Aan ka Xaas la’aado. (Sheeko gaaban). Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

sh

Aan ka Xaas la’aado.
(Sheeko gaaban)
Waxaan kasoo tagay wax walba oo aan lahaa, caruurtayda, xaaskayga iyo shaqadayda oo dhan, si aan wax uga xanaaneeyo aabahay oo qaba Cudurka Kansarka.
Duruufaha ay igu soo korsheen ma ahan wax aan hadda ka sheekayn karo, waxaasa ii cuntami waysay in aan dunida geeskeeda Farxad kual noolaad caruurtayda iyo xaaskayga, waalidkayna ay ku rafaadayaan Baadiyaha ay igu soo korsheen.
Hooyadey waxay ahayd mid toli jirtay Kabadaha iyo Darmaha, waanashaqada ay igu soo korisay, aabahay isagana waligiis wuxuu jeclaa in shaqada ay hooyo hayso lagu taageero, balse dhibaatada aaba ku dhacday darteed ayey hooyo u joojisay qabashada shaqada ay jeclahayd.
Waxay ka suushay soo booqashada Qaraabada iyo Asxaabta, waxay kaloo ka go’day la bixidda ay la bixi jirtay saddaqad, waxay waysay farxaddeedii oo dhan.
Aabahay xanuunkiisa ma ahan Xanuun Daawo leh, waa xanuun daran oo ka galay Qanjirka Daanka ka hooseeya, Kansar ayaana lagu sheegay, waxba lagama qaban karo ayaa la dhahay, wuxuu sugayay waqtigiisa oo yimaado oo kaliya.
Aabahay imaatinkayga farxad ayuu ka qaaday, wuxuu hilmamay xanuunkii hayay kadib markii uu arkay hooyo oo mar labaad qabanaysa wixii ay jeclayd, ducadiisa waxay ahayd xanuun ima haya wiilkayga, waan faraxsanahay, hooyana waa faraxsantahay, adigana waa faraxsantahay, runtiis ayey ahayd waan faraxsanaa balse sida ayaga oo kale ma ahayn, maxaa yeelay aniga lama joogin xaaskayga iyo ilmahayga, marka dhankaa laga eego ma farxsanayn, dhanka kale marka laga eegana hooyadey iyo aabahay farxaddooda waan ku faraxsanaa.
Ugu dambayn Maalmo kadib waxaan waayay xaaskayga oo ii caddaysay in ayaan u adkaysan karin maqnaashiyahayga aan waqtiyeesnayn.
Aabahay markii uu maqlay waxa igu dhacay ee dhanka xaaskayga ah ayuu igu yiri “wiilkayga bishaarayso, ducadayda ayaa qabtaa, marnaba adduunkan kuma qasaaraysid, dulqaadka badi” laba maalin kadibna sidaas ayuu ku dhintay aabe, waxaan guursaday Xaas kale, oo ay hooyo ii keentay, runtiina noloshayda uma malaynayo in aan heli doono iyada oo kale, aniga iyo xaaskayga cusub iyo hooyana isku meel ayaan kuwada noolnahay.
Xaas iigu samri waysay baxnaanjnta waalidkayga kana qayb qaadan waysay, intii ay xaas ii noqon lahayd , aan ka xaas la’aado.
Magiciisa wuxuu kusoo gaabshay C/casiis X.m
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

SHEEKOOYIN