Baadi goob baahi badan! Q-17AAD W/Q: Maxamed Muuse Sh. Nuur

Baadi goob baahi badan!!!
Qaybta 17aad
Mahad oo jacayl u qabay ilhaan isla markaana ahaa nin dhaqan xun ayaa xooga saaray sidii uu ilhaan ku hanan lahaa isaga oo sirta guurkeeda ka dambaysa la wadaagay, sidoo kale tusiyay caddaymo ah in C/rashiid uu ahaa ninka dhulka dhigay ganacsigooda.
Mahad danta uu ka lahaa iska horkeenidda labadood ayaa ahayd siduu u hanan lahaa iyada, laakin jacayl dhab ah ay u qabtay c/ rashiid ayaa ku kallifay in ay ka dhaga adeegto waxa mahad sheegayo.
C/ rashiid isagu ilhaan jacayl uma guursan qorshahiisa ayeyna qayb ka ahayd, balse heshiiskan cusub iyo qorshaha xaashi ayaa qayb ka ahaa in ilhaan la furo.
Wuxuu u caddeeyay in uu isagu lahaa qorshe uu kula wareego boqortooyadooda laakin aysan u suura galin isaguna uu mas’uul ka ahaa in boqortooyadooda ay musallifto.
Ilhaan aad ayey u jeclayd c/rashiid, laakin niyad jabka iyo u caddaynta uu u caddeeyay in uusan jeclayn ayaa ku qasabtay in ay aqbsho furrinka uu la doonayay.
Xaashi qorshii lagu soo qaban laha sidii loogu tala galay ayuu u dhacay oo waxaa loo soo diray farriin, maadaama uu waayadan kaligiis socdayna wuxuu goostay in uu kaligiis la kulmo gabadhiisa maryan ee farrinta telkeeda la xaday laga soo diray.
Naqshad qaabaysan oo lagu shirqoolayo ayey ahayd isla markii uu galay goobtii lagu ballanshay oo lagu diyaariyay qaraxyadii ayey taliye daacad iyo ciidankiisa oo aan ka fogayn goobta hal mar wada yimaadeen sidaasna xaashi lagu qabtay.
Xaashi wuxuu ahaa nin ay wada jeclaayeen dadkiisa oo dhan balse qaraxyada ay reer muusa maleegeen sumcaddiisa hoos ayey u dhigtay, waxayna u sameeysay arrintan cadow badan oo ay ka mid ahaayeen dadkii isaga taabacsanaa.
Qorshaha xaashi iyo haajir iyo c/rashiid wada sameeyeen wuxuu ahaa in la ogaado cidda waqtiga adag la joogi karta iyo cidda cararaysa marka lagu jiro xaaladaha cuslus.
Xaashi in uu xabsi galo qorshaha kuma jirin laakin maadaama uu galay waxuu jaanis u helay in uu sumcaddiisa dib usoo dhiso.
Taliye daacad oo aad u faraxsan ayaa maryan booliska ugu timid waxayna u sheegtay in telkeeda la xaday, laakin taliye daacad oo qorshahaas wax ka ogaa ayaa ugu hanjabay in haddii aysan goobta isaga tagin la xiri doono, maadaama uu aabaheed xabsi ku jirana aan qiil ama wax lagu eedeeyo aan loo waayeen.
Maryan oo yaaban ayaa goobta isaga tagtay, waxayna xabsiga ku booqatay aabaheed iyada oo daawadiisa ugu geysay meesha, balse wuxuu xasuusan waayay in uu u sheego in sababta uu xabsiga ugu jiro ay tahay farriin laga soo diray telkeeda.
Xer ilaaliye Qaadir waa dambi soo ooge sare, aabihiis waxaa salfaday Xaashi, wuxuu ahaa abihii nin daacad ah laakin xaashi oo ninka uu rabo jagada uu rabo geysanayay ayaa salfaday kadib markii uu wada shaqayn ka diiday, xer ilaaliye qaadirna ciil gaar ah ayuu u qabay xaashi sida taliye daacad ayuuna u doonayay in uu xabsiga ku hubsado, laakin wanaaga qaadir ayaa ahaa in uu ahaa nin jecel caddaaladda xaashina si caddaaalad ah loo soo xiro iyada oo aan dambiyo uusan lahayn loo soo marin.
Xer ilaaliye Qaadir wuxuu qaaday isla markiiba wadda ka duwan waddada uu taliye daacad qaaday, wuxuu ogaa xaashi in sawirka guud uu yahay jaranjarada lagu gaari karan ay tahay C/rashiid, haddii uu gacanta ku dhigana xaashi iyo dhammaan cid walba oo la xiriirta uu soo qaban karo, sidaa darteed, wuxuu is tusiyay in ay qasab tahay in uu helo caddaymo uu ku xiri karo c/rashiid, wuxuuna is lahaa waxaad heshay gacanta midig ee Xaashi aad kusoo qaban karto.
C/ rashiid kadib markii qaadir tusay inta waddo uu ku xiri karo ayuu ka codsaday in uu kala shaqeeyo sidii xaashi loo soo xiri lahaa.
C/ rashiid oo u arkayay jaanis uu ku kasban karo kalsoonida booliska isla markaana ku hirgalin karo qorshihii ay xaashi isla maleegeen ayaa ku raacay in uu u noqdo sirdoon hoose.
C/ rashiid wuxuu dajiyay qorshayaal badan oo uu xaashi dhulka ku keenayo si uu u helo kalsoonida sharciga, balse si kale marka loo dhigo daacad uma ahayn sharciga ee Xaashi ayuu daacad u ahaa.
Xaashi inta uu xabsiga ku jiray waxaa sii xoogeysanayay reer muuse oo is balaarin wayn waday, waxay ciqaabeen reer xaashi ilhaan iyo siciido oo la yiri guriga ka baxa idinka ma lihidiinee, nasradii ka difaaci lahaydna waa tii Mahad ka takhallusay,
Balse siciido waa fahamtay in nasro laga takhulysay sida ay caddayn ku raadin karto ayey sameynaysay.
Qorshaha xanuujinta reer xaashi ee ay isla maleegeen cadowga Xaashi ayaa bilowday waxaa  la soo xiray marka hore Siciido xaaska xaashi oo la cabsi galshay iyada oo laga codsaday haddii ay xaashi ku marag furto la sii dayn doono laakin siciido waa ku gacan seertay taas, ilhaan guriga ay kusoo kortay maadaama lala wareegay ayay xabsiga ku booqatay aabaheed una sheegtay xaalka, wuxuuna ku yiri aniga waxaan doonayay in aad la wareegto shaqadeena laakin mar walba waad iga diidi jirtay hadda oday xanuunsan ayaan ahay, xabsina waan ku jiraa ee adiga ayaa aqoon leh ee xali xaaladdan culus.
Ilhaan aabaheed caay iyo eedayn intey  kala dul dhacday ayey ka tagtay, waxay aqbashay codsiga Mahad ee guurka ahaa si ugu yaraan aan guriga looga saarin.
Siciido oo ahayd hooyada qoyska dhibaatadan oo dhanna qayb ku leh maadaama ay iyada reer muuse meesha soo galisay ayaa go’aansatay in isaga baxdo nolosha boqortooyada Xaashi maadaama ay wax badan ku wayday wiilkeeda daahir iyo odaygeeda oo xanuunsan, hantidii dhamayd lala wareegay.
Dr Qaasin waa dhaqtarkii cusbaa ee xaashi samaystay kadib dhimashadii dhaqtaraddiisa hore,  wuxuu ahaa dhaqtar wanaagsan balse waxaa jirtay xiriir hoose oo kala dhaxeeyay xaaska xaashi ee Siciido.
Siciido farxad kuma aysan haysan xaashi waligeed, caruur waa u dhashay xaasna waa u ahayd laakin howlaheeda hoose ayey wadatay oo Dr Qaasim ayey jeclayd, dr qaasim dibadda ayuu ku maqnaa jiray balse waayadan dambe wuu soo gurya noqday, waa dhaqtar wanaagsan iskumana qaso shaqadiisa iyo damiciisa.
Wuu ogaa in ay qalad tahay in ninka ugu awooda badan naagtiisa uu xiriir hoose la samaysto, laakin hadana wuxuu dhanka kale ahaa dhaqtar u daacad ah shaqadiisa, baqdin uu ka qabo xaashina in uu caafimaadka xaashi qatar u galsha ma doonayn.
La soco 18 aad
Qore : Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN