Aqbal tilmaantaada dhabta ah. Qore: Maxamed Muuse Sh Nuur

Aqbal tilmaantaada dhabta ah. Qore: Maxamed Muuse Sh Nuur

Waan aqbali karaa in la igu tilmaamo waxa aan ahay maxaa yeelay, waaba ahay, oo qofka ama kooxda tilmaantaas isiisay waxay mudan yihiin mahadcelin buuxda.
Waxaa jira dad ka xanaaqa ama aad uga falceliya marka xaqiiqda dhabtooda loo tilmaamo, dadka nuucaas ah marka ay taa dhacdo waxa ugu horeeya ay ku dadaalaan ayaa ah wasaqaynta qaabka wax looga sheegay ama ayaga oo waji kale u yeela tilmaanta dhabta ah ee laga baxshay.
Dhabta nolosha waa ku noolaasho iyo aqbalidda waxa aad tahay, haddii ay xunyihiin ogolow, marka aad ogolaatidna waxaa kuu furamaya wadda aad isaga saxdo wax walba oo kaa qaldan .
Xumaan ha u arkin marka tilmaan lagaa baxsho taas oo mararka qaar ku yeelan karta dareen aan wanaagsanayn naftaada, balse waa dhabta jirta ee aad tahay, waddada kuu furan ee aad ku ogaan kartana waa aqbalid marka hore, kadib ayey sixid  kuu egtahay.
Qof walba wixii uu ogolaado ayaa socon kara wax aadan ogolayn ma socon karaan, bulshada kula noolna waa Marqaatiyaal shiban oo xog-ogaal u ah qofka aad dhab ahaan u tahay, dhammaantood kama wada hadli karaan balse qayb yar ayaa laga yaabaa in ay doortaan run ka sheegista waxa aad tahay inta kale waxaa laga yaabaa in ay kuu yihiin camirayaal ama kuugu qurxiyo ficilladaada qosolkooda iyo dhalanteed ay dareenkaaga ku qurxinayaan.
Waan aqbali karaa in la igu tilmaamo in aan ahay qof naxariis badan ama naxariis daran maxaa yeelay, aniga ma ihi kan ay tahay in uu sheegto sida uu yahay, ficilka naxariista waa ficil aan aniga sameeyo balse, sida loo arkay aniga maahan qofka xaqa u leh tilmaantiisa, waa dadka iga arkay, waxaa la dhahaa waxaa tahay waxa ay dadka kaa arkaan, inkastoo mararka qaar ay ku xirantahay dadka sida ay kuu arkaan ay ku xirantahay sida ay yihiin dadkaas naftooda.
Tusaala ahaan haddii koox isku kaashatay in ay xumaantaada kaliya faafiyaan ay tilmaan kaa baxshaan taas macnaheeda maahan in aad tahay sida ay kuu tilmaameen, dadka laga hadlayo ma ahan koox si gaar ah kuu aragta, dadka ku tilmaamaya waa in aysan si gaar ah kuu arkin, maslaxad gaar ahna aysan ka lahayn qofka aad tahay.
Waa laguu arki karaa qof qaldan mararka qaar, marka ay taa dhacdo waxa kula gudboon ayaa ah in aad is Dajiso oo arrinta daraasayso, dib u eegis kuu gaar ahna ku samayso adiga oo is waydiinaya su’aalo dhowr ah oo ugu horayso sababta laguugu tilmaamay qof qaldan?
Waxaa jira dadka qaar oo marka la tilmaamo qaladkooda arrinta u arka arrin la shaqsiyadeeyay oo ka leexsha yoolkii la rabay ayaga oo boor aan la aqoon halka laga soo duuliyay iyo halka uu ku jeedaba isku qariya.
Qalad marka lagugu sheego ma ahan arrin sahlan waa in qaladkaas lagugu tilmaamay uu ku cusleeyaa oo waqtigaaga ugu badan aad ku bixiso sababta keentay qaladka lagugu sheegay kadibna aad la timaado aqbalaad iyo isi sixid.
Waali ayaaba lagugu tilmaami karaa mararka qaar adiga oo isku arka in aad fayowdahay, maxaa yeelay, qof waalan isaga isma arko ee dadka ayaa arka, waalidiisana isla qira.
Sidaa darteed, haddii lagu dhaho waad waalantahay qofka sidaa kugu dhahayo waxaa kaala gudboon in aad ka dalbato sharraxaad dheeraad ah ama dhowr qodob oo caddeynaya waalidaada uu ku siiyo, haddii uu ku siiyo markaas haddiiba aad tahay qof fayow kuuma muuqanayso waalida lagugu tilmaamay ee waxaa kuu muuqanayo in aad qanciso qofka tilmaantaas qaldan kaa baxshay.
Adiga lagugu tilmaamay waalida waxaa kuu furan in aad u caddayso qofka sidaa kugu tilmamay in sida uu wax u sheegayo aysan ahayn, isagana waxaa la gudboon in uu la yimaado sababaha uu waxa uga sheegay badqabkaaga Dhimir.
Is qancinta labadiinaba waajib ayaa la idinkugu leeyahay, qodobkan oo kaliya ma quseeyo is qancinta ee in lagu qanciyo ama aad wax qanciso waa mid lagugu leeyahay marna aad adiga leedahay.
Xaqiiqda nolosha haddii sidaa loo fahmi lahaa oo is difaacista iyo qaylada muranka ku dhisan oo labada qofba wada qaylinayaan xal waa loo heli lahaa, waxaana noqon lahayn Umad wada doodda oo dooddooda isfaham ka yeesha.
Aqbalidda dhabta jirta ayaa sladhig u ah dhammaan qodobada aan soo sheegay, balse, haddii aysan taas xagaaga ka suuroobin waxaa badan doona Khilaafka, Nacaybka, Cuqddada, Ciilka, Xasadka, Cadaawadda iyo wax walba oo xun oo natiijadooda aan la mahdin, adiga oo kaliya ayaa doorashada iska leh.
Balse haddi aad aqbashid waxaa is baddal wanaagsan ku imaan doonaa shaqasiyaddaada, qaabk fakarkaag, waxaa yeelan doontaa dad badan oo kusoo raaca, ku fahma, ku jecel, waana wax wanaagsan in aad ku dhex yeelato asxaabtaada iyo bulshadaada sawir wanaagaan, ayaga ayaana tilmaanta aad ka mudantahay markaas kaa bixin doona.
Waxaa kaloo helaysaa farxad dhan walba ah, farxad xitaa waxaad helaysaa aad nafsiyan u haysan, maxaa yeelay waxaad hagaajisay Bay’ada aad ku nooshahay, .marka waa qasab in neecow walba oo dareenta ay ka imaanayso bulshada aad ku dhex nooshahay taas oo noqnaysa mid ku dhisan ama ku salaysan Jacayl, Naxariis, Daacadnimo, isfaham, is taageerid, iyo is kaalmayn, intaas marka uu qofku helo wax uu u baahan yahay oo kale maba jiraan.
Ku dadaal in aad hagaajiso hareeraha halka aad ku nooshahay oo ka kasbataa inta kugula nool wanaag iyo ixtiraam si adigana intaas oo kale aad uga hesho.
Waan soo dhaweynayaa fikradihiina, aad ayaana idinkaga mahadcelinaha aqrinta iyo waqtigiina qaaliga ah ee aad ku bixiseen usoo jalleecidda qormadan.
Qore: Maxamed Muuse Sh Nuur
Xabuu8@gmail.com
Ekisyare@hotmail.com

SHEEKOOYIN