ANIGA IYO MUQDISHO WQ; Cali M. Diini

ANIG IYO MUQDISHO

Isha sawirka: Google

Inta aynnaan soo gaarin koontaroolka waqooyi ee magaalada laga soo ballaysimaba waxa aan dareemay isbeddal wayn oo aanan asaga oo kale horay u arag: tirada baabuurta iyo dadka laamiga yaacaya ayaan la indhadaraandaray. Dhismayaasha faraha badan iyo dhirta badan ee magaalada ayaa ayaguna la ma filaan igu noqday. Wax walba oo aan subaxaas indhaha saaray la yaab ayay igu noqdeen. Guryaha iyo dhismayaashu ka quroon ka na dhaadheer oo ka fidsan kuwii aan arki jiray. Baabuurtu ka tirobadan ka na qurux iyo noocyo badan kuwii aan arki jiray. Dadku ka dhalaal iyo labbis qurxoon kuwii aan arki jiray. Magaaladu ka baaxad wayn u ma na dhawa Gaalkacyadii aan aqaannay Bandarqaali na warkeedaba ha soo qaadin. Waa sidaas oo aanan weli arkin hal meel oo ka mid ah haddii Muqdisho labaatan qaybood loo dhigo. Nin aan dhul marini dhaayo ma leh.

Waxa kale oo aan la yaabay sida iyo qaabka dadku u hadlayaan: ka duwan oo ka jilicsan ka na qaylo iyo dhiillo yar sidii looga hadli jiray halkii aan ka imid. Malaha taasi waa sababtii aan imaanshaheeda muddo dheer ugu hamminayay aniga oo jooga fogaan u jirta in ka badan 700km. Taasi aniga kaligay igu ma ahayn ee lixdankii sannadood ee u dambaysay kontonkii hore Soomaalidu meel walba oo geyiga Soomaaliyeed ka joogo indhahoodu Muqdisho ayay ku soo foognaayeen. Boqollaal kun ayaa halkaan u soo hayaamay si nolol ka duwan middii ay ku noolaayeen uga sameeyaan.
Deegaanno dhan ayaa hayaankaas dartiis u haawaday. Qoysas badan ayaa habeen madow waayay wiilashii geela u raaci jiray iyo gabdhihii ariga u jiri jiray. Waa na sababta ninkii reer Mudugga ahaa u yiri “ninkii Xamar tagay xaj u ma laabnee….” Tuulooyin badan iyo magaalooyin dhan ayaa magaaladaan darteed u hagaasay.

Balse, subaxaas Muqdisho xaqiiqada ay ku sugnayd iyo waxa ninkayga koytada ah u muuqdaa kaaf iyo kala dheeri bay ahaayeen. Waxaa jirtay run iyo xaqiiqo iga daahsoonayd oo indhahayga iyo garashadayda gaabani aysan arki karin, laakiin ay waqti aan dheerayn ku baraarugi doonaan.

Aad bay u kala fogaayeen Muqdishadii qarnigaan dabada jeediyay badankiisa ay darteed gobollo iyo magaalooyin badan oo Soomaaliyeed u faaruqeen iyo Muqdishada aan subaxaas inatareega uga degay. Iskadhaaf qof Muqdisho joogay maalmeheedi dahabiga ahaaye (1960, 70,iyo 80yadii) waxaa subaxaas haddii uu i arki lahaa igu qosli lahaa Ibnu Batuuta oo Muqdisho iiga soo horreeyay in ku dhow 700 oo sannadood. Layaab se ma ahayn in aan la yaabo Muqdisho, waayo, sidaas aan u la yaabay ayuu Ibnu Batuutaba u la yaabay ilaa uu waynankeeda iyo fidsanaanteeda ku tilmaamay mid aan dhammad lahayn. Waxa ii muuqday oo aan la indhadaraandaray waa hambadii ka hartay Muqdishadii waynankeedu uusan dhammaadka lahayn cahdigii Ibnu Batuuta oo qarnigii labaatanaad inta sii labalixaadsatay maalmihii aan dhashay figta sare gaartay. Malaha, waxyaabaha Muqdisho ka sinnayd maalintii uu Ibnu Batuuta doonta ku yimid iyo subaxii aan inatareega ku imid waa suuqii waynaa oo Ibnu Batuuta ugu yimid oo inta sii ballaartay noqday kan ugu wayn Bariga Afrika, hilibkii, bariiskii iyo qudaartii tirada badnayd oo aniga iyo asaga ay isku si inoogu soortay.

Waxa kale oo bulaalay xiriirradii ganacsi ee Muqdisho la lahayd Careebiya, Eeshiya iyo Afrika si malyuun jeer ka badan sidii uu Ibnu Batuuta ku ogaa. Inkasta oo dahabkii ay Muqdisho shubi (dhalaalin) jirtay waqtigii Ibnu Batuuta ay subaxii aan imid dibadda ka soo iibsan jirtay.

Waxaa se la yaabka lahaa waa in Muqdishadii dawladda ahayd ee Suldaan Abuu Bakar Ibnu Shiikh Cumar madaxda u ahaa 700 oo sannadood ka hor ay subaxaan u qaybsanayd tobaneeyo hoggaamiye-kooxeed iyo qabiillo midiba daan fadhiyo. Ciidankii halka talis lahaa salaanta iyo jaantana isla hayay maalmihii Ibnu Batuuta martida u ahaa waxaa beddalay malleyshiyo qabiil iyo burcad horor ah. Maxkamaddii iyo Qaaddigii garta goynayay ee Ibnu Batuuta horfariistay waxaa beddalay qoriga AK47 ee Ruushku suubbiyay.

Yeelkeed’e miskiinkayga yar ee koytada ah waxaas oo dhani u ma muuqdaan. Indhahaygu ma arkaan waxa aan ahayn dhalaal, qurux iyo wanaag. Taasina ma ahan wax lagu la yaabo gaban yimid kobtii keli ahayd ee muunad iyo muuq magaalo (the only cosmopolitan) lahayd dalkiisa oo dhan, inkasta oo waxa uu muuqdaa yihiin hambadii iyo jabadkii ka haray magaaladaas, waayo, sidaas ayada oo u burburtay ayay haddana dalka intiisa kale weli dhaantay oo maal iyo muunadba uga horraysay. Malaha waaba sababta ay dhibta ugu raagtay.

 

Waxaa qoray Cali M. Diini

Kala xiriir: diini42@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.