Allow yaa beer saar saarto

Allow yaa baar saarsaarto”
Nin baqiil ahaa, ayaa guursaday naag hilib jecel, xoolo waxa uu ka heystay Tiro Ariya iyo dhowr sacaad oo irmaan ah iyo rati uu ku guuro. Todobadii markii ay ka baxeen, maalinkii sideedaad ay Orgay dhaylo ah gowrac ku jiiday, inta qeyb qeybisay, qaarna so’shay qaarna dubtay,  qaarna maraqeysay, kaalay iska arag, beerkii iyo kilyihii duban oo la cusbeeyay ay mid walba xeero gooniya ugu diyaarisay, inta uu soo gurya noqon ka hor ayadana waa ka miirsatay.
Ninkii oo daal iyo gaajo ay harreeyeen caraftana meel dheer ka soo raacay,; balse niyadda iska leh Allow yaa gurigaaga ka dhigo maba ahee, ayaa oodda reerku yaal mar uu la siman yahay arkay god yar oo boodka dhiniciisa ka qodan iyo maqaar la magdday, naxdin inta kud isku yiri oo baahidii heysay ilaabay, ayuu qeylo af labadii yeeray. Naa waad na hoojisay oo na halaagtay maxaa kuu geeyay orgiga yar ee aan Ariga ka eeganaayay balo kugu dhacday oo ba’ oo hoog, asagoo is qarinaya iney baqiilnimadiisa ogaato.
Markii uu qeylo bogtay ay ku tiri xaaji is daji orgiga dawac ayaan ka dhigay waana xalaaleeyay. Ma dawaca ayaa naga mudan?
Suuye dawac aa oo maxaad ku tooran tahay?; duf ku bax tani dhacdaye dawac danbo xeradaan kuma arki karo haddii ay dhacdana ha baqtiyo ama iigu yeer.
Waa la is gartay baqiil iyo naag cirweyn  suu yiri: “Bishaan waa inaan hilbahaan ku moodnaa war uma haayo neefkii bar iney ku sugtay inta uu ka imaanaayey, say tiri haye xaaji waa la dadaalaa wa inoo neefka danbo maxaa yeelay bar oo bar Dawacii baa la tagay barba dariskaan siiyay, barkii soo harayna anya adiga naga badno xaajiyoow, markaas uu hadalka maqlaayo baarkii iyo kilyihii dubnaa ayuu ka laacay, laf tagoog ahna waa Feenanooyaa, intuu madaxa uga baaqay asagoo ula jeedo TAGTO TIMAADO AYAA KA BADAN.
Maalinkaa la is baray laakiin ninkaan ma oga xaaskiisa in ay HILBO HILBOW qabto, ayaduse garatay inuu baqiil yahay, waxaa bilaawday difaac labada dhinac ah, asagoo uga digaya in dawacooyinka ay reerka dhaxdiisa ka dhowrto.
Si kastaba arrinku ha ahaadee maalinkaas wixii canaan iyo wax isku sheeg xabad la isku lama harin, waa la cawo baryay si nabad ah, odayga subaxdii waaga ayuu qoorta ku qaaday xoogaa haraaygiina qandiga ayuu ku ritay, markii duhurka la gaaray ayuu sida caadada u aheyd soo guryo noqday asagoo caleen shaah iyo gunti sonkor ah, iyo galley shiidan wado, inta kor iyo hoos ka fiirisay ayey tiri:  “Xaajiyoow goosaarti aawday hee? Soor aan maraq laheyn fuudna lagu dhakabseynin karinteeda culaab waaye, Odayga garay in ay rabto in neef la loogo, baarkaa xannuunay Suuye: “Yahooy maqal ma jiraa nabee inya shalay dawac u dayacday xoolihii maantana rabto inaan birta la dhax boodo,  waa habeenkii xalay ahaay oo tagay, minii Alle kuu idmaayo martiyoo timaado maahee inaan xerada neef laga soo jiideyn. Say tiri: “Allow marti dag daga noo keen.
Labo bariday kala warl’a ninkaan tuulada caan ayuu ka yahay marti war moog ah mooyee marti taqaan kuma soo leexato.
Dhowr todobaad kaddib Gu’ Roob badnaana soo biyo dhigay dhaxanta iyo qabowga ay reerkii u soo martiyeen ayey  sheeko ay ku hilbo cunto ku dul aliftay,, habeen walba marka qoraxdu dhacdo waxa ay u shiddaa dab weyn markuu in cabbaar ah Qaaqamo ayuu yiraa: “Allow yaa baar saar saarto, ninkuna waa carrab gajo, markaasey si yar oo dagan u tiraa Aw xaaji waa qabtaa qalo, inta soo boodo ayuu yiraahdaa orgiga hebel  ah soo qabo,, Qarjac Gowrac ay ku jiiddaa.
Habeen dhaaf ayey uga dhigtay markuu cabaar dabka kulaalo ayuu yiraa Allow yaa baar saar saarto, say tiraahdaa waa qabtaa qalo, bil gudaheed xerradii Ariga waa maratay oo hal neef ku ma harin suu u lahaa Allow yaa baar saar saarto iyana ay u laheyd waa qabtaa qalo.  Waxaa u haray owrkii cidda ku guureysay labo sac oo irnaan iyo labadooda weylood.
Ninkii baqiilnimadii faqiirtinimo ayaa ugu darsantay, labo todobaad ay dab iska dabo shideysay, waa uga dhaartay inuu yiraa eraygii ay gaad gaad ka ugu jirtay, habeen habeenada ka mid ah uu yiri Allow yaa baar saar saarto  say tiri waa qabtaa he qalo, Suuye weysha heblaayo soo qabo, lo’diina waa ka soo jeesteen waxaa kaliya oo u haray awrkii ay cidda ku guuri jirtay,  saa sidii caadada u aheyd dabkii ayey u shidday, asna halkiisii ayuu ka miisay Allow yaa baar saar saarto,  say tiri waa qabtaaye qalo. Suuye taas suura gal ma ahan maxaa lagu guuraa? Say tiri xaan kuu qabaa aniga, anigaa leygu guuraa ee noo qal.
Halkaas markey xaajo mareyso Ratigii reerka ay ku guuri jireen laga laacay ayaa waxa la gaaray xiligii la naq raacaayay nasiib daro inkasta uu xoolo heysan uu la naq raacdo haddanna waa ku qasbanaayeen ineysan ka harin dadka degaanka.
Aqal hoorigii iyo haamihii iyo dufushii wixii dhan oo yey iyo Alab ay qabeen naagta ayuu dusha ka saaray mugaaseey nafta ka haaday,  Suu yiraa caasho caac dheh Geellii gabar caac ayuu yiri  asagoo wali aan ka quusan oo raba in ay la dhaqaaqdo culaabta uu ku raray ayaa dadkii ku soo baxeen waxey ku dhaheen habaar qabe maxaad xaaska u dishay? Awal ayaad is xoolo tirtaye, markuu ogaaday iney dhimatay ooyin ayuu la dhacay asagoo ku cataabaya SHALAAY MA ROONEE SHELAY DHAAFEENAA.
W/Q; CAbdulle ACbdikariim

SHEEKOOYIN