Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)

Waa nasiib darradayda!!! (Sheeko tiiraanya leh)
Qaybtii 9aad
Si aan wax badan u ogaado ayaan go’aansaday in quraacda iyo cashada aan gacantayda ku diyaariyo waa sida aan samayn jiray marka ay xanuunsantahay, inta sariirta kasoo qaado ayaan keeni jiray halka aan ku cuntayno, markan fowsiyo si dhab ah ayey u daciiftay tabar la’aanteeda ayaa badatay.
Subax subaxyada ka mid ah anig oo inta quraacda mar hore diyaarshay usoo sida goobta aan ku quraacano ayuu wiilkeena na arkay, isaga aabihiis oo hooyadiis sida waxay u ahayd qayb noloshiiisa uu lasoo koray balse uu waayadan dambe arag in uu dib u arkana aad ayey u farax galinaysay.
Fowsiya oo u riyaaqaysay qaab hadalka willkeeda ayaa ku tiri “kaalay hooyo adiga iyo aababa iisoo dhawaada markaas ayey laabteeda nagu wada qabatay inta labadeeda gacmooda dhabarkeena kuwada qabatay iyada oo dhahaysa riyadayda waa idinka iyo anaga oo wada jirna mar walba”.
Markaas ayuu wiilkeena noogu bishaareeyay in uu nala wadaago natiijooyinka wanaagsan ee imitixaanka, halkii aan rabnay iyo riyadeenana wuu rumeeyay ayaa la dhihi karay, subaxaas fowsiyo aad ayey u faraxsanayd, waxay ogayd ayaa la dhihi karay in dunida wax walba oo ay uga baahnayd ay ka heshay markana ay maca salaama dhihi karto qof walba, waa sida ay subaxaas u muuqatay una hadlaysay.
Quraacdii markii ay dhamaatay ayaan u qaaday dhankaa iyo qolka jiifka, fowsiyo isma celin karayn jiifka ayey ka door bidaysay fadhiga saacad walba, maadaama ay ahayd waqtigii aan shaqada aadi lahaana waan sii dhaweeyay aniga oo sida gacmaheedana ay qoortayda saaran yihiin oo eegaya ayaan lasii fuulayay jaranjarta qolka jiifkeena.
Is baddal badan ayaa igu dhacay, culayskayga wuxuu u batay dhanka fowsiya, muran badan ayaa naga dhex bilowday Ubax iyo aniga, muddadii aan ugu tala galay bil kale ayaan ku darsaday umana muuqan in aan soo dhawahay maadaama jawi qasan oo la sharrix karin aan galay, waxaa waxba kama jiraan noqday wax walba oo ubax aan u sheegay, waa dumar, ma iyada ayaa i fahmi karta, si walba oo ugu sharraxo xaalkayga iyo kan fowsiya uma muuqan mid i fahmayso, muran jiitamaya iyo kala fogaanshiyo ayaa naga dhex bilowday.
Dhanka kale fowsiyo aad ayaan isugu sii dhawaanayay xanuunka iyo xaaladda adag ka sokow dareen qurux badan ayaan wada qaadanaynay.
Maadaama uu xaalka fowsiyo waji aan fiicanayn sii yeelanayay fowsiyana ay sii daciifaysay waxaan bilaabay baaritaan ii gaar ah oo guriga dhinac walba aan uga baarayay si haddii aan wax uga ogaan karo xanuunkeeda aan uga ogaado.
Waxa iigu sahlan aan raadinayay waxay ahaayeen daawooyinka ay isticmaasho bal haddiiba ay jiraan.
Subax ka duwan subaxyada kale ayey ahayd aniga oo ku guda jiray baaritaankayga ayaan helay warqado caafimaad oo tira badan, qaar waxay ahaayeen kuwa laga soo qoray Thailand iyo Hindiya, waa meelaha ay adeega u aadi jirtay, daawooyinka ay isticmaashana baaris ayaan ku waday, inkastoo aqoon daawo aana lahay hadana warqad ka mid ah warqadaha ayaa ii iftiimisay xanuunka fowsiya in uusan sahlanayn balse si cad warqadda uma dhahayn cudurka haya magiciisa, waasa fahmi karay in xaaladdeeda xanuun aysan sahlanayn..
Waxaan qaatay dhamaan warqadihii iyo baaritaanadii caafimaad ee lagu sameeyay aniga oo markaa ku tala galsan in aan ula tago dhaqtar markaas aan ku kalsoonaa si uu sharraxaad iigu sameeyo waxa dhabtu tahay.
La soco qaybta 10aad
Qore : Mohamed Musa Sh.Noor

SHEEKOOYIN