Adiga ayaa Rag ah hogaanka qabo. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Adiga ayaa rag ah hogaanka qabo.
Xaaladuu ma fiicnayn waayahan oo muranka dhexdiina ah ayaa joogta ahaa, qof walba wuxuu dareemayay in qofka kale dareen ahaan uu dhaawacay, sidaas ay tahay qof walba waxbaa ka guuxayay laabtiisa uu wuxuu is lahaa muxuu qofkan qaaliga kugu ah sidaan kuugu sameynayaa, waa maxay musiibadan dhexdiina kusoo dhex dhacday? Waxay ahayd is waydiin laabtooda ka wada guuxaysay, hadana qof jawaabta saxda ah heli karay ma jirin!!!
Xalay habeen wanaagsan uma wada ahayn lamaanahan sheekadooda dareenka ah aad aqri doontaan, waxay ahayd habeen xun oo qofna illinta ka qubanaysay xanuunkeeda la seexan waayay, qofka kalana caburnaan darteed la seexan waayay.
Habeen qof walba ku dheera ayuu ahaa oo waagu muu baryo ayey ka taagnayd qof walba.
Subixii markii waagu dillaacay ayey hadana miiska quraacda kuwada kulmeen, qof walba wuxuu rajaynayaa in ay dhici doonto mucjisadii la isku maslaxaysan lahaa.
Ma jirin qof qof la hadlaya, qof walba koobka shaaha ah ayuu si tartiib ah u dhakabsanayay iyada oo la dareemayo xitaa shaaha in la laqaa ay qof walba dhib ku tahay, mararka qaar daymo ayaa la isku xadayay.
Waa subax la yaab leh, awal waxaa caado u ahayd in si farxad leh lagu wada quraacdo, qof walbana qofka kale ku sagootiyo dhunkasho dareen macaan leh iyo dhoola caddayn xusuus laabta dagta leh.
Laakin nasiib darro saaka sidaa ma ahayn, wax walba dhanka kale ee aan lagu faraxsanayn ayey u muuqdeen, aamusnaanta dhexdooda taal ayaa qof walba xusuus gaar ah oo xanuun badan tilmaan ugu ahayd in xaalku uusan wanaagsan, wax wanaagsana aysan meesha ka muuqan.
Isaga oo dareemaya mas’uulnimada saaran ayuu waydiiyay su’aal ahayd ” goormey ahayd markii iigu dambeysay ee aan ku dhaho waad qurux badantahay”?
​iyada oo kor usii qaadaysa koobkeeda shaaha lana sii aadaysa baarka bushimaheeda markaa u oomanaa dheecaanka kuwiisa dareen ahaana markan xoogaa xasilaysa iyada oo is leh ninkaaga markan ayuu la soo baxay hogaamintii laga sugayay, in aad dib u heshiisan ayuuna diyaar u yahay ayey iyada oo hoos eegaysa xoogaana gafuurka tuuraysa ileen waa dumaree ku tiri” ma xasuusto”
Inta xoogaa yara eegay isaga oo ka sugaya hadal macaan oo usii gogola xaara in uu dajinta xaalka horey ugu sii siqo ayuu hakaday kadib markii uu maqlay hadalka gaaban ee “ma xasuusto” ee sida gafuur tuurka ah ay ugu soo tuurtay.

Aamusnaan.
Jaakaddiisa oo meel u dhow saarnayd ayuu inta sidaas usii laacay ka sitaagay goobta kana baxay albaabka isaga oo aan eray kale dhihin.
Wuxuu ka tagay iyada oo sida dooro biya ku dhex dhacday u eg, waxna sugaysa.
Waxaa laab dillaaciyay waxa ay ka sugaysay markii uu waydiiyay “goormaa iigu dambeysay waad qurux badantahay markaan ku dhahay” waxaa u bidhaamay markaas in wax walba ay caadi kusoo noqon doonaan sakanada soo socda balse, kama aysan filayn in isaga oo aamusan uu albaabka sidaas uga bixi doona waliba isaga oo eray kale aan dhihin, dhaawac culus ayaa laabta kasii gaaray runtii.
Waxay bilowday oo isku dayday in ay bal isku maaweliso howl yar oo markaa ay jikada ka qaban lahayd, balse, wax waa qaban waysay oo awooda oo dhan ayaa ka dhamaatay, indhaheeda waxaa ka qubanayay illin aysan koontarooli karin iyo diif ay mar walba siifinaysay!!!
Mar qura ayey go’aan aan wanaagsanayn qaadatay, waxay is tusisay in ay tan isku dhamaatay oo aysan xal lahayn, waxay bilowday in ay dharkeeda aruursato iyada oo go’aansatay in ay guriga isla saacaddaas ka dhaqaajiso.
Markii ay wax walba ka uruursatay ayey damacday in ay telkeeda barkinta hoosteeda kala soo baxdo, mise waxay ka heshay telkeeda hoostiisa warqad u qoran sidan “waad qurux badantahay macaantayda, ma jeceli marka aad iga aamusto, qaasatan waan sii dhibsadaa markaa is hor fadhino hadana isla hadlayn, waxaa tahay iftiinkayga, waxaa tahay farxaddayda xaalad walba, waxba uma arko xaaladaha xun ee nala soo darsa, dareenka macaanka badan ee laabtayda kaaga buuxa ayaa wax walba iiga qiima badan, waana kaas kan ii diidan in aan noloshaada ka faaruqo.
Waan ku jeclahay macaantayda, fadlan aan soo wada ceshano farxaddeena iyo dareenkii qandiirka ahaa ee aan qabowga uga wada dugaashan jirnay, aana noqono lamaanihii aan shalay ahayn.
Saacad gudaheed waan kusoo wacayaa macaantayda, fadlan ii diyaari maqalka codkaaga macaanka badan ee laabtayda ku qabowdo, waan ka xumahay macaantayda in aan ku dhaawaco, igama ahayn mid aan kas ugu dan leeyahay waa mid ku yimid daciifnaantayda, aniga waan kaa cafiyay dhaawaca dhankayga aan ka geysatay adigana kaaga iga cafi”.
Saacad kadib waan ka soo wacay, waxayna wada yeesheen wada hadal kii ugu macaanaa, dareen ahaan iyada illinta iyo diifka ayaa markan si farxadaysan uga qubanaysay, isagana wuxuu sida gabay oo kale u waday amaanteeda iyo dareensiinta qofka qiimaha badan ay xagiisa ka tahay.
Dhammaad.
Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Marka aad waqti adaga maraysaan adiga iyo qofkaaga xusuusnow in aad is xusuusisaan waqtiga wacan ee kalagacalka lahaa, waxaa kaloo is xusuusisaan in aad isku baahantihiin mar walba, maxaa yeelay, xaqiiqda ayaa ah in haddii jacaylkiinu dhab yahay aad labadiinaba wada doonaysaan in aad xal wada gaartaan.
Ma ogtahay sida uu u jecelyahay qofkaaga in xal dag dag ah laga gaaro qilaafaadka idinka dhex dhaca qof walba uu sidaas ugu ooman yahay xal waara?
Hubaal in lamaankaaga/lamaantaada aan dhab kuu jeclayn uu ka door bidayo in xal la gaaro in xaaladda qasnaanta ay sii daba dheeraato, sidoo kale cuqdaduna ay meesha sal ku yeelato.
Qofka wax jecel waa qof cafis badan, waqtina uma hayo uu ka xafido waqtiyada xun xun laabtiisa sidoo kale cuqdad maba qaado.

U laabo jacaylkaaga.
Ragow maadaama aad tihiin hogaamka qoyska waa in aad hogaanka u haysaan sidii loo gaari lahaa heshiis mar walba uu khilaaf yimaado, idinkana aad noqotaan kuwa wax ka tanaasula, idinka oo u sheegaya xaasaskiina mar walba inta aad jeceshihiin iyo inta baahida la jirkooda aad u qabtaan.
Dumarku waa Jacayl sidoodaba marka ay ku jecel yihiin waa kuwa kuu cafis badan.
Ninka raga ah waa ninka xafito xaaskiisa, aana xageeda ka sugin raali galin ee iyada raali galshaa, illinta jacaylka ay u qabto dartiis uga daadanaysana ka tirtira, qiimaha ay mudantahayna gartaa, baahida ay marka dareemaysana kaga haqab tiraa jacaylka uu laabtiisa ugu hayo.
Mmusa

SHEEKOOYIN