XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Qaybtii 161aad

                                                            1- Qaarkood

Adigana waad u dulqaadanaysaa, qaarkoodna maba ku baraarugsana in ay ku xanuujinayaan!!!
Mmusa

                                                   2- fahan naftaada

In aad fahamka nolosha raadiso waxaa ka qiimo badan in aad raadiso fahamka naftaada.
Mmusa 

                                                    3-caawintaada

Haddiiba caawinta aad wax caawinayso ay tahay aad wax ku heshid, markaas waxba ma caawinaysid ee waxaad la mid tahay qof wax iibinaya oo wixii laga iibsaday baddalkooda doonaya.
Mmusa

                                                      4-waqtiga iyo Qalbiga

Waqtiga wuxuu go’aamiya qofka aad noloshaada la kulmayso.
Qalbigu wuxuu kuu dooraa qofka ay tahay in aad nolosha la wadaagto.
Dhaqankaagana wuxuu tilmaamaa cidda kuu dulqaadan karta ee kula sii wadi karta safarka Nolosha.
Mmusa 

                                                     5- wey ku xukumi karaan.

Haddiiba erayada dadka ay ku xukumi karaan ama xaaladdaada dareen ay baddali karaan, markaas dadkana waa ku xukumi karaan.
Mmusa 

                                                          6- Go’aanada qaar

Go’aanada qaar ayaga oo ku dhaawaca ayey hadana ka dhignayn in ay yihiin go’aano qaldan!!
Mmusa 

                                                         7- waqtiga iyo qaab dhaqanka.

Laba sano qof dareenkaaga kasban waayay ayuu laba bil ku kasban karaa qof kale.
Waqtiga macna ma lahan marka ay dareen kasbasho timaado, ee qaab dhaqanka ayaa macna sameeya.
Mmusa 

                                                     8- u qanacsanaan

Waxay dhaheen haddii qof walba kaa qanacsan yahay waa hubaal in aad wax badan oo noloshaada ah aad ayaga dartood uga tagtay.
Haddii aad adiga qof walba ka qanacsantahayna waxaa hubaal ah in aad dulqaad badan u yeelatay isla markaana iska indha tirtay gafaf badan ay kaa galeen.
Mmusa 

                                              9- sida aad rabto ahow

Sida aad rabti u naxariis badnow
Sida aad rabto u wanaagsanow
Sida aad rabto u daryeel wacnow
Sida aad rabto u jeclow
Sida aad rabto daacad u ahow
Mar walba waxaa jiray qof aysan ku filnayn intaas aad u tahay!!!
Mmusa 

                                                           10-carrabkaaga

Ducada carrabkaaga macna ma yeelato haddiiba carrabkaaga uu cusleynayo dareenka dadka kale.
Mmusa

                                                           11- Dadka daacadda ah.

Dadka daacadda ah waa dheeman sida lagu helo ay adagtahay, umadda waxaa ku badan inta dhagarta badan hadana isu ekeysiiya in ay daacad yihiin .
Mmusa

                                                             12- waa taariikhdaada

Noloshaada waa taariikhdaada iyo sheekada lagaa sheegi doono marka aad dunida ka tagto, si wanaagsan u qor, in aad qortana ha ka daalin, waliba si wanaagsan u qurxi inta aad wax ku dari kartana ku dar qurxinteeda.
Mmusa 

                                                           13- ficiladaada manta

Noloshaadii shalay xabad kama baddali kartid waxna kuma dari kartid sida ay u dhacday ayey ahaanaysaa, laakin waxaad awood u leedahay in aad maanta wanaajiso waxna ka go’aamiso sida ay ku dhammaanayso adiga oo qurxinaya ficiladaada maanta.
Mmusa 

                                                      14-Dadka beena aaminsan

Waxaa jira dadka qaar kuwa been u sheega naftooda sidaasna aamina, dadka nuucaas ah marka aad la kulanto maba ahan in aad waqtiga isaga sii lumiso wax ka dhaadhincintooda iyo la murankoodaba.
Mmusa

                                                      15-Quruxda muuqata

Quruxda muuqaalka waa mid aan la inkiri karin, waana xaqiiqda taal maanta dunida, dadku waxay daneeyaan waxa u muuqda, balse waxa mar walba qarsoon ayaa qiima badan.
Quruxda qalbiga ayaa ka qiima badan run ahaan tan muuqata ee qofka, laakin inta danaysa ayaa yar.
Mmusa

                                                          16-Qaylshe

Wuu ku qayliyaa mar walba uu doonis daneed ka yeesho si uu wax uga helo, balse waxaa jira mid aamusnaantiisa ku daryeela, nasiib darrada se waxay tahay in uusan kaa danayn.
Dooro kan aamusnaantaada fahmi kara maya kan qayladaada maqla.
Mmusa 

ReplyForward

                                                      17-daneystayaal

Haddii ay daneystayaal kugu noqdaan, ku caawi adigana in ay noqdaan kuwa u fasaxan doorashadooda.
Mmusa 

                                                     18- Xushmadda

Xushmadda waa la hantaa ee la isma siiyo, waa laba afley dhahayso, “haddii aadan bixin helimaysid”
Mmusa 

                                                              19-Xanuunka murugada

Xanuunka murugada daris lama ahan oo kaliya , mararka qaar wuxuu la socdaa dhoola caddayntaa is qarisa.

Mmusa

                                                            20-waad cafin kartaa

Waad u cafin kartaa qalad qof walba balse isla qaladkii uu shalay qofkaa kaa galay maya.
Mmusa 

                                                       21- side u dhadhamaysaa

Sidee u dhadhamaysaa ayaad is leedahay in qof ku aaminay aadan been u sheegim, sidoo kalana qof been kuu sheegay aadan waligaa aaminin.
Mmusa 

                                                        22-Wanaaga ma fududa!!
Waxaa cajiib leh in wax walba oo xun ay sahlan yihiin in la gaaro, halka wax walba oo wanaagsan ay adagtahay gaaristooda.
In aad wax nacdo waa kuu fududahay balse kuuma fududa in aad wax jeclaato.
Mmusa 

Qore: Maxamed Muuse Sh. Nuur

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN