Aasiya khayrka waa uga daray!!!

Aasiya khayrka waa uga daray!!!
Qaybtii 2aad
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Guriga gadaashiisa iyada oo dhahaysa ayey hurdadii kasoo boodday.
Waxay bilowday in ay is waydiiso su’aala badan, maxaa yaala guriga gadaashiisa, shimbirka marna wuu ii bishaareeyay marna wuu ii deershay, maxay tahay qayrka iyo sharta is daba yaal ee i sugaya, guriga gadaashiiisa maxaa iga galay oo iga yaal.
Riyadii ayey la wadaagtay Xaawa Nuur oo ahayd islaantii ay kusoo dagtay.
Aasiya wali isma lahan riyadan waa riya ansax noqon doonta, noloshaada waad dhisi doontaa hadana gacantaada ayaad ku bur buri doontaa.
Xaawa Nuur waxay ahayd qof caqli badan guriga gadaashiisa iskuma mashquulin in ay wax ku jiraan iyo in kale, waxay eegtay waxa nolosha gabadhan dhisi kara ee guriga gadaashiisa yaala waxa ay yihiin.
Waxaa usoo baxay isla markiiba in Xaaji buraale uu girigeeda gadaashiisa dagan yahay, waxa loo dan leeyahayna ay isaga tahay, isla markiiba waxay Aasiyo ku tiri riyadaada haddaan fasiro armaad igu qososhaa? Igu qosol haddaad rabto waan sheegayaa waxa ay ila tahay, kolkaas ayey ku qarxisay oo ku tiri naa Xaaji Buraale ayaad naagtiisa noqonaysaa ee bal sug isaga ayaa iman doono ama adiga ayaa lugahaaga ugu tagi doonee!!
Aasiya waa yaabtay!!! Mar waxay la yaabtay odayga ay islaantan la aadday, waxaa se uga sii yaab badnaa markey tiri adiga ayaad lugahaaga ugu tagi doono, ama isaga ayaa kuu iman doono.
In xaajigu guur ugu yimaado lama yaabanayn oo waa nin damac gali karo, balse in ay lugaheeda ku raadsato odaygaas waa waxa yaabka ku beeray.
Aasiya inta qososhay ayey ku tiri belo riyo kuu sheegatay, waa maxay inkaarta aad ii saadaalinayso? ma anigaa oday doonanayo mise oday ayaan ku aqbalayaa noloshayda?
Xaawa Nuur inta qososhay ayey tiri wacade riyo fasiriddeeda waxba kama aqaan haddaanan gurigayga kaaga guurin Xaaji Buraale, aan se sugno waqtiga isaga ayaa isi sharrixi doonee.
La soco qaybta 3aad barrito hadduu Eebe idmo

 

SHEEKOOYIN