ANIGA IYO MUQDISHO Q-3AAD W/Q: Cali M. Diini

ANIGA IYO MUQDISHO (Q3aad)

Subax kale waxa aan ku soo kacay cabaad iyo oohin aad u dheer. Markii aan qolkii irid-bannaanka ahaa dibadda uga soo baxay waxa aan indhaha ku dhuftay ciidankii madaniga gaar ahaan raagcaddaagii Faruurow dhakada fujiyay oo ul dheer ku garaacaya nin duruuf iyo diif ba’ani ka muuqato oo garbaduub u xiran (jeebbaysan). Ninku waa nin maskaxda looga jiro oo darbijiif ah oo aan ku arki jiray asaga oo jidadka lugaynaya.

Aniga oo yaabban xanaaqna kax ah ayaan ruugcaddaagii ku iri “miyaad waalan tahay? Maxaad sidaan ugu galaysaa miskiinkaan xanuunsan ee haddana darbijiifka ah? Sidee se ku garan wayday ninkaan jidadka xaafadda caanka ka ah?” Ruugcaddaagii waxa uu ku dooday in ninkaani tuug yahay balse ugu dambayn waa uu iga aqbalay in garaacista ka daayo miskiinka xanuunsan garbaduubkana ka furo.

Sida aan horay u soo sheegayba waxaa magaalada joogto ka ahaa oo nolol-maalmeedka ka mid noqday dhaca, isbaarada, dilalka iyo dagaallada u dhaxeeya mooryaanta haybta abtirsiinwadaaggoofu heer jufo iyo heer jilib u sii kala dhambalmay.

Marka laga soo tago isbaarooyinka daadsanaa dhammaan goobaha muhiimka ah ee magaalada iyo isgoysyada waawayn ee jidadka halbawlaha ahi isku dhaafaan, waxaa caadi ahayd in adiga suuqa iska maraya mooryaan hubaysani qori ama bastoolad kugu qabto ka dib na ku baarto.

Maalin ayaa habaryar Ardo igu dartay islaan dhanka hooyada ay habaryar (iyo dabcan hooyo) qaraabo ahaayeen derisna na la ahayd si aan suuqa Bakaaraha uga doonno adeeggii Ciidul Adxaa oo maalmo ka dhimmanaayeen. Shaqadaydu waxa ay ahayd in aan lacag dhawr milyan oo Shilin Soomaali ah islaanta la qaado. Waayahaas qiimaha sarrifka Shilin Soomaaligu sagxadda ayuu joogay oo boqolkii ($100) doollar waxa uu u dhigmay saddex milyan (3 milyan) oo Soomaali ah.

Aniga islaantii sagaal milyan ayaa qofkii afar milyan iyo bar isku miineeyay (isku miinayntu ma ahan suunkii qarxayay ee naftooda-halligayaasha ee waa qaab Shilin Soomaaliga oo labo-labo boqol isugu xiran qofku dharka uu gashan hoostiisa ugu qarin jiray maadaama aan jeebabka lagu qaadi karin, ama laga baqayay in haddii jeebabka laga geliyo ay indhaha tuugada soo jiidato).

Aan suuqii galnayba goor aan maraynno qaybta hilibka ee suuqa ayaa waxaa dhacay wax aan ilaa hadda la yaabbanahay degdeggii ay ku dhaceen. Islaantii oo dhawr tallaabo iga horraysay ayaan hal mar arkay ayada oo gacmaha kor u taagaysa naxdinna la gariiraysa, isla markaas waxaa indhahaygu qabteen nin madow oo bidaar leh oo qori AK47 ah dhanka islaanta u soo fiiqaya isla markaana sii dibuguryaynaya wax yar ka dib na dadweynihii tirabadnaa ayuu ku dhexlumay.

Markii ninkii ku dhexmilmay dadkii sida daadka suuqa u dhexdillaamayay ayaan ogaaday in ninku la tagay afartii milyan iyo barkii islaantu isku miinaysay. Waxa aan la yaabay sida dhibka yar ee shanqar la’aanta ah ee ninku maamada u furtay. Waxa aan ninkaas u qiray in uu ahaa mooryaan shaqadiisa si wacan u yaqaan oo furashada islaamaha shahaado sare ku qaatay.

Dhacdadaani waxa ay i xasuusisay dhacdo oo sidaas shanqar la’aanta oo kale habo Ardo loogu furtay.

Waxa ay saarnayd bas ka mid ah basaska dadweynaha waxa ay na u socotay isbitaal markii uu nin soo fariistay kursigii ay fadhiday kan ku dhegganaa. Raacista basaska Muqdisho ma ahayn mid lagu raaxaysto waayahaas. Boholaha waddooyinka ka qodmay ayaa basaska ka dhigay mid hadba gges u liicaya, taasina waxa ay caadi ka dhigtay marka aad baska saaran tahay in dadka dhinacyada kaa xigaa hadba kugu soo liicaan oo isriixitaanka iyo isbuurashada rakaabka basaska waa aqbaleen wax dhib iyo dareen ah ka ma qabin. Sidaas darteed ayuu ninkii fadhiyay kursiga habo Ardo ku dheggani dhawr goor xaggeeda ugu soo liicay oo dhan u buusay. Balse liicitaankaani ma ahan kii dabiiciga ahaa ee godadka laamiga ka qodmay sababayeen, waxa se uu ahaa mid ku talagal ah oo siri ku hoos jirto. Habo Ardo oo aan wax dareen ka qaadin liicista ninka ayaa hal mar ku baraarugtay bastoolad bawdada looga hayo. Markii ay ogaatayna si tartiib ah ayuu ugu yiri “soo siib faraantiga” ayaduna si egdeg ah oo dhaganuglaan ah ayay ku siibtay faraantigeedi dahabka ahaa. Dabadeedna si shanqar la’aan ah oo aan xataa rakaabkii kale iyo darawalkii midkoona dareemin ayuu baskii fataq uga yiri.

Tuug faraanti kaa furtay iyo mid dhawr milyan oo Shilin Soomaali ah kaa dhacayba i qarso ayay ahaayeen marka la barbardhigo balaayadii magaaladu dhexmaquuranaysay. Dhimashadu waxa ay ka mid ahayd nolol-maalmeedka dadka Muqdisho ku noolaa. Qabiil hubaysan ka dhalo ama mid aan hubaysnayn ka dhalo’e waxa aad mar walba qarka u saanayd in sabab la’i lagu gu dilo. Dilalka xeer la’aanta (extrajudicial killings) ahi wax caadi ah ayay ahaayeen. In madfac habaw ahi adiga oo jiifa adiga iyo qoyskaagaba ku habsado ayaa ayana ahayd wax goor walba la filan karo.

Haddii aad ka dhalatay qabiillada aan hubaysnayn iyo dadka looma-ooyaanka loo bixiyayna waxaa kuu dheerayd in mooryaanta hubaysani hortaada ku kufsan karaan hooyadaa, walaashaa iyo gabdhahaaga weliba ay dil ugu daraan haddana aan cidina nabad ma sheegtay ku oran (go away with it with no consequences). Sababtu na waa in aan mooryaanta cidina xukumin oo xataa hoggaamiye-kooxeedyada ay magac ahaan iyo qabiil ahaan hoostagaan aysan xukumin. Ku sii darso mid walba oo mooryaanta hubaysan ka mid ahi gaarkiisa ayuu u madaxbannaanaa oo ayaga ayaan isxukumin. Waxaa taas la mid ahaa qabiillada oo jufo aysan jufada kale xukumin oo inkasta oo hal oday ku abtirsadaan haddana ayaga qudhooda ayaa cadow isku ahaa oo dagaallami jiray.

Marka kaliya ee ay midoobaadaan waa marka qabiil kale oo aan ku abtirsi ahayn la collaytamo. Waa dhaqankii reerguuraaga xoolaraacata ee qoys-qoyska iyo jufa-jufada ku dhisnaa oo magaaladii oo dawlad la’aan ah la keenay.

Diriraha qabiilladu waxa ay gaareen heer aad u xun. Qabiil walba asaga ayaa jilibyo iyo jufooyin u sii kala soocmay ka dib na gawda iska saaray. Dhaqanka beelaysiga ku dhisan ee Soomaalidu waa mid la yaab leh. Waa dhaqan abtirsiinwadaag (abtir) ah oo sida basasha u sii kala dhanbalma ilaa kuwa isu aabbaha ahi bah-bah u sii kala baxaan. Dawlad la’aantii dalka ka dhacdayna waxa ay sii fududaysay in dhaqankaas abtirsiinwadaagga iyo reer hebelnimadu sii baaho. Waxa ay u ekayd in dadka magaalada ku nool oo dhan damiirkii dadnimo iyo kii Islaamnimaba laga siibay. Waayo waxa dulmi iyo foolxumo magaalada ka dhacay qofkii arkaa ma rumaysan karin in magaaladaan dad damiir dadnimo leh iskadhaaf’e dad caafimaad ahaan fiyoobi ku nool yihiin ayaa shaki ka galayay.

Wax walba indha qabiil intii la dhaafay baa indha jufo lagu eegayay. Dulmiyihii iyo dilaagii waxa ay dabada la galeen jufo difaacaysa. Waa halkii Abwaan Gaarriye maansadiisi Dabataxan ka lahaa:

  • Dalka waxa ka soo dhacay
  • Duruustii la barayoo,
  • Daarihii burburay shalay
  • Waxa maanta kaga daran
  • Iimaan darnaantiyo
  • Nabaad-guurka diintiyo
  • Kaga dhacay damiirkoo
  • Dal waxaan ku noolahay
  • Saddexdii dalaaqood
  • Lagu furay dadnimadii.
  • Dal waxaan ku noolahay
  • Runtu arag darraysoo
  • Daaddihi la yidhi been.
  • Hadday dunida ceeb tahay
  • Dus-duskiyo khiyaamadu,
  • Noo dabeecad weeyaan.
  • Nin dillaala mooyee
  • Degmadaan ku noolahay
  • Nin daryeel yidhaahdaa,
  • Dulli buu ka qoran yahay.
  • Hebel laga ducaystiyo
  • Mana laha nin dooroo
  • Dayaxii u soo baxa
  • Daamur baa la mariyaa.
  • Mooralkaana laga dilay
  • Danabyadii u kici laa
  • Markii geela loo diray
  • Ninkii maqasha daayacay.
  • Ardayguna dedaalkiyo
  • Dugsigii hadduu gabay
  • Dilluu meel ka haystaa
  • Waxaan daah ka saarrayn
  • Isagoon diktoor noqon
  • Inuu derejo tolan karo
  • Oo doollar heli karo
  • Ama dayday noqon karo
  • Daballaab ku xoogsada.
  • Hadday dunidu ceeb tahay
  • Dulmi loo badheedhaa
  • Dalkayaga ma libiqsado
  • Nin kastoo dakano galay
  • Qoluu dabada geliyoo
  • Denbi dhacay mas’uul ma leh.
  • Markaad hebel duqaysaa
  • Reer hebel damqanayaan
  • Ninkii dood ka keenana
  • Dicaayado raqiis iyo
  • Waxaa lagu didsanayaa
  • Cid baa kaa dambaysoo
  • Ninkii dooxi kara boog
  • Looma waayo daabaqad
  • Iyo qaar la daba gala.

 

W/Q: Cali M. Diini

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN