Dhambaalka Laashin iyo Munaasibadda Iidda

Maanta oo ah Isniin ay taariikhdu ku beegan tahay 2-da bisha May, sanadka 2022, waa maalinta koowaad ee Iid Yareyda. Iyadoo damaashaadka iyo farxadda maalmaha ciidda lagu jiro ayaa guddoomiyaha Laashin, Dr. Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” waxa uu shacabka Soomaaliyeed u soo direy dhambaal ku aaddan munaasibaddan qiimaha badan.

Guddoomiye Xuseen Wadaad oo ku sugan dalka Sweden ayaa shacabka Soomaaliyeed u hambalyeeyey una rejeeyey in Ilaahey farxad iyo caafimaad ku gaarsiiyo ciiddan ciiddeeda kale. Waxaa si taas la mid ah iyaguna u hambalyeeyey ummadda Soomaaliyeed dhammaan xubnaha ku mideysan Laashin oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, iyagoo Ilaah uga baryey dalka iyo dadkaba nabadgalyo barwaaqo waarta.

Iid wanaagsan, sanad wanaagsan, samo ku ciida.

SHEEKOOYIN