayda riyada waa adiga
Markan waxaan doonayaa in aan meeshan iska ahaado oo shalayna aan dib u eegin, barina aanan ka fakarin, barta aan joogana ku baraarugo”.
Qore waa Mohamed Musa Sh Noor

                                              11- Waa waqtiga
Waan dareemi karaa in duruuf ay ka damabayso xaaladda aad ku sugantahay, quruxda iyo qaabka aan kula jecelahayna waxba kama soconayaan, maxaa yeelay xaalkaaga ayaan ii ogolaanayn in aan muujiyo waxa aad iga mudantahay, waasa fahmi karaa halka ay arrintu salka ku hayso, eedse kuma lihid ee waa waqtiga midka sidan in ay noqoto loo nisbeeyo.
Qof dareenkisa muujiyay

 

                                                      12- Dayn

Qofna kama soo daynsan lafahaaga.
Waxba yuusan saamayn kugu yeelan hadalkooda iyo eegamadooda, xusuusnow oo kaliya in aad dunidan timid adiga oo qofna kasoo daynsan laf ka mid ah lafaha uu jirkaaga ku dhisan yahay dhibic ka mid ah dhiigaagana uusan qof kuugu deeqin, adiga oo dhamaystiran ayaa dunida timid, imaatinkaagana dad ayuu farxad u lahaa, isla dadkaas oo kaliya hadalkooda ha ku walwal galsho una wal wal marka ay wax gaaran .
Mmusa

la soco axad walba.

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN