XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 89aad

 

1-Wax waydiin.

Haddii aadan jeclayn su’aala badan in lagu waydiiyo wax aheegistaada ha yaraato, maxaa yeelay, inta badan ee aad lasoo shir tagtaa wax sheegis iyo wax sharraxid waxaa bato wax waydiinta wax lagu waydiinayo.
Mmusa

2-Inta aad karto qabo
Balan qaadka badan iyo fulin la’aatiisa mar walba waxaa ku sugan Khasaaro iyo Shllaayto.
Dhinaca kale waxaa laga dhaxlaa kalsooni darro iyo is nacayb iyo is eedayn.
Balan ha qaadin fadlan haddaadan fulin karayn, nolosha sideedaba inta aad nooshahay waa in aad u qabataa wax walba si hufan oo kartidaada inta ay la egtahay aan dhaafsiisnayn, xitaa Cibaadada inta aad karto ka qabo.
Mmusa

 

3-Dhaarta


Dhaarta Alle uu ku dhaarto Makhluuqiisa waxay ku tusaysaa in Alle abuuristiisa nuuca ay doonto ha noqotee ay qaali ku tahay.
Qof walba qofka qaaliga ku ah ayuu ku dhaartaa marka uu dhaaranayo ama uu muujinayo in dhab ay ka tahay wax uu markaa doonayo muujintooda.
Dhaarta Alle se waa ka duwantahay taas oo marna isaga ayaa isku dhaarta marna waxa uu abuuro, inagase dhaarta dhabta ah ee Xaqa Alle xagiisa ah waa Dhaart aan Alle ku dhaarano.
Mmusa

                                                        4-Yabooha Alle

Qofka addeecidda iyo mahad naqiisu badato abaal marintiisu waa wax ka wanaagsan waxa dunida wanaag looga yaqaan ama yaalo, waana yabooha Alle.
Mmusa

5-Shallaay iyo Bishaaro

Aadanuhu wuu ka cabsadaa kana xishoodaa wuxuu arko taabtana dareemana xumaantooda iyo samaantooda iyo cabsidoodaba.
Xukunada qaar iyo sharciyada aan dagsano in aan qaarkood isku xushmayno, iskaga cabsano waxaa kalifa dareenka aan ka qabno iyo cabisda aan ka cabsanayno ciqaabtooda, balse inta uu Alle inoo sheegay oo ah ka haridda xumaanta iyo is fariidda wanaaga dhagaha ayaan ka furaysanaa, bal, dadka qaar maba aaminsana in Allaha wax faraya ama na amraya uu jiraba.
Dad waxaa ugu wanaagsan kuwa Alle amarkiisa qaata isagana dhab uga cabsada ee aan ka cabsoon wax Aadane ay dajiyeen.
Goodinta Alle iyo yaboohiisa waa dhab la taaban doono lana arki doono maalin aysan doorasho kale jireen shallaay iyo bishaarana loo dhaxayn doono.
Mmusa

6-Maxay shukrintaada u yaraatay?

Haddii Dhulka lagu keenay oo Badar iyo biyaba lagu siiyay, caafimaadna laguugu daray, Raaxo shahwana lagugu abuuray, sida ay ku qurux badantahay isticmaaliddeeda laguu sheegay.
Cirka Roob aad ku diirsato lagaaga keenay, Xoolo aad qaarna cunto, qaarna Qurux ka dhigato, qaarna ku adeegato laguu abaauray, maxay shukrintaada u yaraatay Dayrtaadana u badatay!!??
Mmusa

7-Waddo walba

Waddo walba oo dunida ku taal qof ayaa kaaga horeeyay oo maray, waxa uu doonaba ha kala kulmee.
Waxaa jirto xikmad oranaysa ( Qof walba oo Waddo kaaga horeeyay gadaashiisa waxaa ahaaday Barasho).
Macanaha ayaa ah in Dadka kaaga horeyay nolosha sida waalidiintaada iyo kuwii ka horeeyayba ay kaaga tageen Taariikh aad ku garato guushooda iyo guul daradooda.
Xikmadda ayaa ah in dadkii kaa horeeyay waddada ay ku halaagsameen ama nolosha kaga keeni waayeen Guul waa in aadan marin oo halka ay guusha ka keeneen aad qaaddaa, wixii aad ku darasan kartana ku darsataa.
Inaga Soomaalida ah, dadkeeni hore wanaag iyo xumaan ba dhaxal ahaan waa inooga tageen, is waydiintu waxay tahay, maxaan u qaadan waynay wanaaga ay nooga tageen waxna ugu darsan waynay?
Mmusa

                                                  8-Macnaha Nolosha 

 

Sharafteena waxay ku jirtaa in aan fahanaa macnaha dhabta ah ee Nolosha uu Alle noo siiyay.
Taas haddaan fahano inaga oo kala aaminsan Iimaano kala duwan, waliba kala fikrada iyo aragti duwan,ayaan sida aan doono u wada noolaan karnaa.
Kala duwanaanta iimaankeena iyo afkaaraheena ma ahan mid inoo diidaysa xaqa aan u leenahay nolosha wanaagsan, balse, waa marka aan isla fahano macnaha dhabta ah ee Nolosha.
Su’aashu waxay tahay Xag Alle maka ahayd in aan isla fahmi karno macnaha Nolosha la inoo siiyay?
Mmusa

9-Dadnimada waa garashada

Haddaad ka indha iyo dhaga beesho Qalbiga ama Laabta, waxaa tahay qof u hayaamaya halka ay naftiisa ku halaagmi lahayd.
Indhaha muuqooda iyo dhagaha muuqooda waxba ma tarayaan haddii aragtida iyo maqalka gudaha aad ka oodantahay.
Mar walba oo labadaas gudaha ay kaa wax yeeloobaan ama sida loogu tala galay aysan u shaqayn waa markaas marka ay soo gabagaboobayso dadnimadaada.
Dad waxaa ku tahay garashada iyo hagaajinta, ee halaynta iyo garasha la’aanta waxba ugma duwanid Xayaawanada Xoolaha ah.
Mmusa

                                                      10-Caqliga waa Iftiin


Caqliga lagu siiyay wuxuu la mid yahay iftiin laguu shiday adiga oo Mugdi ku dhex jira meel aad wax ka bilowdana garan la’ una baahan aragtida iftiinka, haddii aadan uga faaiidaysan baahida aad markaa u qabtay iftiinka, caqligaada wuxuu la mid noqonayaa qof markaa Mugdi isaga dhex jira.
Caqliga waa in uu mar walba u shaqeeyaa sida maslaxaddaada ku jirto, haddii uusan sida dantaada ah u shaqaynayn waxba ma dhaamo Qof Har iyo Habeen Mugdi isaga dhex jira oo meelna u dhaqaaqi karin.
Mmusa

                                               11-Hagaajiyo vs haleeye

Ayaga oo xun, oo xumaantooda waliba ay muuqato ayey inta umadda soo hor istaagaan ku dhahayaan wax hagaajiyayaal ayaan nahay ee wax ma halayno, qof isaga dhan loo sameeyay in uu wax fasahaadiyo wax ma hagaajiyaa?
Haddii qof wax haleeya aad ka sugayso in uu wax kuu hagaajiyo halaagaaga sugo.
Mmusa

                                                  12-Khayaanada

Mar kasta oo khayaana aad samaynaysid waxaad ogaataa waxa ugu horeeyo ee aad khayaanayso in ay naftaada tahay, mase dareemaysid.
Mmusa

la soco Axad walba

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN