Aasiya khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)

Aasiya khayrka waa uga daray!! (Sheeko dhab ah.)
Qaybtii 1aad
Waxay kasoo carartay duruufaha adag ee markaa ka jiray gayiga ay ku noolayd iyada oo nolol usoo raadsatay magaalada.
Gabar yar ayey ahayd markaa oo kor uga baxday qaan gaarnimada, gumaysnimana aan gaarin, guur meesha ugu haboon ee habla lagu guursadana soo dul istaagtay.
Dariiqa nolosha waa mid ina dugaashada oo kolba saanteena halka ay u sidbataba noola jaan qaada, jaliilka weyn ayaasa jaar u ah oo yaqaana halka uu ku dhamaanayo dariiqa uu markaa qof walba noloshiisa qaadayo halka uu u jihaysan yahay
Aasiya waa gabadhaan tilmaanteeda kor kusoo xusay, tilmaanteeda shaqsiyadeed iyo qaabka ay u taal ma rabo in aan kusii fogaado, waxaasa inaga kaafiya inta aan kor kusoo qaybay.
Waxay kusoo dagtay guri markaa lagu qabay islaan ay qaraabo ahaayeen oo la oran joray Xaawa Nuur.
Nolosha aad ayey aasiyo ugu adkayd mar walbana waxay ku taami jirtay in mar uun ay noloshan adag ka baxdo oo guri ay leedahay kasoo jeesato.
Xaaji Buraale wuxuu daris la ahaa guriga ay markaa ku noolayd Aasiya, wuxuu ahaa oday xaafadda laga jecel yahay oo iska dhaqaalaysan ilmihiisana dibadda u bateen inta xoogaysatay, balse islaan yar ku qabay meesha ay Aasiyo soo saldhigatay.
Aasiyo muddo ayey ku noolayd Xaafadda balse marnaba kuma soo dhicin in oday ka mid ah odayada xaafadda ay nolol la wadaagto, waasa dunida iyo duruufaheeda waxa damaceena dhan u liicsha oo na hoos geeya hoos aanan jeclayn harsashadiisa.
Habeen habeenada ka mid ah ayey aasiyo riyootay, riyadaas waxay ku aragtay iyada oo xaalad adag nolosha kusoo martay meel ay ku harsatana la’ ayey geed ku hoos dhacday, iyada oo xoogaa ku nasa is dhahaysana uu nasiinadii ka qasay Shimbir markaa ku heesayay hees ay markaa miraheeda ka fahantahay (Dadku khayrka waa uga daraa)
Iyada oo la yaaban waxa isku keenay shimbirka iyo riyadeeda ayey soo nabdaaday, markaas ayey inta cuuudi billeysatay si hoose isku tiri khayrka iigama dareen ee Allow maad khayr isiisid? Hurdadeedina dib ugu laabatay.
Markii ay cabaar jiiftay ayuu hadana shimbirkii oo misana sidii ku heesaya riyada ugu yimid, markaas ayey sheeko gaaban dhex martay iyada iyo shimbirkii, sheekadooda waxaa ugu muhiimsanaa in shimbirka uu ku yiri waan is arki doonaa mar dambe adiga oo khayrka kaaga daray waana is waraysan doonaa waasa kheeraysaa hadda ee guriga gadaashiisa u jeeso.

Qore: Mohamed Musa sh.Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com
La soco qaybta 2aad barito hadduu Eebe idmo.

SHEEKOOYIN