Baadi goob baahi badan! Q-16AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan! Q-16AAD

Qaraxaas wuxuu magaalada ka abuuray qalalaase iyo is waydiimo badan, dadka magaaladu sida badan waxay u shaqaynayeen Xaashi, taliye Daacad oo shir jaraa’id qabtayna wxuuu ku sheegay: in Xaashi uu ganacsi sharci darro ah ku jiro loogana shakisan yahay qaraxa magaalada ka dhacay, baaritaan ay wadaanna ay dhawan kusoo qaban doonaan Xaashi oo waqtigii uu sharciga ka fakan lahaa uu soo dhammaaday. Taliye Daacad marka uu sidaa u hadlayay iskama hadleyn oo waxaa jiray heshiis hoose oo sharci darro ah ay u wada galeen reer Muuse.

Taliye Daacad waxaa ka go’nayd in uu Xaaahi mar uun xabsiga dhigo sharci darraba ha noqotee, balse, hadda wuxuu helay warbixin been ah oo ay soo maleegeen reer Muuse oo doonayay in ay billaabaan sidii ay Xaashi ugu xanuujin lahaayeen maskax ahaan iyo jir ahaanba. Waxaa jiray; kulan lagu gorfeeyay sida Xaashi shirqoolka loogu maleegayo iyada oo lagu eegayay dhanka uu ka jilicsan yahay oo la is tusiyay in uu ahaa dhanka Maryan oo uu aad u jeclaa. Waxaa la isku af gartay in nooca bambada lagu qarxiyay la dhigo meel ay isla garteen in ay ku habboonayd, si qorshahaas loo gaarana la soo helo telefoonka Maryan ka dibna laga diro farriin qoraaleed ay ku ballaminayaan meel. Xaashi aad ayuu ugu jilicsanaa Maryan, inkasta oo ay ku adkayna hadal ama codsi walba ay samayso wuu yeeli jiray.

Axmed Kalluumayste oo ahaa: nin kalluumaysatada ka mid ahaa isla markaana magaalada laga wada yaqiin, balse, waayadan ay dhaqaale xumo soo wajahday ayaa ahaa ninka qorshahaas fulintiisa loo igmaday. Axmed wuxuu yimid meel ay Maryan ka qaxweynaysay wuxuuna ku dadaalay in uu helo ammin uu Maryan ugu dhawaado isaga oo ugu dambayn is tusay Maryan  xoogaa ka qoslin ah iyo sheeko maawelana la galay ayuu ka xaday telefoonkeedii gacanta una geeyay Yaasiin iyo taliye Daacad oo ku sugayay goob aan ka fogayn. Taliye Daacad ma jeclayn Yaasiin, wuxuuse ogaa qaabka uu uga soo baxsaday Guure iyo xaaladdii uu Guure ku sameeyay, balse, markaan maadaama qolyo dhaqaale iyo awoodba leh uu la xirtay isla markaana u ballan qaaday in arrintii hore ay isku gariifeen ay mesha ka baxday una bandhigay qorshaha Xaashi lagu xirayo, wuxuu ku qasbanaaday maadaama xaalad adag oo qar iska tuur ah ay la soo darastay in uu aqbalo qorsha walba oo Xaashi lagu halaagayo. Dhinaca kale waxaa dib usoo qarxayay oo foolxumadooda soo baxaysay qorshayaasha Cabdirashiid. Najmona waxay noqotay xlidhibaanad sidii uu Xaashi doonayay, Ilhaan iyo Cabdirashiid is faham darro ayaa soo food saartay ka dib markii la ogaaday taariikh xun oo ay Ilhaan la lahayd.Mahad oo reer Muuse ahaa, sababtana waxaa lahaa Mahad oo soo faafiyay sawirro fool xun oo uu Ilhaan ka qaaday.

Cabdirashiid oo xaaladihiisu ay kacsanaayeen isla markaana ogaaday in qorshayaashiisa dhammaan ay fashilmeen sabab uu Ilhaam xaas uga sii dhigtana aysan jirin, haddana ay soo baxeen foolxumadeeda iyo taariikh xumadeeda ayaa go’aansaday in uu iska furo, balse, ka hor uu ka fikiraa wixii uu u sheegi lahaa. Najmo oo iyana ahayd xaaskii hore ee Cabdirashiid ayaa ogaatay in Cabdirashiid uu beeno badan ka sheegay caafimaadkeeda ka dib laaluushid uu laaluushay dhaqaatiirteeda si looga soo rido uur ay markaas Cabdirashiid u siday. Najmo aad ayey uga xummaatay qayaanada uu kula kacay; Cabdirashiid oo ay daacad u ahayd aadna u jeclayd, waxayna go’aansatay in ay ka aar gudato marka ayammin wanaagsan iyo kansho ku hesho. Nasro waxaa soo wajahay cabsi ay ka cabsanaysay Mahad oo ahaa; wiilka ay eeddada u tahay oo sidii ay dhawaan ula wareegeen qayb ka mid ah boqortooyada Xaashi la soo baxay qaab dhaqameed aysan ku farxin, sidoo kalena billaabay in uu kala fogeeyo iyada iyo ninkeeda Muuse, sidaas darteed, Nasro waxay billowday in ay iska horkeento Muuse iyo wiilkiisa Mahad ayada oo doonaysay in Mahad uu meesha ka baxo.

Dhowr tallaabo oo ay qaadday waa ay u shaqaysay, balse, Mahad oo ka war helay in ay eeddadiis Nasro ay soo noqonayso caqabadda isaga iyo aabbihiis soo dhex galaysa ayaa go’aansaday in uu ka takhalluso. Habeen saq dhexe ah iyada oo hurdayso ayuu ceega ula tagay maydkeedina ku aasay meel aan laga filayn oo ahayd goob lagu nasto. Waxaa la helay gaarigeeda oo meel duur ah yaal, balse, maydkeeda lama helin, booliska iyo dhammaan qoyska reer Xaashi shaki ayaa wada galay, balse, wuxuu u sheegay in eedadiis ay taariikh u leedahay in sida ay u joogto ay iska baxdo haddana ay u sheegtay; in ay joogto Dubai. Waxay ahayd been uu abuuray, balse, waa u socotay, Mahad wuxuuna maamulayay qayb ka mid ah boqortooyada Xaashi oo ay shirko la ahaayeen. Aabbihii Muuse ma uusan joogin waddanka, balse, kor ayuu kala socday wax walba in uu dhawaan iman doonana wuu sheegay.

Waxaa la soo gaaray amminkiila gani lahaa leebkii Xaashi lagu dhufan lahaa xabsigana la geyn lahaa maadaama qorshii koowaad ee helidda telefoonka Maryan uu suura galay. Farriin qoraaleedkii ayaa loo diray Xaashi oo xaalad fiican aan markaas dareemayn. Inta aan la gaarin amminka Xaashi shirqoolkiisa lagu ballamay ayey aragtay Maryan Cabdrashiid oo bastoolad wata una sheegay in Xaashi uu dilay aabbihii uuna kasoo aargudanayo. Maryan marnaba lama dhacsanayn qaab dhaqameedka aabbaheed, balse, Cabdirashiid in uu aabbaheed waxyeelleeyo ma rabin, isla markiiba waxay wargalisay Haajir oo ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee Xaashi, balse, markaas lama joogin. Xaashi oo uu xanuunku ku siyaadayo, balse, waayadan la soo baxay in uu kaligiis iska tago oo uu xeebta xaggeeda isaga soo nasto ayaa waxay kulmeen: Cabdirashiid oo bastoolad sita.

Cabdirashiid Xaashi aabbihii oo kale ayuu u ahaa wuxuuna waydiiyay in uu dilay iyo in kale Xaashina wuu qirtay sababtana wuxuu ugu sharraxay in ay ahayd: in Cabdirashiid aabbihii uu doonayay in uu Xaashi kala wareego Maryan hooyadeed, Xaashina uusan taas aqbalayn maadama Maryan hooyadeed Hibo ay ahayd nolosha jacaylkiisa. Sidoo kale Xaashi wuxuu ogaaday qorshayaasha oo dhan ee uu Cabdirashiid u maleegay in uu dhulka keeno boqortooyadiisa, Xaashina wuxuu su’aala arriintaas ah ka waydiiyay Cabdirashiid, isaguna wuxuu u qirtay in uu sameeyay, sababta uu smayayna ay ahayd; in isaga oo aaminsan in boqortooyadaan tiisaahi ay tahay wiilkiisanu ahaa uu isagoo wax walba boqortooyada usoo qabtay in Xaashi dhaho xabbad kuma lihid. Cabdirashiid wuxuu sheegay in sida uu ku hanan lahaa xaqiisa uu u istaagay isla markaana ay ka go’nayd in uu dhulka dhigo boqortooyada, balse, qalad uu ka shallaanayo ay tahay maadaama reer Muuse oo mooryaan diirata ah uu kanso u siiyay in ay qayb ku yeeshaan boqortooyada.

Xaashi wuxuu u sheegay in uu ogaa wax walba uu qabanayay isla markaana uu iska dhaga tirayay tallaabo walba uu qaadayay Cabdirashiid, sidoo kale uu isagu dilay Daahir oo wiilka Xaashi ahaa, sababta uu gabadhiisa u guursadayna ay ahayd sidii uu kula wareegi lahaa hantidiisa. Cabdirashiid iyo Xaashi oo goobta wada taagan ayaa isla gartay in qof walba uu kan kale dhaawacay,  haddii Xaashi dilay aabbihii isaguna uu dilay wiilkiisa iyo dhaqaalihiisa, hantidii Xaashi oo dhan uu isagu meel ku xaseystay, balse, Xaashi ayaa u sheegay in uu ku faraxsan yahay sida uu sameeyay, aargudashana aysan jirin, balse, hadda maadaama hal cadow ay wada leeyihiin oo boqortooyadooda lala wareegi rabo in laga shaqeeyo sidii dhulka loo dhigi lahaa loogana difaaci lahaa. Haajir oo goobta yimid ayaa la kulmay wax uusan filayn ka dib markii uu arkay xaashi iyo Cabdirashiid oo gacmaha is galinaya.

Haajir, xaashi iyo Cabdirashiid waxay u sheegeen qorshaha soo kordhay iyo sidii wajiya kala duwan loo samaysan lahaa si looga takhaluso reer Muuse oo u muuqday in ay la wareegayaan boqortooyada Xaashi, taas baddalkeedana uu Cabdirashiid noqon doono hoggaanka boqortooyada reer xaashi. Haajir wuu soo dhaweeyay heshiiskaas isaga oo sheegay in uu si dhow ula shaqayn doono labadoodaba qorshahaasna uu yahay mid aad dan ugu wada ah dhammaan dadka magaalada oo aan doonayn qolyahan cusub ee qaraxyada maleegaya.

La soco qaybta 17aad haddii Eebbe idmo.

W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

  • ekisyare@hotmail.com
  • xabuu8@gmail.com
NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.