XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor. Qaybtii 67aad

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 67aad

1-Qari Ceebta
Wixii ceeb ah qari, saa Alle ayaaba qarshee.
Wixii Xaq ah caddee, saa Alle ayaaba cadeeyee.
Xaaraanta ka fogow, saa Alle ayaaba fogeeyee.
Mmusa

2- Indhaha, Dhagaha, Qalbiga.
Saddexdaas haddii ay kaa wada lumaan ama aad kawada arradantahay hubaal in aadan waxba garan karayn.
Mmusa

3-Ku noolow xaaladdaada.
Ku noolow xaaladdaada hadda, maxaa yeelay waa iyada tan ugu saameynta badan waqtiga xusuustaada.
Shalay way ahayd wayna dhamaatay sooma laabanayso, way la tagtay wixii ay la tagtay, waana in aadan dib u gocan.
Barrito waa mustaqbalkaaga, iska riyoo, rajadaada ha badato, wax wanaagsan rajee, kuna dadaal in aad waddo fiican ku gaarto riyadaada barrito.
Mmusa

4-U istaag qiyamkaaga.
Waa in aad u istaagtaa una hurtaa naftaada waxa aad jeceshahay iimaan ahaana aaminsantahay, macna ma lahan inta qof ee kula fahmi karta ama kula fahamto, muhiimaddu waa in aad u istaagtaa qiyamka waxa aad aadminsantahay ama jeceshahay kaligaaba ku ahow.
Mmusa

                                                             5-Dhaqaalaha.
Wey wanaagsantahay in aad dhaqaala leedahay si aad u hanato wax walba oo dhaqaala lagu hanan karo.
Waxaasa kasii wanaagsan in aad haysatoo oo aadan iska dayicin wax aan dhaqaalaha lagu hanan karin.
Dadka qaar marka ay dhaqaala yeeshaan ayey iska  dayacaan wax ka qaalisan dhaqaalaha.
Mmusa

6-Xuuusta aad samayso.
Xusuusta iyo saamaynta aad yeelatay waa mid la xusuusnaanayo 50 Sano kadib, ma jirto cid isku shuqlinaysa dharka aad xirnayd ama waxaad ahayd, muhiimadda waa hadba saamaynta aad yeelato baaxaddeeda.
Mmusa

                                                        7-Ha filan
Ha filan in dadka dhan ay akhlaaqdaada leeyihiin iyo dabeecaddaada, haa abuuristu waa hal oo Carro ayaa laga wadayimid, balse xusuusnow in Arwaaxdu ay kala duwantahay.
Mmusa

                                               8-Niyaddada  daji.
Alle ayaa og naftaada waxa u wanaagsan isla isaga ayaa kuugu doorasho wanaagsan, waxba ha ka walwalin qalbigaada halka uu u jalleeco, qofka laguugu tala galay in aad weheshato waad waheshanaysaa, dunidana kama tagaysid adiga oo qaadan wixii laguugu tala galay.
Mmusa

9-Dhabta ku noolow
Dhabta waa in aad ku noolaataa, farxad iyo murugaba midda ay rabto ha kuu yaboohdee, balse in aad dhabta ka carato oo dhalnteed ku noolaato ma ahan mid kuu horseedi karta ama ku siin karta waxa ay dhab u dalbanayso naftaada.
Mmusa

                                                     10-Beeshaada
Naftaada u danee, ka dhigo goobta aad ku nooshahay Jannada dunidaada, ka fogow wax walba oo Dulli kuu horseedi kara.
Wax kaa galay ma jiraan Beeshaada, beeshaada waa beeshaada marka aad samafal uga mid noqonayso oo xaqa aad ku raacayso, balse marka xumaan la falayo beeshaada maahan beeshaas.
Beeshaada ha noqoto inta xaqa u hiiliso oo abuurista Alle aan hoos u eegin .
Mmusa

                                                          11-Qari Ceebta
Wixii ceeb ah qari, saa Alle ayaaba qarshee.
Wixii Xaq ah caddee, saa Alle ayaaba cadeeyee.
Xaaraanta ka fogow, saa Alle ayaaba fogeeyee.
mmusa

12-Nolosha ha socoto.
Nolosheena waa sida Buug oo kale, buugaas oo leh Qisooyin kala duwan, kuwa macaan oo lagu raaxaysto, kuwa hoos noo dhigo oo aqriskooda aan ku daalno, iyo kuwa kor inoo qaada marka aan dhulka naal, khaladku wuu inaga dhacayaa mar walba, balse ma ahan in dhamaystirka buugaas qiimaha badan aan u joojino hal khalad oo inaga dhacay ama musiibo yar oo inagu habsatay, waa in aanu samirnaa noloshuna socotaa.
Mmusa

                                             13-Is jacaylkeena wuu jirayaa
Marba haddaan isku dhiig nahay isku qoys nahay, isku meel kasoo jeedno, macna badan ma samaynayso dirirteena, buuqeena, is qabadkeena, iyo is goynteena, mar walba qoys ayaanu nahay, is jacaylkeena mar walba wuu jirayaa.
Mmusa

                                                               14-U qiimee.
Dareenkaaga in la qiimeeyo soo ma jeclid? fakarkaaga in lagugu raaco soo ma jeclid? in aan lagugu xad gudbin soo ma jeclid? waxaan filayaa in jawaabtaadu haa tahay, hadaba wax walba sida aad u jeceshahay ula jeclow dadka una qiimee sida aad jeceshahay in laguu qiimeeyo.
Mmusa

 

                                                                 15-Farax galin.
Inta xoogaa is dajiso bal qiimayn ku samee waxa maanta ku faraxgalshay, haddaad garan karto joogtee wax walba oo ku farax galsho, sidoo kale yaree ama ka fogow wax walba oo ku farax galin karin .
Mmusa

                                                               16-Wadaaji
Inta badan oo aad wadaajisaa fakarkaaga, aqoontaada, maalkaaga iyo xoogaaga, waa inta badan ee noloshaada wax badan lala wadaago, sidaa darteed ku dadaal wax bixinta, si aad uga aragto noloshaada farxad iyo daganaan dhanka laabtaada ah.
Mmusa

17-Illinta iyo Qalbiga
Illintu waxay tilmaan u tahay oohinta qalbigeena marka ay bushimaheena gabaan sida ay u qeexi lahaayeen sida culus ee loo dhaawacay.
Mmusa

                                                    18-Baraf, Qalbi, Indho
Barafku wuu dhalaalaa marka uu kululaado.
Qalbigu waa qalalaa marka uu quusto.
Indhuhu way ilmeeyaan marka la dhaawaco qalbiga.
Mmusa

                                                    19-Cabsida kalinimada
Cabsi dadka qaar ay ka cabsoonayaan kalinimo ayaa ku kallifta mararka qaar in ay wahel la noqdaan Qof Weel maran wata oo waxba ugu deeqi karin in uu sii dhaawaco mooyee.
Mmusa

20-Yaa saxan
Waan kuula muuqan karaa mid khaldan, balse taas macnaheeda maahan in aan khaldanahay, maxaa yeelay nolosha kama aadan fiirin dhinacayga ee dhinacaaga oo kaliya ayaad ka aragtay.
Mmusa

21-Hadal iyo dareen
Hadalku wuu inaga dhamaadaa, dareenkeenase ma dhamaado.
Mmusa

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN