ARGAGGAX WQ; Cabdinaasir Xiddig

ARGAGAX

Subax aroor ah ayaa aniga iyo saaxiibkay Cawil waxaan u soo dhaqaaqnay dhanka suuqa wayn ee Bakaaraha, Cawil, wuxuu ka shaqayn jiray suuqa Daawada, halka aniguna aan u socday dukaan uu lahaa nin aan xigaal ahayn oo ku yaallay isla suuqa. Waqtigu waa maalin ka mid ah maalmihii xumaa ee Muqdisho, waa horraantii sanadkii 2004-tii, waxaa meelkasta yaalla isbaarooyin iyo kooxo hubaysan oo is wada diiddan. Waxaa kaloo intaas dheer tuugo iskood u hubaysan oo dadka dhaca, gaar ahaan goobaha ganacsiga iyo qofkii ay si gaar ah ugu tabayaan dhaqaale ama ladnaan.

Aniga iyo Cawil gaari ma aanan raacin, maxaa yeelay waxaanba degganayn xaafad u dhaw suuqa, waxaase la iska indhatiri karin in suuqa bakaaruhu uu aad u wayn yahay oo aad u baahanaysid in aad gaari u kala raacdo. Balse aniga iyo widdaagay Cawil waan lugaynay.

Waxaan sii socono oo aan hadba jiiro dhaafno, hadba ay koox hubaysani na joojiyaan ayaan gaarnay goobtii aan u soconnay ee suuqa Bakaaraha, qaybtiisa Daawada. Waxaan fariisannay makhaayad yar ama biibito ay markaas furaysay gabar Soomaaliyeed oo goobtaasi lahayd. Kaftan iyo sheeko ayaan ku billownay. Ayadoo aad mooddid in aan isku illowsiinayno daalkii badnaa ee aan ka soo qaadnay socodkii dheeraa.

Waa gabar dhallinyaro ah oo u labbisan qaab Soomaalinimo ka muuqato, waxay ku howllantahay shidista dabkii iyo dhaqista alaabtii ay wax ku karin lahayd, waxaadna dareemaysaa in ayba ku faraxday imaashaheena, maxaa yeelay waxaan u noqonay wehel oo suuqu wali waa cidlo. Ayadoo shaqadeeda ku jirta ayay noo waddaa kaftanka iyo sheekada, inkasta oo aan faduulinayno,mararka qaarna aan xifaalaynayno, haddana way dhoollacadaynaysaa, mararka qaarna waxay nagu soo tuuraysaa kaftan aad mooddid in ay soo diyaarsatay shalay.

Magaceeda ayaan waydiiyay, waliba si kaftan ka buuxo, oo iri: “kolley magacaagu wuxuu u qurux badan yahay sidaada oo kalee bal magacaa?” say tiri: “Qadan ayaa la i dhahaa, balse uma baahni in aan magiciinna idin waydiiyo, illeen waan ogahay in aad ii dhiibaysaan magac been ah kkk, dadkoo dhami sidayda oo kale daacad uma wada ahan”. Markaas baan ugu warceliyay : “Maya, been iyo daban-daabyo waa shaqada xaawalayda/dumarka, raggu way dhaamaan”.

Sheekadii waxay socotaba gabadhii waxay dhamaysatay shaqadii intii badnayd, waxaana ugu horreeyay oo ay samaysay shaah kaasi oo ahaa waxa ugu horreeya ee aan u baahnayn, waxay noo soo shubtay laba koob oo shaah ah, waxayna noogu soo qaadday saxan yar oo loogu talagalay in dhowr koob halmar lagu wadaqaado, agteena ayayna soo dhigtay ayadoo aad mooxdid in ay la dirirayso garbasaarkeeda oo hadba ay dabayli dhufanayso kuna siganaya in uu madaxeeda faydo.

Mahadcelin iyo maaweelin ka gadaal waxaa soo baxday qorraxdii suuqiina wuxuu bilaabay dhaqdhaqaaq. Waxaa soo bilawday dadkii sida maalinlaha ah uga shaqaysan jiray. Waxaa kale oo hareeraheennii cidlada ahaa la soo tubay: gaari-gacanno alaabo kala duwan saaran yihiin oo sida caadada ah la dhigo waddooyinka suuqa, kuwaasi oo qayb wayn ka qaata ciririga suuqa wayn ee Bakaaraha. Markii aan shaahii dhamaysanay ayay gabadhii waxay noo keentay quraac fudud. Hadda sheeko way dhamaatay oo waxaa soo buuxsamay dadkii, waliba kuwa nooga aqoon badan gabadha, kuwaasi oo nagaga adkaaday maqalkii iyo araggii gabadhii Qadan iskugu keen sheegtay.

Waxay saas ahaataba, markii suuqii isku dabadhacay lana furay goobihii ganacsiga, gaar ahaan kuwii aan aniga iyo Cawil u socanay ayaa waxaa halmar isbaddalay xaalkii goobtii. Waxaa billawday madaafiic iyo rasaas aad u daran kuwaas oo aan talada ugu jirin dadka reer Muqdisho. U fiirsho, marka meel nabad ah hal daqiiqo gudaheed loo bafdalo goob dagaal maxaa ka dhalan kara? Jaaha-wareer iyo cabsi ayaa ka dhacday. Waxaa billaabatay qaylo iyo kala orad. Madaafiicda dhacaysa waxaad mooddaa in la yiri ha lagu duqeeyo meesha ay fadhiyaan labadaan wiil ee annaga ah. Kaligeen ma ahan ee qofkastaa wuxuu ku dhagabeelay huganka iyo dhawaaqa naxariista daran ee qoryaha Suugga iyo Hoobiyaha!.

Madaaficdii waxay inta badan haleeshay goobo ganacsi, firirkii iyo rasaastiina waxay dhaawac iyo dhimasho u gaysteen dadkii goobta ka dhawaa. Ku darsoo mashaqadani kuma koobnayn oo kaliya suuqa ee waxaa sidaan oo kale lagu kala cararay qaybo badan oo magaalada ka mid ah. Waxaa xirmay dugsiyadii, waxaa istaagay isku socodkii gaadiidka, waxaana si wayn irdaha loogu furay goobihii caafimaadka, kuwaasi oo maalintii balaayo dhacdo bariiskoodu banaanka yaallo.

Waxaa laga yaabaa in aad is waydiinaysid aqristoow meeshay ku dambaysay qalanjadii kaftanka badnayd ee Qadan?. Qadan waxay ka mid noqotay dadkii ku halaagsamay madaafiicdii, waxaa madfac wayni ku soo dhacay dhismihii ay ku ag lahayd biibitada ama maqaayadda, waxaa ku soo dumay qayb ka mid ah dabaqii, waxayna indhaheenu qabanayeen Qadan oo qaybaha dambe ee jirkeeda uu qariyay burburkii gurigu, qaylinaysa oo gacansiin codsanaysa!

Qofina kuma dhiirran karin in uu qof kale caawiyo, maxaa yeelay qofkastaa wuxuu la caalwaysanaa halaagga iyo hoogga dhacay, xaalkuna wuxuu ahaa”nin walboow naftaa, nabiyoow umaddaa”.

Qadan waxay ka mid noqtoday dadkii ku geeriyooday meesha, waxaase xusuus nagu reebay aniga iyo saaxiibkay Cawil sidii silaca ahayd ee gabadhaasi u qurbaxday. Waxaan aniga iyo Cawil ku gambanaynay meel aan sidaasi uga fagayn halka ay taallay, waxaana daawannay ilaa ay ka dhimanaysay!

Dadka waxay hadba dhan u dhaafayeen meesha ay gabadhu ka qaylinaysay, waxaase la moodayay dadkaasi in aysan dhagaba u duleelin!.

Ugu dambayn, markii ay rasaastii qabowday ayaan u cararnay dhankii xaafaddeena, anagoon xitaa aadin meelihii aan dartood u imaannay suuqa. Waxaan markasta filanaynay in rasaastii ay dib u billaabato, waxaana doorbidnay in haddii aan dhimanayno aan ku dhimano guryaheenna iyo dadkeenna dhaxdooda.

Markasta waxaan soo xasuusan jiray Qadan iyo qaabkii ay u naf waysay! sidii loogu gardarooday ee madaafiicda loogu soo hoggaamiyay!, qayladeedii garabka waysay! midabkeedii maarriinka ahaa ee carrada iyo busta isku baddalay! dhoollacadaynteedii subaxaas la soo afjaray iyo kaftankeedii aysan suurtagalka ahayn in aan mar dambe arko!

Qadan, kali kuma ahayn gabood-falkaasi, waxaa jiray boqolaal dumar, carruur iyo waayeel loo laayay si gardarro ah, ayadoo aan wax garsoor ah la horgayn kuwii dhibaatadaas gaystay. Qaarkood dhagar-qabayaashaasi waa caan, waxayna xilal ka qabteen haddana ka hayaan maamulada Soomaaliya! Qaar badan oo dambilayaal ah ayaa si raaxa leh ugu nool dalal kale, ayagoo aan marnaba doonayn in Soomaaliya yeelato garsoor iyo sinnaan.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN